Sida laga soo
xigtay xogta FlightRadar24, oo ah bog lagu dabagalo duulimaadyada, diyaarad ay
leedahay shirkadda Mahan Airlines oo ka soo duushay Tehran ayaa maanta ka
degtay koonfurta Shiinaha.
Dhowr shirkadood
oo diyaaradeed oo Iiraani ah ayaa weli qorsheeyay inay duulimaadyo ka sameeyaan
khadka Yerevan–Tehran.
Xogta
duulimaadyada ee Garoonka Caalamiga ah ee Imam Khomeini ee Tehran ayaa sidoo
kale muujinaysa jadwalka duulimaadyada dhowr shirkadood oo Iiraani ah oo ku
wajahan Turkiga, iyo duulimaadyo ka imanaya dalkaas kuna socda Iiraan.
Duulimaadkan ayaa
dhacay maalin ay Maraykanku ku hanjabeen inay “dhulka ku hayn doonaan”
diyaaradaha shirkadaha diyaaradaha Iiraan, isla markaana cunaqabateyn ku soo
rogi doonaan qof ama shirkad kasta oo la shaqaysa, sida ay sheegtay AFP.
Xoghayaha
Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa toddobaadkan ka digay in dal kasta
oo bixiya adeegyada “soo degista iyo qaabilaadda” diyaaradaha Iiraan laga saari
doono “nidaamka dollarka Maraykanka.”
Sida laga soo
xigtay FlightRadar24, duulimaadka Mahan Air 093 ayaa Arbacada manata ka degay Guangzhou, Shiinaha, saacaddu markay
ahayd 4:39 galabnimo waqtiga maxalliga ah.
Duulimaadkaasi
kama diiwaangashnayn bogga rasmiga ah ee Garoonka Baiyun ee Guangzhou. Baiyun
Airport ayaa ahaa isla goobtii lagu muujiyay inay ahayd meesha ay diyaaradda
Mahan ku degtay, sida ku cad xogta duulimaadkeeda.
Sida laga soo
xigtay xogta duulimaadyada ee Garoonka Zvartnots ee Yerevan, maanta diyaarado
ay leeyihiin laba shirkadood oo diyaaradeed oo Iiraani ah, Caspian iyo Fly Kish,
ayaa caasimadda Armenia uga duulay kuna jeeday Tehran.
Sida ku cad xogta
garoonka, lix duulimaad oo guud ahaan loo qorsheeyay inay Yerevan uga duulaan
Tehran, laba ka mid ah ayaa la baajiyay.
Scott Bessent
ayaa wareysi uu Isniintii siiyay CNBC ku sheegay in 23-ka Sebtembar, “dhammaan
shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan ee dunida oo dhan la joojin doono.”
Xoghayaha
Maaliyadda Maraykanka kama uusan jawaabin su’aal laga weydiiyay duulimaadyada
Iiraan ee taga Shiinaha xilliga uu ku dhawaaqayay cunaqabateyntaas.
Shirkadaha
diyaaradaha ee Iiraan ayaa si toos ah oo joogto ah duulimaadyo ugu taga Yerevan
iyo magaalooyin ka tirsan Shiinaha oo ay ka mid yihiin Beijing, Shanghai iyo
Guangzhou.