Jahawareerka Trump ka haysta xasaradaha dunida ka aloosan, todobaadyo ka hor doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka

Trump
Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Madaxweyne Donald Trump ayaa indhaha ku haya arrimaha dibadda, gaar ahaan Ruushka, si uu xal ugu helo mid ka mid ah caqabadaha ugu culus ee dalkiisa heysta, iyadoo ay dhowr toddobaad oo keliya ka harsan yihiin doorashooyinka dhexe ee lagu dooranayo cidda maamuli doonta Congress-ka Mareykanka.

Sicir-bararka tamarta, oo si gaar ah u saameeyay gobollada beeraha ee Bartamaha Galbeedka Mareykanka ee ku tiirsan naaftada si ay u shaqeysiiyaan mishiinnadooda uguna daabulaan dalaggooda suuqyada, ayaa noqday mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee ka careysiiyay codbixiyeyaasha.

Arrintan darteed ayuu madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu Ruushka ka soo dhoofsan doono boqollaal kun oo fuusto oo naafto ah.

Wax walba waxay is beddeleen galabnimadii Jimcaha, markii Trump uu ku dhawaaqay heshiis cusub oo uu la saxiixday Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, taas oo bilow u ahayd isbuuc-dhamaad ay ka buuxeen xiisado.

Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Truth Social wuxuu ballan-qaaday inuu qiimaha u jabinayo shacabka Mareykanka, wuxuuna amray Waaxda Maaliyadda inay qaado xayiraaddii lagu soo rogay iibka naaftada Ruushka ee suuqyada adduunka.

Dhinaca kale, siyaasadda adduunku xal sahlan ma laha, waxaana suurtagal ah in xiisado ka qarxa meelo kale ay dib u dhigaan ama fashiliyaan qorshihiisa qiimo-jabinta, inta uusan faa'iido siyaasadeed ka helin.

Ra'yi ururintu waxay muujinaysaa in dadka Mareykanka intooda badan ay aaminsan yihiin in dagaalka ka dhanka ah Iiraan uu yahay sababta ugu weyn ee dhibaatadooda, halka kalsoonida lagu qabo Trump, gaar ahaan maamulkiisa dagaalka iyo dhaqaalaha, ay si degdeg ah hoos ugu sii dhacayso.

Laba maalmood kadib, ayuu mar kale bartiisa bulshada soo dhigay farriin kale, isagoo ku dhawaaqay heshiis cusub oo xabbad-joojin dhinaca tamarta ah oo dhexmaray Ruushka iyo Ukraine.

Dhab ahaantii, xaqiiqadu waxay ahayd mid aad uga dhib badan sidii la filayay.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in aan horay loogala tashan heshiiska, inkastoo uu xaqiijiyay in dalkiisu uu ixtiraami doono. Ruushka, dhankiisa, waa uu iska aamusay, Axaddii habeenimadana wuxuu qaaday weerar cusub oo lagu beegsaday xarumaha korontada ee Ukraine.

"Waxaa cad in Putin uusan akhrin Truth Social" ayuu Zelensky si kaftan ah u yiri Isniintii, isagoo intaas ku daray: "Jiilaalkan, haddii Ruushku uusan aqbalin xabbad-joojinta tamarta, waan ka jawaabi doonnaa."

Shidaal

Xiriir qallafsan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intii uu socday muddada labaad ee xil haynta Trump, xiriirka isaga iyo Zelensky wuxuu ahaa mid aan xasillooneyn, kaasoo ku sifoobay eedeymo oo mar Ruushka, marna Ukraine lagu tuurayo colaadda uu Trump ku andacoonayay inay fududahay inuu soo afjaro marka uu Aqalka Cad ku soo laabto.

Maalmihii u dambeeyay, Zelensky wuxuu noqday bartilmaameedka ugu weyn ee carooyinka Trump, maadaama weeraradii Ukraine ay ku qaadday kaabayaasha shidaalka ee Ruushka lagu tilmaamay inay gacan ka geysteen yaraanshaha tamarta ee adduunka.

Sabtidii, madaxweynaha Mareykanka ayaa saxaafadda kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay in la joogo xilligii Ukraine ay yeelan lahayd hoggaan cusub.

Waxaa intaas dheer, wargeyska Financial Times iyo TVga CNN ayaa soo weriyay in Mareykanku uu ku hanjabay inuu joojin doono iibka hubka iyo wadaagga xogta sirdoonka ee Ukraine, haddii Zelensky uusan joojin weerarada ka dhanka ah warshadihii sifeynta shidaalka ee Ruushka.

"Waxaa fiican inuu joojiyo" ayuu yiri Trump.

"Waxaan u maleynayaa in madaxweynuhu uu leeyahay taariikh dheer oo ah toban sano, oo uu dadka ku weeraro haddii aysan yeelin waxa uu rabo, xilliga iyo qaabka uu rabo" ayuu Terry Haines oo ah aasaasaha xarunta cilmi-baarista madaxa-bannaan ee Pangaea Policy, u sheegay BBC-da.

Ku dhawaaqid degdeg ah

Hadda waxay u muuqataa in u dabaal-degga Trump ee "xabbad-joojinta tamarta" uu ahaa tusaale kale oo ka mid ah dhaqankiisa caadiga ah: ku dhawaaqista heshiisyo ka hor inta aysan dhammaan oo la saxiixin. Markii horeba, wuxuu si degdeg ah ugu dhawaaqay xabbad-joojinno ka dhacay Bariga Dhexe iyo heshiisyo nabadeed oo ballaaran.

Haddi ay ahaato dulqaad la'aan ka dhalatay gaabiska diblomaasiyadda, ama xeelad gorgortan xirfad leh oo lagu riixayo heshiiska ilaa uu ka hirgalo, natiijadu waxay ahayd mid isku mid ah: jahawareer ku saabsan waxa uu ka dhigan yahay heshiiska iyo sida looga jawaabo.

Falcelintu waqti badan ma qaadan.

Raiisel wasaaraha Canada, Mark Carney, oo noqday dhaleeceeyaha ugu weyn ee Trump ee fagaaraha caalamka, ayaa sheegay inuu "si buuxda u taageerayo" xabbad-joojinta tamarta, balse wuxuu si adag u cambaareeyay heshiiska naaftada, isagoo sheegay inuu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Yurub, islamarkaana ka caawinayo Ruushka inuu maalgeliyo "dagaalkiisa sharci-darrada ah ee aan cudurdaarka lahayn ee ka dhanka ah Ukraine".

Gudaha Mareykanka, ku dhawaaqista la xiriirta naaftada ayaa dhalisay walaac kaas la mid ah, xitaa xubno ka tirsan xisbiga madaxweynaha dhexdiisa. Afar senatar oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ku biiray Dimuqraadiyiinta, iyagoo warqad u diray Trump taasoo ay kaga codsanayaan inuu "si degdeg ah uga laabto" go'aanka.

"Congress-ku wuxuu si cad u mamnuucay soo dejinta tamarta Ruushka sanadkii 2022, si looga hortago in lacagta Mareykanka lagu maalgeliyo dagaalka naxariis-darrada ah ee Putin uu ku qaaday Ukraine" ayay senatarradu ku qoreen bayaan la faafiyay Axaddii.

"Go'aanka madaxweyne Trump ee lagu oggolaanayo soo dejinta naaftada Ruushka ee Mareykanka wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa sharcigaas" ayay ku dareen.

Waxa madaxweynaha uga xun dhaleeceynta ayaa ah in xabbad-joojinta la shaaciyay ay saameyn yar oo keliya ku yeelatay qiimaha naaftada, kaas oo weli ka hooseeya heerarkii ugu sarreeyay abid, balse weli aad uga sarreeya 6 dollar halkii gallon.

Xiisadda cusub ee Bariga Dhexe

Bariga dhexe

Dhanka kale, iyadoo isbeddelladii ugu dambeeyay ee colaadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine ay soo ifbaxayaan, falal cusub oo rabshado ah oo ka dhacay Bariga Dhexe ayaa halis u ah inay sii kiciyaan suuqyada tamarta adduunka, iyadoon loo eegin waxa ku dhacaya saliidda Ruushka.

Xuutiyiintu waxay weerareen garoomo diyaaradeed iyo kaabayaasha tamarta ee Sucuudi Carabiya maalmo ka hor.

Weerarradaasi waxay sababeen ugu yaraan 13 qof oo dhintay, waxayna sii hurin karaan colaad toban sano jirtay oo damisnayd intii lagu jiray dagaalkii Mareykanka ee Iiraan.

"Xuutiyiintu waxay dirayaan fariin: ma aha oo kaliya bartilmaameedyada milatari ama kaabayaasha tamarta, waxay weerari doonaan garoomada rayidka ah, taas oo dili karta dad badan" ayuu BBC u sheegay Michael Ratney, safiirkii hore ee Mareykanka ee Sucuudi Carabiya.

Dagaalka Mareykanka ee ka dhanka ahaa Iiraan wuxuu ahaa dagaal uusan rabin dal kasta oo ka mid ah dalalka Carabta ee gobolka, ayuu yiri, weerarkii ugu dambeeyay ee Xuutiyiintana wuxuu ahaa natiijo la saadaalin karay.

Mareykanka iyo Iiraan oo ku jira iska horimaad dheer awgeed, colaad kasta oo cusub waxay kicin kartaa xiisado hor leh oo gobolka ka dhaca, waxayna mar kale kor u qaadi kartaa qiimaha saliidda.

"Waxaan u maleynayaa in xaaladdu ay ka sii dari doonto ka hor inta aysan dhab ahaan degin".

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Trump wuxuu Ukraine ku tilmaamay inay tahay isha ugu weyn ee dhibaatooyinka tamarta adduunka. Wuxuu soo xiganayaa kororka gaadiidka maraakiibta shidaalka ee maraya marin-biyoodka Hormuz, kaas oo ku dhow inuu xirmo khatarta militari ee Iiraan awgeed.

Laakiin taasi waxay u muuqan kartaa rajo ka badan xaqiiqda: waa isku day lagu doonayo in lagu qanciyo shacabka Mareykanka inuu u jeediyo cadhadiisa la xiriirta tamarta dhinaca colaad ku bilaabatay xilligii madaxweyne kale.

Si kastaba ha ahaatee, hal madaxweyne ayaa jira hal mar. Marka codbixiyeyaasha Mareykanka ay tagaan goobaha codbixinta, waxay u muuqdaan inay masuuliyadda saaraan kuwa talada haya.

Kadib toddobaad adag oo mar kale muujiyay inaysan jirin xalal fudud oo loo heli karo dhibaatada tamarta caalamka, taasi waxay noqon kartaa warbixinta ugu xun dhammaan ee hogaamiyaha Mareykanka.