You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
10-ka dal ee ugu horreeya soo saarista shidaalka adduunka
Iyadoo ay socoto xabbad joojin laba toddobaad ah oo lagu hakiyey dagaalka ay ku lug leeyihiin Maraykanka, Israa'iil iyo Iran, dalalka saliidda soo saara ayaa yeelanaya muhiimad ay u leeyihiin dawladaha ku tiirsan.
Xaaladan ayaa daba socota go'aankii Iran ay ku xirtay marin biyoodka Hormuz oo ay gacanta ku heyso oo ah marin biyood ay maraan 20% Saliida iyo Gaaska Adduunka, waxaana 95% hoos u dhac ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Arrintan ayaa keentay in qiimaha saliidda cayriin iyo waxyaabaha ka soo baxa ee mara ciriiriga badda ay sare u kac ku yimaadaan, iyadoo saliidda Brent ay gaartay $120, sida uu qoray wargeyska INN.
BBC-da ayaa falanqeysay 10-ka dal ee ugu badan ee soo saara saliidda ceyriinka ah iyo waxyaabaha ka soo baxa.
Maraykanka – 22 malyan oo fuusto
In ka badan toddobo sano oo xiriir ah, Maraykanku waxa uu ku jiray kaalinta koowaad ee suuqa wax-soo-saarka saliidda adduunka, isaga oo soo saari jiray in ka badan 22 milyan oo fuusto maalintii.
Mareykanka ayaa sidoo kale ah dalka ugu badan ee isticmaala saliida ceyriinka ah, taas oo ay ugu wacan tahay tirada dadka iyo baahida sii kordheysa.
Gobolka Texas waa hormuudka soo saarista saliidda ee Maraykanka, aad ayuu uga horreeyaa New Mexico, oo ku jirta kaalinta labaad, ayadoo wax soo saarka maalinlaha ah uu saddex jeer ka badan yahay kan dambe.
Sacuudiga – 10 malyan oo fuusto
Sacuudigu waa kan ugu badan ee dhoofiya saliidda suuqyada adduunka, isada oo soo saara 10.88 milyan oo fuusto maalintii.
Tani waxay ka dhigtay hogaanka go'aamada mustaqbalka iyo tallaabooyinka ay qaadayaan Ururka Waddamada Shidaalka dhoofiya (OPEC).
Sannadkii 2022, jaalkiisa Mareykanka, wuxuu doonayay inuu kordhiyo mugga gaaska uu u dhoofiyo suuqyada adduunka si uu hoos ugu dhigo qiimaha.
Xiisadda u dhexeysa Iran, Mareykanka iyo Israa'iil ayaa Sacuudiga ku qasabtay inuu hoos u dhigo wax soo saarka saliidda oo markii hore ahaa 10 milyan oo uu ka dhigo ilaa 8 milyan oo fuusto, sababo la xiriira xiritaanka marin biyoodka Hormuz oo saliiddiisa laga dhoofiyo.
Ruushka – 10 malyan oo fuusto
Sidoo kale Ruushku waxa uu soo saaraa in ka badan 10 milyan oo fuusto maalintii, waxaana uu inta badan ka soo saaraa saliidda Galbeedka Sayberiya, inta u dhaxaysa buuraha Ural, gobolka Ural-Volga, iyo ilaa badda Caspian, si ay u kordhiso saamaynta.
Dhaqdhaqaaqeeda ayaa waxaa la soo deristay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine, iyadoo Midowga Yurub (EU) iyo dhaqaalaha ugu weyn ee kooxda todobada ah (G7), iyo sidoo kale Australia, ay ku soo rogeen cunaqabatayn dhoofinta saliidda Ruushka.
Kahor bilowga dagaalka 2021, wadamada Yurub waxay iibsadeen qiyaastii 20% wax soo saarka saliida Ruushka, laakiin bilawgii dagaalka kadib, saamigani wuxuu hoos ugu dhacay wax ka yar 6%.
Shiinaha iyo Hindiya ayaa hadda ah macaamiisha ugu weyn ee Ruushka, iyagoo iibsanaya ku dhawaad 92% saliidda ay dhoofiyaan.
Canada – 5 malyan oo fuusto
Sannadka 2024-ka, wax-soo-saarka saliidda Kanada wuxuu ku sii dhawaanayaa 6 milyan oo fuusto, iyadoo maalin walba wax-soo-saarkiisu yahay 5.997 milyan oo fuusto, taasoo korortay 237,000 oo fuusto marka loo eego sannadkii 2023-ka.
Ku dhawaad dhammaan saliidda la soo saaray waxay ka soo baxdaa gobolka Alberta.
Inta badan saliidda Kanada ay dhoofiso waxay aaddaa Maraykanka; Sida laga soo xigtay warbixinnada qaar, 2023, 60% wax soo saarkeeda waxaa la soo dejiyay Mareykanka, marka la barbar dhigo 33% 2013.
Kanada ayaa la filayaa inay kordhiso wax soo saarka saliidda 140,000 oo fuusto bisha Abriil 2026, taasoo qayb ka ah hindise ay ku doonayso inay ku isticmaasho warshadeeda sifaynta Ottawa si kor loogu qaado wax soo saarka ilaa 23.6 milyan oo barmiil.
Shiinaha – 5 malyan oo fuusto
Sida laga soo xigtay tirooyinka la daabacay 2024, Shiinaha ayaa soo saara 5.33 milyan oo fuusto maalintii.
Shiinaha ayaa lagu qiyaasaa in uu yahay dalka labaad ee ugu isticmaalka badan saliidda ceyriin, waxaana uu noqday dalka ugu badan ee soo dhoofsada saliidda cayriin sanadkii 2014-kii.
Dadkeeda oo badan iyo dhaqaalaheeda oo si joogto ah u koraya awgood, waxay noqotay tan ugu badan ee adeegsata tamarta adduunka. Waxa ay haysataa kaalinta koowaad ee caalamka, iyada oo soo dejisa 11 milyan oo fuusto oo saliid ah maalintii.
Qiyaastii 70% saliidda ay iibsato waxay ka timaadaa wadamada xubnaha ka ah OPEC, Sacuudi Carabiya iyo Ciraaq.
Sidaa darteed la yaab ma noqon doonto haddii baahida tamarta Shiinaha ay dib u habeyn ku sameyso suuqa caalamiga ah, gaar ahaan hadda oo marin-biyoodka Hormuz la xiray.
Iiraan – 4.5 malyan oo fuusto
Iran waa dalka lixaad ee soo saara saliidda, iyadoo la filayo in wax soo saarku uu gaaro 4.62 milyan oo fuusto maalin kasta, taasoo ah koror aad u weyn marka loo eego 3.66 milyan oo fuusto oo la dhoofiyay 2023.
Kororkaas dartii waxay noqotay tan labaad ee dhoofinta saliidda ee ugu weyn waddamada xubnaha ka ah OPEC.
Sida laga soo xigtay Maamulka Macluumaadka Tamarta (EIA), Iran waa dalka saddexaad ee ugu weyn adduunka ee haysta kaydka saliidda ceyriin, waana dalka labaad ee ugu badan ee haysta kaydka gaaska dabiiciga ah.
Inta badan 1.4 milyan oo fuusto oo saliid ah oo la dhoofiyay 2023 waxaa laga iibiyay Shiinaha.
Khilaafka Iran iyo Maraykanka iyo Israa'iil ayaa keenay inuu xirmo marin biyoodka Hormuz oo ah marin badeed muhiim ah oo 20% saliidda iyo gaaska dunidu maraan.
Iimaaraadka Carabta – 4.5 malyan oo fuusto
In ka badan toban sano, Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah tobanka waddan ee ugu horreeya ee soo saara saliidda adduunka. Sida laga soo xigtay ilaha qaar, xubintan OPEC ka tirsan waxay soo saartaa ugu yaraan 4.51 milyan oo fuusto oo saliid ceyriin ah maalintii, qiyaas la sameeyey 2024.
Dalku waxa uu leeyahay kayd shidaal oo dhan 111 bilyan oo fuusto, iyada oo kaydka ugu badan uu ku yaal caasimaddiisa Abu Dhabi.
Bishii Maajo 2024, shirkadda Abu Dhabi ee saliidda ayaa ku dhawaaqday inay kordhin doonto awoodda wax soo saarka saliidda cayriin ee dalka 4.85 milyan oo fuusto maalintii, taasoo qayb ka ah qorshaheeda ay ku gaadhi doonto shan milyan oo fuusto marka la gaadho 2027.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen xarumaha waaweyn ee warshadaha iyo goobaha muhiimka ah ee ganacsiga saliidda, iyadoo ay weheliso xiritaanka marinka Hormuz, ay keentay in Imaaraadka Carabta uu yareeyo wax soo saarka maalinlaha ah ee saliidda ku dhawaad kala bar.
Ciraaq – 4.5 malyan oo fuusto
Ciraaq waxaa kale oo ay xubin ka tahay OPEC; Sannadkii 2023, waxa ay soo saartay 4.44 milyan oo fuusto oo saliid ah maalintii, laakiin sannadkii 2024, wax-soo-saarku wuu kordhay, inkasta oo aanay taasi ku filnayn in lagu saleeyo hoos u dhaca.
Sannadkii 2024-kii, Ciraaq waxay lumisay kaalinteedii labaad ee dhoofinta saliidda cayriin ee OPEC ee suuqa adduunka, oo ay ka sare martay Iran.
Xogta ay daabacday OPEC sanadkii 2023 ayaa tilmaamtay in Ciraaq ay xaqiijisay kaydka saliida ceyriin oo dhan 145.02 bilyan fuusto, una dhiganta 11% wadarta caalamka.
Khilaafka u dhexeeya Iran, Israa'iil iyo Maraykanka ayaa horseeday hoos u dhac ku yimid suuqa shidaalka Ciraaq bishii Maarso ee la soo dhaafay.
Brazil – 4 malyan oo fuusto
Sannadkii 2024-kii, suuqa saliidda cayriin ee Brazil waxa uu soo saaray 4.28 milyan oo fuusto, tiradaas oo aan is beddelin marka loo eego sannadkii hore.
Sida laga soo xigtay IEA, baahida tamarta Brazil ayaa labanlaabantay tobankii sano ee la soo dhaafay sababtoo ah kobaca dhaqaale ee joogtada ah.
Qaybta ugu badan ee tamarta Brazil ay isticmaasho waa shidaal, waxaana ku xiga saliid ceyriin ah, ka dibna gaaska iyo korontada.
Brazil ayaa la filayaa inay noqoto dalka afraad ee ugu dhoofinta badan saliidda caalamka sanadaha soo socda.
Sannadkii 2024-kii, shidaalka dalka ayaa si weyn uga qayb qaatay kobaca shixnadaha shidaalka ee caalamka.
Kuwayt 2.78 malyan oo fuusto
Kuwait, oo ku jirta kaalinta ugu dambeysa ee liiska waddamada soo saara saliidda, ayaa soo saarta 2.78 milyan oo fuusto qiyaas la sameeyey 2024. Dalku wuxuu la halgamay inuu dib ugu soo laabto wax soo saarka 3.5 milyan oo fuusto, ka dib u dhacyo la xiriira xaaladda siyaasadda gudaha.
Sida lagu sheegay tirokoobyada caalamiga ah, qaybta shidaalka ee dalka ayaa 50% ka ah kobaca dhaqaale ee dalka, waxaana soo gala 90% dakhligiisa. Helitaanka goobo cusub oo shidaal oo dalka laga helay ayaa sii kordhisay kalsoonida uu ku qabo kobaca dhaqaalihiisa sanadaha soo socda.