You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Khilaaf diblumaasiyadeed oo mar kale ka dhex qaxay Itoobiya iyo Eriteriya

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay xirayso safaaraddeeda ku taalla Asmara, isla markaana amartay 10 diblomaasi oo Eritrean ah inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah, iyadoo ku dhawaaqday inay yihiin “persona non grata”, oo ah in dadkaas an dalkooda laga rabin.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Cabbaas Araghchi: Si amniga Gacanka Faaris loo soo celiyo, Mareykanku waa in uu joojiyaa faragelintiisa

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi ayaa sheegay in Mareykanku ay tahay in uu joojiyo waxa uu ku tilmaamay “falal sharci-darro ah” si dib loogu soo celiyo amniga Gacanka Faaris.

    Araghchi ayaa hadalkan sheegay intii uu khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan, Toshimitsu Motegi. Wuxuu sheegay in amni-darrada ka sii jirta Marinka Hormuz iyo Gacanka Faaris ay “ ka dhalatay tallaabooyinka gardarrada iyo faragelinta ah ee Maraykanka.”

    Wasiirka Iiraan ayaa carrabka ku adkeeyay in sida keliya ee amniga dib loogu soo celin karo ay tahay in la joojiyo waxa uu ugu yeedhay “falalka sharci-darrada ah” ee Mareykanka.

    Araghchi ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leeyihiin dhexdhexaadiyeyaasha sidii loo horumarin lahaa dadaallada diblomaasiyadeed.

  2. Sacuudi Carabiya oo Dawladda Yemen siisay $60 Milyan oo Gargaar ah si ay ula Dagaallanto Xuutiyiinta

    Sacuudi Carabiya ayaa dawladda Yemen siisay iin ka badan milyan oo Doollar si ay ula dagaallanto Xuutiyiinta.

    Danjiraha Sacuudi Carabiya u fadhiya Yemen, Mohammed Al-Jaber, ayaa sheegay in kaalmadan loogu talagalay “taageeridda socodka lacagta dawladda, siyaasadaha maaliyadeed iyo awoodda wax-iibsiga ee shacabka Yemen.”

    Danjiraha Sacuudiga ee Yemen ayaa sidoo kale Khamiistii qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in dalkiisu uu dawladda Yemen siiyay qayb cusub oo ka mid ah kaalmadan dhaqaale.

    Al-Jaber wuxuu sheegay in lacagta lagu bixiyay amar ka yimid hoggaanka Sacuudiga, iyadoo laga jawaabayo codsi ay soo jeedisay dawladda Yemen.

    Dhawaan, iska horimaadyada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen ayaa sii xoogaystay.

    Xuutiyiintu waxay gacanta ku hayaan deegaannada Yemen ugu dadka badan iyo qayb weyn oo ka mid ah waqooyiga dalka.

  3. Putin oo muujiyay rajada ah in Marinka Hormuz dib loo furo, isla markaana cunaqabateynta lagu soo rogay Iiraan laga qaado

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii muujiyay rajada ah in Marinka Hormuz uu u sii furnaan doono maraakiibta ganacsiga, isla markaana cunaqabateynta lagu soo rogay Iiraan ugu dambayn laga qaadi doono.

    Sida ay sheegtay Reuters, Putin wuxuu koox khubaro Ruush ah u sheegay in dalabkii dalkiisu ku doonayay in uu Iiraan ka qaabilo uranium-ka la hodmay uu weli jiro, haddii macdantaasi laga saaro dhulka Iiraan.

    Khudbaddiisa uu ka jeediyay kulanka, Madaxweynaha Ruushku wuxuu sidoo kale sheegay in Moscow ay taageersan tahay in dhammaan arrimaha lagu xalliyo si nabad ah.

  4. Muwaadin British-Iraani ah ayaa loo xiray dhacdadii amni ee saldhigga Farford

    Booliiska la dagaallanka argagixisada ee Britain ayaa Khamiista xiray muwaadin haysta dhalashooyinka Britain iyo Iran, iyagoo uga shakisan “diyaarinta falal argagixiso.”

    Xarigga ayaa ka dhacay isagoo qayb ka ah baaritaan ku saabsan dhacdadii amni ee ka dhacday saldhigga Farford ee Britain.

    Shalay, Ra’iisul Wasaaraha Britain, Andy Burnham, ayaa sheegay in dowladdiisu aaminsan tahay in Iran ay “door” ku lahayd dhacdadii amni ee saldhigga Farford.

    Hase yeeshee, Iran ayaa si adag u cambaaraysay wax xiriir ah oo loo sameeyo dhacdada iyo Tehran, waxayna warbaahinta Britain ku eedaysay “Iran-nacayb.”

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa sidoo kale ka falceliyay hadalladii Ra’iisul Wasaaraha Britain Andy Burnham ee ku saabsanaa ku lug lahaanshaha Iran ee dhacdada Farford. Isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku yiri:

    “Ra’iisul Wasaare Burnham wuxuu sheegay in dowladda Britain ay xaqiijin karto inay aaminsan tahay in Iran ay door ku lahayd dhacdadii ka dhacday Saldhigga Ciidanka Cirka ee Royal Air Force ee Farford.”

    Araqchi ayaa qoraalkiisa intaa sii raaciyay:

    “Waxaan sidoo kale xaqiijin karaa in marka laga eego dhinaca Iran, sii daynta dadka lagu sheegay inay yihiin argagixiso xiriir la leh dowlado shisheeye ay wax badan ka sheegayso arrintan. Dembiilaha waxaad ka raadinaysaan meel qaldan.”

  5. Mareykanka ayaa Faransiiska iyo Jarmalka ka codsaday inay kaydkooda degdegga ah ka soo saaraan 120 milyan oo foosto oo naafto ah

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo werisay, iyadoo soo xiganaysa saddex qof oo arrintan wax ka og, in maamulka Donald Trump uu Jarmalka iyo Faransiiska ka codsaday inay isticmaalaan kaydkooda degdegga ah ee naaftada si gacan looga geysto hoos u dhigidda qiimaha shidaalka adduunka. Haddii kale, waxaa dhici karta in Mareykanku mamnuuco dhoofinta naaftada.

    Reuters, oo soo xiganaysa mid ka mid ah saddexda qof ee arrintan wax ka og oo ku sugan caasimad Yurub ah, ayaa sheegtay in Mareykanku Midowga Yurub ka codsaday inuu lixda bilood ee soo socda sii daayo 120 milyan oo foosto oo naafto ah.

    Sida ay Reuters sheegtay, digniintani waxay muujinaysaa cadaadiska sii kordhaya ee lagu saarayo Yurub, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka fiirsanayo in la mamnuuco dhoofinta naaftada, si loo yareeyo qiimaha shidaalka gudaha Mareykanka ka hor doorashooyinka xilliga dhexe ee bisha Nofeembar.

    Mas’uul ka tirsan Midowga Yurub ayaa Reuters u sheegay in saraakiisha Guddiga Yurub, oo ay weheliyaan Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Jamhuuriyadda Ireland iyo Britain, ay Khamiista yeesheen kulan taleefan ah oo ay kaga wada hadleen suurtagalnimada in la sii daayo kaydka naaftada.

    Xoghayaha tamarta Mareykanka, Chris Wright, ayaa Arbacadii wariyeyaasha u sheegay in dowladda Mareykanku ay filayso in dhawaan Yurub laga helo war ku saabsan sahay cusub oo naafto ah.

    “Waxaan luminay qaar ka mid ah dhoofintii naaftada ee Bariga Dhexe, inkastoo aan dib u soo celinayno, sidoo kalena waxaan luminay dhoofintii naaftada ee Shiinaha, sidaas darteed waxaan wajahnay carqalado badan,” ayuu yiri.

    Jarmalka iyo Faransiiska ayaan weli ka hadlin arrintan.

  6. Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri diyaaradda F-16 ee timid Muqdisho?

    Muuqaalka diyaaradda F-16 oo ka duulaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib dul heehaabaysa magaalada Muqdisho ayaa dhawaan ku baahay baraha bulshada.

    Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin joogista diyaaradahaan gudaha Soomaaliya, ka hor shalay, xilligaas oo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya uu xusay joogistooda Soomaaliya.

    Isaga oo ka hadlayay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kii hore, ayuu wasiirka gaashaandhigu sheegay in diyaarada nuuceedu yaahy F-16 "loo keenay ciidamada Soomaaliya".

    "Shalay markii ay diyaaradaha Turkigu kaceen, F-16 ka ah ee ciidanka xoogga dalka loo keenay, ayaa murti igu soo dagtay," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, isaga oo intaa kadib tiryay tix kooban oo iyana caan ka noqotay baraha bulshada.

    Sida uu sheegay wasiirku diyaaradahaan ayaa waxaa iska leh dowladda Turkiga, oo sida uu sheegay uga faa'iideynaysa dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah.

  7. Aas wadareed loo sameeyay 100 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Qasa 3 sano ka hor

    Qasa, waxaa lagu qabtay aas wadareed loo sameeyay 100 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarradii Israa’iil ee dhacay bishii Oktoobar 2023. Waxay ku dhinteen toddobaadyadii ugu horreeyay ee dagaalka, kaddib weerar uu hoggaaminayay Xamaas oo lagu qaaday Israa’iil.

    Meydadka ayaa laga soo saaray burburka dhisme la deggan yahay oo ku yaalla bartamaha magaalada Qasa. Hawlgalkii baadi-goobka iyo soo saarista meydadka ayaa socday in ka badan laba toddobaad.

    Sanduuqyada meydadka, mid kasta oo lagu daboolay calanka Falastiin, ayaa la dhigay burburka dhismayaashii ay dadkani ku dhinteen.

    Bilihii u dambeeyay, Gaza waxaa lagu qabtay dhowr aas wadareed, iyadoo xabbad-joojintu ay suuragelisay in la baadho goobaha burburay lagana soo saaro meydadka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Itoobiya oo ku dhawaaqday war weyn oo ku saabsan dal ay deris yihiin

    Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xirayso safaaraddeeda ku taalla Asmara, isla markaana amartay 10 diblomaasi oo Eritrean ah inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah, iyadoo ku dhawaaqday inay yihiin “persona non grata”, oo ah in dadkaas an dalkooda laga rabin.

    Bayaan ay oo manta khamiis ah soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay “falal colaadeed oo toos ah iyo kuwo dadban”, waxayna sheegtay in diblomaasiyiintaasi ku lug lahaayeen hawlo khatar ku ah amniga qaranka Itoobiya.

    Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaallo cusub ay ka socdaan waqooyiga Itoobiya. Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeeyay inay taageerto kooxo hubaysan oo la dagaallamaya dowladda federaalka, oo ay ku jiraan eedeymo sheegaya in ciidamada Eritrea ay gudaha u galeen dhulka Itoobiya.

    Dhanka kale, jawaab naadir ah oo ay BBC-da siisay, dowladda Eritrea ayaa beenisay eedeymaha Addis Ababa ee ahaa inay taageerayso isbahaysiga cusub ee fallaagada. Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa xisbiga talada haya ee Itoobiya, Prosperity Party (PP), ku eedeeyay inuu raadinayo cid dibadda ah oo uu ku eedeeyo dhibaatooyinka isa soo taraya ee dalka.

    Eritrea, iyaduna, waxay Itoobiya ku eedeysay inay waddo himilooyin dhul-ballaarin ah, gaar ahaan arrinta ku saabsan helitaanka marin ay u yeelato Badda Cas iyo dekedda Eritrea ee Assab.

    Labada dal ayaa dagaal khasaaro badan dhaliyay ku dhex maray sannadihii 1998 ilaa 2000, ka hor inta aysan dib u soo celin xiriirkooda sannadkii 2018.

  9. Maxay tahay sababta uusan 100 sano ka dib isku beddelin maydka hoggaamiyahan mar laga yaqaanay Soomaaliya

    Xusuusta Vladimir Ilyich Lenin, hoggaamiyihii Kacaankii weynaa ee Ruushka, ayaa loogu dabaaldegay sannad-guuradii 100-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.

    Waxaa jira munaasabo lagu maamuuso oo la qabto kuwaas oo ay ku jiraan xus ciidan, ayadoo lagu qabto goobtiisa xasuusta.

    Mararkan oo kale waxaa meydka Lenin la soo saaraa goobta lagu ilaaliyo isaga iyo Joseph Stalin si loo maamuuso.

    Maydkiisa ayaa sanadkii 1970-kii lagu dahaaray goobta uu yaallo muraayado an xabadu karin. Halka maydkiisu yaallo ayaa mararka qaar la furaa si loogu ogolaado dadweynaha inay daawadaan.

    Markii dalkii hantiwadaaga ahaa ee Midowga Soofiyeeti uu burburay sagaashamaadkii, waxaa la codsaday in la soo saaro meydka Lenin oo la aaso.

  10. Imaaraadka oo bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdadii diyaaradda Flydubai

    Imaaraadka Carabta ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan isku day la sheegay in duuliye- ahaana kaaliyaha diyaaradda Flaydubia uu ku doonayay inuu ku burburiyo diyaarad taas oo soo duushay Dubai kuna socotay Israa’iil.

    kaaliyaha diyaaradda oo aan magaciisa la shaacin ayaa weli lagu baarayaa Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay diyaaradda si degdeg ah ugu degtay.

    Xeer-ilaaliyaha guud ee Imaaraadka Carabta ayaa Khamiistii sheegay in baaritaan laga bilaabay dhacdada, oo ay ku jirto in la ogaado haddii ay wax xiriir ah la leedahay falal “argagixiso.”

    Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in qofka looga shakisan yahay dhacdada loo gudbin doono Imaaraadka Carabta, isla markaana Israa’iil ay qayb ka qaadan karto baaritaanka.

    Netanyahu oo la weydiiyay haddii hadda ay jiraan wax tilmaamaya in Iran ay ku lug lahayd dhacdada, wuxuu ku jawaabay: “Waa xilli hore in sidaas la sheego.” Wuxuu intaas ku daray in duuliyaha “hadda lagu baarayo Sacuudi Carabiya.”

  11. Ruushka oo qaadaya tallaabo u dhiganta mid uu horey u qaaday dal xubin ka ah NATO

    Ruushka ayaa dalka ka saaraya tiro aan la cayimin oo diblomaasiyiin Hungarian ah, ku dhowaad bil kaddib markii Budapest ay amartay in toban diblomaasi oo Ruush ah ay dalka ka baxaan.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Moscow ayaa tallaabadan ku tilmaantay “tallaabo is-dhaafsi ah”, waxayna sheegtay in shaqaalaha Hungarian-ka ee ka howlgala xafiisyada diblomaasiyadeed ee Moscow, St Petersburg iyo Kazan ay dalka kaga baxaan muddo laba toddobaad gudahood ah.

    Hungary ayaa xaqiijisay go’aanka, iyadoo sheegtay inaysan danaynayn in xiisadaha la sii kordhiyo.

    Ra’iisul Wasaaraha Hungary, Péter Magyar, oo xilka la wareegay bishii Abriil, ayaa beddelay jihadii xiriirka ee u janjeertay Kremlin-ka ee uu watay madaxweynihii isaga ka horreeyay, Viktor Orbán.

    Budapest ayaa sheegtay in masaafurintii ay bishii hore ku samaysay diblomaasiyiinta Ruushka ay ahayd tallaabo lagu ilaalinayo “amnigeeda iyo madax-bannaanideeda.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  12. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

    "Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.

  13. Dad deggan Addis Ababa oo sheegay inay saqdii dhexe ee xalay maqleen qaraxyo

    Saddex qof oo ku nool meelo kala duwan oo Addis Ababa ah, kuwaas oo BBC ay la hadashay, ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan wax yar kaddib 6-dii fiidnimo ee xalay.

    Wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed, ayaa sheegtay in qarax laga maqlay Addis Ababa abbaaraha saqdii dhexe ee Arbacadii.

    Dadka BBC la hadashay ee ku nool deegaannada Gotera iyo Bethel ayaa sheegay inay maqleen qaraxa wax yar kaddib 6:20 am subaxnimo.

    Dadka deggan deegaanka Gotera, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo amni awgood, ayaa sheegay inay maqleen “qarax xooggan oo ruxay dhismaha ay ku noolaayeen” abbaaraha 6:20 subaxnimo , xilli ay fadhiyeen oo shaqaynayeen.

    “Qaraxu aad buu u xoog badnaa; wuxuu kiciyay alaarmiyada baabuurta,” ayuu yiri qofka deggan deegaanka oo BBC u sheegay inuu qaraxa maqlay intii u dhexeysay 6:20 iyo 6:30 subaxnimo.

    Qofka ayaa sheegay inuu gurigiisa ka baxay si uu u ogaado waxa dhacay, balse uusan arkin wax dhaqdhaqaaq gaar ah.

    Isku dayo lagu ogaanayay in qaraxu ka yimid dhanka xarunta ciidamada ama Qaybta Afraad ayaa lagu guulaysan waayay.

    Nin kale oo dhallinyaro ah, oo sheegay inuu deegaanka Bethel “ciyaar ku jiray”, ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibbadiis ay maqleen qarax. Wuxuu sheegay in qaraxu laga yaabo inuu ka yimid xarunta Ciidamada Difaaca Itoobiya, oo ku taalla meel u dhow gurigooda.

    BBC-du kama helin wax jawaab ah codsiyadii ay telefoon iyo iimayl ugu dirtay Ciidamada Difaaca Itoobiya iyo sidoo kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

  14. Dal ay ciidamadoodu joogaan Soomaaliya oo ku biirtay dalalka aqbalay muhaajiriin laga masaafuriyay Mareykanka

    Burundi ayaa ku biirtay dalal kale oo Afrikaan ah oo aqbalaya muhaajiriin laga masaafuriyay Mareykanka, taas oo qayb ka ah siyaasadda adag ee socdaalka ee madaxweyne Donald Trump.

    Dowladda Bujumbura ayaa sheegtay inay aqbali doonto oo keliya muhaajiriinta aan lagu eedayn dambiyo ama aan xiriir la lahayn argagixisada, sida ay sheegtay Nancy Ninette Mutoni, afhayeenka madaxweynaha dalkaas Evariste Ndayishimiye.

    Washington ayaa muhaajiriin laga masaafuriyay Mareykanka u diraysay ugu yaraan lix dal oo Afrikaan ah, iyadoo loo marayo heshiisyo aan si cad loo shaacin. Senatarro ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in heshiisyadan ay ku kacayaan tobannaan milyan oo doollar.

    Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka hor yimid tallaabadan Mareykanka.

    Mutoni ayaa sheegtay in diyaar-garow lagu sameynayo sidii muhaajiriinta loo siin lahaa hoy, deegaan wanaagsan oo ay ku noolaadaan, isla markaana loogu dhex dari lahaa bulshada.

    “Qaadashada kooxdan muhaajiriinta ah waxay u baahan tahay qorshayaal adag oo ku saabsan halka ay ku noolaan doonaan, waxa ay cuni doonaan iyo sida ay ula macaamilayaan dadka deegaanka,” ayay tiri afhayeenku.

    Markii wax laga weydiiyay suurtagalnimada in muhaajiriintan la siiyo dhalashada Burundi, afhayeenku waxay ku jawaabtay: “Haddii ay doortaan inay ku biiraan muwaadiniinta Burundi oo ay gacan qiimo leh ka geystaan horumarka qaranka, sharciga ayaa la ixtiraami doonaa.”

    Afhayeenku waxay intaas ku dartay in Burundi ay doonayso inay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Mareykanka, isla markaana ay martigeliso dadka u baahan caawimaad.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  15. Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay dhacdadii diyaarada Flydubai

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa muujiyay “walaac weyn” oo ku saabsan dhacdadii ka dhacday duulimaadkii Dubai–Tel Aviv, balse wuxuu sheegay inuu “ku faraxsan yahay” in laga hortagay musiibo.

    Bayaan uu soo saaray kaddib wixii ka dhacay diyaaradda FlyDubai ee ka soo duushay Imaaraadka kuna sii jeeday Tel Aviv, afhayeenka Guterres, Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu “si adag u cambaareynayo fal kasta oo khatar gelinaya nolosha dadka rayidka ah iyo badqabka duulista rayidka ah.”

    Wuxuuna ammaanay “dhammaan hay’adaha ay khusayso dadaalladooda ku aaddan xaqiijinta badqabka dhammaan rakaabka iyo sameynta baaritaan ku saabsan dhacdada.”

  16. Netanyahu oo sheegay xog uu u gudbiyey Ingiriiska ka hor dhacadadii saldhiga cirka

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu Ingriiska uga digay in Iran ay qorshaynaysay inay weerarto saldhig diyaaradeed, balse wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay Britain oo uu sheegay inay sii waddo cadaadiska ay ku hayso dowladda Israa’iil, gaar ahaan habka ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta.

    Ra’iisul Wasaaraha Britain Andy Burnham ayaa shalay sheegay “Waxaa jira tilmaamo xooggan oo muujinaya in Iiraan ay ku lug lahayd wixii ka dhacay Saldhigga Ciidanka Cirka ee RAF Fairford dhammaadkii toddobaadkan, balse weli waxaa socda baaritaan boolis oo adag oo arrin culus ku saabsan, waxaana si dhow ula shaqaynaynaa Mareykanka.”

    Mareykanku wuxuu saldhiggan u adeegsaday dagaalkii uu kula jiray Iran.

    Mr. Netanyahu ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay in Israa’iil ay Britain siisay xog ku saabsan weerar la qorsheeyay, wax yar ka hor intii aysan dowladda Ingiriiska 8-dii Sebtembar ku soo rogin cunaqabateyn badeecooyinka laga soo saaro deegaannada Israa’iiliyiinta ee ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto.

    “Waxaan Ingiriiska siinay xog sheegaysa in weerar la qaadi doono, isla markaana Iran ay taageeri doonto. Ku dhowaad maalintii xigtayna, waxay nagu soo rogeen cunaqabateyn,” ayuu intaas ku daray.

  17. Flydubai oo hakisay duulimaayadii tagi jiray kagana imaan jirtay Israa’iil iyo garsoorka Imaaraadka oo baaritaan bilaabay

    Flydubai ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay duulimaadyadeeda taga Israa’iil iyo kuwa ka soo yimaada iyadoo ay socoto baaritaanka dhacdadii ka dhacday duulimaad ka soo baxay garoonka diyaaradaha ee Dubai kuna socday Garoonka Caalamiga ah ee Ben Gurion.

    Shirkaddu waxay sheegtay in hakinta ku-meel-gaarka ah ay fursad siinayso hay’adaha ay khusayso inay sii wadaan hawlahooda, isla markaana ay go’aamiyaan dhammaan xaqiiqooyinka la xiriira dhacdada.

    Shirkaddu waxay sidoo kale tilmaantay inay si dhow ula shaqaynayso hay’adaha dowladda, hay’adaha nidaaminta iyo dhinacyada ay khusayso ee garoonka diyaaradaha, iyadoo xustay inay dib u eegis ku samayn doonto go’aanka hakinta duulimaadyada marka ay soo baxaan macluumaad dheeraad ah.

    Garsoorka Imaaraadka Carabta ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdadan, sida ay Khamiistii sheegtay Wakaaladda Wararka Imaaraadka (WAM), kaddib markii diyaaradda ay Arbacadii si degdeg ah ugu degtay garoon diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudi Carabiya, xilli ay ka soo duushay Dubai kuna sii jeeday Tel Aviv.

    Wakaaladdu waxay sheegtay in kooxda baaritaanka ay “bilaabeen shaqadooda ku aaddan dhacdada, iyagoo la kaashanaya Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka iyo hay’adaha ay khusayso ee dalka.”

    Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa amray in “baaritaan lagu sameeyo si loo ogaado in dhacdadu la xiriirtay wax fal argagixiso ah ama ujeeddo argagixiso, ama in horay loo sii qorsheeyay ama loo faray.”

  18. War deg deg ah, Eritrea oo ka jawaabtay eedeyn uga timid dowladda Itoobiya

    Dagaallada ayaa ku sii xoogeysanaya waqooyiga Itoobiya, iyadoo Eritrea ay beenisay inay ku lug leedahay colaadda.

    Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa BBC u sheegay in dowladda Itoobiya ay dalalka deriska ah ku eedeyso dhibaatooyinka gudaha dalka.

    Saraakiisha Itoobiya ayaa horey Eritrea, Suudaan iyo Masar ugu eedeeyay inay taageeraan kooxaha hubeysan, balse Eritrea way beenisay eedahaas.

    Dagaallo ayaa ka socda Tigray, Amhara iyo deegaanno kale, iyadoo xaaladdu ay sare u qaaday walaaca laga qabo xasillooni-darro iyo xaalad bani’aadamnimo.

    Dhanka kale, hay’adda sirdoonka Itoobiya ayaa si aan waqti loo cayimin u mamnuucday duulimaadyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Addis Ababa iyo nawaaxigeeda, iyadoo tallaabadan lagu sheegay arrimo amni.

  19. War deg deg ah, Iran oo ku baaqday in Mareykanka laga saaro guudahaan Bariga Dhexe

    Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku baaqday in ciidamada Mareykanka laga saaro guud ahaan Bariga Dhexe, iyadoo bixitaankii ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ku tilmaantay “guul taariikhi ah” oo u soo hoyatay waxa ay ugu yeertay “xagasha iska-caabbinta”.

    war ay soo saartay Ilaalada Kacaanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu ka baxo gobolka, isla markaana mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo dalalka gobolka.

    Waxay sidoo kale sheegtay in joogitaanka militariga Mareykanka ee gobolka labaatankii sano ee la soo dhaafay uusan keenin amni, balse uu horseeday “amni-darro, xagjirnimo iyo xasillooni-darro”.

    Ciidamadii Mareykanka iyo kuwa isbahaysiga uu hoggaaminayay ayaa si rasmi ah uga baxay Ciraaq 30-kii Sebtembar, kaddib markii la soo gabagabeeyay howlgalka ka dhanka ahaa kooxda Daacish. Dowladda Ciraaq ayaa bixitaanka ku tilmaantay tallaabo lagu xaqiijinayo madax-bannaanida dalka.

  20. War deg deg ah, Madaxweyne Mustafe oo mar kale loo doortay hoggaaminta dowlad deegaanka Soomaalida

    Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa loo doortay mar kale xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida. Xildhibaannada golaha 7-aad ee DDS ayaa mar markale u ansixiyey Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar in uu xilka sii hayo.

    Sidoo kale xildhibaannada ayaa doortay xubno kale oo uu ka mid yahay afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.