Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay 'go'doomin dhanka badda ah' oo lagu soo rogay Sacuudi Carabiya

Xuutiyiinta

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Xuutiyiintu waxay sheegeen in xayiraaddu ay ahayd jawaab-celin ku socotay go'doomin ay Sacuudigu saareen dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee Yemen.
    • Author, David Gritten
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay in ay "cunaqabatayn dhinaca badda ah" oo ka dhan ah Sacuudi Careebiya ku soo rogeen marin-biyoodka Baabul Mandab ee koonfurta Badda Cas.

Afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta ayaa sheegay in tillaabadan oo looga jawaabayo xayiraadda Sacuudigu muddaba ku hayey dekedaha iyo garoomada Yeman ay si degdeg ah u dhaqangaleyso.

Afhayeenka militariga ee kooxda ay Iiraan taageerto ayaa sheegay in tallaabadan ay si degdeg ah u dhaqan geli doonto, isla markaana ay jawaab u tahay xannibaadda ay Sacuudigu saareen dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee waqooyi-galbeed Yemen oo ay Xuutiyiintu maamulaan.

Faahfaahin badan kama uusan bixin cunaqabataynta, hase yeeshee mas'uul ka tirsan warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegay inay xirayaan marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah albaabka koonfureed ee Badda Cas, ayna ka horjoogsanayaan maraakiibta Sacuudigu in ay maraan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo ka jawaabtay eedeynta iyo uga timid Yeman, ayaa cambaaraysay hanjabaadda Xuutiyiinta, waxayna wacad ku martay in dalku "qaadi doono dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalinta maraakiibtiisa, si waafaqsan sharciga caalamiga ah."

Badda Cas ayaa noqotay marin aad muhiim ugu ah dhoofinta shidaalka Sacuudiga intii uu socday dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa'iil iyo Iiraan, kaas oo sababay in marin-biyoodka Hormuz u xirmo.

Arrintan ayaa timid toddobaad uun kadib markii ay soo labo-kacleysay colaadda u dhexeysa Xuutiyiinta iyo Sacuudiga oo hurudey tan iyo markii xabbad-joojin aan rasmi ahayn ay dhaqan gashay sannadkii 2022.

Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay gantaallo ku weerareen garoonka diyaaradaha ee Abha ee koonfur-galbeed Sacuudiga, iyagoo uga jawaabaya duqeymo sida ay sheegeen Sacuudigu ku qaaday garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sanca. Hayeeshee weeraradaas waxaa sheegtay dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero, taas oo ku andacootay in ay uga hortageysey diyaarad Iiraan leedahay oo oggolaansho la'aan halkaas ku degaysey.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Yemen waxaa halakeeyay dagaal sokeeye oo billowday sannadkii 2014, markii Xuutiyiintu ay dowladda ka saareen magaalada Sanca. Colaadda ayaa sii xoogaysatay sannadkii 2015 markii isbahaysi dalal Carbeed ah oo uu hoggaaminayo Sacuudigu uu farageliyay si uu dib ugu soo celiyo dowladda talada.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada in ka badan 150,000 oo qof, isla markaana uu horseeday mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu daran dunida, iyadoo in ka badan 22 milyan oo qof ay u baahan yihiin nooc ka mid ah gargaar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Isniintii, afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yaxya Sariic, ayaa sheegay in Sacuudigu uu shacabka Yemen ku hayo "go'doomin sida uu sheegay dulmi iyo cadaadis ku dhisan" muddo ku dhow 12 sano, isagoo sidoo kale ku eedeeyay in uu bililiqeystay khayraadka dalka islamarkaana uu dekedaha iyo garoomada diyaaradaha Yeman saaray go'doomin dhinacyada dhulka, badda iyo hawada ah.

Kadib wuxuu ku dhawaaqay in kooxdu ay go'aansatay inay ku jawaabto iyadoo ku dhawaaqaysa "cunaqabatayn dhinaca badda ah oo ka dhan ah cadowga dembiilaha ah ee Sacuudiga", taas oo uu ku sheegay in ay ku salaysan tahay mabda'a ah "il la rido il baa loo ridaa."

"Wixii tallaabo nacasnimo ah ee uu qaado cadowga taxaddar la'aanta ah ee Sacuudigu si uu colaadda u sii kordhiyo, waxaa lagu jawaabi doonaa koror dagaal oo ballaaran oo go'aan leh," ayuu intaas ku daray.

Sariic ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cunaqabataynta, balse ku-xigeenka madaxa xafiiska warbaahinta Xuutiyiinta, Nasruddin Amer, ayaa bartiisa X ku qoray in ciidamada kooxdu ay "xirayaan Bab al-Mandab oo ay ka mamnuucayaan maraakiibta cadowga Sacuudiga."

Xuutiyiinta

Marin-biyoodka Bab al-Mandab waa marin biyo ah oo ballaciisu yahay 32 kiiloomitir (20 mayl), kana dhexeeya koonfur-galbeed Yemen iyo Geeska Afrika. Waxa uu isku xiraa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, taas oo iyaduna ku xiran Badda Dhexe iyada oo loo sii maro Kanaalka Suweys.

Wax yar kadib markii uu billowday dagaalkii Gaza bishii Oktoobar 2023, Xuutiyiintu waxay bilaabeen inay gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn iyo doomo yaryar ku weeraraan maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo sheegay in ay taageerayaan Falastiiniyiinta.

Afar markab ayaa la quusiyay, sagaal xubnood oo shaqaalaha maraakiibta ah ayaa la dilay, waxaana gaadiidkii ganacsiga ee mara jiray Bab al-Mandab uu gaaray heerkii ugu hooseeyay taariikhda, maadaama shirkadaha maraakiibtu ay maraakiibtooda u weeciyeen hareeraha koonfurta Afrika.

Inkasta oo Xuutiyiintu ay hakiyeen weeraradooda kadib heshiiskii xabbad-joojinta Gaza bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, haddana tirada maraakiibta sii marta marin-biyoodkan wali kuma soo noqon heerarkii hore, sida ay muujinayaan xogaha Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

Iyadoo laga jawaabayo xaaladda ka taagan marin-biyoodka Hormuz, Sacuudigu wuxuu u weeciyay in ka badan 70% dhoofintiisa shidaalka ceeriin dekedda Yanbu ee Badda Cas.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa halkaas laga dhoofiyay qiyaastii 4 milyan oo foosto maalintii, marka loo barbar dhigo ku dhowaad 973,000 foosto maalintii isla muddadaas sannad ka hor, sida ay muujinayaan xogaha shirkadaha Kpler iyo Signal Ocean.

Wadarta shidaalka mara Bab al-Mandab ayaa sidoo kale kor u kacday oo gaartay 7.4 milyan oo foosto maalintii bishii Juun, taas oo u dhiganta qiyaastii 7% wax-soo-saarka shidaalka adduunka.

Mohammed Albasha, oo ka tirsan shirkadda Maraykanka ee la-talinta khataraha Basha Report, ayaa sheegay inaan weli caddayn in Xuutiyiintu ay bilaabi doonaan inay bartilmaameedsadaan maraakiibta ku wajahan Sacuudiga.

"Weli haddii aan hal markab la weerarin, ku dhawaaqista keliya waxay u badan tahay inay carqalad ku keento isu socodka maraakiibta isla markaana ay abuuri doonto hubanti la'aan ku saabsan dekedaha Sacuudiga. Su'aasha ugu muhiimsan waxay tahay in Xuutiyiintu ay hanjabaaddooda u beddeli doonaan ficil toos ah iyo in kale," ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.