You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo sheegay in uu kordhin doono muddada heshiiska xabad joojinta ee Iiraan ilaa laga soo afjarayo wada xaajoodyada

Tallaabadan ayaa ku timid codsi ka yimid Pakistan, madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto xannibaadda ay ku hayso dekedaha Iran.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Safarkii JD Vance ku tagi lahaa Pakistaan oo la baajiyey

    Aqalka Cad ayaa hadda xaqiijiyay in safarkii madaxweyne ku xigeenka JD Vance uu ku tagi lahaa Pakistan wada xaajood nabadeed la baajiyay.

    Vance ayaa la filayay inuu u safro Islamabad markii labaad bishaan, isagoo imaanayay Arbacada isagoo rajeynayay inuu dhameystiro heshiis ay la galayaan Iiraan.

    "Wixii warar dheeraad ah oo ku saabsan shirarka tooska ah waxaa ku dhawaaqi doona Aqalka Cad," sarkaal ka tirsan maamulka ayaa yiri, sida uu sheegay warbaahinta CBS

    Baajintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay inuu aqbalay codsi ah in la kordhiyo xabbad joojinta Maraykanka iyo Iran.

  2. Iiraan oo dhoolatus ka sameesay banaanbaxyo dowladda lagu taageerayo

    Waxaan wali jawaab rasmi ah ka sugaynaa Iiraan, halkaas oo caawa ay ka dhaceen isu soo baxyo lagu taageerayo dawladda oo ay ku soo bandhigeen gantaalo ballistic ah.

    Gantaalka ballistic-ga ee Iiraan ee Ghadr ayaa si buuxda loo soo bandhigay caawa xilli habeen ah isu soo bax lagu taageerayo xukuumadda oo ka dhacay fagaaraha weyn ee Tehraan, halkaas oo dadkii isugu soo baxay ay ku dhawaaqayeen "Ameerika ha dhacdo" waxayna ammaaneen Taliyaha Hawada Sare ciidamada islaamiga ah ee Iiraan Majid Mousavi, iyaga oo ugu baaqay inuu " weeraro Tel Aviv".

    Meel kale oo ka mid ah caasimadda, gantaalka ballistic-ga ee Khorramshahr-4 ayaa lagu soo bandhigay fagaaraha kale ee weyn ee Tehran.

    Sawir ku lifaaqan gantaalka ayaa lagu sheegay in bartilmaameedku uu yahay shirkadda RasGas ee Qatar, oo ah shirkad gaaska dareeraha ah sameysa.

    Bandhigyadani kuma koobna Tehraan caawa. Magaalada koonfureed ee Shiraz, magaalada Tabriz ee waqooyi-galbeed iyo bartamaha magaalada Zanjan, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay gantaallo.

    Isu soo baxyadan lagu taageerayo xukuumadda ayaa maalin kasta lagu qabanayay fagaarayaasha waaweyn ee dalka Iran tan iyo markii uu dagaalka billowday 28-kii Febraayo, iyadoo mas'uuliyiinta Iran iyo TV-ga dowladda ay dadka ugu baaqeen inay ka qaybgalaan.

    Inta badan waxaa la qabtaa xilliyada habeenkii, isu soo baxyadan kaliya kuma eka in ay soo bandhigaan sawirka taageerada shacabka ee dowladda iyadoo dadku ay ruxayaan calanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, balse sidoo kale waxa ay sii adkeynayaan in mucaaradka ay isugu soo baxaan fagaarayaasha waaweyn.

    Si aad wax badan u akhrido:

  3. Maxaa beddelay mowqifkii Trump ee ahaa inuu weerarayo Iiraan?

    Ku dhawaaqista ka timid Donald Trump ee ah inuu oggolaaday inuu si aan waqti xaddidan lahayn u kordhiyo xabbad-joojinta Iran waa isbeddel weyn marka loo eego mowqifkiisii dhowr saacadood ka hor.

    Isagoo la hadlayay CNBC, Trump wuxuu yiri “waxaan filayaa inaan duqeyn bilaabi doono,” wuxuuna sheegay in milatarigu “aad ugu diyaar garoobay.” Wuxuu sidoo kale ku celiyay hanjabaaddiisii ahayd inuu burburin doono buundo kasta iyo warshad koronto oo ku taal gudaha Iran.

    Hadda, iyadoo ay saacado yar uun ka harsan yihiin inta uu dhammaanayo xabbad-joojintii hore, wuxuu oggolaaday hakad dagaal oo aan lahayn waqti cayiman. Wuxuu sheegay inuu sidaas sameeyay codsi uga yimid dowladda Pakistan.

    Donald Trump wuxuu isku dayay inuu cabsi geliyo nidaamka Iraan isagoo adeegsanaya hadallo dagaal kicin ah. Hadda waxay u muuqataa inuusan dhab ahaantii doonayn inuu mar kale bilaabo weerar ka dhan ah Iraan.

    Si aad wax badan u akhrido:

  4. Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo Trump uga mahadceliyay muddo kordhinta

    Kadib markii madaxweynaha Mareykanka uu ku dhawaaqay in waqti aan cayineyn la kordhiyay xabbad-joojintii kala dhexeesay Iraan, wax yar ka hor inta aysan dhicin, muddadii hore.

    “Waxaan si wayn ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Trump sida naxariista leh ee uu u aqbalay codsigeenna ku aaddan kordhinta xabbad-joojinta si loo siiyo fursad dadaallada diblomaasiyadeed ee socda inay hore u sii socdaan,” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay internetka.

    “Anagoo ka duuleyna kalsoonida iyo aaminaadda nalagu qabay, Pakistan waxay sii wadi doontaa dadaalladeeda daacadda ah ee lagu gaarayo xal ah in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka,” ayaa lagu daray. “Waxaan si dhab ah u rajeynayaa in labada dhinac ay sii wadi doonaan ilaalinta xabbad-joojinta ayna awoodaan inay gaaraan heshiis nabadeed oo dhameystiran inta lagu jiro wareegga labaad ee wadahadallada ee loo qorsheeyay Islamabad, si loo soo afjaro khilaafka si joogto ah.”

  5. "Lubnaan waxay u baahan tahay €500m dhibaatada bini'aadantinimo", Raiisul wasaraaha dalkaas

    Ra'iisul wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron si ay uga wada hadlaan xabbad joojinta u dhaxeysa Israa'iil iyo Lubnaan.

    Salam ayaa sheegay in wadankiisu u baahan yahay €500m "si wax looga qabto dhibaatooyinka bini'aadantinimo lixda bilood ee soo socota". Deeqaha lacageed ee Lubnaan ilaa hadda waxay dabooshaa qayb ka mid ah baahiyaheeda, ayuu raaciyay.

    Tan iyo markii ugu horeysay ee uu dagaalku ka dhex qarxay Israa'iil iyo Xisbullah ee ku sugan koonfurta Lubnaan bishii March, hoggaamiyayaasha adduunku waxay ka digayeen dhibaato bini'aadantinimo oo sii kordhaysa.

    Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan, in ka badan 2,200 oo qof ayaa ku dhintay in ka badan 7,500 oo kalena way ku dhaawacmeen tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadka. UNICEF ayaa ku qiyaastay in ka badan hal milyan oo reer Lubnaan ah ay barokaceen.

  6. Masuul ka tirsan dowladda Iiraan oo sheegay shardiga ay wajiga 2aad ku tagayaan inuu in la qaado Go'doominta

    Safiirka Iiran ee Qaramada Midoobay Amir Saeid Iravani ayaa sheegay qaar kamid ah dowladooda ay heleen astaamo muujinaya in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu joojiyo go'doominta.

    Wuxuu sheegay in marka ay taasi dhacdo, wada xaajoodka xiga uu ka dhici doono Islamabaad.

    Waxa aan waydiiyay in safarka JD Vance uu yahay mid "la baajin doono" balse waxa uu sheegay in aanu wax war ah ka hayn arintaas waxa uuna ku celiyay in ay shardi u tahay Iiraan in Maraykanku uu ka qaado go'doominta uu ku hayo marin biyoodka Hormuz ka hor inta aysan dib u bilaaban wax wada hadal ah.

    Waxa uu sheegay in haddii Mareykanku uu doonayo xal siyaasadeed inay diyaar u yihiin, iyo haddii ay dagaal rabaan in sidoo kale Iran ay diyaar u tahay intaba.

    Si aad wax badan u akhrido:

  7. Iraan oo u hanjabtay goobaha saliidda ee Bariga Dhexe haddii weerar uga yimaado deriskeeda koonfureed

    Taliyaha hawada ee Ciidamada islaamiga ah ee Iiraan Majid Mousavi ayaa u hanjabay wadamada dariska la ah koonfurta Iiraan fariin ay maanta daabacday warbaahinta Iran.

    "Dariska koonfurta Iran waa in ay ogaadaan in haddii dhulalkooda iyo tas-hiilaadkooda ay adeegsadaan cadawgu si ay gardaro uga geystaan ​​qaranka Iran, waa in ay macsalaameeyaan wax soo saarka saliidda ee Bariga Dhexe" ayuu yidhi.

    Mousavi ayaa sidoo kale yiri "laga bilaabo halkan, cadawgu uu sameeyo talaabadii ugu yarayd ee khaldan" oo uu weeraro Iran, markaa "meel kasta oo aad tiraahdo [Iraaniyiinta] waxay noqon doontaa bartilmaameedkeena."

    Si aad wax badan u akhrido:

  8. War deg deg ah, Trump oo muddo kordhin ku sameeyey xabad joojinta iyo go'doominta Iiraan

    Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu kordhin doono xabad joojinta Iran, kadib codsi ka yimid Pakistan, uuna sii wadi doono go'doominta uu ku hayo dekedaha Iran.

    qoraalka uu daabacay ayuu Trump ku yiri "Iiyada oo xaqiiqadu tahay in Iraan dagaalka ku jabtay, taas ma ahan mid lama filaan ah, Field Marshal Asim Munir, iyo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, waxaa ay weydiistayn in aan dib u dhigno weerarada aan ku qaadeyno dalka Iran ilaa inta ay madaxdooda iyo wakiiladooda ay la imaan karaan hindise mideysan.

    Sidaa darteed, waxaan faray Ciidankeena inay sii wadaan Go'doominta, dhinac walbana ay diyaar ahaadaan, sidaas darteedna ay kordhin doonaan Xabbad-joojinta ilaa inta laga soo gudbinayo aragtidooda, lagana wada-tashanayo, si uun ama si kale.

    Si aad wax badan u akhrido:

  9. Amniga Islamabad oo la adkeyay inkastoo wafdiyadu aaney imaan

    Diyaargarow amni oo adag ayaa laga dareemayaa caasimadda Islamabad ee dalka Pakistaan si loogu diyaar garoobo wareegga labaad ee wadahadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

    Inkasta oo aysan weli imaan wafdiyada ka kala socda Mareykanka iyo Iran, haddana, waxaa shaqaalaha dowladda lagu amray inay ka shaqeeyaan guryahooda,maadama waddooyinku xirmayaan.

    Dhanka kale, Maxkamadda Sare ee Islamabad ayaa iyaduna xirnaan doonta Arbacada, mana jiri doono wax shaqo garsoor ah oo la qabto.

    Horey, howlgal ballaaran oo wadajir ah oo baaritaan iyo sifeyn ah ayaa laga fuliyay qaybo kala duwan oo Islamabad ka mid ah galinkii dambe ee maanta.

    Goobo kormeer gaar ah ayaa laga sameeyay meelaha laga soo galo lagana baxo magaalada si loo xoojiyo hubinta, halka dhammaan cutubayo ka tirsan cidamo rondo sameynaya iyo kooxo gaar ah ay si joogto ah ugu sugan yihiin magaalada oo dhan.

  10. Israa'iil oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadday askari burburiyay taallo Masiixiyiintu ku xusaan Nabi Ciise

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in askarigii burburiyay oo dubbaha la dhacay taallo loo ekaysiiyay Nabi Ciise CSw gudaha Lubnaan, iyo askarigii sawirka ka qaaday dhacdadaas, lagu xukumay 30 maalmood oo xabsi ciidan ah.

    Ciidanka Difaaca Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in labada askari oo aan magacyadooda la shaacin laga saari doono hawlgallada dagaalka kadib baaritaan la sameeyay.

    Sidoo kale, lix askari oo kale oo goobta joogay balse aan wax tallaabo ah qaadin ama aan soo sheegin dhacdada ayaa si gaar ah loola tacaali doonaa, sida lagu sheegay warbixin la soo saaray.

    Dhacdadan oo ka dhacday tuulada Debel ee koonfurta Lubnaan ayaa dhalisay cambaareyn ballaaran kadib markii sawirkeeda si weyn loogu faafiyay baraha internetka toddobaadkan. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu “la yaabay oo aad uga murugooday” wixii dhacay.

    War-saxaafadeed ay soo saareen Talaadadii, milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in baaritaanku caddeeyay in ficilka askartu uu si buuxda uga hor imanayo amarada iyo qiyamka ciidanka, waxayna muujiyeen“qoomamo weyn” oo ku saabsan dhacdada.

    Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamadeedu ay dib u dhiseen taalladii waxyeelladu gaartay “iyagoo si buuxda ula kaashanaya bulshada deegaanka”.

    IDF ayaa carrabka ku adkeysay in hawlgalladeeda Lubnaan ay si gaar ah ugu wajahan yihiin kooxda Xisbullaahi ee ay Iiraan taageerto iyo “kooxo kale oo argagixiso ay ku tilmeemeen,”.

  11. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo hadda war soo saartay xilli war laga sugayay

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa mar kale ku celisay in aan weli go’aan laga gaarin in wadahadal lala galo Maraykanka kaasoo ka dhici lahaa magaalada Islamabad.

    Iyadoo la tixraacayo jebinta xabbad-joojinta ee Maraykanka, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Esmail Baghaei, ayaa u sheegay Iran News in ka qaybgalka wadahadalladu uusan ahayn arrinta ugu weyn, balse waxa muhiimka ahi ay tahay natiijada wadahadallada, isagoo yiri: “Haddii wadahadalladu noqdaan kuwo natiijo ku saleysan, Iiraan waxay go’aan ka gaari doontaa ka qaybgalka.”

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Iiraan aysan weli go’aan ka gaarin ka qaybgalka, balse uu sheegay in la sugayo sida ay arrimuhu u socdaan.

    Wareysiga sidoo kale wuxuu xaqiijiyay qabashada markabka shidaalka ee Tiffany, taas oo ciidamada Maraykanku ay ku dhawaaqeen saacado ka hor, isla markaana ay sii daayeen muuqaal muujinaya ficilkaas.

  12. Paksitan oo baaq u dirtay dhinacyada Iiraan iyo Mareykanka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Maxamed Ishaq Dar, ayaa kulan uu la yeeshay Natalie Baker, oo ah ku-xigeenka safiirka Safaaradda Mareykanka ee Islamabad, ku baaqay in la kordhiyo xabbad-joojinta u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka.

    Xabbad-joojintan, oo ay dhexdhexaadisay Pakistan, ayaa la filayaa ku eg tahay berri oo Arbaco ah.

    Wasiir Ishaq Dar ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay “fursad siiyaan wadahadalka iyo diblomaasiyadda.”

    Intii uu kulanku socday, Ms. Baker ayaa ku ammaantay Pakistan “doorkeeda wax-ku-oolka ah ee wanaagsan ee ku aaddan horumarinta nabadda gobolka iyo fududeynta wadahadalka.”

  13. Falastiiniyiin lagu dilay Daanta Galbeed

    Ururka Bisha Cas ayaa sheegay in laba Falastiiniyiin ah, oo uu ku jiro wiil 13 jir ah, lagu dilay weerar ay geysteen degaalamayaal Israa’iiliyiin ah oo ku sugan Daanta Galbeed.

    Ururku wuxuu sheegay in afar qof oo kale lagu dhaawacay tuulada Al-Mughayyir, oo u dhow Ramallah.Duqa tuulada ayaa sheegay in ay dileen dadkaan askar Israa’iiliyiin ah. Si kastaba ha ahaatee, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in uu baarayo dhacdada.

    Dhammaadkii bishii hore, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in bilihii la soo dhaafay ay halkaasi ka dhacayeen weerarro.

  14. War deg deg ah, Trump" Ma doonayo in aan xabad-joojinta kordhiyo"

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran aysan haysan wax kale oo ay sameyso marka laga reebo inay soo dirto wafdi wada-xaajood.

    Wareysi uu siiyay CNBC, Trump wuxuu muujiyay rajo isagoo yiri, “Waxaan u maleynayaa inaan gaari doono heshiis weyn.”

    Wuxuu sheegay in Mareykanku uu ka taagabyahay meel wanaagsan wadahadallada Iiraan isagoo intaas ku daray in “ay xakameynayaan marin-biyoodka Hormuz.”

    Markii la weydiiyay haddii xabbad-joojinta la kordhin doono, Trump wuxuu yiri, “Ma doonayo inaan sidaas sameeyo. Waqti badan ma haysanno.” Wuxuu sheegay in Iran ay “taasi tahay waddada saxda ah” isla markaana ay “qasab ku tahay inay wada-xaajood gasho.”

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in haddii Iran ay heshiis gaarto, ay “mar kale noqon karto mid xoog leh oo noqota dal weyn.”

    Trump wuxuu kaloo sheegay in haddii aan heshiis la gaarin, duqeynta Iran dib loo bilaabi karo.

    Waxaa si toos ah loo weydiiyay haddii uu dib u bilaabi doono weerarrada haddii wax horumar ah laga waayo wada-hadallada soo socda ee Islamabad.

    Wuxuu ku jawaabay, “Waxaan filayaa in duqeyn jiri doonto sababtoo ah waxaan u arkaa inay ka wanaagsan tahay in hore loo socdo.”

    “Laakiin waad ogtahay, diyaar ayaan nahay. Ciidankuna si buuxda ayuu u diyaarsan yahay,” ayuu raaciyay.

  15. Iiraan oo war ka soo saartay safiirka dhawaan Israa'iil u soo magacowday Somaliland

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baghaei, ayaa cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ugu magacowday wakiil diblomaasiyadeed “Somaliland, iyadoo Iran ku tilmaantay Somaliland in ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Wuxuu arrintaan ku tilmaamay mid caddeyn u ah, sida uu sheegay, qorshe ay Israa’iil ku dooneyso inay xasilooni-darro ku geliso dalalka Islaamka isla markaana ay ku abuurto kala qaybin ka dhex jirta waddamada gobolka.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay si toos ah uga hor imanayso Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, isla markaana ay tahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dal madax-bannaan.

    Wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika, iyo dhammaan dalalka caalamka inay ka hortagaan, sida uu sheegay, sharci-darrooyinka Israa’iil, fidinta saameynta, iyo faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka kale.

  16. Trump oo Iiraan mahadceln iyo baaq u diray

    Donald Trump ayaa dib u faafiyay sawir muujinaya siddeed haween Iraniyiin ah oo la sheegay in ay halis ugu jiraan in la dilo, isagoo ku baaqay in la sii daayo.

    Wuxuu ku qoray baraha bulshada ee Truth Social: “Anigoo u mahadcelinaya hoggaamiyeyaasha Iran ee dhawaan la filayo inay la xaajoodaan wakiilladayda, waxaan si weyn ugu mahadcelin lahaa xorriyadda haweenkan.”

    Wuxuu sidoo kale yiri: “Fadlan ha waxyeelleyn, tani waxay noqon doontaa bilow wanaagsan oo wada-hadalladeenna ah.”

    Dabayaaqadii Janaayo, ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, madaxweynaha Mareykanka ayaa uga mahadceliyay hoggaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxa uu ku tilmaamay “joojinta dilka in ka badan 800 qof.”

    Si kastaba ha ahaatee, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Iran ayaa hadalladaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn.

  17. War deg deg ah, Degdeg: Pakistan oo shaacisay xog cusub oo wadahadallada ku saabsan

    Pakistan weli ma aysan helin jawaab rasmi ah oo xaqiijinaysa in Iran ay ka qeyb galeyso wada-hadallada nabadda ee ka dhici doona Islamabad, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta dalkaas.

    Attaullah Tarar ayaa sheegay in xaaladda aysan waxba isk abadelin oo ilaa iyo hadda aaney war ka haynin dhanka Iiraan.

    Tarar wuxuu sheegay in Pakistan, oo ah dhexdhexaadiyaha, ay “si joogto ah ula xiriirayso Iran isla markaana ay waddo dariiqa dublamaasiyadda iyo wada-hadalka,” isagoo intaa ku daray in go’aanka Iran ee ka qeybgalka wada-hadallada ka hor dhammaadka xabbad-joojinta laba toddobaad ah ay tahay “muhiim”.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Pakistan ay “dadaallo dhab ah ku bixisay sidii ay hoggaanka Iran ugu qancin lahayd inay ka qayb galaan wareegga labaad ee wada-hadallada, dadaalladaasna ay weli socdaan,” sida uu ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa X .

  18. Iiraan oo sheegtay in fursad ay ka dhex aragto xaaladda hadda taagan

    Afhayeen u hadlay dowladda Iran ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee IRNA in Tehran ay aragto “fursado lagu kicinayo xiisadda” inta lagu jiro wada-xaajoodyada suurtagalka ah, isla markaana ciidamada difaaca ay ku jiraan “diyaar-garow buuxa”.

    Fatemeh Mohajerani si toos ah uma aysan xaqiijin, mana aysan beenin, in Iran ay ka qayb geli doonto wada-xaajoodyada xiga ee Islamabad.

    “Waxaan horteenna taalla laba istaraatijiyadood: mid waa istaraatijiyadda dagaalka, midna waa istaraatijiyadda dublamaasiyadda,” ayay tiri Mohajerani.

    Waxay sidoo kale sheegtay in kooxda wada-xaajoodyada ee Iran aysan “si fudud uga tanaasuli doonin danaha qaranka.”

  19. War deg deg ah, Iiraan oo u jawaabtay Trump

    Trump ma aha qofkii ugu horreeyay ee eedeyntan ku saabsan jebinta xabbad-joojinta soo jeediya muddadan laba toddobaad ah.

    Axaddii, ciidamada Iran waxay ku gooddiiyeen inay ka aargoosan doonaan waxa ay ku tilmaameen “fal burcad-badeednimo oo Mareykanku sameeyay”. Markab dagaal oo Mareykanku leeyahay ayaa ku riday rasaas markab ganacsi oo calanka Iran wata oo ku sugnaa Gacanka Cumaan.

    Washington waxay sheegtay in markabku isku dayayay inuu ka baxsado xayiraadda badda ee lagu soo rogay.Jawaab ahaan, xarunta ciidamada Iran waxay sheegtay in howlgalka Mareykanka uu ahaa “jebinta xabbad-joojinta”.

  20. War deg deg ah, Degdeg: Trump oo ku geediyay in dagaalku dib u bilaabanayo

    Donald Trump ayaa u sheegay Tv-ga CNN ee Maraykanka in Iran aysan haysan wax kale oo ay sameyso marka laga reebo inay heshiis gaarto.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri: “Ugu dambayn waxaan gaari doonnaa heshiis weyn... waxaan u maleynayaa inaysan lahayn wax xulasho ah, waxaan joognaa meel aad u adag oo aan ku gorgortanno.”

    Wuxuu ka digay inuusan kordhin doonin xabbad-joojinta, isla markaana uu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo dagaalka.

    Haddii aan heshiis la gaarinna, waxaan filayaa “in duqeyntu ay bilaabato, sababtoo ah waxaan u maleynayaa in taasi ay tahay habka ugu wanaagsan. Diyaar ayaan u nahay, waxaan ula jeedaa in ciidamada ay si weyn u sugayaan tallaabo la qaado.”

    Saacad ka hor, Mr. Trump ayaa mar kale ku eedeeyay Iran inay si joogto ah u jebisay xabbad-joojinta, isagoo ku qoray baraha bulshada, balse ma uusan sheegin dhacdo gaar ah.

    Iran wali ma aysan shaacin go’aankeeda ku aaddan ka qaybgalka wada-hadallada nabadeed ee Islamabad, balse Maxamed Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamaanka ahna madaxa kooxda wada-xaajoodka ee Iran, ayaa adkeeyay in “aanan aqbali doonin wada-hadal lagu galo hooska hanjabaadaha, labadii toddobaad ee u dambeeyayna waxaan isku diyaarinaynay inaan soo bandhigno xeelado cusub oo dagaalka ah.”

    Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Tasnim, oo ku dhow hay’adaha milatariga iyo amniga, ayaa qortay:

    “Iyada oo la tixgelinayo in uu soo dhow yahay dhammaadka muddada xabbad-joojinta lagu heshiiyay, isla markaana tallaabooyinka xad-dhaafka ah ee Mareykanka iyo ku dhawaaqista go’doomin badeed ay hor istaageen dib u bilaabista wada-hadallada, Iran si buuxda ayay ugu diyaarsan tahay suurtagalnimada dagaal dib u qarxa,”.