You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa ka jira in xaaska Trump ay xiriir la lahayd Jeffrey Epstein?
Marwada kowaad ee dalka Maraykanka Melania Trump oo shir jiraa'id ku qabatay aqalka cad ayaa beenisay inay wax xiriir ah la lahayd Jeffrey Epstein, iyadoo wariyeyaasha u sheegtay in arrintaas aysan waxba ka jirin ayna " tahay in maanta la joojiyo".
War ay soo saartay khamiistii ayey Melania ku baaqday Kongareesku qabto dhageysiyo ku saabsan dhibanayaasha u dhiban ka ganacsiga galmada ee Epstein
Waxay sidoo kale beenisay warar internet-ka ku faafay oo sheegaya in Epstein uu isbaray iyada iyo Donald Trump, iyadoo ku tilmaantay "isku dayo xun oo lagu dhaawacayo sumcaddayda".
Lama oga waxa ku qasbay in ay bayaankan soo saarto, horayna looma ogeyn inay arrintan ka hadli doonto, sidoo kalena Aqalka Cad ma shaacin mowduuca ka hor inta aan hadalkeeda lagu darin jadwalka maalinlaha ah ee warbaahinta lagu siiyo xogta.
Melania waxa ay sheegtay in aysan ahayn dhibane, nolosheedana aysan noqon, Epstein ayey sheegtay in ay hore u kulmayn sanadkii 2000
"Marna ma aanan ogayn xadgudubyada Epstein uu u geystay dadka dhibanaha u ah," ayay tiri. "Waligay wax lug ah kuma yeelan kamana qayb qaadan."
Waxay sidoo kale beenisay inay taqaan Ghislaine Maxwell oo ah Epstein saaxiibtiisii hore ee hadda xabsiga ku jirta.
Waxa ay soo hadal qaatay farriin email ah oo kasoo dhex muuqatay feylasha Epstein ee hore loo baahiyey, taas oo la isku diray sanadkii 2002, waxa ayna ku tilmaamtay in ay ahayd farriin caadi ah oo si toos u qoran".
Farriinta Email-ka ah ee ay ka hadleyso ayaa loo diray qof magaciisa ka bilowdo, "G", qofkaas oo loo maleenayo in ay tahay Ghislaine xabsiga ku jirta. Farriinta waxaa ka muuqda ammaan ku aadan maqaal ka hadlayay "Jefrey Epstein" oo uu la socday sawirka G ah oo lagu daabacay New York Magazine, waxa ayna u sheegeysaa in aysan "sugi karin" inta ay aadayso Palm Beach.
Maqaalka New York Magazine lagu daabcay waqtigaas wuxuu sidoo kale ku jiray hadallo uu yiri Madaxweyne hadda xilka haya Donald Trump, kaas oo Epstein ku tilmaamay "nin aad u fiican" isla markaana isaga oo yiri "waa qof aad agtiisa ku nasan karto oo aad jeclaaneyso inaad la joogto, xitaa waxaa la sheegaa inuu jecel yahay dumarka quruxda badan sida aniga oo kale, una badan kuwo da'yar," ayuu maqaalka soo xigtay inuu yiri Donald Trump.
Sawirka hoose waa emailkii ay Melania dirtay oo af-igiriis ku qoran, waxa ay u qoran tahay sidan:
Gacaliye G!
Sidee tahay?
Majaladda NYS Sheeko fiican ayey sameesay oo ku saabsan JE. Sawirkaaga si qurux badan ayuu u muuqdaa. Waan ogahay inaad aad ugu mashquulsan tahay duullimaadyada adduunka oo dhan. Sidee ahayd Palm Beach? Ma sugi karo inta aan aadayo. I soo wac markaad dib ugu soo laabato New York.
Waqti hakuu wacnaado!
Jacayl,
Melania
Melania Trump ayaa Khamiistii sidoo kale ugu baaqday sharci-dejiyeyaasha inay "siyaan dhibbanayaashan fursad ay ku markhaati furaan, iyaga oo la dhaarinayo Kongareeska hortooda".
"Haweeney kasta waa inay heshaa maalin u gaar ah si ay sheekadeeda uga sheegto meel fagaare ah haddii ay rabto, markaasna markhaatigeeda waa in si joogto ah loogu diiwaangeliyo rikoodhka Kongareeska, markaas oo kaliya ayaan heli doonnaa runta," ayay tiri.
Dhanka kale, waxa ay soo hadal qaaday dhawr ganacsato caan ah oo todobaadyadii lasoo dhaafay lagu qasbayey in ay iska calisaan xilka ay hayaan, kadib markii faahfaahin cusub laga helay xiriirkii ay la lahaayeen Jeffrey Epstein.
"Dabcan, tani macnaheedu ma aha dambi, laakiin weli waa inaan si furan oo hufan uga shaqeynaa sidii aan runta u ogaan lahayn," ayay tiri.
Waxay diiday inay su'aalo wariyeyaasha weydiiyaan.
Bayaan uu daabacay wax yar kadib hadalkeeda, wakiilka California Robert Garcia, oo ah Dimuqraaddiga ugu awoodda badan Guddiga Kormeerka Aqalka, ayaa sheegay in "uu ku raacsanahay arrinta ay soo jeedisay Melania Trump ee ah dhageysi dadweyne".
Wuxuu ku boorriyay guddoomiyaha guddiga Jamhuuriga James Comer, "inuu ka jawaabo codsiga Marwada Koowaad isla markaana si degdeg ah u qabto dhageysi dadweyne".
Xiriirka u dhexeeya marwada koowaad iyo Epstein ayaa horey u horseeday dagaallo sharci.
Tusaale ahaan, Oktoobar 2025, HarperCollins UK ayaa sheegtay inay ka laaban doonto qaybo ka mid ah buug ay ku jireen doodo "aan la xaqiijin" oo tilmaamayay in Donald Trump iyo xaaskiisa ay ku kulmeen Epstein. Sidoo kale, The Daily Beast ayaa ka saartay maqaal ay qortay, isla markaana raalli-gelin bixisay kadib markii ay sheegtay inuusan "buuxin caddeymihii loo baahnaa".
Marwada koowaad ayaa sidoo kale ku lug leh kiis maxkameed oo socda oo ay ay ku haysato qoraaga Michael Wolff oo buuggiisa Fire and Fury ku sheegay in markii ugu horreysay Melania la baray Trump, iyada oo loo marayo wakiil Model oo xiriir la lahaa Epstein.
"Aniga iyo qareennadaydu waxaan si guul leh ula dagaallannay beenahan aan salka lahayn, waana sii wadi doonnaa ilaalinta sumcaddayda anigoon ka labalabeyn," ayay saxaafadda u sheegtay.
hadal jeedinteyda naadirka ah ayaa ka dhacaday aqalka cad, waa muuqaal ay yartahay in ay kasoo muuqato marwada koowaad, kaas oo ka mid ah dhowr jeer oo ay si la mid ah u soo muuqato tan iyo markii ninkeeda dib ugu laabtay Aqalka Cad.
Bayaanka marwada koowaad ayaa la filayaa inuu dib u huriyo dood kulul oo dadweyne oo ku saabsan sida waaxda cadaaladda Maraykanka ay u maareysay baaritaanka Epstein iyo sii deynta faylashiisa.
Inkasta oo Donald Trump uu qirtay inuu yaqaanay Epstein, haddana wuxuu markii dambe sheegay inuu ka eryay naadigiisa Mar-a-Lago ee Palm Beach isagoo ku tilmaamay "qof laga cabsado".
Madaxweynaha ayaa lagu xusay marar badan faylasha Epstein, balse ma jirto wax tilmaamaya inuu ku lug lahaa fadeexadda Epstein.