Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xidhayso safaaraddeeda ku taalla caasimadda Eritrea ee Asmara, iyadoo sidoo kale amar ku siisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in tallaabadan ay timid kaddib waxa ay ku tilmaantay falal "gardarro iyo dhibaateyn" ah oo Eritrea ay si toos ah iyo si dadban ugu kacday.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in toban diblomaasi lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen hawlo khatar ku ah amniga qaranka Itoobiya.
Dhanka kale, maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii lagu soo rogay Ciidamada Difaaca Eritrea iyo qaar ka mid ah hay'adaha dalkaas la qaaday. Go'aankan ayuu Mareykanku ku dhawaaqay dabayaaqadii Septembar.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaalka Bariga Dhexe uu sii xoogeysanayo, isla markaana indhaha caalamku ay kusii jeedaan dhinaca Badda Cas.
Eritrea waxay leedahay xeeb dheer oo ku taalla Badda Cas, xeebteeduna waxay ka soo horjeeddaa Sacuudiga.
Sida ay sheegeen falanqeeyayaal, xeebta dheer ee dalka iyo halka uu ku yaallo oo ah mid ka mid ah marinnada ugu waaweyn ee maraakiibta ganacsiga ee dunida, Badda Cas, taas ayaana kordhisay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Eritrea.
Falanqeeyayaashu waxay sidoo kale, sheegayaan in tallaabadani ay Mareykanka u furi karto waddo cusub oo uu xiriirka Eritrea kusii wanaajinayo.
Maxaa cunaqabatayn loogu soo rogay Eritrea?
Cunaqabataynta Mareykanka uu saaray Eritrea waxay la xiriirtay ku lug lahaanshaha Eritrea ee dagaalkii laba sano socday ee ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kaas oo bilowday 2020-kii.
Dowladda Mareykanka, xilligii maamulka madaxweynihii hore Joe Biden, ayaa sannadkii 2021 go'aan ka gaartay dagaalka Eritrea iyo Itoobiya. Xilligaas, ciidamada Eritrea waxay taageereen dowladda Itoobiya, waxayna dagaal la galeen ciidamada maamulka gobolka Tigray.
Mareykanka ayaa markaas cunaqabatayn ku soo rogay ciidamada Eritrea iyo saraakiil dowladeed oo dhowr ah, oo uu ku jiray xisbiga talada haya.