Yaa sababay xamaasadda dahab raadinta ee ka taagan galbeedka Kenya?

- Author, Akisa Wandera
- Published
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
Nin ari-jire ah oo ka soo jeeda deegaan fog oo ku yaalla galbeedka Kenya ayaa BBC u sheegay in helitaankiisa xabbad dahab ah uu sababay "dahab-raadin" xooggan, iyo dad toddobaadyadii la soo dhaafay buux dhaafiyay tuuladiisa.
Markii dadku ogaadeen in Manasse Lomachar oo 33 jir ah uu dhowr toddobaad ka hor saddex garaam oo dahab ah ku iibiyay 36,000 oo shilin Kenyan ah ($280; £205), wuxuu aaminsan yahay in arrintaasi keentay in kumannaan qof oo dahab-doon ah ay yimaadaan Cheporor.
Runtii, dhulkii bishii hore ahaa dhul duur ah iyo daaq aan si fiican loo isticmaalin oo tuulada u dhow, ayaa hadda waxaa ka muuqda godad, tuulmooyin carro ah iyo xerooyin macdan-qodis oo ku-meelgaar ah.
Ma cadda in helitaankii nasiibka ahaa ee Lomachar uu ahaa waxa kiciyay xiisaha, ama in ay jireen helitaanno kale oo dhowaan dhacay. Hase yeeshee, mas'uuliyiinta deegaanka ayaa qiyaasaya in ku dhowaad 10,000 oo qof ay halkaas yimaadeen xilligii dahab-raadintu ugu xoogga badneyd.
Xitaa helitaanka qaddar yar oo dahab ah ayaa wax weyn ka beddeli kara mustaqbalka ragga iyo haweenkaas — oo ka kala yimid Kenya iyo Uganda oo deris la ah — kuwaas oo noloshoodu inta badan ku tiirsan tahay dakhli beeraha laga helo oo aan la isku hallayn karin.

Xigashada Sawirka, Edwin Naitale / BBC
Dadka ayaa mararka qaarkood dahab ka raadiya oo ka miira biyaha deegaannadan, balse si dhif ah ayay u helaan wax dahab ah oo qiimo weyn leh.
Lomachar wuxuu sheegay in helitaankiisu uu ahaa arrin nasiib iyo fursad iska timid. Intii uu raadinayay ari ka lumay, ayuu la kulmay koox haween ah oo dahab ay heleen ciidda iyi dhagaxaanta kaga guraya hareeraha webi.
"Waan ku biiray, waana sida tuuladu ku ogaatay in dahab uu deegaankan ku jiro," ayuu yiri.
Beeraley iyo xoolo-dhaqato Patrick Lokolia oo ka soo jeeda tuulada deriska ah ee Napawoi ayaa ku biiray dahab-raadinta, isagoo rajaynaya inuu helo dakhli dheeraad ah oo uu qoyskiisa ku taageero.
"Waxaan leeyahay carruur iskuul dhigata, bixinta kharashka waxbarashaduna waxay igu ahayd dhibaato weyn," ayuu BBC u sheegay isagoo xiran funaanad duug ah oo kooxda kubadda cagta Chelsea ah, kuna dhex taagan goobta macdan-qodista.
Abigael Chelengat oo 18 jir ah ayaa sheegtay in aysan waligeed hore u qodin macdan, balse ay Cheporor uga timid degmo ku dhow, iyadoo rajaynaysa inay hesho dahab ku filan oo ay ku bixiso kharashka waxbarashadeeda, isla markaana ay ka caawiso walaalaheed ka yar inay sii wataan waxbarashada.

Xigashada Sawirka, Edwin Naitale / BBC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Gadaasheeda, boqollaal qof ayaa dhinac-dhinac uga shaqaynaya goobta, iyagoo baangado iyo majarafado ku qodaya dhulka dhagaxa ah.
Qaar kale waxay carrada u qaadaan webi xilliyeedka oo ku dhow, halkaas oo inta badan haweenku ku foorarsadaan biyaha dhoobada leh, iyagoo dhaqaya oo shaandhaynaya dhoobada iyo ciidda, iyagoo rajaynaya inay ka dhex helaan raad yar oo dahab ah.
Macdan-qodayaal khibrad badan leh ayaa godad qoto dheer ku jira, iyagoo dhulka qodaya oo dhagxaanta daloolinaya, iyagoo isla hadafkaas leh.
Rajada waxaa sii noolaynaya sheekooyinka dadka dadaalkoodu miro dhalay — sida Lomachar.
Samuel Kiarie, oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka West Pokot, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dahab-raadintu billaabatay kadib markii la sameeyay laba helitaan oo waaweyn.
"Rag dhallinyaro ah ayaa helay wax u muuqday qadar dahab ah oo aad u badan. Maalintii xigtay, haween ayaa isla goobta ka helay dahab kale oo muhiim ah," ayuu BBC u sheegay.
Kiarie wuxuu sharaxay in haweenku sanado badan ka heli jireen qadar yar oo dahab ah oo biyuhu soo qaadeen hareeraha isla webi xilliyeedka, iyagoo caadi ahaan kasban jiray $8 ilaa $23 toddobaadkii.

Laakiin helitaanka qadar dahab ah oo ka badan kii caadiga ahaa bilowgii Agoosto ayaa ah waxa indhaha dad badan soo jiitay.
Kiarie wuxuu aaminsan yahay in markii wararku faafeen oo xaddiga iyo tirada dahabka la helay la buunbuuniyay, taasoo soo jiidatay kooxo sii badanaya oo aan lahayn khibrad macdan-qodis ama khibraddoodu aad u yar tahay, kuwaas oo rajaynayay inay ku celceliyaan guulihii la sheegay in markii hore la gaaray.
Tan iyo markii dahab-raadintu billaabatay, tirada dahab-doonayaasha ayaa hoos ugu dhacday qiyaastii 2,500 qof, maadaama qaar ay ka quusteen raadinta.
Inkastoo aan shaki badan laga qabin in dahab laga helay deegaanka, haddana waxaa weli su'aal ka taagan tahay inta uu le'eg yahay kaydka dahabka ee dhulka ku jira iyo in macdan-qodistiisu ganacsi ahaan faa'iido yeelan karto.
"Waxaan xaqiijin karaa in ganacsatada dahabka yar-yar ay noo sheegeen inay celcelis ahaan maalin kasta qaabili jireen ku dhowaad 100 qof," ayuu yiri ku-xigeenka guddoomiyaha, inkastoo aan la ogeyn in waxyaabihii la helayay ay dhab ahaantii dahab ahaayeen.
Helitaannada shakhsiyaadka ayaa la sheegay inay u dhexeeyaan dahab qiimihiisu yahay dhowr boqol oo shilin Kenyan ah ilaa mid lagu qiyaasay 78,000 oo shilin Kenyan ah ($600).
Gobolka West Pokot wuxuu xudduud la wadaagaa Uganda, waxaana bulshooyinka labada dhinac ay leeyihiin xiriirro bulsho iyo qoys oo soo jireen ah.
Mugisha Godfrey, oo ah macdan-qode yar oo farsamo ku shaqeeya kana soo jeeda Busia ee bariga Uganda, ayaa Cheporor u safray kadib markii uu saaxiib ka maqlay helitaanka dahabka.
Wuxuu isla markiiba u dhaqaaqay tuulada, isagoo ku bixiyay ku dhowaad 100,000 oo shilin Uganda ah ($27) si uu halkaas u gaaro.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in xaaladaha nololeed ee Cheporor aysan wanaagsanayn.
"Geedaha hoostooda ayaan seexannaa, marka la gaaro subaxdana waxaan sii wadnaa shaqada. Mararka qaar waxaan shaqaynaa habeen iyo maalinba," ayuu Godfrey BBC u sheegay.
Ilaa hadda, wax dahab ah ma uusan helin. Laakiin taasi kama aysan niyad-jebin.
"Ma laaban karno ilaa aan wax helno. Kaliya marka aan helno waxa aan u baahan nahay ayaan guriga ku noqon karnaa," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Edwin Naitale / BBC
Dadka kale, dahab-raadintu waxay u abuurtay fursado ganacsi iyaga oo aan macdan qodin.
Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta deegaanka, in ka badan 200 oo ganacsi ayaa ka hanaqaaday agagaarka goobta, kuwaas oo dadka cusub ee tuulada yimid ka iibinaya cunto, biyo iyo waxyaabo kale oo daruuri ah.
Irene Ameja ayaa ka soo safartay gobolka deriska la ah ee Baringo si ay uga ganacsato waxna uga iibiso dadka badan ee halkaas isugu soo baxay. Waxay iibisaa biyo dhalooyin ku jira, cabitaanno fudud, rooti, caano iyo cuntooyin kale.
"Waxaan rajaynayaa marka aan halkan ka tago inaan helo lacag igu filan oo aan ganacsigayga ku sii wato oo aan ku ballaariyo," ayay tiri.
Laakiin kobaca degdegga ah ee deegaanka ayaa sidoo kale muujiyay adeegyada aasaasiga ah ee ka jira deegaanka oo aad u yar.
"Tani waa dhul kaymo ah, waxaana ku dhex jirnaa buuraha," ayay tiri. "Ma hayno biyo nadiif ah oo aan cabno ama xitaa aan ku qubaysanno."
Waxay intaas ku dartay in haweenka ay dhibaatooyinku ku sii bataan marka mugdigu dhaco: "Waa inaad heshaa meel ammaan ah oo aad degto, sababtoo ah dadka badankood ee halkan seexda waa rag."
Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa qiray in dadka tirada badan ee kusoo qulqulaya ay cadaadis weyn saareen goob aan lahayn kaabayaal ku filan, oo aan lahayn biyo dhuumo mara iyo adeegyo fayadhowr oo ku filan.
Saraakiisha caafimaadka dadweynaha ayaa loo diray goobta si ay ula socdaan xaaladaha caafimaad oo ay gacan uga geystaan ka hortagga cudurrada faafa.
Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen inay kordhiyeen roondooyinka ammaanka, iyadoo laga walaacsan yahay tacaddiyada galmada iyo nuglaanta haweenka iyo gabdhaha ku sugan goobta.

Xigashada Sawirka, Edwin Naitale / BBC
Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale ka walaacsan yihiin in carruurta lagu soo jiidan karo hawlaha macdan-qodista, iyadoo iskuulladu isu diyaarinayaan inay dib u furmaan bisha Sebtembar.
Tallaabooyin ayaa la qaadayaa si dhalinyarada looga niyad-jabiyo inay goobta sii joogaan marka uu xilliga cusub ee waxbarashadu bilaabmo.
Dadka weli dahabka raadinaya ayaa si isa soo taraysa ugu jeesanaya qodista dhulka oo qoto dheer.
Dhowr gaari oo waaweyn oo xamuul ah oo sida carro iyo dhagax laga soo qoday goobta ayaa durba loo qaaday magaalada Ortum ee u dhow si loo farsameeyo, iyadoo mas'uuliyiintu ay sugayaan natiijooyinka.
Ilaa natiijooyinkaasi la helo, xaddiga kaydka dahabka iyo in macdan-qodistiisu ganacsi ahaan faa'iido leedahay weli lama oga.
Lomachar, xal u ma arko in macdan-qodista la joojiyo, balse wuxuu doonayaa in si nidaamsan loo abaabulo.
Wuxuu rabaa in dowladda ay ka caawiso macdan-qodayaasha deegaanka inay helaan habab ammaan badan oo wax-ku-ool ah oo dahabka lagu raadiyo laguna soo saaro.
"Waxaan dowladda ka codsan lahayn inay nagu caawiso waxyaabo ay ka mid yihiin qalabka lagu ogaado biraha, kaas oo naga caawin kara inaan ogaanno in macdano kale ay halkan ku jiraan, si bulshadeennu u horumarto," ayuu yiri.
Wuxuu tilmaamay guryaha ku dhow goobta inay yihiin caddayn muujinaysa saboolnimada deegaanka.
"Haddii aad hareeraha eegto, waxaa aad u yar guryaha leh saqafyada birta ah; badankoodu waa guryo saqaf caws ah."















