5 waxyaabood oo keena khilaafka lamaanaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kalsooni darro iyo aammin la'aan ka dhex dhalata xiriirka waxay sababi karaan in nolosha lammaanaha ay noqoto mid ay ka buuxaan khilaafaad iyo walwal, taasi oo aakhirka horseedi karta kala fogaansho.
Waxay u taagan tahay xaalad ay mid ka mid ah lammaanaha, ama xitaa labaduba, aysan si buuxda isugu kalsoonayn ama aysan isku halleyn karin.
Tusaale ahaan, nin aan ku kalsoonayn xaaskiisa marka ay baxdo, ama naag aan ku kalsoonayn ninkeeda. Sidoo kale, saaxiibbada dhallinyarada ayya tan oo kale haysataa, iyadoo gabadhu ay saaxiibkeed ku eedayso daacad la'aan ama wiilku uu eedaynayo gabadha ay saaxiibka yihiin.
Su'aasha meesha ku jirta waxay tahay, waa maxay waxa keena kalsooni darrada sabai karta furriinka ama kala taga lammaanaha wada nool?
BBC-da ayaa wareysatay Maryam Xasan Baba, oo ah khabiir ku xeeldheer arrimaha qoyska, islamarkaana maamusha barta Instagram-ka ee "The Northern Therapist".
Sababaha keena qanaaco-la'aanta

Khabiirka ayaa xustay shan sababood oo waaweyn oo huriya kalsooni-darrada ka dhex dhalata lammaanaha:
1. Xiriir la'aan joogto ah:
Inta badan, lammaanuhu kuma guuleystaan in ay si kalfuran u wada xiriiraan, gaar ahaan marka ay foodda is daraan khilaafaad ama isfaham waa. Marka runta la qariyo ama dareennada sida carada iyo welwelka aan si furan la isu weyddiin, taasi waxay abuurtaa goldaloollo isfaham waa ah, aakhirkana waxay horseeddaa shaki iyo aamin la'aan.
2. Ballan-furka iyo fulin la'aanta ballamaha:
Fulin la'aanta ballamaha, khiyaanada, ama daacad-darrada waxay gabi ahaanba liiciyaan aas-aaska kalsoonida ee ka dhaxaysa lammaanaha.
3. Beenta joogtada ah:
Beenta badan, gaar ahaan in lammaanaha laga qariyo arrimaha muhiimka ah, waxay dhalisaa shaki, ugu dambeyntiina waxay keentaa kalsooni-darro.
4. Masayrka iyo shakiga xad-dhaafka ah:
Masayrka xad-dhaafka ah wuxuu keenaa cabsi laga qabo in lammaanaha is waayaan, wuxuuna dhalin karaa eedaymo aan waxba ka jirin oo dhaawaca xiriirka.
5. Ixtiraam-darada:
In la ixtiraami waayo lammaanaha, in la caayo, ama in la iska indhotiro ra'yigiisa waxay dhaawacdaa ixtiraamkii ka dhaxeeyay, waxayna si dhab ah u burburisaa kalsoonida dhex taal lammaanaha.
Guud ahaan, dhammaan sababahan waxay ku bilowdaan arrimo yaryar, laakiin haddii la iska indhotiro oo ay sii socdaan, waxay gabi ahaanba baabi'in karaan tiirarka uu ku taagan yahay xiriirku.
Sida looga gudbo dhibaatooyinka xiriirka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maryam Xasan Baba, oo ah dhakhtar ku takhasustay daawaynta arrimaha qoyska ahna maamulaha barta Instagram-ka ee "Maryam Hassan Baba of The Northern Therapist", ayaa sidoo kale sharaxday afar hab oo dib loogu soo celin karo xiriirka dhibaateysan:
In si deggen oo daacadnimo ah loo wada hadlo:
Waa muhiim in lammaanuhu ay wada hadlaan ayadoo aysan caro ku jirin, si hufan, ujeedkooduna yahay in ay is fahmaan.
In kalsoonida lagu xoojiyo daacadnimada iyo oofinta ballamaha:
In la ahaado shakhsiyaad dhab ah iyo in lagu dadaalo oofinta ballamaha waxay gacan ka geysataa dib u soo celinta kalsoonida.
In la is ixtiraamo xaalad kasta oo lagu jiro:
In la ixtiraamo dareenka, fikradaha, iyo shakhsiyadda lammaanahaaga waa aas-aas muhiim ah oo dib loogu hagaajin karo xiriirka.
In talo la raadsado marka ay dhibaatadu culus tahay:
Marka ay dhibaatadu tahay mid weyn, caawimaad laga raadsado khabiir takhasus leh ama lataliyaha arrimaha guurka waxay noqon kartaa mid waxtar weyn leh.
6 waxyaalood oo aysan ahayn in lammaanuhu ay waligood isu sheegaan
Khabiirka ayaa soo bandhigtay 6-da hab ee soo socda oo aan dan u lahayn xiriirka:
Waalli / is yeelyeel
"Waan kaftamayay."
"Adiga ayaa igu riixay ama igu qasbay inaan sidaas sameeyo."
"Haddii aad rabto, adiga laftaada ayaa samayn kara laakiin aniga faraha iga qaad."
"Qof kasta waa igu raacsan yahay, adiga mooyee."













