Sawirro: Burburka iyo murugada Beyruud qaraxa ka dib

The aftermath of the blast at the site
Qoraalka sawirka, Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa gebi ahaanba baaba'day.
Published

Beyruut, caasimadda lubnaan, ayaa wada saameyay qarax aad u weyn kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof. Wuxuuna sababay dhaawaca kumannaan qof oo daafaha magaalada ku kala faafsan.

Waxaa jiro warar sheegaya in qaraxa laga dareeyay meelo boqollaal kilo-mitir u jira ee illaa Qubrus.

Saraakiisha waxay sheegeen in qaraxa uu ka dhashay kumannaan tan oo ah kiimikada ammonium nitrate, oo muddo lix sano ah ku keydsanayd baqaar ku yaalla dekadda.

Ma cadda waxa sababay in kiimikadaas ay qaraxa sameyso.

A street left entirely destroyed by the blast
Qoraalka sawirka, magaalada oo dhan waa gilgilay qaraxa.
Men ride a motorcycle past a damaged building
Qoraalka sawirka, Wuxuu qaraxa burburiyay guryo iyo xarumo ganacsi oo badan
Damaged vehicles and buildings are seen near the site of Tuesday's blast
Qoraalka sawirka, Dhismeyaasha waxaa wada saameeyay qaraxa
A soldier walks through the streets of Beirut
Qoraalka sawirka, Qaraxa wuxuu dhacay xilli ay Lubnaan la dhibateysan tahay dhaqaale xumo iyo cudurka coronavirus.
Staff move a gurney in a damaged hospital
Qoraalka sawirka, Sida la sheegay, isbitaallada waxaa buux-dhaafiyay dhaawaca.
A man carries away an injured girl in Beirut
Qoraalka sawirka, Nin xambaarsan gabar qaraxa ku dhaawacantay.
A migrant worker reacts in shock following an explosion at the Beirut Port
Qoraalka sawirka, Jidadka magaalada waxaa ka jiray jahwareer iyo argagax, waxyar ka dib markii qaraxa uu dhacay.

Sawirrada oo dhan waxay leeyihiin xuquuq lahaansho.