You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha
Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.
Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.
Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.
Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.
Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.
Cuduradani waxay ka yimaadaan baruurta ku taal aagga caloosha.
Waxa kale oo ay kordhisaa halista nooca 2-aad ee sonkorowga iyo cudurrada wadnaha.
Cilmi-baaris ay daabacday jaamacadda Harvard ayaa muujisay in nooca borotiinka ee loo yaqaan 'cytokine' la soo saaro tiro aad u badan marka dufanku ku ururo aagga caloosha. Barootiinkani waxa uu keenaa caabuqa jirka.
Dufanka caloosha ayaa sidoo kale soo saara borotiin kale oo loo yaqaan angiotensin. Barootiinkani waxa uu keeni karaa in xididdada dhiigga ay yaraadaan iyo dhiig karka.
Sidaa awgeed, halista waallida, neefta, iyo noocyada kansarka qaarkood ayaa kordha.
Sida laga soo xigtay Dr. Shiv Kumar Choudhry, dhakhtarka sare ee wadnaha ee Isbitaalka Fortis Escorts ee Delhi, dufanka caloosha ayaa ka khatar badan dufanka ku kaydsama qaybaha kale ee jirka.
"Marka unugyada dufanka caloosha ay dillaacaan, walxo badan oo sun ah ayuu jirku sii daayaa. Walxahaasi waxay keenaan caabuqa xididdada dhiigga ee wadnaha iyo kororka khatarta cudurrada wadnaha. Waxay sidoo kale horseedaan iska caabbinta insulinta iyo sare u kaca khatarta sonkorowga"ayuu sharaxay.
Sida ay khubaradu sheegeen, arrimo badan ayaa keeni kara in ay xayrtu ku ururto caloosha, sida hidde-sideyaasha, isbeddellada hormoonnada, da'da, miisaanka oo kordha, iyo caado-joogsiga.
Hab-nololeed aan dheeli tirnayn iyo cunto aan habboonayn ayaa iyaguna ka qaybqaata dhacdadan.
Khubarada caafimaadku waxay sheegeen inay suurtogal tahay in la yareeyo dufanka caloosha, iyadoo la qaadanayo cunto isku dheeli tiran, oo la sameeyo dhaqdhaqaaq jireed maalinle ah, lana ilaaliyo hab-nololeedka wanaagsan.
Si loo yareeyo dufanka caloosha, waxaa muhiim ah in diirada la saaro qodobbada muhiimka ah qaarkood.
1. Wakhtiga u dhexeeya cashada iyo wakhtiga jiifka
Laguma talin in aad wax cunto laba ilaa saddex saacadood ka hor hurdada. Kaloriyada cuntada la isticmaalo maalintii waxaa loo beddelaa tamar hawl maalmeedka.
Si kastaba ha ahaatee, cuntooyinka la isticmaalo fiidkii uma shaqeeyaan si la mid ah wakhtiyada kale.
Sidaa darteed waxay bilaabi doonaan in dufan lagu kaydiyo jirka, waxayna u horseedi doonaan koror miisaan.
2. Qaado cunto dheeli tiran
Markaad isticmaasho cuntooyinka hodanka ku ah fiber-ka, si degdeg ah uma gaajoon doontid.
Haddii cuntadaadu ka kooban tahay fiber, marinka cuntada ee calooshaada ilaa xiidmahaaga waa is dhimi doonaa. Tani waxay kuu ogolaanaysaa inaad dheregsanaato muddo dheer.
Ku dar borotiinka cuntadaada. Waxay kaa dhigaysaa inay dhereg ku hayso waqti dheer, waxayna yaraynaysaa rabitaanka cuntada fudud.
Waxay hoos u dhigaan heerka ghrelin oo ah hormoonka kiciya gaajada, kaas oo kaa ilaaliya inaad dareento rabitaan cunto.
Borotiinadu waxay xoojiyaan murqaha, waxay dedejiyaan dheef-shiid kiimikada, waxayna kordhiyaan awoodaada inaad gubto kalooriyaasha.
Ku dar cuntooyinka hodanka ku ah borotiinka sida ukunta, misirta, caano, farmaajo, caano fadhi, kalluunka, iyo digaaga, cuntadaada maalinlaha ah.
3. Ka fogow cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyey ee Carb ku badan yahay
4. Hurdo kugu filan seexo
Haddii aadan helin hurdo kugu filan, waxay saameyn kartaa hormoonnadaada gaajada, waxayna kaa dhigi kartaa inaad rabto inaad wax badan cunto.
Sida laga soo xigtay cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda California, Los Angeles, ghrelin, oo ah hormoon ay soo saarto caloosha kaasoo kiciya gaajada, ayaa kordhiya xaaladaha hurdo xumada.
Inta badan waxaa la yiraahdaa stress ama isku buuq waa in laga fogaado oo la maareeyaa. Waqtiyada walaaca, heerka cortisol-ka oo ah hormoonka walaaca, wuxuu kordhiyaa dhiigga.
Si kastaba ha ahaatee, marka aanu walaacsannahay, uma fiirsanno waxa aan cunno oo waxaan u badannahay in aan cunno wax kasta oo cunto ah si aan nafteena uga leexinno isku buuqa.
5. Muhiimadda jimicsiga
Inaad firfircoonaato oo aad samayso jimicsi jireed ama nooc kasta oo tababar ah waxay caawisaa gubida kalooriyada. Tani waxay kaa caawinaysaa yaraynta baruurta, gaar ahaan baruurta ku ururta caloosha agagaarkeeda.
Hawlaha maalinlaha ah sida socodka degdega ah, orodka, baaskiil wadidda, dabaasha ama yoga ma aha oo kaliya inay caawiyaan yaraynta baruurta, laakiin sidoo kale waxay dedejiyaan dheef-shiid kiimikada.
Jimicsigu wuxuu xoojiyaa murqaha wuxuuna ilaaliyaa caafimaadka wadnaha. Marka baruurta calooshu hoos u dhacdo, khatarta sonkorowga, dhiig karka, iyo cudurrada wadnaha ayaa sidoo kale hoos u dhacaya.