Masar iyo Suudaan maxay ka yiraahdeen eedeynta ay Itoobiya u soo jeedisay

.
Published
Waqtiga akhriska: 9 daqiiqo

Dagaallada hubaysan ayaa ku soo laabanaya waqooyiga Itoobiya iyagoo xoog leh, wax ka yar afar sano ka dib markii heshiis lagu soo afjaray mid ka mid ah dagaalladii ugu dhiigga badnaa ee dalka soo mara taariikhdiisa casriga ah, iyadoo iska horimaadyada cusub ay sii ballaaranayaan oo ay isku xiran yihiin, marka laga eego dhanka dalalka deriska ah iyo awoodaha gobolka.

War saxaafadeedyo la shaaciyey toddobaadkan ayaa taliyaha ciidamada Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula wuxuu ku eedeeyay Masar iyo Suudaan inay taageerayaan isbahaysi cusub oo kooxo hubaysan iyo kuwo siyaasadeed samaysteen, kuwaas oo doonaya inay afgembiyaan dowladda Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed, isagoo sheegay in kooxahani aysan la kulmi karin dowladda iyada oo aan la helin taageero dibadeed. Waxa kale oo uu ku eedeeyay Eritrea inay u dhaqanto sidii xiriir ka dhexeeya quwadaha shisheeye iyo kooxahan.

Jula ma uusan soo bandhigin wax caddayn ah oo ku saabsan eedeymahan. Tani maaha markii ugu horreysay ee mas'uuliyiinta Itoobiya ay ku eedeeyaan Masar iyo Suudaan inay taageerayaan mucaaradka inta lagu jiro iska horimaadyada hubaysan. Ciidanka Suudaan, dhankooda, waxay beeniyeen inay taageerayaan isbahaysiga, iyagoo ku tilmaamay eedeymaha kuwo "aan sal lahayn" waxayna ku eedeeyeen Itoobiya inay u ogolaatay Ciidamada Taageerada Degdegga ah inay isticmaalaan dhulkeeda oo ay siiyaan tababar iyo sahay, eedeymahaas oo ay Addis Ababa beenisay.

Afhayeenka ciidanka Suudaan ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray in ciidanka ay ka go'an tahay mabaadi'da sharciga caalamiga ah iyo deris wanaagga, isla markaana uusan faragelin arrimaha dalalka kale, laakiin uusan oggolaan doonin in la carqaladeeyo madaxbannaanida Suudaan ama amniga qaranka.

Ilo diblomaasiyadeed oo Masar ka tirsan ayaa sidoo kale beeniyay eedeymaha Itoobiya ee BBC-da, iyagoo sheegay in "Qaahira aysan faragelin ku sameyn xiisadda gudaha Itoobiya, iyo in Addis Ababa ay wax ka qabato dhibaatooyinka gudaha ee ay ku jirto halkii ay eedayn lahayd dhinacyada dibadda."

Ka billow dagaalkii Tigray ilaa iyo is xulafaysi cusub

.

Tigray waa gobol ku yaalla waqooyiga fog ee Itoobiya, kuna teedsan xuduudaha ay wadaagaan Eritrea iyo Suudaan, waxaana ku badan qowmiyadda Tigray-ga.

Gobolku wuxuu muddo dheer ahaa xuddunta saameynta siyaasadeed ee Itoobiya, iyadoo ururka Tigray People's Liberation Front (TPLF) uu hoggaaminayay isbahaysiga talada haya ee Addis Ababa muddo tobanaan sano ah, ka hor inta uusan Abiy Ahmed xilka qaban sannadkii 2018-kii.

Markii uu noqday Ra'iisul Wasaaraha, Abiy Ahmed wuxuu dib-u-habeyn ku sameeyay isbahaysigii talada hayay; wuxuuna kala diray isbahaysigii ka koobnaa xisbiyada waaweyn ee qowmiyadaha, isagoo markaasna aasaasay Xisbiga Barwaaqada (Prosperity Party). Hoggaamiyeyaasha Tigray-ga ayaa diiday tallaabadan, taas oo sii kordhisay xiisadda u dhaxaysay dowladda federaalka iyo hoggaanka gobolka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dagaalku wuxuu qarxay bishii Nofembar 2020, ka dib markii dawladda Itoobiya ay ku eedaysay ciidamada Tigrayga inay weerareen saldhig ciidan oo federaalku ku lahaa gobolka, halka hoggaanka Tigrayguna ay sheegeen in tallaabadoodu ay ahayd jawaab-celin ku aaddan wax ay u arkayeen khatar uga imaanaysay dawladda dhexe.

Eritrea ayaa ku biirtay ciidamada Itoobiya, waxaana dagaalka ka qayb qaatay ciidamo ka socday gobolka Amxaarada, iyadoo dhinaca kalena ciidamada Tigraygu ay la dagaallamayeen xulafadooda maxalliga ah.

Ka dib ku dhawaad ​​laba sano oo dagaal iyo xadgudubyo ay dhinacyo kala duwan ku lug lahaayeen ay socdeen, dawladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF) ayaa bishii Nofembar 2022 gaaray Heshiiskii Pretoria.

Heshiisku wuxuu joojiyay dagaalkii, balse ma uusan xallin dhammaan khilaafaadkii u dhexeeyay dawladda federaalka iyo hoggaanka Tigrayga, iyadoo arrimaha siyaasadda, amniga iyo kuwa gobolkana aan weli xal loo helin.

Bishii Sebtembar 2026, toddobo kooxood oo hubaysan ayaa ku dhawaaqay sameynta "isbahaysi" ay ku jiraan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga, Ciidanka Xoreynta Oromada, iyo Ciidamada Fano ee Amxaarada. Kooxuhu waxay sheegeen in ujeeddadoodu ahayd inay afgembiyaan dowladda Abiy Axmed oo ay dhisaan maamul ku-meel-gaar ah. Isbahaysigan wuxuu ka kooban yahay kooxo ka kala socda gobollo iyo qowmiyado kala duwan, oo ay ku jiraan qaar horey uga soo horjeeday colaadda.

Khabiirka Geeska Afrika Jamal Ibrahim ayaa sheegay in horumarradii ugu dambeeyay ay saadaalinayaan sii socoshada Tigrayga, isagoo xusay in isbahaysigan cusub ay ku jiraan kooxo kala duwan oo qowmiyadeed iyo kuwo ciidan ah, oo ay ku jiraan ciidamo ka socda gobolka Amxaarada.

Ibrahim wuxuu tilmaamay in qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga ay leeyihiin khibrad dagaal, iyo sidoo kale tababar, abaabul, iyo hub, laakiin wuxuu sheegay inay adag tahay in la xaqiijiyo eedeymaha Itoobiya ee ah inay heleen taageero Masar ama Suudaan, iyadoo la tixgelinayo la'aanta caddayn dadweyne oo arrintan ku saabsan.

Maxay Suudaan iyo Masar eedeynta uga soo dhex muuqdeen

Eedeymaha Itoobiya ay u jeedinayso Masar iyo Suudaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto taariikh dheer oo xiisado iyo shaki labada dhinac ah, inkastoo sababaha ay u kala duwan yihiin waddan kasta.

Dhanka Masar, arrinta ugu weyn waa khilaafka ka taagan biyaha Webiga Niil iyo biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (GERD), kaas oo aan weli laga gaarin xal waara oo ku saabsan qaabka uu u shaqeynayo. Xiisadda u dhaxaysa labada waddan ayaa sii xoogeysatay tan iyo markii Itoobiya ay bilowday dhismaha biyo-xireenka ee ku yaalla Niilka Buluugga ah (Blue Nile), oo ah mid ka mid ah laamaha ugu waaweyn ee Webiga Niil.

Masar iyo Suudaan waxay dalbanayaan heshiis sharci ahaan waajib ah oo nidaaminaya shaqada biyo-xireenka, gaar ahaan xilliyada abaarta, iyo sidoo kale hab cad oo lagu wadaagayo xogta. Dhanka kale, Itoobiya waxay u aragtaa biyo-xireenka mashruuc qaran oo muhiim u ah soo-saarka korontada iyo horumarka, waxayna ku adkeysanaysaa in shaqadiisa aan loogu talagelin in waxyeello loo geysto waddamada dhanka hoose ee webiga ku yaalla. Saddexda waddan waxay heshiiskooda ku saleynayaan "Baaqii Mabaadi'da" ee 2015-kii ay kala saxiixdeen Masar, Itoobiya, iyo Suudaan, kaas oo nidaaminaya iskaashigooda ku aaddan biyo-xireenka.

Masar waxay si weyn ugu tiirsan tahay Webiga Niil, sidaas darteedna Qaahira waxay u aragtaa arrinta biyo-xireenka inay si toos ah ugu xiran tahay amnigeeda biyaha. Bishii Sebtembar, xiisad dhanka hadallada ah ayaa ka dhalatay Qaahira iyo Addis Ababa ka dib hadallo uu biyo-xireenka ka yiri Wasiirka Kheyraadka Biyaha iyo Waraabka ee Masar, Hani Sweilem, iyo jawaabta ay arrintaas ka bixisay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee Itoobiya.

Falanqeeyaha siyaasadda ee Itoobiya, Cabdi Shakuur Cabdi Samad, ayaa aaminsan in khilaafka ku saabsan biyo xireenka uu ka mid yahay sababaha ay xukuumadda Itoobiya uga shakisan tahay ujeeddooyinka Qaahira.

Wuxuu sheegayaa in Addis Ababa ay muddo tobanaan sano ah u aragtay Masar waddan awood u leh inuu ka faa'iideysto xiriirka uu la leeyahay xoogagga mucaaradka Itoobiya si uu cadaadis u saaro xukuumadihii is xig-xigay, isagoo tilmaamaya xiriirro taariikhi ah oo uu sheegay inay Qaahira ay waqtiyo kala duwan la lahayd dhaqdhaqaaqyada Oromada, Tigrayga, iyo kuwa Eritrea.

Laakiin Abdel Shakour wuxuu isla markaas tilmaamay in dabeecadda xiriirka Masar iyo kooxahan ay isbeddeshay xilliyo iyo duruufo siyaasadeed oo kala duwan, iyo in ka hadalka taariikhaha soo jireenka ah macnaheedu aanu ahayn in Masar ay taageero u hayso isbahaysiga hadda jira.

Asmaa al-Husseini, tifaftiraha maamulka ee Al-Ahram iyo khabiir ku takhasusay arrimaha Afrika, ayaa sheegtay in eedeymaha Itoobiya aysan ku salaysnayn caddayn, waxayna aaminsan tahay in Qaahira ay raacdo siyaasad ku salaysan faragelin la'aanta arrimaha gudaha ee waddamada.

Waxay intaas ku dartay in xasillooni darrada Itoobiya aysan dan u ahayn Masar, iyo in khilaafka ugu weyn ee labada waddan uu khuseeyo Biyo xireenka GERD, ee uusan ahayn taageerada kooxaha hubaysan si ay u ridaan dawladda.

Marka laga hadlayo Suudaan, xaaladdeedu way ka duwan tahay sababtoo ah xuduuddeeda dheer ee ay la leedahay Itoobiya iyo khilaafaadka muddada dheer u dhexeeya labada waddan, oo ay ku jiraan khilaafka gobolka Al-Fashqa.

Dagaalka Suudaan wuxuu ka dhigay xadka u dhexeeya labada waddan qayb ka mid ah shabakad cusub oo dhaqdhaqaaqyo milatari, waddooyin sahay, iyo eedaymo is-dhaafsi ah.

Khartoum waxay ku eedeysay Itoobiya inay u ogolaatay dagaalyahannada Ciidanka Taageerada Degdegga ah inay ku tababartaan dhulkeeda, eedeyntaas oo Addis Ababa beenisay. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay ku eedeysay Suudaan inay u ogolaatay kooxaha mucaaradka Itoobiya inay isticmaalaan dhulkeeda, sheegashadaas oo Khartoum ay beenisay. Labada dhinac ayaa isweydaarsaday eedeymahan bilihii la soo dhaafay iyadoo xiriirkooda amni uu sii xumaanayo.

Abdel Shakur wuxuu sheegay inuu jiro xiriir dheer oo u dhexeeya Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) iyo xubno ka tirsan kooxaha gudaha Suudaan, isagoo tilmaamaya kulamo iyo shirar lala xiriiriyay TPLF oo lagu qabtay Khartoum iyo Kassala. Wuxuu sidoo kale xusay in Itoobiya ay hore ugu eedeysay Suudaan inay ogolaatay in weeraro lagu qaado ciidamada Itoobiya laga soo bilaabo dhulkeeda.

Eedeyntan ayaa timid xilli dagaalkii Suudaan laftiisu uu noqday isha faragelinta gobolka oo sii kordheysa. Bishii Febraayo, Reuters waxay daabacday baaritaan sheegaya in Itoobiya ay martigelinayso xero qarsoodi ah oo u dhow xuduudkeeda Suudaan si ay u tababarto kumanaan dagaalyahan oo ka tirsan Ciidanka Taageerada Degdegga ah, iyo in siddeed ilo oo ay ku jiraan sarkaal sare oo Itoobiyaan ah ay sheegeen in Imaaraadka Carabta uu maalgeliyay aasaaska xerada isla markaana uu bixiyay tababarayaal milatari iyo taageero dhanka saadka ah.

Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay inuu taageeray dhinac kasta oo ka tirsan dagaalka Suudaan.

Xiriirka dhow ee ka dhaxeeya Iimaaraadka iyo Itoobiya

.

Iyadoo Masar iyo Suudaan ay doodaha Itoobiya dhexdeeda uga muuqdaan kuwo laga yaabo inay taageeraan mucaaradka dowladda, Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa u muuqda mid ka duwan: waa saaxiib dhow oo xiriir dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo milatariga la leh Addis Ababa.

Xiriirka u dhexeeya Abu Dhabi iyo Addis Ababa ayaa sii xoogeystay ka dib markii Abiy Ahmed uu xukunka qabtay sannadkii 2018-kii, waxaana ka mid ahaa iskaashi dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, amniga iyo difaaca ah.

Imaaraadku wuxuu sidoo kale door ka qaatay dib-u-heshiisiinta u dhaxaysay Itoobiya iyo Eritrea. Bishii Luulyo 2018, Abiy Ahmed ayaa booqday Asmara, wuxuuna la kulmay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki; labada dhinac ayaa saxiixay baaq nabadeed iyo mid saaxiibtinimo, iyagoo soo afjaray xaaladdii dagaal ee u dhaxaysay labadooda dal. Toddobaadyo ka dib, Abu Dhabi ayaa martigelisay kulan saddex geesood ah oo u dhexeeyay Abiy Ahmed, Afwerki, iyo hoggaanka Imaaraadka, si loo taageero heshiiska iyo dib-u-heshiisiinta labada dal.

Iskaashigu wuxuu dhaafsiisnaa siyaasadda iyo dhaqaalaha. Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istiraatiijiga ah (IISS) ayaa diiwaangeliyay in Itoobiya ay heshay tobanaan gaadiidka gaashaaman ee MCAV-20 ah oo lagu sameeyay Imaaraadka, kuwaas oo laga soo raray Imaaraadka loona qaaday Jabuuti, ka dibna loo gudbiyay Itoobiya iyadoo la adeegsanayo tareenka isku xira Jabuuti iyo Addis Ababa. Machadku wuxuu sidoo kale sheegay in Imaaraadku uu taageero milatari oo ballaaran siiyay dowladda Itoobiya intii lagu jiray dagaalkii Tigray, oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​120 duulimaad oo lagu sameeyay diyaaradaha xamuulka qaada ee Il-76 sannadkii 2021-kii, iyo sidoo kale hub iyo tababar loo fidiyay xubno ka tirsan Ilaalada Jamhuuriga Itoobiya.

Sannadkii 2026-kii, waxaa la arkay rar dheeraad ah oo gaadiidka gaashaaman ee MCAV-20 ah oo tareen looga soo qaaday dekedda Jabuuti loona waday Itoobiya, iyadoo falanqeyn ku saleysan xogta dadweynaha (open-source) ay muujisay kororka duulimaadyada la xiriira rarka Imaaraadka ee loo wado Itoobiya tan iyo bishii Nofembar 2025.

Falanqeeyaha siyaasadda Itoobiya Abdul Shakur Abdul Samad ayaa aaminsan in hubka ay dowladda Itoobiya ka heshay Imaaraadka uu qayb ka yahay dadaallada lagu kala duwaneynayo ilaha laga helo hubka, isagoo xusay in Itoobiya ay hub ka heshay sidoo kale Ruushka, Shiinaha, iyo Faransiiska.

Abdul Shakur wuxuu leeyahay dowladda Itoobiya helitaanka taageeradan milatari waa "arrin sharci ah oo ku wajahan dowladda Itoobiya ee sharciga ah, oo ay tahay inay la dagaallanto kuwa ka soo horjeeda sharcinimadan ee ka timid Jabhadda Xoreynta Tigreega," isagoo raaciyay in taageerada Imaaraadka ee dowladda Itoobiya "aysan ahayn mid laga soo horjeedo, ilaa iyo inta aan loo jeedin Masar".

Wararkaas ayaa sheegaya in ugu yaraan toddobo duulimaad oo xamuul ah oo Il-76 ah ay ka degeen aagga Addis Ababa tan iyo Noofambar 2025, kuwaas oo qaarkood lala xiriiriyay shirkado horey ugu lug lahaa wareejinta hubka ee gobolka. Kooxdu waxay sidoo kale xustay in meelaha qaar aan la xaqiijin karin sababtoo ah aaladaha raadraaca diyaaradaha ayaa la damiyay intii ay socdeen duulimaadyada.

Fiidiyowyo ayaa sidoo kale ka soo muuqday baraha bulshada oo la sheegay inay muujinayaan hubka iyo qalabka Imaaraadka ee ay ka heleen ciidamada ka soo horjeeda dowladda meelaha ay qabsadeen. Warbixinnada saxaafadda iyo ilaalada militariga ayaa sidoo kale xusay duulimaadyo iyo shixnado lala xiriiriyay Iimaaraadka iyo Itoobiya.

Laakiin BBC ma aysan awoodin inay si madax-bannaan u xaqiijiso sax ahaanshaha muuqaalladan ama ay go'aamiso goorta hubka lagu muujiyay uu yimid Itoobiya, iyo sida ay ula xiriiraan iska horimaadyada hadda socda.

Asmaa Al-Husseini waxay aaminsan tahay in sawirka gobolku uu ka ballaaran yahay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya dalalka.

Waxay sheegtay in khilaafaadka ka jira Itoobiya, Suudaan, Geeska Afrika iyo Badda Cas ay noqdeen "goob colaadeed oo dhinacyo badan leh," iyo in awoodaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ay taageeraan dhinacyo kala duwan.

Waxay intaas ku dartay in "isku xirkani uu xisaabin adag ku soo rogo qofka go'aanka ka gaaraya Masar, wuxuuna saameeyaa falalka Qaahira ee Afrika, Suudaan iyo Geeska Afrika".