You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Lixdii shil ee ugu darnaa ee badda ka dhacay, ee dunida ruxay
Dhammaadka bisha Sebtembar, dadka reer Senegal waxay xusaan mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu xanuunka badnaa ee soo mara qarankooda.
Taariikhdu markay ahayd 26-kii Sebtembar 2002, markabka Le Joola, oo bixinayay adeegga gaadiidka badda ee u dhexeeya Ziguinchor (koonfurta Senegal) iyo Dakar, ayaa ku degay meel u dhow xeebaha dalka Gambia.
Masiibadan, oo ay ku dhinteen in ka badan 1,800 oo qof, ayaa weli loo arkaa musiibadii badda ee ugu darnayd ee abid laga diiwaangeliyo qaaradda Afrika.
Hase yeeshee, marka loo eego heer caalami, waxaa dhacay masiibooyin ka sii daran. Waddamo kale ayaa iyaguna la kulmay khasaare naf ah oo ka dhashay shilal xun oo badda ka dhacay.
Qaar ka mid ah masiibooyinkan ayaa raad weyn ku reebay taariikhda, sababo la xiriira duruufihii keenay inay dhacaan iyo tirada badan ee dadka ku dhintay.
6. Estonia – September 28, 1994: 852 dhimasho
Waddamada Estonia, Iswiidhan iyo Finland, waxaa laga dhisay matxafyo lagu xusayo dhibbanayaashii musiibadii aan la ilaawi karin ee markabkii Estonia, taas oo dhacday 28-kii Sebtembar 1994-kii.
Estonia wuxuu ahaa markab rakaab iyo gaadiid qaada oo bixin jiray adeegga gaadiidka badda ee u dhexeeya Tallinn — oo ah caasimadda Estonia, kuna taal Gacanka Finland — iyo Stockholm, oo ah caasimadda Iswiidhan.
Masiibadu waxay dhacday habeenkii u dhexeeyay 27-kii iyo 28-kii Sebtembar 1994-tii. Habeenkaas, saadaasha hawadu waxay tilmaamaysay inay jiri doonaan dabeylo xooggan iyo mowjado aad u waaweyn.
Kadib markii uu ka baxay magaalada Tallinn fiidkii 27-kii Sebtembar, markabka Estonia wuxuu la kulmay dabeylo aad u xooggan iyo mowjado dhaadheer xilli uu ku guda jiray safarkii uu ugu socday Stockholm.
Qiyaastii saacadda markay ahayd 7-dii fiidnimo, albaabka hore ee markabka ayaa ugu dambeyntii awoodi waayay inuu u adkeysto xoogga mowjadaha.
Biyo badan ayaa bilaabay inay soo galaan markabka, kaas oo lumiyay dheelitirkiisii ka hor inta uusan si lama filaan ah u rogman oo uusan ku degin biyaha qabow ee Badda Baltic muddo ka yar hal saac gudahood.
Dadkii ka badbaaday masiibada ayaa ku tilmaamay dhacdada mid ah "habeen cadaab ah", iyadoo rakaabka oo ay argagax galiyeen xawaaraha ay wax u dhaceen ay ku xayirmeen gudaha markabka maadaama meelihii laga bixi lahaa ay xirmeen markii markabku rogmaday.
Markabka waxaa saarnaa wadar ahaan 889 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale, waxaana la badbaadiyay kaliya 137 qof.
852 qof — oo ay ku jiraan 501 qof oo u dhashay Sweden iyo 285 u dhashay Estonia, iyo waliba dad ka soo jeeda dadyow kale oo badan — ayaa ku dhintay masiibadaas.
Baaritaan caalami ah ayaa lagu ogaaday inay jirtay cillad farsamo oo ku timid albaabka hore ee markabka. Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo maanta waxaa sii socda faafitaanka aragtiyo iyo mala-awaallo kala duwan oo ku saabsan sababaha dhabta ah ee ka dambeeyay masiibadaas.
5. Al-Salaam Boccaccio – February 6, 2006 (Masar): 1,028 dhimasho
3-dii Febraayo 2006-dii, qiyaastii 1,400 oo qof ayaa raacay markabka rakaabka qaada ee As-Salam Boccaccio 98, kaas oo ahaa markab laga leeyahay dalka Masar oo ay da'diisu ahayd 35 sano.
Markabku wuxuu ka soo baxay dekedda Douba ee Sacuudi Carabiya isagoo ku sii jeeda dekedda Safaga ee Masar, taas oo ku taal dhinaca kale ee Badda Cas, una jirta magaalada Qaahira qiyaastii 600 oo kiiloomitir dhanka koonfur-bari.
Wax yar ka dib markii uu ka baxay Douba, waxaa markabka ka dillaacay dab, balse taasi kama hor-istaagin kabtanka markabka inuu sii wado safarka.
Inta badan dadkii saarnaa markabka waxay ahaayeen xujey u dhalatay dalka Masar oo ka soo laabanayay magaalada Makka.
Markii uu dabku bilaabay inuu ku faafo gudaha markabka, qaar ka mid ah rakaabka oo xaalad adag ku jiray ayaa isku tuuray biyaha.
Yaraanta tirada doonyaha badbaadada ayaa sababtay inaan la badbaadin karin dad badan. Kaliya 354 qof ayaa ka badbaaday musiibadaas.
4. Titanic – April 14-15, 1912 (Iglan): 1,550 dhimasho
Warbaahintii xilligaas ayaa markabkii caanka ahaa ee Titanic ku tilmaantay "qasriga biyaha dul sabeynaya." isagoo dhererkiisu yahay 269 mitir, ballaciisuna yahay 28.5 mitir, isla markaana leh siddeed dabaq, wiish iyo awood ay ku qaadi karto 3,000 oo qof, Titanic waxaa loo arkayay markab aad u weyn oo aan waxba ka hor imaan karin.
Waxay lahayd wax kasta oo qof u baahan karo marka la eego raaxada: koronto iyo nidaamka kululaynta, qolal jiif oo leh musqulo, hoolal aad u qurux badan, barkad dabaasha, iyo adeegyo kale oo dheeraad ah.
Safarkeedii ugu horreeyay, markabku wuxuu ka ambabaxay magaalada Southampton ee dalka Ingiriiska, taariikhdu markay ahayd 10-kii Abriil 1912-kii, isagoo ku sii jeeda magaalada New York.
Markabka waxaa saarnaa qiyaastii 2,200 oo qof, oo ay ku jiraan shaqaalaha iyo rakaabka; kuwaas oo qaarkood ay ahaayeen dad taajiriin ah oo aan doonayn inay seegaan safarkan gaarka ah.
Afar maalmood ka dib markii uu safarka bilaabay, markabkaas—oo loo arkayay mid ka mid ah maraakiibta ugu ammaanka badan adduunka—ayaa ku degay Badweynta Atlaantigga ka dib markii uu ku dhacay buur baraf ah (iceberg) saacadu markay ahayd 11:40-kii habeenimo ee 14-kii Abriil 1912-kii.
Qiyaastii 1,550 qof ayaa naftooda waayay, iyadoo kaliya 711 qof oo badbaaday dib loogu soo celiyay New York.
Degitaankii markabka Titanic ayaa masiibadan ka dhigay mid ka mid ah musiibooyinka badda ee ugu waaweyn, waxaana markii dambe laga sameeyay filim aad u guuleystay dabayaaqadii sagaashameeyadii.
3. Le Joola – September 26, 2002 (Senegal): 1,864 dhimasho
26-kii Sebtembar 2002, markabka Le Joola ayaa ka baxay dekedda Ziguinchor ee koonfurta Senegal, isagoo ku sii jeeda magaalada Dakar.
Markabka waxaa saarnaa ku dhawaad 2,000 oo rakaab ah, inkastoo loo qaabeeyey inuu qaado dad aan ka badnayn 550 qof.
Ka hor inta aan la bilaabin sannad-dugsiyeedka 2002, qoysas badan, haween, carruur iyo arday ayaa markabka ka raacay Ziguinchor, iyagoo filayay inay Dakar gaaraan subaxnimadii hore ee 27-kii Sebtembar.
Abbaaraha saacadda 16:30-kii, markabka oo marayay xeebaha Gambia ayaa waxaa ku dhuftay duufaan kulaylaha ah. Mid ka mid ah matoorradiisa ayaa sidoo kale waxyeello soo gaartay.
Roobab mahiigaan ah oo ay weheliyaan dabeylo xooggan oo xawaarahoodu gaarayay 35 "knots" (oo u dhiganta 65 kiiloomitir saacaddii) ayaa ku dhacay markabka, taas oo ku qasabtay rakaabkii saarnaa dhinaca midig ee markabka inay u guuraan dhinaca kale si ay u helaan gabbaad.
Dadkii ka badbaaday ayaa sharraxay xaalad qasan oo ka jirtay gudaha markabka, iyadoo la maqlayay qaylo, dadna ay ku xayirnaayeen halka kuwo kalena ay raadinayeen waddo ay uga baxaan.
Wadarta guud, waxaa si rasmi ah loo shaaciyay inay 1,864 qof ku dhinteen shilka markabka, iyadoo ay ka badbaadeen 64 qof oo keliya.
2. Doña Paz – December 20, 1987 (Philippines): 4,386 dhmasho
Doña Paz wuxuu ahaa markab rakaabka qaada (ferry) oo laga leeyahay dalka Filibiin. Ilaa iyo maanta, wuxuu haystaa rikoorka tirada ugu badan ee dadka ku dhintay musiibo badda ka dhacday xilli aan dagaal jirin.
Habeenkii 20-kii Disembar 1987-kii, oo ahayd maalmo ka hor ciidda Kirismaska, markabka ayaa ku sii jeeday magaalada Manila isagoo ka soo baxay Tacloban.
Sida rasmiga ah, markabka waxaa loogu talagalay inuu qaado 1,500 oo rakaab ah. Hase yeeshee, waxaa saarnaa ku dhawaad 4,400 oo rakaab ah, kuwaas oo badankoodu ay safarka ku marayeen iyagoon wadan tigid.
Qiyaastii saacadu markay ahayd 4:30-kii galabnimo, Doña Paz ayaa ku dhacday markab yar oo shidaalka qaada oo la dhihi jiray Vector, kaas oo siday in ka badan hal milyan oo litir oo shidaal la safeeyey ah.
Qarax ka dhacay haamaha shidaalka ee markabka ayaa sababay in dab uu si degdeg ah ugu faafo markabka Doña Paz. Natiijada ka dhalatay musiibadaas ayaa ahayd mid aad u ba'an.
Tirada rasmiga ah ee dadka dhintay ayaa lagu qiyaasay 4,386. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dad aaminsan in tiradu ay aad uga badan karto taas, maadaama ay markabka saarnaayeen rakaab ku dhuumanayay oo aan wadan tigidh.
1. Wilhelm Gustloff – January 30, 1945 (Germany): 9,000 dhimasho
Shilkan waxaa loo arkaa musiibadii ugu dhimashada badnayd ee badda ka dhacda taariikhda, balse waa dhacdo aan si weyn looga hadlin.
30-kii Janaayo 1945-kii, markabkii rakaabka ee Jarmalka ahaa ee Wilhelm Gustloff ayaa ku degay biyaha qabow ee Badda Baltic, taasoo sababtay dhimashada kumanaan qof, kuwaas oo badankoodu ahaa dad rayid ah.
Markabkan, oo ay lahayd xukuumaddii Naasiyiinta, ayaa ka soo baxay magaalada Kiel ee dalka Jarmalka isagoo ku sii jeeda Hamburg 30-kii Janaayo 1945-kii, ka hor inta uusan si taxaddar leh u dhex marin biyaha Badda Baltic.
Waxaa markabka saarnaa qiyaastii 10,000 oo qof, oo ay ku jiraan 9,000 oo qof oo rayid ah oo ka cararayay ciidamada Ruushka ee soo socday iyo 1,000 badmaaxayaal ah.
Qiyaastii saacadda markay ahayd 12:00-kii duhurnimo ee 30-kii Janaayo 1945-kii, markabka Wilhelm Gustloff waxaa arkay markabka quusta ee Midowga Soofiyeeti ee S-13, kaas oo uu hoggaaminayay Kabtan Alexander Marinesko.
Saacadda markay ahayd 3-dii galabnimo, iyadoo markabka Jarmalka uu ku jiray masaafo u oggolaanaysa in la weeraro, ayaa waxaa lagu dhuftay afar gantaal oo nooca biyaha hoostooda laga rido ah (torpedoes).
Dad badan ayaa ku dhintay qaraxyada iyo iyagoo ku qarqoomay biyaha ka dib markii markabku rogmaday.
Tirada dadka dhintay ayaa lagu qiyaasay inay u dhexeeyaan 6,000 ilaa 9,000 oo qof. Inta badan taariikhyahanadu waxay isku raaceen in qiyaastii 9,000 oo qof ay ku waayeen noloshooda dhacdadan.