'Ma oggolaan lahayn inay dadka kale dhintaan' - ayuu yiri duuliyaha Hindiga ah ee badbaadiyay rakaabka diyaaraddii loo weeciyay Sacuudiga

Smit Matchhar
    • Author, Vikas Pandey
    • Reporting from, Delhi
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Duuliyaha Hindiga ah Smit Machchhar ayaa sheegay inuu furay albaabka qolka duuliyaha ee diyaaradda Flydubai ee ku sii jeedday Israa'iil si uu ugu oggolaado rakaabka inay soo galaan una joojiyaan hoos-u-dhacii degdegga ahaa ee diyaaradda.

Isagoo muuqaal ahaan kula hadlayay Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, Kabtan Machchhar wuxuu sheegay inuu dhulka yaallay isla markaana uu weli weerarayay duuliye-ku-xigeenkiisa markii uu garwaaqsaday in diyaaraddii hoos u sii dhacaysay, taasoo ku qasabtay inuu wax qabto.

"Waxaan dhulka jiifay anigoo dhaawacan, balse waxaan naftayda ku iri inaan sameeyo hal dadaalkii ugu dambeeyay si aan albaabka uga furo gudaha," ayuu yiri.

"Dad kale ayaa soo galay, iyaguna door ayay ka qaateen [xakamaynta xaaladda]. Dabcan waxaan u dagaallamayey badbaadinta naftayda, laakiin isla waqtigaas waxaan ogaa inaanan oggolaan doonin in dad kale dhintaan," ayuu raaciyay.

Machchhar waxaa weeraray duuliye kale oo saarnaa diyaaraddii ka duushay Dubai kuna sii jeedday Tel Aviv, taasoo ku qasabtay diyaaradda inay u leexato Sacuudiga.

Diyaaraddu waxay hoos uga dhacday in ka badan 17,000 fiit (5,200 mitir) laba saacadood kadib markii ay safarka gashay Arbacadii, ka hor inta aysan rakaabka iyo shaqaaluhu ka adkaan weeraryahanka oo ay dib ula wareegin gacan-ku-haynta diyaaradda, taasoo ugu dambayn si nabad ah u degtay.

Modi wuxuu kabtanka u sheegay in "geesinnimadiisa, dulqaadkiisa iyo go'aannadiisa degdegga ah ay badbaadiyeen nolosha dad aad u badan," isla markaana dalka oo dhan uu ku faanayo.

Kabtanka, oo sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu ku tilmaamay "halyeey dhab ah", ayaa markii hore loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Tabuk ee waqooyi-galbeed Sacuudiga.

Kadib waxaa diyaarad looga qaaday Abu Dhabi, halkaas oo lagu soo warramay inuu ku sugan yahay xaalad deggan.

Safaaradda Hindiya ee Imaaraadka Carabta ayaa Khamiistii sheegtay in Machchhar uu "caafimaadkiisu wanaagsan yahay isla markaana si fiican uga soo kabanayo." Danjiraha Deepak Mittal ayaa sheegay inuu "ku faanayo geesinnimada Kabtan Smit" isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay inuu la kulmay.

"Dhaawacan uma arko dhaawac ahaan, sababtoo ah haddii aan sidaas u arko waxay sii adkayn lahayd soo kabashadayda," ayuu yiri Machchhar.

"Waxaan u arkaa safar tartiib-tartiib u socda oo waqti qaadan doona, laakiin waxaan ku kalsoonahay inaan ka bogsan doono oo aan mar kale noqon doono qof caafimaad qaba oo taam ah."

Hindiya
Qoraalka sawirka, Dowladda Hindiya ayaa ku ammaantay Smit Machchhar "geesinimadiisa weyn"
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kabtan Machchhar wuxuu ku koray magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, halkaas oo waalidkiis ay weli ku nool yihiin. Sannadkii 2008, wuxuu ku biiray Mainland Air, oo ah kulliyad duulista ah oo ku taalla magaalada Dunedin ee dalka New Zealand, ka hor inta uusan saddex sano ka dib ku biirin shirkadda diyaaradaha ee Hindiya ee SpiceJet isagoo ah duuliye ganacsi.

Wuxuu u guuray Dubai wuxuuna ku biiray Flydubai sannadkii 2022, xilli uu hore u noqday duuliye khibrad leh.

Isagoo la hadlayay BBC-da, Philip Kean, oo ah madaxa guud ee Mainland Air, ayaa sheegay inuu Kabtan Machchhar ku xasuusto nin xasilloonaan ilaashan jiray marka ay dhibaatooyin dhacaan.

"Waxaan ku tababarnay degitaan degdeg ah oo khasab ah, balse ma ahayn xaaladdan oo kale, taasoo ah mid aad iyo aad naadir u ah," ayuu yiri Kean. "Waqti dheer ayaa ka soo wareegay, balse wuxuu u muuqday shaqaale wanaagsan oo daacad ah."

Sida ku cad xogtiisa LinkedIn, Kabtan Machchhar wuxuu leeyahay in ka badan 9,750 saacadood oo waayo-aragnimo duullimaad ah, kuwaas oo ay ku jiraan in ka badan 6,400 saacadood oo uu ahaa duuliyaha mas'uulka ka ah diyaaradda.

Shirkaddii uu hore uga shaqayn jiray ee SpiceJet ayaa soo saartay bayaan ay ku tilmaantay Machchhar "halyey" badbaadiyay "nolol aan la soo koobi karin".

Sannadkii hore, Kabtan Machchhar wuxuu ka hadlay sida uu ku bilaabay xirfadda duulista iyo waayo-aragnimadiisa duuliye ahaan wareysi podcast ah oo la yiraahdo Bona-Fide Banter.