Luuqada dahsoon ee uu adeegsan jiray huggaamiyihii Iran Cali Khamenei

Xigashada Sawirka, Khamenei.ir
Suurtagal ma ahayn in la fahmo qawaaniinta dhaqanka ee dowladda Iiraan xilligii Cali Khamenei iyada oo aan la helin sawir faahfaahsan oo ku saabsan "hadalkiisa" iyo isbeddelladiisa waqti ka dib. Dukumeentiga "Luqadda Xeerka ee Cali Khamenei" wuxuu isku dayayaa inuu soo bandhigo sawir noocaas ah isagoo falanqeynaya qiyaastii 5.5 milyan oo eray oo hadal ah oo uu jeediyay hoggaamiyaha labaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah
Sawirkan ballaaran wuxuu muujinayaa lakab qarsoon oo maskaxdiisa maamuleed ah oo aan lagu garan karin daraasadaha hadalladiisa.
Si loo falanqeeyo khudbadda Cali Khamenei, waxaa la doortay 150 erey oo muhiim ah oo si joogto ah ugu soo noqnoqda qoraalladiisa muddo 32 sano ah. Kadib, kordhinta ama hoos u dhaca isticmaalka mid kasta oo ka mid ah ereyadan waqti ka dib ayaa la xisaabiyay. Dukumeentiga hadda jira, waxaan soo bandhignay natiijooyinka xisaabinta noocaas ah.
Si loo muujiyo isbeddelladan, waxaa suurtogal ahayd in la is barbar dhigo halka ay u jiraan ereyada muhiimka ah mid kasta oo ka mid ah 32-kii sano. Laakiin xisaabintan 32-tallaabo ah aad bay uga ballaaranayd in lagu soo bandhigo hal barnaamij. Sababtan awgeed, waxaan u doorannay qaab isbarbardhig ah iyada oo la adeegsanayo xogta muddo siddeed sano ah oo ah laga wado muddo xileedka sideed madaxweyne. Gaar ahaan, muddooyinkii afarta madaxweyne ee kiiba laba-tooko xilka qabtay intii Cali Khamenei uu ahaa huggaamiyaha ruuxiga ah; kuwaas oo kala ah, Akbar Hashemi Rafsanjani, Mohammad Khatami, Mahmoud Ahmadinejad, iyo Hassan Rouhani.
Iyadoo la tixgelinayo in muddooyinkii Ebrahim Raisi iyo Masoud Pezhikian aysan weli dhammaan, hadalladii hoggaamiyaha labaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah xilliga labadaan madaxweyne laguma darin xisaabinta, maadaama isbarbardhigga labada muddo ee 33-ka bilood iyo 19-ka bilood ah iyo siddeeddii sano ee madaxweynayaashii hore ay u badan tahay inay horseedi doonaan natiijooyin marin habaabin ah.
150-ka erey ee muhiimka ah, oo kororkooda la fahmay 32-kii sano ee la soo dhaafay, ayaa laga soo xulay ereyada ugu muhiimsan "kuwa macno leh" ee ku jira qoraallada Cali Khamenei. Daraasaddan, xarfaha, falalka, magac-u-yaalka, fal-ka-hortagga, ama inta badan sifeeyayaasha waa la iska dhaafay oo xisaabta laguma darin. Sidoo kale, waxaa laga reebay ereyo kale oo badan oo si caadi ah loogu isticmaalo hadalka maalinlaha ah, kuwaas oo adeegsigoodu uusan daruuri ahaan xambaarsanayn macne siyaasadeed oo gaar ah—sida "caawimaad," "dad," "erey," "dhaqdhaqaaq," iyo wixii la mid ah.
Isla mar ahaantaana, isbarbardhigga halka ereyada muhiimka ah ee la xushay ku jiraan waxaa lagu saleeyaya "darajooyinka ay kala sareeyaan" ereyada uu adeegsaday muddadii siddeedda sano ahay ee aan ku salaynay "tirada" ku celcelintooda.
Sababta loogu tiirsanaanayo darajada ereyada halkii laga eegi lahaa soo noqnoqoshada dhacdooyinka ayaa ah in tirada ereyada laga heli karo afarta xilli ay kala duwan tahay.
Tusaale ahaan, tirada ereyada laga heli karo hadalada Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah waa qiyaastii 1.6 milyan xilligii Akbar Hashemi Rafsanjani iyo qiyaastii 1.2 milyan xilligii Xasan Rouhani. Natiijo ahaan, haddii inta jeer ee la isticmaalo ereyga labada xilli ay tahay 1000, taasi macnaheedu maaha inay leedahay "miisaan" isku mid ah xilliyada Hashemi Rafsanjani iyo Rouhani: sababtoo ah saamiga ereyga ee miisaanka ereyada labada xilli way kala duwan yahay.
Waa muhiim in la ogaado in 150-ka eray ee lagu falanqeeyay dukumeentiga ay inta badan yihiin ereyo keli ah. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah ereyada isku dhafan - sida "Jamhuuriyadda Islaamiga ah" ama "nidaamka xukunka" - ayaa sidoo kale lagu daray falanqaynta sababtoo ah muhiimaddooda gaarka ah ee khudbadda Cali Khamenei.

Xigashada Sawirka, EPA
Natiijada nidaamka wax lagu kala hufay
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qaababka ugu weyn ee lagu heli karo hadallada Hoggaamiyaha waxay ahaayeen "Hadallada uu sii daayay" iyo "Farriimaha uu diray" ee laga heli karo "Mareegta Ayatollah Khamenei" ama Khamenei.ir. Xaaladaha aan qoraalka oo dhan ee hadalladiisa la heli karin, qoraalkooda kooban waxaa laga qaatay qaybta "Wararka" ee bogga.
Marka la tixraacayo qaybta "Wararka", waxaa la ogaaday in dhammaan ereyada ku jira qoraalka wararka aysan ahayn ereyada Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Tusaale ahaan, weeraha sida "Hoggaamiyaha Kacaanka ayaa yiri" ayaa si joogto ah loo isticmaali jiray si loo qaabeeyo wararka, halkaas oo ereyada "hoggaamiyaha" iyo "kacaanka" uu iska leeyahay qoraaga wararka oo aan ahayn Cali Khamenei. Tusaale ahaan, kiiskan gaarka ah, dhammaan erayada "hoggaamiyaha" iyo "kacaanka" ee dheeraadka ah ayaa laga saaray natiijooyinka kama dambaysta ah ee tirinta ereyada muhiimka ah.
Tirada ereyada muhiimka ah waxaa sidoo kale ku jiray ereyo leh qoraal isku mid ah laakiin macnooyin kala duwan xambaarsan. Tusaale ahaan, ereyga "Hasan", macnahiisu waa Imaamka labaad ee Shiicada, balse waxa uu ka mid yahay ereyada muhiimka ah ee lagu falanqeeyay dukumeentiga. Si kastaba ha ahaatee, ka hor dib u eegista falanqaynta, isticmaalka ereyga "Husn" - oo macnihiisu yahay wanaag - ama inta jeer ee la xusay "Hasan" - oo la sheegay in loola jeedo Hassan Rouhani - waa laga saaray erayada muhiimka ah.
Guud ahaan, dukumeentigan wuxuu fiiro gaar ah u leeyahay kala soocida ereyada leh macnayaal kala duwan ee loo adeegsaday ujeedooyin kala duwan. Tusaale ahaan, si loo tiriyo tixraacyada Cali Khamenei ee hoggaamiyihii hore "Imaam," isticmaalka ereyga loogu talagalay imaamyada Shiicada waa laga saaray meesha. Sidoo kale, si loo tiriyo tirada tixraacyada "Galbeedka" – oo ay ula jeedaan Ameerika iyo waddamada Yurub – waxaa meesha laga saaray ereyada sida "Galbeedka Aasiya" - oo u dhigma "Bariga Dhexe" ee uu adeegsaday Cali Khamenei.
Dukumentigan, saamaynta fikradeed ee erayada lagu lifaaqo xarfaha - sida "y" - ayaa sidoo kale la tixgeliyey. Tusaale ahaan, ereyga "Militeri" oo marka la eego luuqada persianka ay "y" ku jirto isaga iyo erayga kale ee "nidaamka" waxaa loo adeegsadaa laba macne oo kala duwan, mid ka mid ah wuxuu la xiriiraa ciidamada militariga, midna "Nidaamka" (dawlad).
Ugu dambayntii, waxa xusid mudan in go'aaminta ereyada muhiimka ah ee Cali Khamenei ee inta badan loo adeegsado marxalad kasta uu sameeyay qalab software gaar ah oo qaata qoraallo waaweyn isla markaana xisaabiya sida ay u kala sarreeyaan ereyada iyo sida ay u kala horreeyaan. Si kastaba ha ahaatee, liisaska natiijada ayaa markii dambe si faahfaahsan oo gooni gooni ah loo baaray si loo aqoonsado loona tirtiro natiijooyinka aan saxda ahayn.
Dabcan, ma jiro garaad macmal ah oo loo adeegsaday heer kasta oo geeddi-socodka qorshahaan ah kaa oo natiijadiisa la isticmaalay, sababtoo ah inkasta oo horumar cajiib ah ee qalabka uu gaaray garaadka macmalka ah, weli waxaa jira shaki ku saabsan saxnaanta falanqeymaha uu ku sameeyo qoraallada waawayn ee dhowr milyan oo eray oo Faaris ah ka kooban.











