Maxaan ilaa iyo hadda ka ognahay dhacdada diyaaradda Flydubai?

Xigashada Sawirka, LightRocket via Getty Images
Duulimaad ka yimid Dubai una socday Tel Aviv ayaa si lama filaan ah loogu weeciyay Sacuudi Carabiya ka dib markii mid ka mid ah duuliyaasha uu mindi ku dhuftay kii kale, "si muuqatana uu iskugu dayay inuu diyaaradda burburiyo," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.
Diyaaradda Flydubai - oo ka kacday Garoonka Caalamiga ah ee Dubai ee Imaaraadka Carabta subaxnimadii hore ee Arbacada - ayaa digniin degdeg ah soo saartay laba saacadood ka dib duulimaadka.
Xogta la socodka ayaa sidoo kale muujisay hoos u dhac degdeg ah oo ku yimid joogga diyaaradda.
Duulimaadka FZ1073 ayaa lagu qasbay inuu beddelo waddada uu ku socday ee Garoonka Diyaaradaha Ben-Gurion ee Israa'iil, taasoo beddelkeeda ka degtay Garoonka Diyaaradaha Tabuk ee waqooyi-bari Sacuudi Carabiya.
Khudbad uu jeediyay ka dib dhacdada, Netanyahu wuxuu xaqiijiyay mindi lagu dhuftay duuliyaha wuxuuna sheegay in rakaab iyo shaqaale diyaaradeed ay jabiyeen qeybta diyaaradda laga hago oo ay ka adkaadeen "duuliyaha sameeyay falka tooreeyaynta ah".
Duuliyaha ayaa la xiray waxaana su'aalo weydiinaya mas'uuliyiinta Sacuudiga, sida uu sheegay ra'iisul wasaaruhu.
Kabtanka diyaaradda iyo sarkaalkii koobaad ayaa dhaawacmay waxaana loo qaaday isbitaal, sida ay sheegtay shirkadda iska leh Garoonka Diyaaradaha Tabuk. Lama sheegin waxa sababay dhaawacyada.
Flydubai ayaa sheegtay in "muran uu ka dhacay qolka duuliyaha," isla markaana dhammaan rakaabku ay badqabaan oo la xaqiijiyay inay dhammaantood ammaan yihiin. Diyaaradda ayaa sidday ugu yaraan 150 qof, iyadoo Netanyahu uu sheegay in "ku dhawaad dhammaan" rakaabka ay ahaayeen Israa'iiliyiin.
Waa kuwan waxa aan ka ognahay arrinta ilaa iyo hadda.
Maxaa ku dhacay duulimaadka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Diyaaradda Flydubai ee duulimaadkeedu ahaa FZ1073 ayaa ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta saacadda markay ahayd 07:05 maalintii Arbacada.
Xogta laga helay mareegta la socota dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ee Flightradar24 ayaa muujinaysa in diyaaraddu ay si degdeg ah hoos ugu dhacday iyadoo dul maraysa dalka Sacuudi Carabiya qiyaastii laba saacadood iyo bar ka dib markii ay hawada gashay; waxayna hoos ugu dhacday masaafo ka badan 17,000 oo fiit oo ah in ka badan 5,000 oo mitir muddo ka yar laba daqiiqo gudahood, xilligaas oo ahayd qiyaastii 08:21.
Daqiiqado ka dib, diyaaraddu waxay dirtay calaamad muujinaysa xaalad degdeg ah — oo ahayd is-afaradka loo yaqaabo 'squawk 7700' — ka hor inta aysan u beddelin is-afgaradka 'squawk 7500' oo tilmaamaya in diyaaradda la afduubtay.
Saacaddu markii ay ahayd 08:40, diyaaradda - oo si kooban u gashay hawada Urdun - ayaa dib ugu laabatay Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay markii dambe ka bilowday inay si toos ah u degto.
Wax ka yar saacad ka dib, diyaaraddu waxay ku soo laabatay astaan ah 7700.
Warbixinno hore oo warbaahinta maxalliga ah ayaa soo xigtay saraakiisha Israa'iil oo sheegaya in dagaal uu dhex maray laba duuliye.
Laakiin, isagoo ka hadlayay Arbacadii dhacdada ka dib, Netanyahu wuxuu xaqiijiyay warbixinno dambe oo sheegaya in hal duuliye uu mindi ku dhuftay kan kale ka hor inta uusan "u muuqan inuu isku dayayo inuu burburiyo" diyaaradda.
Wuxuu intaas ku daray in rakaab Israa'iili ah uu u sheegay "diyaaraddu way iska dabawareegeysaa waxayna bilowday inay hoos u degto" ka hor inta uusan rakaabka iyo shaqaale kale jabin qolka diyaaradda laga hago kuwaa oo ka awoodbadiyay "duuliyaha fuliyey falka tooreeyaynta".
Diyaaraddu waxay ku degtay Garoonka Diyaaradaha Tabuk ee waqooyi-bari Sacuudi Carabiya, sida laga soo xigtay xogta goobta 09:58.
Wasiirka Difaaca Israa'iil Israel Katz ayaa ugu yeeray "weerar argagixiso oo jihaadiyiin ah". BBC weli ma helin war rasmi ah oo ka yimid booliiska, hay'adaha gurmadka degdegga ah, ama baarayaasha oo ku saabsan ujeeddada weerarka.
'Dhiig ayaa meel walba ku yaalay': Rakaabku waxay sharraxayaan cabsi
Rakaabka saarnaa diyaaradda ayaa la hadlayay warbaahinno kala duwan. BBC News ayaan awoodin inay xaqiijiso sheegashooyinkooda.
Yasmin Abukasis ayaa u sheegtay Reuters in gabadheeda - oo duulimaadka saareneyd - ay sheegtay in nin mindi haysta uu mid ka mid ah duuliyayaasha ku qasbay inuu dhulka soo fadhiisito, meel walbana dhiig baa ka da'ayay.
Iyada oo ka hadlaysa Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Israa'iil, waxay sheegtay in gabadheeda ay taleefan u dirtay si ay ugu sheegto inay qaylo ka maqashay diyaaradda iyadoo duuliye uu caawimaad u baahan yahay, iyadoo raacisay in laba duuliye oo kale ayaa la wareegay maamulka diyaaradda iyadoo rakaab kale ay u carareen dhanka nin mindi haystay.
"Diyaaraddu waxay bilowday inay lumiso xakamaha. Markaa dhammaan dadkii, way qayliyeen, waxay u maleynayaan inay dhimanayaan," Abukasis ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AP.
Mid ka mid ah rakaabka dumarka ah ayaa sharraxday daqiiqaddii "aad u walwalsanayd" ee dadku ogaadeen in diyaaraddu ay hoos u dhacayso. "Waxaan fahamnay in duuliyayaashu ay lumiyeen xakamaynta," ayay u sheegtay wargeyska Israa'iil ee Israel Hayom.
"Waxaa halkan jooga dad shaatiyo dhiig leh wata," ayay tiri, iyadoo raacisay: "Hadda waan fiicannahay oo waxaan rabnaa inaan ku laabano guryaheena."
Rakaab kale oo aan la magacaabin ayaa u sheegay Jerusalem Post in rakaabkii u dhawaa qaybta hore ee diyaaradda ay weeraryahankii ka saareen qolka diyaaradda ka dib markii la mindiyeeyay duuliyaha kale, laba duuliye oo saarnaa qaybta dambe ee diyaaradda ayaa diyaaradda dejiyay.
Almog Italian, oo isna saarnaa diyaaradda, ayaa warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah duuliyayaasha diyaaradda soo dejiyay uu ahaa Ingiriis.
Duuliyaha kale wuxuu ahaa reer Yurub, sida uu Italian sheegay, inkastoo uusan sheegin dhalasho gaar ah.
Sidee looga falceliyay ilaa hadda?
Wax yar ka dib dhacdada, ciidamada cirka ee Israa'iil iyo Sacuudi Carabiya ayaa diray diyaarado dagaal, iyadoo isla markaasna uu Netanyahu waday wadatashiyo degdeg ah.
Isagoo hadlayay goor dambe oo Arbacadii ah, Netanyahu wuxuu ku tilmaamay xaaladda "dhacdo amni oo aad u culus".
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada amniga Israa'iil ay "xiriir dhow la leeyihiin hay'adaha ay khuseyso si loo xaqiijiyo badqabka rakaabka" loona hubiyo in si nabad ah loogu soo celiyo Israa'iil.
"Waxaan ammaanayaa geesiyaasha muujiyay xirfadda iyo geesinimo heer sare ah," ayuu yiri.
"Waxay badbaadiyeen nolosha dad badan, waxayna ka hortageen musiibo weyn."
Dhanka kale, shirkadda Flydubai ayaa sheegtay in xaaladda diyaaradda "si guul leh ay u xakameeyeen shaqaalaha Flydubai ee saarnaa diyaaradda, kuwaas oo beddelay jihada duulimaadka oo si nabad ah ugu dejiyay diyaaradda garoonka diyaaradaha ee Tabuk".
Shirkadda diyaaradaha ayaa xaqiijisay in laba diyaaradood oo beddel ah loo diray garoonka Tabuk si ay u qaadaan rakaabka iyo shaqaalaha, isla markaana aysan dhacdadaan saameyn ku yeelan hawlaha kale ee duulimaadyada ee qorsheysnaa.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray: "Mudnaanteenna koowaad waa inaan xaqiijinno badqabka, caafimaadka, iyo wanaagga dhammaan rakaabka iyo shaqaalaha ku lugta leh dhacdadan, iyo inaan taageerno baaritaanka rasmiga ah."


























