Guddiga
Midowga Afrika ayaa soo saaray warqad ay uga hadayaan safiirkii ay Somaliland
Arbacadi u soo magacaawday jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.
Waxay
warqadda ku sheegeen inay si adag u cambaareynayaan talllaabadan oo dabcan ah go’aanka
Israa’iil ay ku magacawday safiir loo dirayo wax loogu yeero “Somaliland.”, waa sida ay
iyaga hadalka u dhigeene.
“Guddigu
wuxuu mar kale xaqiijinayaa ixtiraamka Midowga Afrika uu u hayo
madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan
Xeerka aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah. Midowga ma
aqoonsana Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan”, ayaa lagu yirii bayaanka
ka soo baxay Midowgu.
Iyadoo la
xusuusinayo bayaankii ka soo baxay kulankii 1324aad ee Golaha Nabadda iyo
Ammaanka ee Midowga Afrika ee 6-da Janaayo 2026, Guddigu wuxuu carrabka ku
adkeynayaa in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah oo la siiyo Somaliland uu yahay
mid aan waxba ka jirin, wuxuuna ka digayaa in tallaabooyinka noocaas ahi ay
khatar gelin karaan xasilloonida gobolka, ayaa lagu yiri qoraalka warqadda.
Midowga
Afrika waxaa weli ka go’an taageeridda nabadda, dowlad-dhiska, iyo midnimada
qaran ee Soomaaliya ayaa intaas la sii raaciyay.
Sacuudi Carabiya iyo dhowr dal oo Carbeed iyo Muslim ah ayaa Sabtidii shalay ahady cambaareeyay ku dhawaaqista Israa'iil ee ah inay magacowday wakiil diblomaasiyadeed oo "u jooga Somaliland."
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indoneesiya, Bakistaan iyo Kuweyt ayaa sheegay in magacaabista Israa'iil ee ergay u jooga Somaliland ay tahay "xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya."
Waxay sidoo kale si cad u xaqiijiyeen diidmadooda aan mugdiga ku jirin ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqa midnimada dowladaha ama ku xadgudba madaxbannaanidooda.
Waxay intaa ku dareen in tallaabooyinka noocaas ah ay "ka dhigan yihiin jebin cad oo ka dhan ah mabaadi'da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Xeerka Asaaska Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay dejinayaan tusaale halis ah oo khatar gelin kara xasilloonida Geeska Afrika."