Dadweyne tiro badan oo ku sii qulqulaya waddooyinka caasimadda Tehran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadweyne aad u tiro badan ayaa buux dhaafiyey waddooyinka caasimadda Iiraan ee Tehran, iyagoo ka qaybgalaya aaska hoggaamiyihii sare ee geeriyooday, Ayatollah Cali Khamenei, kaas la dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalkii u dhexeeyey Maraykanka, Israa'iil, iyo Iiraan bishii Febraayo.
Kadib markii meydkiisa lagu sagootiyey xarunta weyn ee cibaadada Grand Mosalla ee Tehraan, naxashkiisa ayaa hadda lagu wadaa waddo qiyaastii toban kiiloomitir ah oo dhex marta magaalada.
Waxaa la filayaa in munaasabadda socodka aaska uu socdo in ka badan toban saacadood.
Munaasabadaha rasmiga ah ee aaska ayaa billowday maalintii Jimcaha, waxaana la qorsheeyey inay socdaan lix maalmood, iyadoo ugu dambayn lagu aasi doono magaalada uu ku dhashay ee Mashhad maalinta Khamiista.
Dad badan oo daacad u ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa isugu soo baxay Tehraan si ay uga qaybqaataan munaasabadahaas, kuwaas oo loogu talagalay inay muujiyaan midnimo, awood, iyo adkaysi.
Sidoo kale akhriso



