Maxaa keenay in jilaaga Bollywood-ka ee Cimraan Khan lagu amro inuu ka baxo Hindiya?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Meryl Sebastian
- Role, BBC News
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Mas'uuliyiinta Hindiya ayaa ku amray jilaaga Bollywood-ka ee Imran Khan inuu dalka ka baxo ugu dambayn 28-ka Oktoobar, kadib markii uu ka qayb galay mudaharaad lagu dalbanayay dib-u-habayn lagu sameeyo nidaamka doorashooyinka.
Booliiska Hindiya ayaa bayaan ay soo saareen Khamiistii ku sheegay in Cimraan Khan uu ka qayb galay bannaanbax ka dhacay fagaaraha August Kranti Maidan ee magaalada Mumbai, kaas oo lagu dalbanayay iscasilaadda Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Hindiya, Gyanesh Kumar.
Sida booliisku sheegeen, Cimraan Khan ayaa ka qayb galay mudaaharaadka inkastoo uusan ahayn muwaadin Hindi ah.
Waxaa xusid mudan in Cimraan Khan uu adeer u yahay xiddiga Bollywood-ka ee Amir Khan. Cimraan Khan wuxuu haystaa dhalashada Maraykanka, waxaana uu leeyahay kaarka Overseas Citizen of India (OCI).
Kaarka OCI wuxuu dadka asal ahaan Hindiya kasoo jeeda u oggolaanayaa inay Hindiya soo galaan oo ay ku noolaadaan. Hase yeeshee, qofka haya kaarkan ma codeyn karo mana isu sharrixi karo doorashooyinka.
Booliiska Hindiya ayaa sheegay in Xafiiska Diiwaangelinta Ajaanibta uu ogeysiis u diray Cimraan Khan, isagoo lagu eedeeyay inuu jebiyay xeerarka la xiriira dadka ajaanibta ah kadib markii uu ka qayb galay mudaaharaadka.
Jilaaga caanka ku noqday filimkii jacaylka iyo majaajillada ahaa ee sannadkii 2008 la sii daayay, "Jaane Tu... Ya Jaane Na", ayaan ilaa hadda wax faallo ah ka bixin ogeysiiska loo diray.

Xigashada Sawirka, Imran Khan/Instagram
Imran Khan ayaa markii uu ahaa jilaa carruur ah kasoo muuqday filimadii caanka ahaa ee Qayamat Se Qayamat Tak sannadkii 1988 iyo Jo Jeeta Wohi Sikandar sannadkii 1992.
Kadib markii uu sannadkii 2008 ku bilaabay xirfaddiisa jile ahaan doorarka waaweyn, wuxuu ku jilay filimo badan oo guulo sameeyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin I Hate Luv Storys, Mere Brother Ki Dulhan, iyo Delhi Belly.
Ogeysiiskan cusub ayaa soo baxay xilli Cimran Khan uu isu diyaarinayo inuu dib ugu soo laabto filimada sanadkan, kadib in ka badan toban sano oo uu ka maqnaa. Soo laabashadiisa waxaa lagu wadaa inay ku bilaabato filimka Netflix ee "Adhoore Hum Adhoore Tum".
"Waxay ila tahay in dalxiis la ii wado"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jilaaga Cimraan Khan ayaa ka qayb galay mudaharaad ay qabanqaabisay Cockroach Janta Party (CJP) 10-kii Oktoobar. Tani waxay qayb ka ahayd dhaqdhaqaaq ballaaran oo ay hormuud ka yihiin dhalinyarada Gen Z, kuwaas oo maalmo badan mudaharaadyo ku dalbanayay dib-u-habayn lagu sameeyo nidaamka doorashooyinka iyo in uu iscasilo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Hindiya, iyagoo ku andacoonaya inay jireen wax isdaba marin la xiriira codbixinta.
Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka Hindiya ayaa si cad u beeniyay eedeymahaas.
Cabashada ka dhanka ah Cimraan Khan waxaa gudbiyay Kirit Somaiya, oo ah hoggaamiye ka tirsan xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP), kaas oo ka arrimiya dowladda federaalka iyo sidoo kale dowlad-goboleedka ay arrintani ka dhacday.
Somaiya ayaa ku eedeeyay xiddiga Bollywood-ka inuu ku lug leeyahay waxa uu ku tilmaamay "shirqool lagu abuurayo qalalaase iyo fowdo gudaha Hindiya."
Jilaaga Cimraan Khan si toos ah ugama jawaabin eedaynta uu u jeediyay Kirit Somaiya, hase yeeshee wuxuu saxaafadda kala hadlay sababta uu uga qayb galay mudaaharaadka.
Wuxuu yiri: "Ma lihi wax dalab ah. Waxaan halkan u imid anigoo ah muwaadin iyo qof ku nool magaaladan. Waxaan u imid inaan arko sababta loo xaddidayo xorriyadda dadka ee isu socodka iyo sababta codkooda loo cabburinayo."
Wuxuu intaas ku daray inuusan mudaaharaadka uga qayb gelin isagoo wakiil ka ah urur ama hay'ad gaar ah.
Mudaaharaadkaas ka dib, booliiska ayaa Khan iyo dibadbaxayaal kale si kooban u xidhay. Kadibna wuxuu boggiisa Instagram ku wadaagay sawir laga qaaday gudaha gaariga booliiska ee lagu qaado dadka la hayo, isagoo ku lifaaqay qoraalkan: "Waxay ila tahay in la ii wado dalxiis."

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka Cimraan Khan ee uu ku daabacay baraha bulshada ayaa helay in ka badan laba milyan oo likes ah.
Dhammaadkii toddobaadkii hore, iyadoo laga jawaabayo baaq ay soo saartay CJP, kumannaan qof ayaa mudaharaadyo ka dhigay Delhi, Mumbai iyo magaalooyin kale oo Hindiya ku yaalla, iyagoo dalbanayay in Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Hindiya, Gyanesh Kumar, uu iscasilo ka hor doorashooyinka muhiimka ah ee gobollada.
Maalintii Isniinta, xubinta baarlamaanka ee xisbiga Kongareeska, Rahul Gandhi, iyo hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka waaweyn ee Hindiya ayaa hoggaamiyay kumannaan dibadbaxayaal ah oo ka socday Connaught Place kuna sii jeeday Maxkamadda Sare ee Hindiya.
Maalintii Arbacada, laba ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya ee CJP ayaa loo diray xabsi ku-meel-gaar ah oo soconaya shan maalmood, kadib markii lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah ku galeen goob mudaaharaad oo ku taal Delhi.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in CJP ay ku baaqday mudaaharaad kale oo ka dhici doona caasimadda Delhi fiidnimada maanta oo Jimco ah.



























