Xiritaanka marinka Hormuz oo kor u qaaday dalabaadka saliidda cayriin ee Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiritaanka marin biyoodka Hormuz ee Iiraan ka dib markii uu bilowday dagaalka ay kula jirto Mareykanka iyo Israa'iil waxaa sare u kacday baahida saliida ceyriin ee Mareykanka, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha maraakiibta iyo ganacsiga.
Marin-badeedka Hormuz waa marin la mariyo saliidda Bariga Dhexe, laakiin dhoofinta ayaa carqalad ku timid tan iyo 28-kii Febraayo.
Xogta laga helay shirkadda falanqaynta badda ee Kpler ayaa soo jeedinaysa in 71 booyadood oo saliid ah oo loo yaqaanno Crude (VLCCs) ay ku wajahan yihiin Mareykanka si ay u qaadaan shixnad marka la barbar dhigo celceliska 27 maalin kasta sannadkii hore.
"Iibsadayaasha ka yimid Yurub iyo Aasiya waxay arkeen shidaal ka soo baxaya badweynta Atlaantigga - oo ay ku jiraan xeebaha Gacanka Mareykanka, si loo buuxiyo baahida sahayda," ayuu yiri David Haydon, madaxa qiimaha xamuulka ee shirkadda Mareykanka ah ee Argus Media, oo ah shirkad sirdoon suuqa.
Tani waxay u muuqataa inay horseedayso kororka dhoofinta saliidda ceyriinka ah ee Mareykanka.

















