TOOS, WHO oo sheegtay in Congo laga bilaabay tijaabooyinka laba daawo oo loogu talagalay in lagu daweeyo nooca dhifka ah ee cudurka Ebola

WHO oo sheegtay in Congo laga bilaabay tijaabooyinka laba daawo oo loogu talagalay in lagu daweeyo nooca dhifka ah ee cudurka Ebola

Tebin toos ah

  1. Hadallada kulul ee ay hawada isku mariyeen Cirro, Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, .

    Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga falceliyay safaaradda ay Somaliland dhowaan ka furatay magaalada Qudus.

    "Xisbiga Kaah badheedhahiisa wuu caddeeyay maalin cad. Annagu ibriiq ku addimi mayno, sida qarandiidana madaxa dhulka gelin mayno," ayuu yiri.

    Guddoomiyaha oo mar kale hadlay ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro inuu marar badan kasoo horjeestay shirar hore loo galay.

    "Shalay waxay ka soo horjeedeen MOU-gii Madaxweyne Muuse galay, iyagoo leh waxaanan ogayn taageeri mayno. Waxay ka soo hor jeeddeen heshiisyadii la galay ee ay ka mid ahayd DP World, iyagoo mucaarid ah."

    Mar uu baaq ujeediyay madaxweynaha ayuu yiri: "Mudane Madaxweyne, annnaga badheedhahayagu wuu cad yahee, waxaan ku leennahay adiga iyo madaxda kugu xeerran ka badheedha inaad ka tanaasusheen ku dhaqanka dastuurka Qaranka, ka badheedh inaad ka tanaasusheen ilaalinta muqadasaadka diinta ummaddan." Ayuu yiri.

    Madaxweyne Cirro oo dhowaan ka hadlay aqoonsigii ay Israa'iil aqoonsatay Somaliland ayaa si gaar ah uga hadlay go'aanka safaaradda ay ka fureen magaalada Qudus.

    "Waxaanu ku heshiinay inaanu safaarado kala furanno, safaaraddii waanu furnay, waxaanu ka furnay Qudus, wuxuu ahaa go'aan sax ah, waa go'aan aan ka noqosho lahayn," ayuu yiri madaxwaynaha Somaliland.

  2. Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.

    Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?

    Arrintan la xiriirta, Machadka Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (NIH) wuxuu sheegay in fitamiinno, bir (iron), borotiin iyo nafaqooyin kale oo badan laga helo beerka digaagga iyo ariga, sidoo kale waxaa laga helaa beerka lo'da iyo doofaarka.

    Dhanka kale, fitamiin A badan looma tixgeliyo mid u wanaagsan haweenka uurka leh.

    Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa sheegtay in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan cunista beer badan, sababtoo ah heerarka sare ee fitamiin A ee ku jira waxay waxyeello u geysan karaan uurjiifka.

    "Beerka digaagga ama ariga oo si fudud loo heli karo waxa uu hodan ku yahay nafaqooyin. Tusaale ahaan, waxa ku jira macdanta 'heme' ah oo badan, taas oo si fudud jirku u nuugo. Waxay hagaajisaa wareegga dhiigga waxayna ka hortagtaa dhiig-yarida," ayuu yiri Dr. Prashant Arun oo ku takhasusay cudurka macaanka.

    Waxa kale oo uu sheegay in fitamiin B12 uu muhiim u yahay samayska unugyada dhiigga cas, caafimaadka ragga, horumarka maskaxda, iyo xusuusta.

    Sida uu qabo Prashant Arun, beerka xoolaha waxa ku jira borotiin tayo sare leh, kaas oo lagama maarmaan u ah dayactirka murqaha isla markaana ka caawiya soo kabashada kadib xanuun.

  3. Iiraan oo ku eedeysay Taliska Dhexe ee Mareykanka amni darrada Bariga Dhexe

    Cabbaas Caraqji

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa bayaan uu soo saaray kaga jawaabay war-saxaafadeedkii ugu dambeeyay ee Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM, isagoo yiri:

    “Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ma amni ayuu gobolka u keenay mise amni-darro? Jawaabtu waa mid cad. Ciidamadeenna xooggan waxay caddeeyeen in quwadaha shisheeye aysan xitaa awoodin inay is-difaacaan. Nabadda gobolkeenna waxay sii jiri kartaa oo keliya haddii ay noqoto mid loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada ay ka wada qaybqaataan, isla markaana aysan jirin faragelin shisheeye.”

    Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay qabatay shir looga hadlayay amniga gobolka, kaas oo ay martigeliyeen Ciidamada Difaaca Baxrayn, ayna ka qeyb galeen taliyeyaal ciidan oo ka kala socday 12 dal.

    Bayaan ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay in kulanka loo qabtay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, kor u qaadidda wada-shaqeynta iyo isu-duwidda dalalka gobolka, iyo ka doodista caqabadaha amni ee ay wadaagaan.

  4. War cusub oo ku saabsan cudurka Ebola oo la shaaciyay

    Ebola

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo uu ka billowday tijaabada laba daawo oo suurtagal ah oo lagu daweynayo nooc ka mid ah cudurka Ebola, kaas oo sababay dhimasho badan.

    Agaasimaha Guud ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in tijaabada caafimaad ay si rasmi ah u bilaabatay, kadib markii bukaankii ugu horreeyay lagu daray. Wuxuu arrintan ku tilmaamay horumar muhiim ah oo laga gaaray dadaallada lagu xakameynayo cudurka.

    Ilaa hadda ma jiraan tallaal ama daawo si rasmi ah loo ansixiyay oo loogu talagalay nooca dhifka ah ee Bundibugyo ee cudurka Ebola.

    Khubarada WHO ayaa sheegay in tijaabadan ay qaadan doonto dhowr bilood, isla markaana laga yaabo inay u baahato in ka badan 1,000 bukaan si loo helo natiijooyin sugan oo lagu kalsoonaan karo.

    Sida ay WHO sheegtay, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa ilaa hadda laga diiwaangeliyay 438 dhimasho iyo in ka badan 1,400 kiis oo la xaqiijiyay oo cudurka Ebola ah.