Sawirro: Maalinta Doorashada 2016 ee Maraykanka

Codbixiyeyaal saf dheer ugu jira inay codkooda ka dhiibtaan Scottsdale, Arizona
Qoraalka sawirka, In ka badan 100 malyan oo Maraykan ah ayaa u codaynaya madaxweynaha soo socda, ayadoo gobollada qaar ay dadku safaf dhaadheer ku jireen
Published
Hillary Clinton oo gacan qaadaysa taageeraaysheeda ayadoo uu la socdo odaygeeda, madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, ka dib markii ay codkeeda ka dhiibatay Chappaqua, New York.
Qoraalka sawirka, Hillary Clinton oo gacan qaadaysa taageeraaysheeda ayadoo uu la socdo odaygeeda, madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, ka dib markii ay codkeeda ka dhiibatay Chappaqua, New York.
Hillary Clinton oo gacan qaadaysa taageeraaysheeda ayadoo uu la socdo odaygeeda, madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, ka dib markii ay codkeeda ka dhiibatay Chappaqua, New York.
Qoraalka sawirka, Hillary Clinton oo gacan qaadaysa taageeraaysheeda ayadoo uu la socdo odaygeeda, madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, ka dib markii ay codkeeda ka dhiibatay Chappaqua, New York.
Magaalada Los Angeles, waxay gabadhan yar si samir leh u sugaysaa hooyadeed oo cod dhiibanaysa.
Qoraalka sawirka, Magaalada Los Angeles, waxay gabadhan yar si samir leh u sugaysaa hooyadeed oo cod dhiibanaysa.
Fabio Alvarado, 91, markiisii horena ka yimid El Salvador ayaa loo dhaariyey muwaadinnimada Maraykanka maalintii ay doorashadu dhacaysay. Isaga iyo xaaskiisa Marta, 80, waxay yimaadeen diiwaan hayaha Norwalk, California si ay u codeeyaan.
Qoraalka sawirka, Fabio Alvarado, 91, markiisii horena ka yimid El Salvador ayaa loo dhaariyey muwaadinnimada Maraykanka maalintii ay doorashadu dhacaysay. Isaga iyo xaaskiisa Marta, 80, waxay yimaadeen diiwaan hayaha Norwalk, California si ay u codeeyaan.
Arday cusub oo ku soo biiray jaamacadda Penn State University ayaa ku rajo weyn inuu inta kale ku qanciyo inay Trump u codeeyaan.
Qoraalka sawirka, Arday cusub oo ku soo biiray jaamacadda Penn State University ayaa ku rajo weyn inuu inta kale ku qanciyo inay Trump u codeeyaan.
Jorge Mendez oo deggan Glendale, Arizona ayaa isku ekaysiiyey Hillary Clinton si uu taageeradiisa u muujiyo.
Qoraalka sawirka, Jorge Mendez oo deggan Glendale, Arizona ayaa isku ekaysiiyey Hillary Clinton si uu taageeradiisa u muujiyo.
Dadka Maraykanku waxay kaloo u codaynayaan kongareeska, iyo aqalka wakiillada oo iminka ay u badan yihiin xubnaha xisbiga Jamhuuriga.
Qoraalka sawirka, Dadka Maraykanku waxay kaloo u codaynayaan kongareeska, iyo aqalka wakiillada oo iminka ay u badan yihiin xubnaha xisbiga Jamhuuriga.
Dhamaan 50ka gobol iyo Washington DC ayey cod bixintu ka dhacaysaa, waxaana u dhaxeysa lix wakhti. Halkan waa Richmond, Virginia.
Qoraalka sawirka, Dhamaan 50ka gobol iyo Washington DC ayey cod bixintu ka dhacaysaa, waxaana u dhaxeysa lix wakhti. Halkan waa Richmond, Virginia.
Codbixiye isu diyaarinaya inuu codkiisa ka dhiibto Kansas. Jamhuuriga ayaa ku guulaysanayey tan iyo 1968.
Qoraalka sawirka, Codbixiye isu diyaarinaya inuu codkiisa ka dhiibto Kansas. Jamhuuriga ayaa ku guulaysanayey tan iyo 1968.
Taariikhda tiradii ugu badnayd - 46 malyan - ayaa codkooda dhiibtay goor sii horreysay intii aysan codbixintu billaaban.
Qoraalka sawirka, Taariikhda tiradii ugu badnayd - 46 malyan - ayaa codkooda dhiibtay goor sii horreysay intii aysan codbixintu billaaban.
Dadka qaar ayaa u arka xafiiltanka ka dhaxeeya labada murashax mid aan dhiiri galinaynin.
Qoraalka sawirka, Dadka qaar ayaa u arka xafiiltanka ka dhaxeeya labada murashax mid aan dhiiri galinaynin.
Wariyeyaasha oo ka hor intii aan goobaha codbixinta la xirin isugu soo uruuray xarunta ololaha Trump ee New York.
Qoraalka sawirka, Wariyeyaasha oo ka hor intii aan goobaha codbixinta la xirin isugu soo uruuray xarunta ololaha Trump ee New York.
Qof calanka Maraykanka u diyaarinaya ololaha Hillary Clinton.
Qoraalka sawirka, Qof calanka Maraykanka u diyaarinaya ololaha Hillary Clinton.
Xiisaha doorashada kuma eka oo kaliya Maraykanka. Waddanka Netherlands, dadku waxay sawirro la galayaan taswiirta Hillary Clinton iyo Donald Trump.
Qoraalka sawirka, Xiisaha doorashada kuma eka oo kaliya Maraykanka. Waddanka Netherlands, dadku waxay sawirro la galayaan taswiirta Hillary Clinton iyo Donald Trump.
Maraykanka haddaan ku soo noqonno, ayadoo natiijadu ay soo baxayso ayey dadku isu soo uruureen si ay taageero ugu muujiyaan musharraxooda. halkan waa Indianapolis.
Qoraalka sawirka, Maraykanka haddaan ku soo noqonno, ayadoo natiijadu ay soo baxayso ayey dadku isu soo uruureen si ay taageero ugu muujiyaan musharraxooda. halkan waa Indianapolis.
Taageerayaasha Clinton oo ku dabaal degaya New York.
Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Clinton oo ku dabaal degaya New York.
Mid ka mid ah gobollada muhiimka ah waa Florida, halkaasoo aad la isugu dhowaa, waxaase ku guulaystay Trump. Johanna Stiles waxay siddaa codadkii boostada lagu dhiibtay.
Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah gobollada muhiimka ah waa Florida, halkaasoo aad la isugu dhowaa, waxaase ku guulaystay Trump. Johanna Stiles waxay siddaa codadkii boostada lagu dhiibtay.
Dibadda xarunta Rockefeller ee New York, dadku waxay shaashadda ka eegayaan wararka.
Qoraalka sawirka, Dibadda xarunta Rockefeller ee New York, dadku waxay shaashadda ka eegayaan wararka.
Taageerayaasha Hillary Clinton ee Brooklyn Borough oo sugaya natiijada.
Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Hillary Clinton ee Brooklyn Borough oo sugaya natiijada.
Taageerayaasha Trump oo ku rajo weyn in murashaxooda uu guul ka gaarayo natiijada hor dhaca ah.
Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Trump oo ku rajo weyn in murashaxooda uu guul ka gaarayo natiijada hor dhaca ah.
Taageerayaasha Clinton oo aan niyad fiicnayn.
Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Clinton oo aan niyad fiicnayn.
Ayadoo natiijooyin dheeraad ah ay soo baxayaan, oo ay ku jirto guusha Ohio, ayaa waddada Trump ee aqalka waxay u muuqataa inay caddahay, walow dagaalku uu weli socdo oo weli la sugayo natiijada gobollada qaar.
Qoraalka sawirka, Ayadoo natiijooyin dheeraad ah ay soo baxayaan, oo ay ku jirto guusha Ohio, ayaa waddada Trump ee aqalka waxay u muuqataa inay caddahay, walow dagaalku uu weli socdo oo weli la sugayo natiijada gobollada qaar.

All photographs are copyrighted.