Qaar ka mid ah hoggaamiyaaasha NATO oo Turkiga kaga tegay bistooladihii hadiyadda loo siiyay

Edogan oo madaxtii NATO u qebiyay bistoolado

Xigashada Sawirka, Lithuanian Presidential Office/Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweyne dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hoggaamiyeyaasha NATO ee dalkiisa isugu yimid guddoonsiiyay bastoolad si gaar ah loo soo saaray oo lagu magacaabo "Gumusay".

Bistooladaha uu siiyay madaxda NATO oo la sheegay in ay yihiin kuwo gudaha Turkiga lagu sameeyay isla markaana mid kasta lagu xardhay magaca hoggaamiyaha la siiyay, ayaa lagu riday sanduuq gaar ah, waxaana kula jiray rasaasta bistooladaha.

Erdogan ayaa sidoo kale qaaday xayiraadihii dhoofinta ee saarnaa bistooladaha uu hadiyada u siiyay madaxdii shirka NATO isugu timid.

Maadaama bistooladuhu ay ahaayeen kuwo si buuxda u shaqaynaya, waxaa loo baahday in la maro habraacyo gaar ah oo waafaqsan sharciyada amni ee dalalka ay ka yimaadeen hoggaamiyayaasha. Sidaas darteed, inta badan hoggaamiyeyaashii la siiyay hadiyadda ayaa bistooladahooda uga tagay Turkiga si loo dhammeystiro habraacyada lagama maarmaanka ah marka dal laga bixinayo hubka.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Netherlands NOS, xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, ayaa sheegay in uu Turkiga "uga mahadcelinayo hadiyadda," balse uusan aqbali karin hubka.

Raysalwasaaraha Netherlands Rob Jetten, oo raacaya hab-maamuuska diblomaasiyadda, si rasmi ah uma diidin hadiyadda. Hase yeeshee, sababo la xiriira sharciyada adag ee dalkiisa ayuu u qaadan waayay bistooladda si uu dalkiisa ugu laabto. Hubka waxaa lagu reebay Safaaradda Netharlands ee Ankara.

Madaxweynaha Lithuania ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii tirada yar ee sawir ka wadaagay bistooladda, isaga oo sheegay in lagu soo bandhigi doono qasriga madaxtooyada.

Xafiiska madaxweynaha Lithuanian ayaa sawir ka qaaday bistooladii la siiyay

Xigashada Sawirka, Lithuanian Presidential Office/Reuters

Kaarka la socday hadiyadaha uu Erdogan siiyay madaxda NATO, wuxuu ku qoray ereyadan "Salaan diirran oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga."

Wariyaha BBC Chris Mason, oo ka soo waramayay booqashadii Rayasalwasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa sidoo kale sheegay in bistooladdii hadiyadda ahayd ay la socotay rasaas, sidaa darteed waa sharci-darro in hub iyo rasaas nool la soo geliyo UK.

Waxaa la ogaaday in nidaamka rasaasta lagu rido ee bistooladda la naafoyn doono ka hor inta aan loo soo qaadin England. Taas oo macnaheedu yahay in bistooladda aysan mar dambe ridi karin rasaas nool.

Raysalwasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa bistooladdii la siiyay ku wareejiyay booliiska si looga dhigo mid aan la adeegsan karin. Markii dambe waxaa la sheegay in loo dooran doono "meel ku habboon," oo laga yaabo in ay noqoto matxaf. Rasaastii la socotayse waxaa looga tagay Turkiga.

Waxay ogaadeen markii ay ku noqdeen Biljamka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ra'iisul Wasaaraha Belgium, Bart De Wever, iyo wafdigii la socday ma aysan furin baakadka hadiyadda diblomaasiyadeed ee uu madaxweyne Erdogan ku guddoonsiiyay Ankara. Hadiyadda, oo ay la socdeen dukumeentiyada la xiriira in laga dhaafay baaritaanka, ayaa si toos ah loogu raray diyaaradda.

Markii ay ka degeen saldhigga ciidamada cirka Melsbroek ee Belgium, Raysalwasaaraha iyo kooxdiisu waxay fureen baakadka, waxayna ogaadeen in ay ku jirto bistoolad iyo rasaas nool.

Sababo la xiriira habraacyada adag ee Biljamka ee ku saabsan soo dejinta hubka iyo rasaasta, De Wever ma uusan qaadan hubka si shaqsi ah. Bistooladda iyo rasaastii la socotay waxaa lagu wareejiyay booliiska markii ay gaareen garoonka diyaaradaha.

Afhayeenka raysalwasaaraha Spain, Pedro Sanchez, wuxuu sheegay in dhammaan hoggaamiyayaasha la siiyay bistoolado isku nooc ah kuwaas oo lagu qoray magacyadooda.

Madaxweyne Erdogan ayaa doonayay in uu soo bandhigo, una arkaan madaxda halkaas isugu timid qalabka difaaca Turkiga oo muhiim u ah waxybaaha Turkiga dibadda u dhoofiyo iyo siyaasadda arrimaha dibadda.