Banderol: Wax ka ogow gantaallada Ruushka ee sida Drone-ka u shaqeeya

Xigashada Sawirka, Minister
Waxaa muuqata in Ruushku uu bilaabay adeegsiga gantaal cusub oo la yiraahdo "Banderol" si uu u weeraro Ukraine. Khubaradu waxay ku tilmaameen inuu yahay "isku-dhafka diyaarad aan duuliye lahayn (drone), bambo, iyo gantaal."
Adeegsiga hubkan cusub ee Ruushka waxaa markii ugu horreysay bishii Abriil shaaciyay Serhiy Beskrestnov, oo ah khabiir u dhashay Ukraine oo ku takhasusay dagaalka elektaroonigga ah iyo nidaamyada isgaarsiinta.
Sida uu sheegay, diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan "Banderol" ayaa dhowr toddobaad oo xiriir ah weerar ku hayay aagga Odessa.
Waxay leeyihiin matoor nooca jet-ka ah, waxayna gaari karaan xawaare qiyaastii ah 400 ilaa 500 oo kiiloomitir saacaddii.
Khabiirku wuxuu sharraxayaa inay hawada ku sii jiri karaan muddo dheer iyagoo baaraya bartilmaameedyada, halkii ay si toos ah u weerari lahaayeen sida ay sameeyaan diyaaradaha "Shahed".
Bilowgii bishii May, Beskrestnov ayaa ka warbixiyay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee "Banderol", isagoo ku tilmaamay mid xawaare sare ku socota, masaafo dheerna gaari karta, isla markaana sidata madax-dagaal oo miisaankiisu yahay qiyaastii 100 kiiloogaraam.
Sida uu sheegay, diyaaraddan ayaa awood u lahayd inay gudaha u gasho dhulka Ukraine masaafo dhan 200 oo kiiloomitir.
Maxaan ka naqaan Banderol?

Xigashada Sawirka, Kronstadt GC
Falanqeeye kale oo milateri oo u dhashay Ukraine, Oleksandr Kovalenko, ayaa markii dambe bixiyay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Banderol.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii Abriil, waxaa samada Badda Madow lagu arkay afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), kuwaas oo ku socday xawaare celcelis ahaan dhan 500 oo kiiloomitir saacaddii. Waxaa laga soo diray dhinaca galbeed ee gobolka Crimea oo ay Ruushku haystaan, waxayna ku socdeen jiho toosan iyagoo jooggoodu ahaa qiyaastii 500 oo mitir.
Diyaaradahan ayaa duulay masaafo dhan 140-150 kiiloomitir. Sida uu sheegay Kovalenko, waddada ay diyaaraduhu mareen waxay ahayd mid toosan, iyagoon u leexan dhinaca bidix ama midig.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladdani waxay isbeddeshay horraantii bishii Maajo. Waxaa la diiwaangeliyay in diyaaradda "Banderol" ay awood u leedahay inay leexato, isla markaana ay gaari karto xawaare dhan 750-800 oo kiiloomitir saacaddii.
Kovalenko ayaa sheegay in 3-dii Maajo ay diyaaraddu ku duulaysay joog dhan 500 oo mitir, balse markii ay ka gudubtay xeebta, ay hoos ugu degtay 100 mitir si aysan u ogaan nidaamyada difaaca cirka.
Waaxda Sirdoonka ee Ukraine ayaa xaqiijisay wararkan iyadoo 12-kii Maajo soo bandhigtay sawirka diyaaradda "Banderol" iyo sharraxaad ku saabsan astaamaheeda.
Gantaal khatar ah

Xigashada Sawirka, Dmitry Medvedev
Marka la eego muuqaalka iyo astaamaha, waxay la mid tahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee Ukraine ee loo yaqaan "Peklo" iyo "Palyanytsia." Waa isku-dhafka diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal.
Waxaa laga soo ridi karaa dhulka iyo diyaaradaha hawada.
Sida ay sheegeen sirdoonka Ukraine, "Banderol" waxaa laga soo ridaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee "Orion" (oo sidoo kale loo yaqaan "Inokhodets"), mustaqbalkana Ruushku wuxuu qorsheynayaa inuu ka soo rido diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mi-28N.
Kani waa Orion, oo ah diyaarad weyn oo miisaankeedu gaarayo ilaa 1 tan, dhererkeeduna yahay 8 mitir, baaxadda baalasheeduna ay yihiin 16.3 mitir; waxayna hawada ku jiri kartaa muddo 24 saacadood ah, iyadoo gaari karta joog dhan 7.5 kiiloomitir.
Il-wareed ka tirsan Ciidanka Cirka oo u warramay BBC Ukraine ayaa xaqiijiyay in Ruushku isticmaalay "Banderol."
Falanqeeyayaasha arrimaha milatariga ayaa sheegaya in diyaaraddan aan duuliyaha lahayn ay noqon karto mid aad khatar u ah. Oleksandr Kovalenko ayaa xusay in awoodda ay gantaalku u leeyihiin inay si fudud u beddelaan jihada iyo xawaarihiisa ay ka dhigayaan mid ay adag tahay in la soo rido.
Joornaalka gaarka ah ee Defense Express ayaa aaminsan in Ruushku uu isku dayayo inuu sameeyo "gantaal raqiis ah" oo loogu talagalay "weerarrada ka dhanka ah Ukraine."
Ruushku weli wax macluumaad ah kama uusan soo saarin diyaaraddan aan duuliyaha lahayn. Waxay u muuqataa in hubkani uu weli yahay mid tijaabo ah. Haddii kale, waxaa jiri lahaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan isticmaalkiisa iyo bartilmaameedyada la weeraray.














