Yaa ilaaliya maraakiibta Gacanka iyo Badda Cas?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tan iyo markii ay Iiraan ay la wareegtay maamulitaanka Marinka Hormuz, taas oo ahayd tallaabo aargoosi ah oo ay uga jawaabtay weerarro ay Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen 28-ka Febraayo sanadkaan, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa dhaq-dhaqaaqyo amni ka bilaabay badda si loo ilaaliyo ganacsiga caalamiga ah ee mara marinkaas muhiimka ah, halkaas oo 20% saliidda adduunka ay ku safarto.
Ingiriiska iyo Faransiiska oo ay la socdaan 24 dal oo kale ayaa dhowaan ku dhawaaqay taageeradooda ku aadan in ay bilaabayaan hawlgal militari oo caalami ah oo ah Marinka Hormuz, si loo dejiyo xiisadda Marinka Hormuz, loona fuliyo si waafaqsan sharciga caalamiga ah marka xaaladaha ku habboon la helo.
Dalalkaas 26-ka ah ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ingiriiska ku sheegayn in ay taageerayaan hawlgalkaas oo ujeeddadiisu tahay ilaalinta badqabka maraakiibta ganacsiga iyo fulinta hawlgallo lagu baabi'inayo miinooyinka biyaha hoostooda ku jira.
Muxuu yahay isbahaysiga milatari ee ugu waaweyn ee hadda ilaaliya gaadiidka badda ee Bariga Dhexe?
Isbahaysiga Task Force 153
Isbahaysiga Task Force 153 oo ay hadda ay hoggaamiso Masar, waxaa la aasaasay 17 Abriil 2022, waxa uu ahaa mid kamid ah shan ciidan oo isku bahaystay ilaalinyta amniga badda, kadib markii dagaalyahannada xuutiyiinta Yaman ay duqeymo la beegsadeyn maraakiib ku safrayey badda.
Ciidankaan ayaa ilaaliya amniga gaadiidka ku safra Badda Carabta, Bab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana waxa ay ka hortagaan falalka sharci darrada ah sida tahriibka iyo budhcad-badeedda.
Dalalka ka qaybqaata hawl-galladaan ee ku mideysan isbahaysigaan waxaa kamid aha Mareykanka, Faransiiska, Masar, Talyaaniga, iyo Australia.
Hawl-gal ay hogaamineesay Australia ayaa sidoo kale adeegsaday afar markab oo aan cidi wadin intii u dhexeysay Febraayo iyo Abriil 2026, kuwaas oo ilaalinayay dhul badeed gaaraya 219,000 km².
Hawl-galka Aspid
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waa hawlgal badeed oo Midowga Yurub ka hirgeliyey Badda Cas, waxaa la bilaabay Febraayo 2024 si difaac ahaan looga jawaabo weerarrada joogtada ah ee ay Xuutiyiintu ku hayeeen maraakiibta caalamiga ah tan iyo Oktoobar 2023, isaga oo dib loo cusboonaysiiyo sanad kasta.
Weli waxaa socdaa wada hadallada ay midowga Yurub kaga tashanayaan howlgalka, si loo ballaariyo oo loo gaarsiiyo Marinka Hormuz.
Waxaa uu qaataa door muhiim ah oo ah Ilaalinta maraakiibta iyo xaqiijinta xorriyadda socodka ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Badda Carabta, Badda Cumaan, Gacanka iyo waqooyi-galbeed Badweynta Hindiya.
Hawl-galkaan xaruntiisu waa Gariiga, waxaana ka qeyb-qaata Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Belgium
Bishii Ogosto 2024, markab shidaal oo laga leeyahay Giriigga oo la oran jiray MV Sounion, kaas oo siday 150,000 tan oo saliid cayriin ah ayaa weerar lagu qaaday Koonfurta Badda Cas. Hawlgalka ASPIDES ayaa markaas diray markab gurmad ah, taas oo keentay in dhammaan shaqaalihiina la badbaadiyo.
Hawl-galka isku dhafan ee Sentinel
Hawl-galka isku dhafan ee Sentinel waxaa la aasaasay 9 Luulyo 2019, markii uu Guddoomiyihii Markaas ee Taliyeyaasha Ciidamada Mareykanka, General Joseph Dunford, ku dhawaaqay "Isbahaysiga Amniga Badda Caalamiga ah" si looga jawaabo khataraha sii kordhaya ee maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha Bariga Dhexe.
Doorka:
Maraakiib dagaal oo waaweyn ayaa kormeera dekedaha muhiimka ah, iyada oo kuwa yaryar ay ilaaliyaan waddooyinka badda, halka goobaha halista badan ay kormeeraan diyaarado.
Aagga ay ka hawl-galaan waa Marinka Hormuz, Bab al-Mandeb, Badda Cumaan iyo Gacanka Faaris
Xarunta hawl-galkaan waa Baxreyn, dalal ahaan waxaa ka qeyb-qaata Albania, Baxreyn, Estonia, Lithuania, Romania, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka
Hawl-galka Atlanta
Hawl-galkaan waxaa bilaabay Midowga Yurub dhammaadkii 2008 si loola dagaallamo budhcad-badeedda iyo dhaca hubeysan ee xeebaha Soomaaliya. Hawlgalka waxaa la kordhiyay ilaa Febraayo 2027, isagoo hadda gaarsiisan Gacanka Cadmeed, Badda Cas, Gacanka Suez iyo Gacanka Aqaba.
Shaqada hawl-galkaan ayaa ah Ilaalinta maraakiibta Hay'adda Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), ka hortagga budhcad-badeedda iyo weerarrada badda iyo caawinta maraakiibta ku jira xaalad degdeg ah
Maraakiibta Midowga Yurub waxay roondo ka sameeyaan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, waxayna caawiyaan maraakiibta la kulma weerarada ka dhaca badda gudaheeda.
Xarunta laga maamulo hawl-galkaan waxa ay ku taallaa Spain iyo Faransiiska, waxaana kamid ah waddamada ka qeyb-qaata Norway, Ukraine, New Zealand, Serbiya, iyo Montenegro
29-kii Noofambar, hawlgalka Atalanta wuxuu sheegay in ciidamadoodu si guul leh u caawiyeen markab Yaman laga leeyahay oo cilad farsamo oo halis ah ku timid kuna lumay biyaha bariga Gacanka Cadmeed.













