Maxaad ka ogtahay warshadda sifeynta Batroolka ee Kenya laga dhagax dhigay?

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Kenya ayaa dhagax-dhigtay warshad cusub oo lagu sifeeyo shidaalka, taas oo ay maalgelinayaan ganacsadaha reer Nigeria ahna ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote. Warshaddan oo awood u leh inay maalintii sifeyso 700,000 oo foosto oo saliid ah, ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddesho amniga tamarta iyo xasilloonida sahayda shidaalka ee gobolka Bariga Afrika.

Dhismaha warshaddan saliidda oo ku kacaysa 16 bilyan oo doollar, kuna taal xeebta Lamu ee dalka Kenya, ayaa la filayaa inay abuurto ilaa 60,000 oo shaqo, iyadoo la qorsheeyay in la soo gabagabeeyo muddo saddex sano gudahood ah.

Isagoo ka hadlayay xafladdii dhagax-dhigga ee Arbacadii, Madaxweynaha iyo Madaxa Fulinta ee Shirkadda Dangote Group, Aliko Dangote, ayaa sheegay in fikradda mashruucan ay ku billaabatay "kaftan" markii ay Kenya kala hadashay sidii ay u iibsan lahaayeen bacriminta laga soo saaro warshaddiisa Lagos, balse wadahadalkaas uu isu beddelay riyo ah in la dhiso warshad saliid oo laga hirgeliyo Kenya, taas oo u adeegta gobolka Bariga Afrika.

Mudane Dangote wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in Afrika ay qiimo ku kordhiso khayraadkeeda dabiiciga ah, halkii ay dhoofin lahayd alaabta oo ciiriin ah isla markaana ay soo dhoofin lahayd alaabta la warshadeeyay, taas oo sababta luminta fursadaha shaqo iyo dakhliga dawladaha.

"Waa waqtigii ay dadka Afrikaanku horumarin lahaayeen Afrika, kuna tallaabsan lahaayeen warshadaynta qaaradda," ayuu yiri Mudane Dangote.

Khudbaddiisa, Madaxweynaha Kenya William Ruto wuxuu sheegay in warshadda sifeynta ay tahay mashruuc ay dowladdu ogoshahay ayna ka dambeyeeyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay.

"Kani waa mashruuc ka weyn warshad sifeyn. Waa maalgashi lagu sameeyo amniga tamarta, warshadaha, iyo isdhexgalka gobolka. Waxa ugu muhiimsan, waa ku dhawaaqid ah in Afrika ay gashay da' cusub oo aan si isa soo taraysa u maalgelin doono, u dhisi doono, u farsameyn doono oo aan qiimo ka heli doono." Madaxweyne Ruto ayaa yiri.

Sannadkii hore, Kenya oo keliya waxay ku bixisay $4 bilyan oo soo dejinta alaabada batroolka sababo la xiriira qiimaha kor u kacay.

Wuxuu raaciyay in warshadda sifeynta aysan ka dhigi doonin qiimaha soo dejinta inay hal habeen wax iska badalayaan, laakiin ay si weyn u yareyn doonto kharashaadka.

"Tani waxay xoojineysaa in Kenya iyo deriskeeda ay tahay inay dhisaan awoodda lagu sifeynayo shidaal u dhigma suuqyada aan u adeegno oo ay ku dhisaan warshado ku wareegsan." Madaxweyne Ruto ayaa yiri.

Munaasabadda dhagax dhigga ayaa sidoo kale keentay murano ka dhashay dibadbaxayaal iyo booliiska iska horimid Talaadadii. Qiyaastii 133 qof oo deggan Lamu ayaa sidoo kale la xiriiray Maxkamadda Sare ee Kenya si ay u joojiso shaqooyinka dhismaha.

Sidaas darteed, hawlaha sida qodista iyo dhismaha dhulka lagu muransan yahay ayaa si ku meel gaar ah loo xaddiday ilaa laga gaarayo dhageysiga maxkamadda ee xiga ee 14-ka Oktoobar.

Iyagoo ka jawaabaya khilaafaadkan, Madaxweyne Ruto iyo Mr. Dangote labaduba waxay ku andacoonayaan in dadkani yihiin dibadbaxyo ay maalgeliyeen dilaaliinta ku suuqa saliidda, iyagoo ku celiyay in dhismuhu uu u socon doono sidii loogu talagalay.

Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Kenya inay qayb ka noqdaan guusha warshadda marka ay si buuxda u shaqeyso sanadka 2030. Taas oo tilmaamaysa in warshaddu ay si cad u muujin doonto muwaadiniinta caadiga ah ee awood u leh inay yeeshaan saamiyo.

"Dadka Kenya waxay awood u yeelan doonaan inay saamiyada ka iibsadaan suuqa saamiyada ee Nairobi" ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Dangote wuxuu ku dhawaaqay inuu bixin doono 30 boqolkiiba saameiyada si siman dalalka Bariga Afrika iyadoo Kenya ay sheegtay inay maalgelin doonto Sanduuqa Kaabayaasha Qaranka.

Iyadoo muddo 40 bilood ah loo qorsheeyay dhismaha, Mr Dangote wuxuu aaminsan yahay in dhaqaalaha Lamu iyo gobollada deriska la ah la beddeli doono iyada oo loo marayo ganacsiyada yaryar, farshaxanleyda iyo shaqaalaha xirfadlayaasha ah ee looga baahan doono mashruuca.