Saynisyahanno shaaca ka qaaday shan hab oo kaa dhigaya qof soo jiidasho badan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa la ogaaday in dadka aadka wax usoo jiita ay wadaagaan dhowr sifo oo isku mid ah.
Haddii aad doonayso inaad noqoto qof soo jiidasho leh sida Tom Cruise ama Taylor Swift, halkii aad waqti iyo lacag badan ku bixin lahayd beddelidda muuqaalkaaga, waxaa habboon inaad xoogga saarto hab-dhaqankaaga. Taageerayaashooda iyo dadkii la kulmay labadan xiddig ayaa marar badan sheegay inay leeyihiin shakhsiyad iyo soo jiidasho gaar ah.
Tom Cruise iyo Taylor Swift waxay caan ku yihiin inay si wanaagsan ula sheekaystaan dadka, dhoolla-caddeeyaan, isla markaana si wanaagsan uga falceliyaan hadalka dadka kale. Waxay dadka la hadlayaan dareensiiyaan inay si dhab ah u xiisaynayaan waxa ay sheegayaan, iyagoo si buuxda ugu fiirsanaya deegaanka bulsheed ee ay ku sugan yihiin.
Arrintani waxay la jaanqaadaysaa natiijooyinka cilmi-nafsiga. In kasta oo muuqaalka qofku marka hore indhaha soo jiidan karo, haddana marka aad qof la falgasho oo aad si fiican u barato, shakhsiyaddiisa iyo sida aad isu fahamtaan ayaa noqda waxyaabaha ugu muhiimsan.
Iyadoo taas la tixgelinayo, halkan waxaa ku xusan shan hab oo cilmi-nafsi ku salaysan oo kor u qaadi kara soo jiidashadaada.
1. Baro sida loola dhaqmo loona dhexgalo dadka kale

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka loo eego daraasado, dadka dabeecad ahaan jecel inay bulshada dhexgalaan oo dadka kale la falgalaan waxaa badanaa loo arkaa inay ka soo jiidasho badan yihiin marka ugu horreysa ee ay la kulmaan dad cusub.
Sababta ayaa ah inay muujiyaan dareenno wanaagsan oo dheeraad ah, sida firfircooni, dhoolla-caddayn joogto ah, iyo hadal codkiisu muujinayo diirranaan iyo kalsooni.
Taasina waxay ka timaaddaa xaqiiqda ah in dadka noocaas ahi ay guud ahaan ku raaxaystaan la macaamilka iyo la shaqaynta dadka kale.
Si kale haddii loo dhigo, qofka bulshada ku dhex milma, si dabiici ah u dhoola-caddeeya, una muujiya kalsooni iyo furfurnaan, wuxuu inta badan dadka kale ula muuqdaa qof soo jiidasho badan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xitaa haddii aadan caadi ahaan ahayn qof aad u bulsho badan ama dadka badan dhexgala, waxaad bilaabi kartaa inaad muujiso dabeecadahaan adigoo sameynaya dadaal yar.
Haddii aad tahay qof jecel kelinimada ama doorbida inuu kaligiis ahaado, waxaa laga yaabaa inay ku dhiirrigeliso cilmi-baaris muujisay in dadka dabeecaddaas leh ay ka helaan inay noqdaan kuwo firfircoon oo dadka kale la falgala si ka badan inta ay markii hore filayeen.
Si kale haddii loo dhigo, in kasta oo aad u malaynayso in la sheekaysiga dadka cusub ama ka qaybgalka kulamada bulshada aysan kuu fiicnayn, haddana marka aad dhab ahaan isku daydo, waxaad inta badan ogaan kartaa inay kuu noqoto waayo-aragnimo ka farxad badan sidii aad filaysay.
2. Si taxaddar leh u dhagayso oo muuji xiisaha dadka kale

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taageerayaasha aadka u xiiseeya Tom Cruise ayaa sheegaya inuu leeyahay awood uu kugu dareensiiyo in la hadalkaaga uu yahay waxa keliya ee maskaxdiisa ku jira waqtigaas.
Sidoo kale, majaajiliistaha iyo daadiyihii hore ee barnaamijyada habeenkii, Stephen Colbert, ayaa mar ku ammaanay sida Taylor Swift ay si taxaddar leh ugu dhegaysatay gabadhiisa, oo markaas 14 jir ahayd, markii ay kulmeen.
Arrimahan oo dhan waxay waafaqsan yihiin cilmi-baarisyo muujinaya in dadku ay u muuqdaan kuwo soo jiidasho badan marka ay si dhab ah uga qayb qaataan wada sheekaysiga isla markaana ay waydiiyaan su'aalo daba socda jawaabaha dadka ay la hadlayaan.
Sidaa darteed, hab kale oo fudud oo lagu kordhin karo soo jiidashadaada waa inaad muujiso rabitaan dhab ah oo aad ku baranayso dadka kale, adigoo waydiinaya su'aalo ka tarjumaya xiiso iyo xog-doonnimo dhab ah.
3. Noqo qof deeqsi ah
Natiijooyinka daraasado kala duwan ayaa muujinaya in dadka sameeya wanaag isla markaana caawiya dadka kale iyagoon filayn sida wax abaalmarin ah loo arko inay yihiin kuwo ka soo jiidasho badan.
Tusaale ahaan, cilmi-baaris lagu sameeyay sifooyinka ay dadku ka raadiyaan lammaanahooda jacaylka ayaa muujisay in wanaaggu yahay mid ka mid ah sifooyinka loogu jecel yahay, halka daraasadaha qaarna ay ku ogaadeen inuu yahay sifada ugu muhiimsan.
Sidoo kale, waxaa jira daraasado muujinaya in wejiyada dadka loo arki karo kuwo ka soo jiidasho badan marka lagu xidhiidhiyo qof lagu tilmaamay inuu yahay qof wanaagsan oo naxariis badan.
Natiijooyinkan waxay tilmaamayaan in deeqsinnimada, caawinta dadka kale, iyo diyaar u ahaanshaha in la tixgeliyo baahiyahooda ay kordhin karaan soo jiidashadaada.
4. Xadka ha dhaafin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa caadi noqotay in la maqlo in dadku ay raadiyaan lammaanayaal leh kaftan wanaagsan. Xitaa xayeysiisyada ay dadku ku raadsadaan lammaanayaasha ayaa marar badan xusa awoodda qofku u leeyahay inuu dadka qosliyo inay tahay sifo muhiim ah.
Daraasaduhuna way taageeraan fikraddan. Tijaabooyinka kulammada gaagaaban ee lagu raadsado lammaane jacayl, iyo daraasado kale oo la mid ah, waxay muujiyeen in dadka leh kaftan wanaagsan iyo karti ay si xariifnimo leh ugaftamaan loo arko inay yihiin kuwo ka soo jiidasho badan.
Si kastaba ha ahaatee, dadaal xad-dhaaf ah oo lagu doonayo in dadka lagu qosliyo wuxuu keeni karaa natiijo ka duwan tii la rabay.
Sidaa darteed, casharka ugu muhiimsan ee laga baran karo daraasadahan waa in la barto in arrimaha si fudud loo qaato, la arko dhinaca qosolka leh ee xaaladaha kala duwan, isla markaana laga fogaado in qofku naftiisa u qaato si xad-dhaaf ah oo aad u culus.
5. Noqo qof hal-abuur leh

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hal aragti ayaa sheegaysa in kaftanku soo jiito dadka sababtoo ah wuxuu noqon karaa calaamad muujinaysa hal-abuur iyo caqli. Dhanka kale, hal-abuurka laftiisa ayaa loo arkaa mid soo jiidasho leh, maaddaama uu tilmaami karo in qofku leeyahay karti uu wax faa'iido leh ugu kordhin karo dadka kale.
Fikirkan waxaa taageeraya cilmi-baaris muujinaysa in abwaannada iyo fannaaniinta ay inta badan yeeshaan tiro ka badan oo lammaanayaal jacayl ah marka loo barbar dhigo celceliska dadka kale. Tani waxay noqon kartaa tilmaam muujinaysa in dadka kale ay si gaar ah u soo jiitaan, inkasta oo caddayntaas aan weli loo qaadan karin mid kama dambays ah.
Sidaas awgeed, kobcinta hal-abuurkaaga, soo bandhigista fikrado cusub, iyo muujinta kartidaada gaarka ah waxay kaa caawin karaan inaad noqoto qof ka soo jiidasho badan dadka kale.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caddayn kale oo laga yaabo inay ka qancin badan tahay tan hore ayaa ka timid cilmi-baaris muujisay in isla wejiyadii dadka loo arkay kuwo ka soo jiidasho badan markii lagu soo bandhigay sheeko hal-abuur leh oo la sheegay inuu qoray qofka iska leh wejigaas.
Marka la eego natiijooyinkaas, muujinta hal-abuurkaaga waxay noqon kartaa hab kale oo lagu kordhiyo soo jiidashadaada. Tusaale ahaan, waxaad dadka la wadaagi kartaa gabayo aad qortay ama waxaad soo bandhigi kartaa hibadaada farshaxannimo iyo xirfadahaaga hal-abuurka ah.


























