Yaa dhisay Kacbada? Goorma ayaana la dhisay?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Kacbada oo ku taal badhtamaha Masjidka Wayn ee Xamarka ee magaalada Maka, waa goobta ugu barakaysan ee ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah, waana jihada ay Muslimiintu u jeedsadaan marka ay tukanayaan.

In la booqdo Kacbada ugu yaraan hal mar nolosha qofka Muslimka ah waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waana sababta kale ee ku dhiirrigelisa in ay sameeyaan dadaal kasta oo ay ku soo xajinayaan.

Xogaha la hayo ayaa muujinaya in ku dhawaad 13 ilaa 15 milyan oo qof ay booqdaan dhismahan barakaysan sannad kasta, kuwaas oo ay ku jiraan dad ka badan 11 milyan oo gudanaya Cumrada iyo laba ilaa 3saddex milyan oo gudanaya waajibaadka Xajka sannad kasta.

Malaayiin xujaaj ah oo ka kala timid daafaha caalamka ayaa mar horeba bilaabay in ay u safraan goobtaas barakaysan si ay u gutaan gudashada cibaadada xajka ee sannadka 2026.

Si loo ogaado macluumaad badan oo ku saabsan asalka iyo dhismaha Kacbada ayaa BBC-du waxa ay ka waraystay Ibrahim Disina oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Nigeria, kaas oo cilmiga diinta ku soo bartay dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay Kacbadu ku taal.

Aqoonyahanka ayaa wariyaha la wadaagay bog gaar ah oo ku saabsan taariikhda dhismahan barakaysan si uu u qoro maqaalkan.

"Xogtan oo dhan waa mid run ah oo la isku halayn karo, waana bog ay leeyihiin culimadeenna ka soo jeeda dalalka Qatar, Kuwayt iyo Sacuudi Carabiya," ayuu yiri Sheekh Disina.

Kacbada, 2000 oo sano ka hor abuuristii caalamka

Ilaahay wuxuu goobtaas ku tilmaamay 'Gurigii ugu horreeyay' ee cibaado loo dhiso ee dunida laga korkeeda laga taagay, sida ku xusan tahay kitaabka barakaysan ee Qur'aanka.

Aqoonyahanno badan oo Muslmiin ah, sida Imaam Al-Baghawi, waxay qabaan in Kacbadu ay tahay dhismihii ugu horreeyay, ee ahaa kii ugu horreeyay ee biyo dhexdiis ka soo baxaan markii cirka iyo dhulka la abuuray 2000 oo sano ka hor abuuristii caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, culimo kale ayaa doorbidaysa in ay rumeeyaan in Kacbadu ay ahayd gurigii ugu horreeyay ee cibaado loo asteeyay ee dhulka laga dhiso, kaas oo uu dhisay Nebi Aadam.

Waxaa kale oo jira kuwo aamminsan in Kacbada ay dhismeen Malaa'igtu waqti dheer ka hor.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nebi Ibraahin (CS)

Culimada Islaamku waxay isku raacsan yihiin in mid ka mid ah sababihii Ilaahay uu Nebi Ibraahim ugu hanuuniyay dhanka Maka ay ahayd in uu dib u dhiso Kacbada, isaga oo ka dhisay meeshii ay markii hore ku tiilay.

Nebi Ibraahim iyo wiilkiisa Ismaaciil ayaa dhabarka u ritay mas'uuliyadda dib u dhiska Kacbada, iyadoo Ismaaciil uu keenayay dhagaxyada, Nebi Ibraahimna uu dhisayay dhismaha.

Halkaas waa meeshii uu Nebi Ibraahim kaga codsaday Ismaaciil in uu u keeno dhagax uu ku istaago si uu dhismaha u dhammaystiro. Dhagaxaas waxa maanta loo yaqaan 'Maqaamu Ibraahim', kaas oo ku yaal meel u dhow Kacbada.

Kacbada iyo Qabiilka Quraysh

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa jiray qabiilo iyo bulshooyin badan oo reer Maka ah oo soo ilaaliyay Kacbada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Camaliiqada, Jurhum, Khuzaaca, iyo Quraysh, kuwaas oo doortay in ay dhabarka u ritaan mas'uuliyadda daryeelka goobtan barakaysan.

Qabiilka Carabta ah ee Quraysh ayaa go'aansaday inay dib u dhis ku sameeyaan Kacbada si aanay biyuhu u kharribin mar kale aasaaska dhismaha, taas oo ka dhalatay roobab waaweyn oo ka da'ay aaggaas.

Quraysh waxay ku qaadatay shan sano in ay dhismahaas ku dhammaystiraan ka hor intaan la soo dirin Nabiga (NNKH) sannadkii 605-tii, iyagoo dhererka dhismaha ku kordhiyay 9 dhudhun. Sidoo kale, waxay xidheen albaabkii dhanka galbeed ee dhismaha, iyagoo daayay kaliya kii dhanka bari, si ay u xakameeyaan gelitaanka.

Xilligaas ay Qurayshi maamulayeen Kacbada waa markii dhismaha loo sameeyay saqaf markii ugu horreysay.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqaale yari daraadeed, waxay ku khasbanaadeen in ay ka tagaan qayb ka mid ah dhismihii asalka ahaa, waxaana hadda loo yaqaan 'Xijri Ismaaciil' kaas oo bannaanka ka xiga Kacbada.

Cabidllaahi Bin Subayr, 64 Hijri

Sannadkii 64-aad ee Hijriyada, oo ku beegan 31 sano ka dib geeridii Nabiga (NNKH), Cabdullaahi ibn Zubayr ayaa dumiyay Kacbada ilaa heer dhulku ku dhaweeyay, ka dibna dib u dhisay, waxaana xilligaas ay ku gubatay weerarkii uu Yaziid ibn Mucaawiyah ku qaaday magaalada Maka.

Halkaas ayuu ka dhisay isagoo ku soo daray booskii ay Quraysh ka tageen ee 'Xijri Ismaaciil'.

Sidoo kale, wuxuu dhererkeeda ku kordhiyay 10 dhudhun, wuxuuna u sameeyay labo albaab oo ku yaalla dhanka bari iyo dhanka galbeed, kuwaas oo la siman dhulka dhismaha.

Cabdimaalik bin Marwaan 73 Hijri

Kaddib markii uu Cabdulmalik bin Marwaan dilay Cabdullaahi bin Zubayr ee uu qabsaday Maka, wuxuu amar ku bixiyay in Kacbada dib loogu dhiso qaabkii ay u dhisnayn ka hor intaanu Cabdullaahi bin Zubayr wax ka beddelin.

Tani waxay keentay in la dumiyo albaabkii dhanka Galbeed ee Kacbada iyo in 'Xijri Ismaaciil' bannaanka laga dhigo, iyadoo lagu soo reebay hal albaab oo kaliya, kaas oo kor loo qaaday ama dhulka laga sara mariyay.

Si kastaba ha ahaatee, dhererka dhismaha waxaa loo daayay sidii uu ahaa, maaddaama uu Cabdullaahi bin Zubayr ku kordhiyay 10 dhudhun.

Aqoonyahannada taariikhdu waxay sheegaan in Xaramku uu ku sugnaa qaabkii uu Cabdulmalik bin Marwaan uga tagay ilaa laga gaaray sannaadkii 1039-kii Hijriyada.

Suldaan Muraad Khan - 1039 Hijri

Aqoonyahannada taariikhda waxay sheegaan in daadad waaweyn oo dhacay 19-kii Shacbaan 1039 Hijriyada ay kharribeen Masjidka Wayn iyo gudaha Kacbada, iyagoo dumiyay gidaarada waqooyi, bari, galbeed iyo jaranjarada saqafka tagta. Tani waxay keentay in culimadii xilligaas ay fatwoodaan in la dumiyo qaybihii waxyeelloobay si dib loogu dhiso, waxaana hawshaas dhammaystiray Suldaankii Boqortooyada Cusmaaniyiinta Suldaan Murad Khan, 2-dii Dul-Xijah ee sannadkii 1040-kii Hijriyada.

Maxamed Cli Baasha- 1239 Hijri

Dhammaadkii sannadkii 1255-tii Hijriyada, hoggaamiyihii Masar, Maxamed Cali Baasha ayaa amray in la nadiifiyo aagga ku dhow Kacbada si looga saaro dhammaan ciidda ku ururtay daadadkii dhacay xilligaaawgeed.

Kaddib markii ay taasi dhacday, dhismaha waxaa lagu sameeyay dayactir yar oo kor u qaaday qiimihiisa iyo quruxdiisa.

Cabdicasiis bin Cabiraxmaan Al Sacuud - 1924

Boqorkii ugu horreeyay ee Sacuudiga, Cabdulcasiis bin Cabdulraxmaan Al Sucuud, ayaa ahaa kii qurxinta cusub ku sameeyay Kacbada, iyadoo ay ku jirtay in dib loo furay albaabbada dhismaha kaddib markii uu galay gudaha qolka.

Arrintaan waxaa loo arkaa shaqadii ugu baaxadda weynayd ee casri ah oo laga qabto Masjidka iyo Kacbadaba tan iyo markii la aasasay Boqortooyada Sacuudiga sannadkii 1924-kii.

Xilligaas, qaybaha sare iyo kuwa hoose ee Kacbada ayaa dib u habayn lagu sameeyay. Sidoo kale, dhammaan gidaarada qolka ayaa la dayactiray, iyadoo saqafka iyo dhulkana la qurxiyay.

Boqor Fahad - 1997

Xilligii uu xukumayay Boqorkii Sacuudiga ee Fahad, Kacbada waxaa lagu sameeyay dib u habayn iyo dayactir wali muuqda ilaa maanta, kuwaas oo ay ku jiraan saqafka, saddexda tiir, albaabbada gudaha, dhulka, iyo aasaaska guud.

Dayactirka kale ee la sameeyay waxaa ka mid ahaa in lagu kordhiyay gidaar cusubna loo yeelay Xijri Ismaaciil.