Gabdho isdhuubid lagu qasbay oo magdhaw la siiyay

Xigashada Sawirka, AFP
Maxkamad ku taala Ruushka ayaa xukuntay in shirkadda diyaaradaha ee Aeroflot aysan shaqaalaheeda u yeerin karin cabirka dharka ay xiranayaan. ama aysn ku qasbi karin in ay wada dhex yaraadaan.
Maxkamaddu waxay la safatay labo gabdhood oo diyaaradaha ka adeega oo shirkadda ku dacweeyay in la faquuqay.
Waxaa laga soo wareejiyay duulimaadyo ay faa'iidooyin badan ku qabeen iyaga oo eersaday cabirka dhexdooda.
Shirkadda Aeroflot ayaa shaqaalaha diyaaradahooda ka adeega ku amray in aysan xiran karin dharka shaqada oo cabirkoodu wayn yahay.
Laakiin maxkamaddu ma aysan si cad u xukumin in shuruudaha shirkadda Aeroflot uu faquuq ahaa.
Taa badalkeedana waxay gabdhaha siiyeen lacag yar oo magdhaw ah, taas oo lagu jaangooyay mushahaarkii laga dhimay iyo xoogaa kale oo lagu siiyay dhibaatada kale ee arrintaas ka soo gaartay.
Shirkadda Aeroflot waxay sheegtay in ay si wanaagsan u darsi doonto go'aanka maxkamadda ka hor inta aysan badalin shuruucdeeda shaqada.
Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa wakaaladda wararka Tass ee Ruushka u sheegay in ay ku qanceen in maxkamaddu aysan arag faquuqa ay gabdhuhu sheegteen.
Irina Ierusalimskaya oo ah mid ka mid ah gabdhihii dacwada geeyay maxkamadda ayaa xukunka ka dib saxafiyiinta u sheegtay in cabirka jirkeedu uusan wax xiriir ah la lahayn hawlkarnimadeeda.











