Xildhibaan Maraykan ah oo soo bandhigaty Sharci cusub oo Soomaalida iyo laba waddan ka mamnuucay galitaanka Maraykanka

Rep. Nancy Mace

Xigashada Sawirka, Getty Images)

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka Maraykanka oo lagu magacaabo Nancy Mace ayaa ku dhawaaqday inay qorsheyneyso inay soo bandhigto sharci mamnuucaya dadka ka imaanaya dalalka Soomaaliya, Sudan iyo Koonfurta Sudan, iyadoo sabab uga dhigtay arrimo amni iyo xasillooni darro ka jirta saddexda waddan ee Afrika.

Mace, oo Jamhuuri ah oo matalaysa South Carolina, ayaa soo jeedintan dhawaan ku daabacday boggeeda X ee iyo sidoo kale website-keeda rasmiga ah.

waxayna ku doodday in xaddididda socdaalka saddexda waddan ay lagama maarmaan tahay si loo ilaaliyo bulshooyinka Mareykanka.

Sida lagu sheegay bayaanka, hindise sharciyeedka waxaa loogu talagalay in uu Maraykanka ka ilaaliyo waxa ay haweeneyda Congress-ka ku tilmaantay khataro dhanka ammaanka ah oo lala xiriirinayo saddexda waddan.

"Maanta, Nancy Mace (R-SC) waxay ku dhawaaqday qorshaheeda ah inay soo bandhigto sharci lagu mamnuucayo socdaalka ka imaanaya Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, taasoo bulshada Mareykanka ka ilaalinaysa xasillooni darrada iyo khataraha amni ee dalalkan ay keenayaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Iyadoo sharraxaya sababta ka dambeysa sharciga la soo jeediyay, Mace waxay sheegtay in badbaadada muwaadiniinta Mareykanka ay tahay inay ka hormariyaan danaha muwaadiniinta ajnabiga ah.

"Kama hormarin doono danaha muwaadiniinta ajnabiga ah amniga iyo badqabka muwaadiniinta Mareykanka.

"Xasilooni la'aan dambe oo dibadda ka imaan doonta ma jirto. Mar dambe ma iska indha tireyno calaamadaha digniinta. Mar dambe ma jirto raaligelin aan ka bixineyno inaan dalkeenna danahiisa hormarino. America ayaa munaanta leh. Had iyo jeer," ayay tiri.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xildhibaanka ayaa ku dooday in Soomaaliya, Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed ay kaalimaha hore kaga jiraan dalalka caalamka ugu xasillooni darrada badan, waxayna ka digtay in Mareykanka uu ka fogaado wax ay ku tilmaantay fashilka siyaasadda socdaalka ee ay la kulmaan qaar ka mid ah dalalka Yurub.

"Mareykanku waxay daawadeen magaalooyinka Yurub oo fowdo dhex galaya, soo galinaya gudaha dad ka soo jeeda dawladaha fashilmay iyo kuwa cadawga ah waxay galaaftay nolosha, burburiyeen bulshooyinka waxayna burburiyeen kalsoonidii dadweynaha ee dawladda. Maraykanku ma samayn doono khaladaadkaas. Waxaan joojinaynaa ka hor intaysan goor dambe noqon," Mace ayaa tiri.

Waxay kaloo ku eedaysay in muhaajiriinta saddexda waddan ka yimid ay keeneen caqabado badan oo xagga ammaanka iyo is-dhexgalka ah, eedaas oo aan wax cadayn ah aysan soo bandhigin.

"Si nidaamsan ayaa naloogu soo duulay, qof walbana meel ayuu iska fadhiyaa oo uu daawanayaa sida ay wax u dhacayaan, anaga sidaas ma nihin, waan diidnay," ayay raacisay hadalkeeda.

Dhamaadkii sanadkii aynu soo dhaafnay, madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiay xayiraadda dhanka socdaalka ee Mareykanka, isagoo ka mamnuucaya muwaadiniinta shan dal oo dheeri ah iyo dadka ku safraya dukumeentiyada ay bixiso maamulka Falastiin inay soo galaan Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadahan looga dan leeyahay "in lagu ilaaliyo ammaanka Mareykanka" ayna dhaqan gelayaan 1-da Janaayo ee sanadkaan.

Xayiraadaha buuxda ee gelitaanka ayaa lagu soo rogay dadka ka soo jeeda Burkina Faso, Mali, Niger, Suudaanta Koofureed iyo Suuriya iyo sidoo kale dadka haysta baasaboorka maamulka Falastiin.

Trump, oo adkeeyay xakameynta socdaalka tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad, ayaa sheegay in xayiraadda socdaalka ee la ballaariyay ay ahayd mid lama huraan ah sababtuna ay tahay waxa maamulkiisu uu ku tilmaamay guul darrooyinka baaritaanka iyo hubinta nidaamyada dibadda.

Saraakiishu waxay soo xiganayeen heerka dalbashada fiisaha oo sarreeya, diiwaannada madaniga ah oo aan la isku halleyn karin, musuqmaasuqa, falalka argagixisada iyo in dalalku aysan Mareykanka kala shaqeyneyn aqbalidda muwaadiniintooda la atrxiilay.

Ku dhawaaqistan ayaa daba socotay xarigga muwaadin Afgaanistaan u dhashay oo looga shakisanaa in uu toogtey labo askari oo ka tirsan Ilaalada Qaranka, dhacdadaas oo Aqalka Cad uu tilmaamay in ay muujinayso walaaca dhanka amniga.

Sidoo kale, muddadii ugu horreysay ee uu xilka qabtay, wuxuu soo bandhigay nidaam la mid ah kii 2017, kaasoo dhaliyay mudaaharaadyo iyo caqabado dhanka sharciga ah gudaha iyo dibaddaba. Siyaasada ayaa markii dambe waxaa taageertay maxkamada sare ee Maraykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadaha ay sii jiri doonaan illaa dalalka ay dhibaatadu saameysey ay ka muujinayaan "horumar lagu kalsoonaan karo" ee maamulka aqoonsiga, wadaagga macluumaadka iyo iskaashiga ay la leeyihiin mas'uuliyiinta socdaalka Mareykanka.

Dalalka ay saaran tahay xayiraadda buuxda ee socdaalka Maraykanka ayaa ah: Afghanistan, Burkina Faso, Burma, Chad, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Laos, Libya, Mali, Niger, Jamhuuriyadda Congo, Sierra Leone, Soomaaliya, Suudaanta Koofureed, Sudan, Suuriya, Yemen iyo Shakhsiyaadka ku safraya dukumentiyada uu bixiyo Maamulka Falastiin

Sidoo kale waxaa jira wadamo la saaray xayiraado qeyb ah oo ay ka mid yihiin: Angola, Antigua and Barbuda, Benin, Burundi, Côte d'Ivoire, Cuba, Dominica, Gabon, Gambia, Malawi, Mauritania, Nigeria, Senegal, Tanzania, Togo, Tonga, Venezuel,a Zambia iyo Zimbabwe.