Eritrea iyo Itoobiya: Xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo marxaladihii uu soo maray

Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Khamiis, 1 Oktoobar 2026, Itoobiya ayaa xirtay safaaraddeeda ku taalla Asmara, waxayna amartay toban diblomaasi oo Eritrea u dhashay inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah.

Eritrea, dhankeeda, waxay tallaabadaas kaga jawaabtay inay jartay dhammaan xiriirradii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Itoobiya. Jarista xiriirka diblomaasiyadeed waxay ka tarjumaysaa xiriir in ka badan 35 sano soo marayay marxalado kala duwan, oo u dhexeeyay saaxiibtinnimo, dagaal furan iyo colaad.

Marxalad kasta, xiriirka labada dal wuxuu u kala wareegayay saaxiibtinnimo dhow, dagaal, xaalad aan dagaal iyo nabad midna ahayn, heshiisiin, kalsooni-darro iyo mar kale xiisado horseeday khatarta dagaal cusub.

Sidaas darteed, labadan dal ayaa 36-kii sano ee la soo dhaafay soo maray marxalado xiriirkoodu aad u kala duwanaa, waxayna hadda u muuqdaan inay u sii jeedaan marxalad kale oo cusub oo xiisad dagaal ah. Safaaradihii mar furmi jiray haddana la xiri jiray ayaa markale la xiray, safiirradana waa la eryay.

Eritrea, tan iyo billowgii xornimadeeda 1991-kii, xiriirkii dhowaa ee ka dhexeeyay labada dal, oo ay sabab u ahaayeen xiriirkii xooggan ee ay lahaayeen ururradii labada dhinac ee guulo ka gaaray dalalkooda, ayaa si aan khilaaf lahayn ugu gudbay una horumaray xiriir u dhexeeyay labada dowladood.

Markii xornimada Eritrea si rasmi ah loo xaqiijiyay 1993-kii, kaddib markii Eritrea ay heshay aqoonsi caalami iyo mid goboleed oo dal ahaan ah, labada dal waxay sameysteen xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah.

Xiriirkaas waxaan marxaladihiisa kala duwan ugu kuur-galnay sida hoos ku xusan:

1991–1998: Laga soo bilaabo ururro isbahaystay ilaa dalal deris ah

Aasaaska xiriirka labada dal wuxuu soo billowday 1991-kii, markii Jabhadda Xoreynta Shacabka Eritrea ay qabsatay Asmara, halka Jabhadda Dimuqraadiga Kacaanka Shacabka Itoobiya (EPRDF) ay iyaduna gashay Addis Ababa, taas oo soo afjartay xukunkii Derg.

Maaddaama hoggaamiyeyaasha labada urur ay si wadajir ah uga soo horjeedeen cadow ay wadaagaan, burburkii xukunkii Derg kaddib waxay awood u yeesheen inay sii wadaan nabad iyo xiriir aad u dhow oo aan caadi ahaan laga dhex arag dalal kale, arrintaas oo indhaha caalamka soo jiidatay.

Kaddib markii xornimada Eritrea la xaqiijiyay bishii May 1993, labada dowladood waxay sameysteen xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, iyagoo safaarado ka kala furay caasimadaha labada dal.

Diblomaasiyiintii ugu horreeyay ee xilalka sare qabtay waxaa ka mid ahaa Hayle Menkerios, oo intii lagu jiray xilligii kala-guurka ee xornimada Eritrea Addis Ababa u joogay wakiil ahaan, kaddibna noqday safiirka Eritrea, iyo Awoalom Weldu, oo ahaa safiirkii ugu horreeyay ee Itoobiya u fadhiya Eritrea.

Sanadihii ugu horreeyay waxaa lagu yaqaanay is-dhexgal dhaqaale iyo bulsho oo ballaaran. Itoobiya waxay sii wadatay isticmaalka dekedaha Eritrea, isu-socodka xuduudaha ayaa ahaa mid si weyn u furan, labada dowladoodna waxay sii wadeen xiriir iskaashi ku dhisan kaddib xornimada Eritrea.

Hase yeeshee, su'aalaha aan la xallin ee xudduudaha iyo kala aragti duwanaanshaha ku saabsanaa nidaamyada dhaqaale ayaa si tartiib ah u wiiqay xiriirka labada dal.

Soo bandhigistii lacagta Eritrea ee Nakfa sanadkii 1997, murannada dhuleed ee aan xal loo helin iyo horumarradii ka billowday xudduudaha ayaa bannaanka soo dhigay xiisadihii muddo sanado ah ku qarsoonaa niyad-wanaagga siyaasadeed ee labada dhinac.

1998–2000: Dagaalkii iyo burburkii xiriirka diblomaasiyadeed

Khilaafkii wuxuu gaaray meeshii ugu sarreysay bishii May 1998, markii dagaal ka qarxay agagaarka Badme, oo ahayd dhul ay labada dhinac isku haysteen.

Iskahor imaadku si degdeg ah ayuu ugu gudbay dagaal buuxa oo u dhexeeya labada dal, kaas oo galaaftay nolosha tobannaan kun oo qof, isla markaana muddo gaaban gudaheed si weyn oo lama filaan ah u beddelay xiriirkii labada dal.

Xiriirkii diblomaasiyadeed ayaa isna sii xumaaday iyadoo xaaladda milatari ay sii adkaanaysay. Intii uu socday qalalaasaha, Girma Asmerom, oo ahaa safiirkii Eritrea ee Itoobiya, kana beddelay safiirkii hore Hayle Menkerios, wuxuu ka mid noqday shaqsiyaadkii sida weyn uga dhex muuqday xaaladda, isagoo lagu arkay marxalado kala duwan. Markii colaadu sii xoogaysatay, waddooyinkii diblomaasiyadeed ayaa sii cidhiidhi noqday, xiriirkii rasmiga ahaa ee labada dalna gebi ahaanba wuu istaagay.

Bishii Febraayo 1999, Itoobiya waxay Girma Asmerom ku dhawaaqday "persona non grata" (qof aan la rabin), waxayna amartay inuu dalka ka baxo. Tallaabadaas waxay noqotay mid ka mid ah tallaabooyinkii waaweynaa ee muujiyay burburka xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal.

Markii dagaalku dhammaaday sannadkii 2000, rajadii iyo xasilloonidii lagu yaqaanay sannadihii ugu horreeyay ee xornimada waxaa beddelay kalsooni-darro labada dhinac ah iyo loollan istiraatiiji ah.

2000–2018: "Dagaal ma aha, nabadna ma aha"

Heshiiskii Aljeeriya ee la saxiixay bishii Diseembar 2000, kaas oo soo afjaray dagaalkii labada dal, wuxuu joojiyay colaaddii tooska ahayd, balse ma uusan keenin xal siyaasadeed oo waara.

Guddigii Xuduudaha ee labada dal ee lagu dhisay heshiiska Aljeeriya ayaa Badme u xukumay inay ka tirsan tahay Eritrea. Hase yeeshee, Itoobiya oo aan aqbalin sida loo fulinayo go'aankaas ayaa sababtay khilaaf horseeday xiisad muddo dheer sii socotay. Eritrea waxay ku adkaysatay in go'aanka si buuxda loo dhaqan geliyo, halka Itoobiya ay dalbatay in wada-hadallo dheeraad ah la yeesho ka hor inta aan la hirgelin.

Natiijadu waxay noqotay xaalad 18 sano socotay oo loo yaqaannay "dagaal ma aha, nabadna ma aha."

Intii lagu jiray 18-kaas sano, xuduuddu way xirnayd, xiriirkii dhaqaale si weyn ayuu u burburay, xiriirkii tooska ahaa ee diblomaasiyadeedna wuxuu ahaa mid aad u xaddidan. Labada dowladoodba waxay midba midka kale ku eedeynayeen taageeridda kooxaha mucaaradka iyo fulinta hawlo colaadeed oo ka dhan ah dhinaca kale.

Maaddaama uusan jirin xiriir rasmi ah oo heer safiirro ah, xaaladdani ma ahayn oo keliya caadi-darro diblomaasiyadeed, balse waxay ka tarjumaysay xaqiiqada siyaasadeed ee ballaaran: inkastoo labada dal si rasmi ah aysan dagaal ugu jirin, haddana marka laga eego dhinaca istiraatiijiga ah waxay ahaayeen cadow.

2018 – Heshiis nabadeed iyo dib-u-heshiisiin

Abiy Ahmed ayaa xilka Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya la wareegay bishii Abriil 2018, taasina waxay noqotay isbeddel muhiim ah oo ku yimid xiriirka labada dal.

Bishii Juun, Addis Ababa waxay ku dhawaaqday inay si buuxda oo aan wax shuruud ah lagu xirin u aqbashay go'aankii xuduudaha. Go'aankaas wuxuu waddada u furay xiriir toos ah iyo wada-hadallo dhex mara Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Isaias.

Labada hoggaamiye ayaa bishii Luulyo 2018 kala saxiixday Bayaanka Wadajirka ah ee Nabadda iyo Saaxiibtinnimada, iyagoo si rasmi ah dib ugu soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed.

Dib-u-soo-celinta xiriirka waxaa xigay tallaabooyin wax-ku-ool ah oo isdaba joog ah. Eritrea waxay 16 Luulyo 2018 dib uga furtay safaaraddeeda Addis Ababa, halka Itoobiya ay 6 Sebtembar 2018 safaaraddeeda ka furtay Asmara. Waxaa sidoo kale dib loo bilaabay duullimaadyadii tooska ahaa, dib loo soo celiyay khadadka isgaarsiinta, waxaana dib loo furay xudduudaha.

Iyadoo qayb ka ah xiriirka diblomaasiyadeed ee dib loo soo celiyay, Eritrea waxay Semere Russom, oo hore u ahaa wasiirka waxbarashada, u magacawday safiirkeeda Itoobiya, halka Itoobiya ay Ridwaan Xuseen u dirtay Asmara si uu u noqdo safiirkeeda Eritrea.

Si kastaba ha ahaatee, su'aalo muhiim ah ayaa weli taagnaa, oo ay ku jiraan sida loo dhaqan-gelinayo heshiisyada iyo nidaamyada xuduudaha ee muddada dheer, iyo sidoo kale arrimaha istiraatiijiyadeed ee saldhigga u ahaa dib-u-heshiisiinta. Sidaas darteed, xiriirku weli si buuxda uma qoto-dheeraan, halka qaar ka mid ah arrimaha muhiimka ahna ay sii taagnaayeen iyagoo aan la xallin.

2020–2022: Dagaalkii Tigray

Dagaalkii Tigray ee ka qarxay gobolka Tigray bishii Nofeembar 2020 ayaa xiriirka labada dal u beddelay qaab kale.

Eritrea waxay dagaalka kaga qayb gashay dhinaca dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo ka horjeedday TPLF. Arrintani waxay abuurtay iskaashi milatari oo dhex maray labadii dal ee horey isaga soo horjeeday.

Iskaashigaasi wuxuu muujiyay sida walaacyada amni ay u saameyn karaan xiriirka labada dal. Muddo, labada dowladood waxaa isu keenay dano iyo ujeeddooyin ay wadaagaan.

Hase yeeshee, maaddaama isbahaysigaasi uu si dhow ugu xirnaa dagaalka, markii Heshiiskii Pretoria ee la gaaray bishii Nofeembar 2022 uu soo afjaray wejigii weynaa ee dagaalka, ujeeddadii istiraatiijiga ahayd ee labada dowladood isu soo dhoweysay waxay billowday inay daciifto.

2023–2026: Arrinta marin-badeedka Itoobiya iyo xiisadaha sii kordhaya

Kadib dagaalkii Tigray, xiriirka labada dal wuxuu bilaabay inuu sii daciifo, gaar ahaan marxaladihii hore, iyadoo ay jireen sababo aan si rasmi ah loo shaacin.

Marka laga soo tago amniga gobolka, khilaafaadka ka dhashay rabitaanka Itoobiya ee helitaanka marin-badeed iyo sidoo kale horumarrada ka dhacay waqooyiga Itoobiya ayaa mar kale noqday ilaha tartanka iyo kalsooni-darrada.

Arrinta marin-badeedka Badda Cas ayaa si isa soo taraysa uga dhex muuqanaysay fikirka istiraatiijiga ah ee Itoobiya, iyadoo noqotay arrin muhiim ah oo ay dalka iyo hoggaankiisu si weyn uga hadlaan. Eritrea, dhankeeda, waxay hadallada ku saabsan dekedaha iyo marin-badeedka u bilowday inay u aragto, marka laga eego dhinaca madaxbannaanida iyo amniga qaranka, inay yihiin sabab keeni karta dagaal cusub iyo faragelin.

Isla muddadaas, isbahaysiyo isbeddelaya oo ay ku lug leeyihiin Soomaaliya, Masar, Suudaan, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii adkeeyay xiriirkii markii horeba xasaasiga ahaa.

Inkasta oo safaaradaha labada dal ay sii furnaayeen, haddana xiriirka diblomaasiyadeed wuxuu si isa soo taraysa uga tarjumayay kalsooni-darrada sii kordhaysay.

Eritrea, tan iyo markii uu xilka ka tegay Semere Russom oo ahaa safiirkii/wasiirkii labada xil hayay, si rasmi ah uma magacaabin safiir cusub.

Itoobiya iyaduna, kadib safiirkii Ridwaan Xuseen, ma aysan magacaabin safiir cusub oo ay u dirto Eritrea. Hase yeeshee, warbixinno ayaa tilmaamaya in qof lagu magacaabo Mihretab Mulugeta uu ahaa musharrax safiirnimo oo Itoobiya u joogay Eritrea, isagoo xilka u hayay qaab ku-simaha madaxa arrimaha safaaradda.

Addis Ababa gudaheeda, Binyam Berhe ayaa sidoo kale ahaa ku-simaha madaxa arrimaha Safaaradda Eritrea ee Itoobiya. Waxaa la ogyahay in diblomaasiyiinta labada dhinac ay sii wadeen hawlahooda, iyagoo isku dayaya inay maareeyaan xiriirka labada dal xilli ay jireen jawi ay xiisaddu ka dhex jirtay.