Shanta diyaaradood ee dagaalka ee ugu xawaaraha sarreeya dunida

Xigashada Sawirka, United States Air Force
Muddo dheer, diyaaradda Mareykanka ee F-16 ayaa ahayd diyaaraddii ugu dheereysa ee kuwa dagaalka. F-16A waxay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameysay sanadkii 1976-kii, waxayna adeegga Ciidanka Cirka ee Mareykanka (USAF) ku biirtay sanadkii 1979-kii.
Diyaaradda dagaalka ee F-16 ayaa horumar sameysay intii lagu jiray 50-kii sano ee ay adeegga ku jirtay, taas oo ka caawisay inay sii ahaato diyaarad muhiim u ah dagaallada casriga ah.
Inkastoo asal ahaan loo naqshadeeyay inay noqoto diyaarad fudud, hal matoor leh, oo kharashkeedu hooseeyo, haddana waxay caddeysay inay leedahay awood sare, iyadoo ka qaybqaadata dagaallada cirka, hawlgallada duqeynta, iyo difaaca hawada.
In kasta oo F-16 ay isticmaashay matooro kala duwan intii ay shaqeyneysay, haddana xawaaraha ugu sarreeya ee ay sheegtay USAF ma uusan isbeddelin. Tirada rasmiga ah ee xawaaraha F-16 waa Mach 2.0 ama 1,500 oo mayl saacaddii.
Waa kuwee diyaaradaha dagaalka ee ugu dheereeya xilligan? Aan eegno shan diyaaradood oo ka xawaare sarreeya F-16.
F-15E Strike Eagle

Xigashada Sawirka, United States Air Force
Waa diyaarad dagaal oo Maraykan ah oo leh awood ay ku duusho masaafo dheer. Diyaaradda F-15A ayaa markii ugu horreysay duushay sannadkii 1972-kii, waxaana la bilaabay in la isticmaalo sannadkii 1976-kii.
Diyaaraddan waxaa ku rakiban laba matoor oo noocoodu yahay Pratt & Whitney F100-PW-220 ama 229. Asal ahaan, waa isla nooca matoorka loo isticmaalo F-16-ka, inkastoo F-16-ku uu yahay diyaarad hal matoor leh.
Iyadoo ay ku shaqaynaysa labadaas matoor, diyaaradda F-15E waxay gaari kartaa xawaare sare oo ah Mach 2.5 ama 1,875 mayl saacaddii. F-15E Strike Eagle waa diyaarad qaban karta hawlo badan; inkastoo hawsha ugu weyn ee loo asteeyay ay tahay weerarka bartilmaameedyada dhulka (iyadoo laga duulayo hawada), haddana waxaa loo isticmaali karaa hawlgallada dagaalka cirka.
Kani waa diyaarad awood u leh inay gasho hawada cadowga, bartilmaameedsato dhulka, oo ay dib ugu soo laabato saldhiggeeda; waa diyaarad loo dhisay dagaal socon kara muddo dheer. Horumarinno dhawaan la sameeyay ayaa sidoo kale ka dhigay diyaaradda F-15 mid aad uga sii wanaagsan la-dagaallanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
F-14 Tomcat

Xigashada Sawirka, US Navy
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Diyaarad kale oo dagaal waa F-14 Tomcat, taas oo xawaaraheeda ugu sarreeya uu yahay Mach 2.34, una dhigma 1,734 mayl saacaddii. Diyaaradda F-14 Tomcat ayaa laga saaray adeegga Ciidanka Badda ee Mareykanka sannadkii 2006-dii, markaas oo lagu beddelay diyaaradda F/A-18 Super Hornet.
Tomcat waa diyaaraddii lagu soo bandhigay filimada "Top Gun" ee uu jilayay Tom Cruise. Si kastaba ha ahaatee, diyaaraddan ayaa ka badan uun wax filim lagu daawaday; taariikhdeeda adeegga waxay dib ugu noqotaa Dagaalkii Vietnam, xilligaas oo loo adeegsaday inay gacan ka geysato daadgureynta dadka laga soo saarayay magaalada Saigon bishii Abriil ee sannadkii 1975-tii.
Diyaaradda F-14 ayaa adeegga ku jirtay muddo soddon sano ah, waxayna ka qaybqaadatay Dagaalkii Gacanka (Gulf War), iyo hawlgallo ka dhacay Liibiya iyo Afgaanistaan.
Intii lagu jiray dagaalkii u dhexeeyay Iiraan iyo Ciraaq ee sannadihii 1980-meeyadii, waxaa la rumeysan yahay in diyaaradaha dagaalka ee F-14 ee Iiraan ay sababeen dhimashada qiyaastii 150 qof intii lagu guda jiray dagaallada cirka.
MiG-31 Foxhound

Xigashada Sawirka, Wikipedia
Diyaaradda MiG-31 Foxhound waxaa ku rakiban laba matoor oo ah nooca Soloviev D-30F6 turbofan, waxayna gaari kartaa xawaare sare oo ah Mach 2.83 ama 2,100 mayl saacaddii.
MiG-31 waxaa loo sameeyay inay beddesho MiG-25 Foxbat, inkastoo ay jiraan kala-duwanaansho weyn oo u dhexeeya Foxbat iyo Foxhound. Waqtigaas, Foxhound waxay ahayd diyaaraddii ugu horreysay ee dagaalka ee jiilka afraad (fourth-generation) ee Midowga Soofiyeeti.
Kaliya ma ahayn diyaarad xawaare sare ku socota, balse waxay lahayd awoodo horumarsan oo walaac ku abuuray reer Galbeedka. Waxaa ka mid ahaa awoodahaas nidaamka radar-ka oo u oggolaanayay diyaaradda inay la socoto bartilmaameedyo badan, iyadoo awood u leh inay isku mar la socoto ilaa 10 bartilmaameed.
MiG-31 waxay hawlgashay sannadkii 1981-kii. Tan iyo markii la soo saaray, diyaaraddan waxaa laga sameeyay noocyo kala duwan. Waxaa ka mid ah MiG-31D, oo ku qalabaysan hubka dayax-gacmeedka lagu burburiyo (anti-satellite weapons).
Nooc kale oo caan ah waa MiG-31BM; kaas oo awood u leh inuu isku mar la socdo ilaa 24 bartilmaameed, isla markaana fulin kara hawlgallo weerar ah.
Dassault Mirage 2000

Xigashada Sawirka, Wikipedia
Diyaaradda dagaalka ee Dassault Mirage 2000 waxay gaari kartaa xawaare sare oo ah Mach 2.2 (1,630 mayl saacaddii). Diyaaraddan dagaalka ee Faransiiska ayaa adeegga Ciidanka Cirka ee Faransiiska ku biirtay sannadkii 1984-tii, waxaana loo dhoofiyay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan Hindiya, Peru, iyo Brazil.
Diyaaraddan dagaalka oo ka tirsan jiilka afraad ayaa qaban karta hawlgallo kala duwan oo safka hore ah, oo ay ka mid yihiin qaadista hubka nukliyeerka iyo ka hortagga gantaallada cadowga.
Waxaa loo qaabeeyay inay noqoto diyaarad fudud oo kharashkeedu hooseeyo, taas oo la tartami karta diyaaradaha Midowga Soofiyeeti sida MiG-29.
Sukhoi Su-27 Flanker

Xigashada Sawirka, Wikipedia
Annagoo dib ugu laabanayna Ruushka, waxaan liiskan ku soo gabagabaynaynaa eegista diyaaradda jiilka afraad ee xilligii Midowga Soofiyeeti, taas oo ah Sukhoi Su-27 Flanker. Kani waa diyaarad leh laba matoor, waxaana loo naqshadeeyay inay la tartanto diyaaradaha Mareykanka sida F-14 Tomcat iyo F-15 Eagle.
Iyadoo awood u leh inay gaarto xawaare qiyaastii ah Mach 2.35, ama 1,742 mayl saacaddii, diyaaraddan ayaa markii ugu horreysay duushay sannadkii 1977-kii, adeeggana gashay sannadkii 1985-tii.
Sida diyaarado badan oo xilligaas la sameeyay, waxaa sannadihii la soo dhaafay la soo saaray noocyo kala duwan oo Flanker ah. Waxaa ka mid ah nooca hal-duuliye ah ee Su-27S Flanker-B, kaas oo ahaa noocii ugu horreeyay.
Nooc kale oo xiiso leh waa P-42. Muddadii labada sano ahayd ee u dhaxaysay 1986 ilaa 1988, diyaaraddan ayaa jebisay 27 rikoodh, kuwaas oo qaarkood ay hore u haysteen diyaaradda F-15 Streak Eagle.
Inkastoo diyaaradda caadiga ah ee Su-27 Flanker laga yaabo inayan lahayn rikoodhada P-42, haddana waxay weli ku filan tahay xawaare ahaan inay ka mid noqoto diyaaradaha ugu dheereeya Ruushka iyo Midowgii Soofiyeeti.













