Shan arrimoood oo aad sameyn karto si aad u ilaaliso caafimaadka beerkaaga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maanta oo kale, 28 Luuyo sanad kasta waxaa caalamka laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga, maalintaan ayaa loogu talagalay in bulshooyinka looga wacyigeliyo halista cudurka cagaarshowga, kaas oo ah caabuq ku dhaca beerka, isla markaana sababi kara cudurro halis ah oo beerka ku dhaca iyo kansarka beerka.
Sida ku xusan bogga hay'adda caafimaadka adduunka maalintan waxaa loo asteeyey in lagu maamuuso dhalashada Dr. Baruch Blumberg oo ku guulaystay Abaalmarinta Nobel-ka, kana mid ahaa saynisyahannadii daaha ka qaaday fayraska cagaarshowga nooca B-ga. Sidoo kale, waxa uu hindisay habka lagu ogaado cudurka iyo tallaalka lagaga hortago fayraskan.
Dr Cusmaan Dufle oo aan ka wareysannay xanuunka iyo halista uu leeyahay ayaa sheegay in cudurkaan uu yahay mid ku dhaca beerka oo ay keenaan feyrusyo kala duwan, kuwaas beerka u geysta dhaawac iyo bur-bur ku yimaada unugyadiisa, mar uu khatarta uu leeyahay ka hadlayey ayuu yiri Dr. Dufle "noocyadiisu waa A B C D iyo E, waxaana ugu khatar badan B C iyo xitaa A-ga".
Dhanka kale, astaamaha uu qofka isku arki karo ayey dhaqaatiirto ku sheegaan in ay jiraan kuwo isku mid ah, balse ay kala duwanaan karaan noocyada cudurka. Dr. Dufle oo ka hadlayey astaamaha ayaa Soomaalida aadka u yaqanaan ayaa yiri: "astaamaha ay Soomaalidu aadka u taqaan kuna baraarugaan waa midda qofka indhaha cagaartaan, taas oo ah caalamadda kasoo muuqato qofka marka uu gaaro meel halis ah".
Maxay yihiin tallaabooyinka uu qofku sameyn karo si uu ilaaliyo caafimaadka beerkiisa

Xigashada Sawirka, DR. KAMAL
Dhaqaatiirtu waxa ay sheegaan in Cagaarshowgu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso oo dad badan ay ku nooloyihiin sida xeryaha qaxootiga IWM, Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacmaha ka dib marka la cuno cunto, khudrad, miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.
Dhanka kale, Dr. Cabdixakiin Kamaal Xuseen oo kamid ah dhaqaatiirta Muqdisho ka howl-gala aan oo aan BBC Somali u warramaya ayaa sheegay in Soomaalidu uu kusoo badanayo cudurkaan, ayna sabab u tahay cuntooyinka iyo qeybo kamid ah dawooyinka oo loo qaato si xad dhaaf ah.
Hadaba shanta qodob ee ugu muhiimsan ee uu qofka ku ilaalin karo caafimaadka beerkiisa.
1. Cunto iyo biyo nadiif ah
Dr. Kamaal ayaa sheegay in ay tahay in qofka uu ka taxaddaro cuntada iyo biyaha uu qaadanayo, meesha lagu sameeyanyo ama lagu karinayo iyo sida oo kale waa inuu iska hubiyo cuntada nooca uu cunayo, caafimaadkeeda iyo halka ay ka timid. "Waa inuu qofka iska hubiyaa qofka jikada u galaya ee cuntada u karinaya qof noocee ah weeye, maqaayadda aad wax ka cuneysid, sababta oo ah cudurradaan waxa ay ku gudbaan cuntada wasaqeysan".
2. Cunto xumo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qodobbada koowaad iyo labaad ayuu sheegay Dr. Kamaal in ay kala duwan yihiin, cunto xumada ayuu ku sharraxay in ay tahay qofka oo cuntadiisa isku dheeli tirneyn ama int badan cuna cuntooyin aan caafimaad ahaan wanaagsaneyn.
Sida uu tilmaamayo Dr. Kamaal Soomaalidu waxa kusoo batay waayadii dambe xanuunka loo yaqaanno beer-subagga kaas oo ah in xeer ama dufan faro badan ay ku sameysanto beerka dushiisa, "waxaad arkaysaaa in lagu yiraahdo qofkaan beerka ayay caddiin ka fuushay, waxaa keenaayo arrintaas waa cunto xumo, qofka cuntada intii uu u baahnaa in ka badan ayuu cunayaa, jirkiisa waxaa soo galaya Koloris badan, cuntada warshadeysanna qofka kama dhargayo waxa uu u cuni karaa tan badan", ayuu yiri Dr. Kamaal.
Qaadashada tallaalka feyrusyada ku dhaca beerka
Qofka waa inuu qaata tallaalada ka hortagga u ah feyrusyada qaar sida Cagaarshowga B iyo A, waxa uu ka hortagi karaa tallaalka in feyruska uu jirkaaga soo galo. Balse tallaalka ma qaadan karaan dadka cudurka laga helay.
Dr. Kamaal ayaa sheegay marka laga yimaado in uu qofka cuntada iska hagaajiyo ay tahay inuu qaato tallaalka xanuunka ka hor inta uusan cudurka ku dhicin.
4. Hubinta dawooyinka la qaato ee uusan dhaqtar qorin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iska ilaalinta dawooyinka aan la hubin halka ay ka yimaadeyn iyo xaddiga ku jira dawada, dadka qaar waxa ay qaataan dawooyin ay cunto u arkaan dawo, balse adduunka ay cunto ahaan u yaqaannaan, waana kaalmaati isticmaalkooda maaha kuwo la ammaanay, inta badan waxa ay keenaan dhibaato ku timaado beerka, kuwaas oo sababa in beerka ay shaqada ku badato.
Dawooyinkaas ayuu ku sheegay Dr. Kamaal, dawoidhireedka, dawooyinka xanuun baab'iyaha ah, kuwa kaalmatiga ah, kuwaas oo Soomaalidu int badan ay ka isticmaalaan xaddii ka badan intii loogu talo galay.
5. Baaritaan caafimaad oo joogto ah inaad sameyso

Xigashada Sawirka, Science Photo Library
"Beerku waa xubin dulqaad badna oo la dareemeynin marka uu caabuq ku jiro, gudahana kuma laha xubninihii xanuunka lagu dareemayey, marka cabuqa waxaa laga yabaa in 20 iyo ka badan uu beerka xanuunka qarsan karo oo hore looguma baraarugo, taas oo keenta in kaligiis isku dayayo inuu isdabiibo illaa uu doorsoomo ama uu iska beddelo sidii uu ahaa, kadibna uu madoobaado ama uu bararo", ayuu yiri Dr. Kamaal.
Wuxuu intaas ku daray in ay tahay qofka uu sameeyo baaritaanno uu kula soconaayo caafimaadkiisa gaar ahaan kan beerka, qodobkaan ayuu dhaqtarka ku sheegay inuu yahay mid ku haboon in uu qof kasta sameeyo.














