walaalka yar ee Lamine Yamal ee indhaha caalamka soo jiitay iyo dabaaldagii uu xalay sameeyay

Kenye iyo Yamal

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Inkastoo ciyaaryahanka reer Spain ee Lamine Yamal uu qaaday Koobka Adduunka, haddana walaalkiis yar ee Kenye ayaa u muuqda inuu soo jiitay dareenka dadweynaha.

Wiilkan saddex-jirka ah ayaa si degdeg ah caan uga noqday internet-ka ka dib markii muuqaallo laga duubay isagoo si xamaasad leh u dabaaldegaya guushii 1-0 ahayd ee Spain ay ka gaartay ciyaartii Argentina ay Axaddii ku faafeen baraha bulshada.

Iyadoo Yamal, oo isaguna 19 jir ah, uu sii waday guulihiisa isagoo ka caawinaya Spain inay ku guuleysato abaalmarinta ugu weyn kubadda cagta, ayaa dareenka dadku si degdeg ah ugu wareegay falcelinta farxadda leh ee walaalkiis yar oo garoonka dhinaciisa ka daawanayay ciyaarta.

Kenye

Xigashada Sawirka, Maja Hitij - FIFA / Getty Images

Laga soo bilaabo inuu carrabka soo saaro isagoo shaashadda weyn ka muuqda ilaa uu si xooggan u dhiirrigeliyo walaalkiis ka weyn, Kenye waxaa taageerayaashu ku tilmaameen mid ka mid ah xiddigaha aan la filayn ee sida lama-filaanka ah u soo shaac-baxay tartankii 2026-ka.

Spain ayaa guul ka gaartay tartan adag oo u baahday dulqaad iyo adkaysi, iyadoo Argentina kaga badisay gool la dhaliyay daqiiqaddii 106-aad ee ciyaarta oo ka dhacday garoonka New York New ee Jersey Stadium.

Guushan oo ahayd tii labaad ee kooxdu ku guuleysato Koobka Adduunka ayaa ka dhigtay Yamal ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee abid ku guuleysta labadaba Koobka Qaramada Yurub iyo Koobka Adduunka.

Yamal iyo Kenye

Xigashada Sawirka, Florencia Tan Jun - UEFA / Getty Images

Walaalkiis yar ee Kenye ayaa noqday qof si joogto ah uga dhex muuqda garoonka dhexdiisa iyo dibaddiisaba - isagoo inta badan ka soo muuqda muuqaallada TikTok-ga ee Yamal, isla markaana soo jiita taageerayaasha daafaha dunida.

Wiilkan saddex-jirka ah, oo u muuqda mid doonaya inuu raaco wadadii walaalkiis ka weyn, ayaa ah wiilka ay dhashay hooyada Yamal ee Sheila Ebana.

Isagoo ka hadlaya Kenye, Yamal ayaa horey ugu sheegay warbaahinta: "Waa wax qalbigayga taabanaya markaan arko walaalkay yar oo sidaas u faraxsan, iyo sidoo kale markaan arko hooyaday iyo asxaabteyda oo ku nool noloshii ay mar walba ku riyoon jireen."

"Walaalkayga yar ayaa ii ah wax walba. Aad baan u jeclahay; waxaana dareemayaa inuu wiilkaygii yahay."

Waxaa loo arki karaa inay tahay xil wareejin calaamad u ah xilka ama hoggaanka ciyaaraha, iyadoo Yamal uu markii ugu horreysay waji-ka-waji ula ciyaaray halyeeyga kubadda cagta ee Argentina, Lionel Messi, intii lagu jiray ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka.

Labada nin ayaa kulmay sannado ka hor, sanadkii 2007-dii, xilligaas oo Messi jiray 20 sano, iyada oo la arkay Messi oo gacanta ku haya will yar una qubaynaya, wiilkaa oo ahaa (Yamal), ka dib markii hooyadiis ay ku guulaysatay tartan ay kula kulmayso ciyaaryahan ka tirsan kooxda koowaad ee Barcelona.

Yamal iyo Kenye

Xigashada Sawirka, CHARLY TRIBALLEAU / Getty Images

Maalmo ka hor ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Axadda, Messi - oo hadda jira 39 sano - ayaa ku tilmaamay Yamal inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan xilligan.

"Waa ciyaaryahan aad u wanaagsan - waa xiddig caalami ah. Wuxuu jiraa 19 sano, mustaqbalkiisa ciyaaraha ayaa weli horyaalla. Waxaan u rajeynayaa wanaag, balse waxaan sameyn doonnaa dadaalkeenna oo dhan si aan u hubinno inuusan markan noqon horyaalka," ayuu raaciyay.

Markii la yeeriyay seeriga dhammaadka ciyaarta, taas oo xaqiijisay guusha Spain, ayaa labada nin lagu arkay iyagoo laabta is galinaya garoonka dhexdiisa.

Kenye iyo Yamal

Xigashada Sawirka, Reuters

Waa kuma Lamine Yamal, waase kee walaalkiis ka yar?

Lamine Yamal wuxuu jiraa 19 sano oo keliya, haddana dadka qaar waxay u arkaan mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, balse wuxuu sidoo kale yahay walaal weyn.

Ciyaartoygan caanka ah, oo u matalaya Spain Koobka Adduunka, ayaa waxaa taageeraya dad badan inta lagu guda jiro tartanka, balse waxaa laga yaabaa inuu sidaas caan ugu sii yahay taageerada uu ka helayo walaalkiis yar oo la yiraahdo Keyne.

Keyne, oo saddex jir ah, ayaa noqday xiddig baraha bulshada caan ka noqday, isagoo si weyn ugu faafay baraha bulshada ka dib markii uu ka soo muuqday muuqaallada TikTok-ga ee Yamal, isla markaana uu ku dhiirrigelinayay ciyaaraha Koobka Adduunka.

Badanaa waxaa lagu arkaa isagoo qoob-ka-ciyaaraya, dadka ku biiraya dhiirrigelinta, ama xitaa carrabkiisa soo saaraya.