Dowladda Ereteriya oo ku amartay muwaadiniinta in ay si degdeg ah lacagtooda u geeyaan bangiyada

Lacag

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Dowladda Ereteriya ayaa ku amartay muwaadiniinta dalkaas in ay dhammaan lacagaha ay gacanta ku hayaan si degdeg ah ugu shubaan bangiyada, ugu dambaynna dhammaadka bisha Luulyo.

Bangiga Dhexe ee Ereteriya ayaa bayaan uu shalay soo saaray ku sheegay in dhammaan dadka iyo hay'adaha laga doonayo in ay lacagta dalka (Nakfa) ee ay haystaan ku shubaan bangiyada.

Bangigu wuxuu sidoo kale sheegay in muwaadiniinta lagu wargeliyay in ay lacagta dalka (Nakfa) oo kaliya u adeegsadaan wax iibsiga iyo iibinta, ayna gebi ahaanba ka fogaadaan isticmaalka lacag qalaad ee aan rasmi ahayn.

Sidoo kale, bangigu wuxuu faray dadweynaha in dhammaan wax kala iibsiga uu noqdo lacag caddaan ah oo keliya.

Bankigu Wuxuu intaas ku daray in qof kasta ama hay'ad kasta oo jebisa amarkan, ama lacag ku haysata meel ka baxsan bangiyada, laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Bangigu si faahfaahsan uma caddeyn waxa dhici doona dadka aan lacagtooda ku shubin muddada la cayimay, balse wuxuu si guud u sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Amarkan cusub wuxuu la mid yahay tallaabooyinkii hore ee dowladda Ereteriya ay u qaaday xakameynta dhaqaalaha, gaar ahaan xakamaynta sarrifka lacagaha qalaad, ka hortagga lacag dhaqidda sharci darrada ah, iyo qiimaha badeecadaha.

Eritrea

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qiyaastii 10 sano ka hor, dowladda Ereteriya ayaa beddeshay lacagta dalka, taas oo markaas ku qasabtay dadka in ay lacagtooda bangiyada dhigtaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xilligaas, dowladda ayaa sheegtay in ujeeddadu ahayd in la xakameeyo lacag dhaqidda sharci darrada ah iyo in la dejiyo dhaqaalaha dalka.

Tan iyo markaas, dowladda ayaa si adag u xakameysay dhaqdhaqaaqa lacagta, iyadoo xaddidaadyo adag saartay isticmaalka lacagta dadweynahu haystaan.

Tusaale ahaan, bangiyada dalka gudahooda, qofku wuxuu bishiiba kala bixi karaa ilaa 5,000 Nakfa qura.

Khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in xaddidaadaha noocan ah ay saameyn xun ku yeeshaan nolosha dadka iyo dhaqaalaha guud, maadaama ay adkeeyaan socodka lacagta iyo ganacsiga.

Xayiraadda lacageed ayaa sidoo kale dadka ku qasabta in ay lacag badan ku kaydsadaan bangiyada ama ay helaan oggolaansho gaar ah marka ay u baahan yihiin lacag badan, sida aroosyada ama kharashaadka waaweyn.

Falanqeeyayaashu waxay sidoo kale sheegayaan in siyaasaddan ay qayb ka tahay dadaallada dowladda Ereteriya ay ku doonayso in ay lacagta gacanta shacabka ku jirta dib ugu soo celiso nidaamka bangiyada, islamarkaana ay u xoojiso xakameynta dhaqaalaha.

Ereteriya ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee leh nidaamka bangiyada ugu adag ee la xakameeyo.

Maadaama adeegyada bangiyada iyo wareejinta lacagtu ay aad u xaddidan yihiin, inta badan wax kala iibsiga dalkaas waxaa lagu sameeyaa lacag caddaan ah.