TOOS, Iiraan oo Imaaraadka Carabta uga digtay in ay martigeliyaan Raysalwasaaraha Israa'iil

Mohsen Rezaei ayaa qoraal uu ku daabacay X ku yidhi: “Sida martigelinta saldhigyada milatari ee Maraykanka aydaan ammaan ugu dareemayn, ayaa martigelinta Netanyahu aanay u yeelan doonin cawaaqib wanaagsan.”

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Trump oo yiri: Iran waa in ay labo mid soo gashaa "duqeyn ama heshiiis"

    .

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay kala dooranayso in ay heshiis la gaarto Iran ama ay qaaddo tallaabo milatari oo dheeraad ah.

    Trump oo Arbacadii kula hadlayay wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa, markii la weydiiyay sida heshiis loola gaari karo madaxda Iran oo uu ku tilmaamay kuwo aan caqli-gal ahayn, ku jawaabay: “Waxaa laga yaabaa inaa duqeyno. Waa inaan go’aan ka gaarnaa inaan duqeyno iyo inaan heshiis sameyno.”

    Trump ayaa intaas ku daray in waqtigu soo dhow yahay, ayna xaaladda Iran “si aad u dhow” ku soo dhammaan doonto, si kastaba ha ahaatee.

  2. War deg deg ah, Pakistan oo duqeyno khasaare dhaliyay ku qaadday Afghanistan

    .

    Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay duqeymo cirka ah ku bartilmaameedsatay goobo ay ku tilmaantay gabbaadyo ay leeyihiin kooxaha xagjirka ah, kuwaas oo ku yaalla laba meelood oo gudaha Afghanistan ah.

    Wasaaradda Warfaafinta Pakistan ayaa sheegtay in howlgalka loogu magac daray “Ghazab-ul-Haq” lagu burburiyay goobo ay ku sugnaayeen kooxo hubeysan, ayna ku dhinteen 22 dagaalyahan.

    Dhanka kale, dowladda Taliban ayaa sheegtay in Pakistan ay duqeymo ka fulisay gobollada Kunar iyo Helmand, halkaas oo ay ku dhinteen sagaal qof, 11 kalena ay ku dhaawacmeen. Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jireen haween iyo carruur.

    Labada dhinac ayaa bixiyay warar kala duwan oo ku saabsan bartilmaameedyada iyo khasaaraha, iyadoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin tirooyinka ay kala sheegeen.

  3. War deg deg ah, Ronaldo oo ka baxay xerada xulka Portugal, ballanqaaday-na inuu runta sheegi doono

    .

    Xiddiga u dhashay Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ka baxay xerada xulka qaranka, isagoo sheegay inuu waqtiga ku habboon ka hadli doono sababta uu go’aankaas u qaatay.

    Go’aanka ayaa yimid kaddib markii tababaraha Portugal Jorge Jesus uu sheegay inuusan jirin khilaaf u dhexeeya isaga iyo Ronaldo, xilli warar ay soo baxeen oo sheegayay in Ronaldo uu diiday inuu tababarto.

    Ronaldo ayaa ku jiray 25-ka ciyaaryahan ee loo doortay kulamada xulka ee bishan. Wuxuu ciyaaray kulankii Wales, balse ma uusan ciyaarin kulankii Portugal ay 2-1 kaga adkaatay Norway.

    Jesus ayaa sheegay in Ronaldo uusan ku jirin safka hore ee kulanka Denmark, isagoo intaa ku daray in ciyaaryahanku uusan diidin tababarka, balse uu samaynayay jimicsiyo gaar ah oo jirka iyo murqaha lagu xoojinayo.

    Ronaldo ayaa markii dambe qoraal uu soo dhigay Instagram ku sheegay inuu go’aansaday inuu ka baxo xerada xulka, kaddib shirkii jaraa’id ee tababaraha iyo wadahadal uu la yeeshay madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Portugal.

    Wuxuu sheegay inuu “waqtiga ku habboon” shacabka Portugal ugu sheegi doono runta ku saabsan sababihii uu go’aankaas u qaatay, isagoo sidoo kale u rajeeyay saaxiibbadiis guul kulamada soo socda.

    Xiriirka Kubadda Cagta Portugal ayaa xaqiijiyay inuu Ronaldo ka baxay xulka, balse ma uusan faahfaahin sababta.

  4. War deg deg ah, Duuliyihii la dhaawacay ee diyaaraddii Israa'iil ku wajahneed oo war cusub ka soo kordhay

    Safaaradda Hindiya ee Riyadh ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda caafimaad ee duuliyaha Hindiya u dhashay ee Samit Machhar, kaas oo la sheegay in lagu weeraray xilli ay diyaaradda hawada ku jirtay.

    Sida ay safaaraddu sheegtay, diyaaradda ayaa loo weeciyay magaalada Tabuk ee Sacuudiga, halkaas oo Samit Machhar loo qaaday isbitaal, waxaana haatan la siinayaa daryeel caafimaad.

    Safaaraddu waxay sheegtay inaysan weli hayn xog dhammaystiran oo ku saabsan xaaladdiisa, balse wararkii ugu dambeeyay ay tilmaamayaan inay xaaladdiisu deggan tahay.

    Safaaradda ayaa sheegtay inay sidoo kale xiriir la leedahay qoyska Samit Machhar, iyadoo rajaynaysa inuu si degdeg ah uga soo kabsado dhaawacyada soo gaaray.

  5. War deg deg ah, Gobol ka mid ah Mareykanka oo mamnuucay guurka dadka da'daan jira

    .

    Gobolka California ee Mareykanka ayaa si rasmi ah u mamnuucay guurka dadka ka yar 18 jir.

    Guddoomiyaha California Gavin Newsom ayaa saxiixay sharci dhigaya in qof ka yar 18 sano uusan guursan karin, xitaa haddii waalidku oggolaado. Sharcigan ayaa dhaqan geli doona 1-da Janaayo 2027.

    Newsom ayaa sheegay in sharcigu yahay tallaabo muddo dheer la sugayay oo lagu ilaalinayo carruurta iyo dhallinyarada California.

    Wuxuu sharciga saxiixay iyadoo ay goob joog ahayd Courtney Stodden, oo iyadu 16 jir ahayd markii waalidkeed u oggolaadeen inay guursato jilaaga Hollywood-ka ee Doug Hutchison oo 50 jir ahaa.

    Hay’adda Unchained At Last, oo ka shaqaysa joojinta guurka carruurta ee Mareykanka, ayaa sheegtay in kumannaan carruur ah sanad kasta lagu guursado California, iyadoo inta badan ay yihiin gabdho guursanaya rag waaweyn.

    California ayaa hadda ku biirtay 17-ka gobol ee Mareykanka ee gebi ahaanba mamnuucay guurka dadka ka yar 18 jir.

  6. War deg deg ah, Qarax laga maqlay meel u dhow caasimadda Suuriya ee Dimishiq

    Telefishinka Al-Ikhbariya ee Suuriya ayaa sheegay in dhuun gaas ay Arbacadii ku qaraxday meel u dhow warshadda korontada ee Tishreen, oo ku taalla duleedka caasimadda Dimishiq.

    Telefishinku wuxuu sheegay in qaraxa weyn ee laga maqlay deegaanka uu ka dhashay dhuunta gaaska oo ku qaraxday meel u dhow warshadda korontada.

    Shirkadda Korontada Suuriya ayaa sheegtay in qaraxa iyo go’aanka gaaska lagu joojiyay ay sababeen in saddex warshadood oo koronto oo kala ah Deir Ali, Nasiriyah iyo Tishreen ay shaqada joojiyaan.

  7. War deg deg ah, War cusub: Maxaa ka jira in wefdigii Iran ee Mareykanka ku sugnaa laga dalbaday in ay halkaa isaga baxaan?

    .

    Wariye ka tirsan warbaahinta Axios, Barack Ravid, ayaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio uu Isniintii wafdiga diblomaasiyadeed ee Iran, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Caraqji, ka codsaday inuu ka baxo New York.

    Ravid ayaa sheegay in farriinta Rubio loo sii mariyay wafdiga Iran ergada Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

    Wafdiga Iran ayaa saacado kaddib ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee New York, iyagoo u uga duulay Doha Talaadadii.

    Caraqji ayaa sheegay ka hor inta uusan New York ka dhoofin inuu dowladda Mareykanka u gudbiyay qorshaha Iran, iyadoo Qadar loo marayo.

    Wadahadalladii dhex maray wafdiga Iran iyo wakiillo ka socday madaxweyne Donald Trump, oo ay dhexdhexaadinayeen Qadar iyo Pakistan, ayaan keenin wax natiijo ah oo cusub oo ku saabsan dagaalka ama xabbad-joojinta labada dal.

    Iran ayaa Arbacadii sheegtay inay heshay jawaabta Mareykanka ee ku aaddan soo jeedinteeda.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran weli kama aysan jawaabin warbixinta Axios ee ku saabsan in Rubio uu wafdiga ka codsaday inuu New York ka baxo.

  8. War deg deg ah, Maxaan ka ka soo kordhay diyaaraddii ku wajahneed Isreal ee shalay laga dejiyay Sacuudiga?

    .

    Duulimaad Flydubai ah oo ku wajahnaa Tel Aviv ayaa Arbacadii si degdeg ah ugu degay Sacuudiga, kaddib markii la sheegay in mid ka mid ah duuliyeyaasha uu mindi ku weeraray duuliyaha kale, isagoo isku dayay inuu diyaaraddu ay shil gasho.

    Shaqaalaha iyo rakaabka ayaa la sheegay inay qabteen ninkii weerarka geystay, taasoo suuragelisay in diyaaradda si ammaan ah loogu dejiyo garoonka Tabuk.

    Duuliyaha dhaawacmay waxaa lagu magacaabay Samit Machchar, waxaana lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla Tabuk. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay “geesi”.

    Netanyahu ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo dhacdada iyo ujeeddada duuliyaha la qabtay, iyadoo la qorsheynayo in loo gudbiyo Imaaraadka Carabta.

    Dhacdadu waxay sidoo kale keentay iskaashi dhif ah oo dhex maray Sacuudiga iyo Israel, iyadoo shaqaale caafimaad oo Sacuudi ah ay caawiyeen rakaabkii diyaaradda.

  9. Trump oo 'geesi' ku tilmaamay duuliyihii labaad ee Flydubai

    Captain Sumit Mechar

    Donald Trump ayaa sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isla markaana ay ka wada hadleen dhacdadii diyaaradda Flydubai.

    Trump ayaa Arbacadii sheegay in Netanyahu uu uga warramay wixii dhacay iyo dadaalladii rakaabka diyaaradda ay ku doonayeen in ay xaaladda xakameeyaan.

    “Waxaan u malaynayaa in ay tahay dhacdo aan la rumaysan karin. Waxay u muuqataa in ku-xigeenka duuliyuhu uu ahaa argagixiso ama laga yaabee qof waalan,” ayuu Trump yidhi.

    Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay ku-xigeenka duuliyaha ee lagu weeraray dhacdada in uu ahaa nin geesi ah.“

  10. Maraykanka oo bogaadiyay in Baxrayn ku biirto isbahaysi dhawaan la sameeyay

    Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in Baxrayn ay ku biirtay hawlgalka ciidammada gaarka ah ee isbahaysiga, kaas oo la sameeyay bishii hore si loogu adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo isticmaalo weerarrada ismiidaaminta ah.

    Admiral Brad Cooper, taliyaha CENTCOM, ayaa arrintan ka sheegay:

    “Waxaan ku faraxsanahay in Baxrayn ay ku biirtay ciidammada gaarka ah ee Falcon Strike, kaddib markii dalkaasi uu mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay la shaqaynta CENTCOM si loo abuuro cutubkii ugu horreeyay dunida ee caalami ah oo ka kooban diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado weerarrada ismiidaaminta ah.Baxrayn waa xubin joogto ah oo gacan ka geysta xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka.”

    Bishii August 13-keedii, CENTCOM ayaa ku dhawaaqday in ay ka shaqaynayso samaynta ciidankii ugu horreeyay dunida ee caalami ah, isla markaana adeegsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarrada gaarka ah, kana hawlgala meelo kala duwan.

    Cutubkan oo loo bixiyay “Falcon Strike Special Forces”, ayaa adeegsan doona diyaarado aan duuliyaha lahayn oo hal mar loo adeegsado weerarrada ismiidaaminta. Waa nidaamyo aan cidina wadin oo ka hawlgala saddex goobood — hawada, badda iyo biyaha hoostooda — waxaana loogu talagalay in ay adeegsadaan ciidammada Maraykanka iyo dalalka gobolka ee ay iskaashadaan.

    Drone
  11. Trump: “Waxaad dhawaan arki doontaan dhacdooyin aad muhiim u ah

    Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlayay Iiraan ayaa yidhi “Waxa aan la macaamilayno waa dal ku dhowaad burburay, dhaqaalihiisuna aanu xaalad wanaagsan ku jirin.”

    Waxa uu intaa ku daray in ciidammadoodii badu ay meesha ka baxeen, ciidamadoodii cirka ay meesha ka baxeen, nidaamkoodii difaaca cirka-na uu baaba'ay.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa yidhi: “Waxaad dhawaan arki doontaan dhacdooyin aad muhiim u ah,” balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin.

    Trump ayaa mar kale ku andacooday oo yidhi “waxaad og tihiin aan si buuxda gacanta ugu hayno marin-biyoodka Hormuz.”

    Waxa uu sheegay in xaddiga shixnadaha shidaalka ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay maray marin-biyoodka Hormuz uu ahaa “mid ka badan xilli kasta oo taariikhda Maraykanka ah.”

    Waxa uu yidhi: “Kama hadlayo oo keliya xilliyada dagaalka, ee waxaan ka hadlayaa taariikhda oo dhan.”

  12. Iiraan oo Imaaraadka Carabta uga digtay in ay martigeliyaan Raysalwasaaraha Israa'iil

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, uu Imaaraadka Carabta uga “digay” martigelinta Raysalwasaaraha Israa’iil.

    Farriin uu ku qoray afka Carabiga, bartiisa X ayaa isaga oo aan magaca dalka xusin, ayuu Rezaei ku yidhi: “Sida martigelinta saldhigyada milatari ee Maraykanku aanay ammaan idiinku keenin, martigelinta ‘Gacan-ku-dhiiglaha Qasa’ ayaa iyaduna aan yeelan doonin cawaaqib wanaagsan.”

    Rezaei ayaa farriintiisa ku yidhi: “Cashar ka qaata dagaalkii dhawaa, joojiya hurinta dagaallada, sidoo kalena joojiya sheegashooyinka aan salka lahayn ee ku saabsan jasiiradaha Iiraan.”

    Mohsen Rezaei,