Burcad badeed Soomaali ah oo markab ka dalbaday madaxfurasho 3 malyan oo doollar ah: Ansar Burney Trust

Xigashada Sawirka, APA
- Author, Muhammad Zubair Khan
- Role, Weriye
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Hay'adda Ansar Burney Trust oo ah hay'ad xuquuqul insaanka u dooda oo ku sugan dalka Pakistan ayaa sheegtay in burcadbadeedda ay dalbadeen madaxfurasho lacageed oo dhan 3-milyan oo doollarka Mareykanka ah si loo sii daayo shaqaalihii la socday markab shidaal oo laga afduubtay meel u dhow Soomaaliya bishii Abriil ee sannadkan.
Hay'adda Ansar Burney Trust ayaa sheegtay in ay xiriir la sameeyeen kooxaha burcad badeeda ah, waxaana ay isku dayayeen in ay sii daayaan shaqaalaha la afduubtay.
Waxaa xusid mudan in 21-kii Abril ay burcad-badeeddu af-duubteen markab shidaal oo lagu magacaabo 'MT Honor 25' meel u dhow Soomaaliya. 17 ka mid ah shaqaalaha markabkan, ayaa 10 ka mid ah waxay u dhasheen Pakistan.
Qoysaska Pakistaaniyiinta la qafaashay ayaa mar ay BBC Urdu la hadlayeen waxay ku andacoodeen in markii hore aysan wax dhib ah ku qabin raashinka saaran markabka, balse hadda muddo ka dib ay cunno yari dhacday, halka shaqaalaha markabka aysan jirdil u geysan ku dhawaad 50-ka burcad badeeda ah ee markabka saaran, balse waxaa sidoo kale loogu hanjabay in la dili doono haddii aan la fulin dalabaadkooda.
Shirkadda ka shaqeysa MT Honor 25, Wharf Chartering, waxay ka diiwaan gashan tahay Indonesia. Kabtanka markabka ayaa u dhashay dalka Indonesia, iyadoo sidoo kale shaqaalaha markabka ay ku jiraan afar muwaadin oo u dhashay dalka Indonesia.
Marka laga reebo Pakistaniyiinta, hal muwaadin oo midkiiba uu u dhashay Sri Lanka, Myanmar, iyo India ayaa sidoo kale lagu daray shaqaalaha.
Ansar Bernie Trust waxa ay sheegtay in Hogaamiyihii Burcad-badeedda ee Afduubtay Markabka MT Honor 25 uu E-mail ugu sheegay in uu qof kasta si rasmi ah ugu wargeliyay in dalabkoodu yahay Saddex Milyan oo Doollar, isla markaana aanay jirin wax wada-xaajood ah ama wax la mid ah.
Sida laga soo xigtay Ansar Burney Trust, burcad-badeeddu waxay email-ka ku sheegeen in aanay waligood dalban 10 milyan oo doollar si loo sii daayo markabka iyo shaqaalaha markabka, "warka 10 milyan ee doollar waxa faafiyey qolo saddexaad, oo la doonayey in lagu jahawareeriyo".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mar sii horreysay, guddoomiyaha gobolka Sindh, Nehal Hashmi ayaa la kulmay qoysaska 10-shaqaale ah oo Pakistaniyiin ah oo la socday markab shidaal oo ay burcad-badeeddu ku afduubteen meel u dhow Soomaaliya, wuxuuna u ballan-qaaday in dowladda federaalka aysan cidlo kaga tegi doonin qoysaskan xaalad walba.
War qoraal ah oo arrintan la xiriira ayaa lagu sheegay in xiriirkii lala sameeyay la haystayaashii markabka saarnaa uu weli yahay mid sax ah, waxaana socda dadaallo heer walba ah oo lagu doonayo in lagu soo kabsado.
BBC-da ayaa sidoo kale xiriir la sameysay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan si ay warbixin uga siiso arrintan, balse wali wax jawaab ah kama aysan helin.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha badaha ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha badda ee federaalka Junaid Anwar Chaudhry, ka dib markii uu raadiyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dhacdada, uu amray in la xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo soo kabashada badbaadada shaqaalaha Pakistan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha badda ayaa la xiriirtay hay'adaha ay khuseyso, iyadoo sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda laga codsaday inay dadaal ku bixiso sidii loo sii deyn lahaa shaqaalaha u dhashay dalka Pakistan oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay dowladda Soomaaliya.
Sidee buu shilkan ku dhacay
Sida laga soo xigtay qoysaska la haystayaasha, markabka shidaalka siday ayaa ka soo shiraacday dalka Cumaan, wuxuuna ku soo jeeday Soomaaliya, markii ay gacanta ku dhigeen burcadbadeedda 21-kii Abriil.
Sida laga soo xigtay qoyska, burcad-badeedda ayaa markii hore ka qaatay taleefoonnada gacanta dhammaan shaqaalihii markabka, balse markii dambe loo ogolaaday inay qoysaskooda ku wargeliyaan muddo kooban.
La haystayaasha Pakistan waxaa ka mid ah Axmed Cali (magaca loo beddelay sababo ammaan). Axmed Cali ina adeerkii ayaa sheegay in 21-kii Abriil qoyska laga soo wacay nambar aan la garanayn, Axmedna uu ku jiro khadka kale.
Sida ay yiraahdeen Axmed wuxuu u sheegay in markabka la afduubtay, haatanna noloshoodu ay ku xiran tahay sida qoyska, dowladda iyo shirkadda ay khuseyso ay wax uga qabtaan burcadbadeedda.
Qoyska kale ee la haystayaasha ah, Rashiid (magaca loo beddelay sababo ammaan), ayaa sheegay in lagu wargeliyay afduubkii Rashiid 23-kii Abriil. Sida laga soo xigtay qoyska, burcad-badeeddu waxay " madaxa kaga taagan yihiin la haystayaasha waxayna sameeyaan wicitaano gaaban".
Sida uu sheegay wiil uu dhalay nin kale oo la haystayaasha ah, isagana waxa uu helay xog ku saabsan afduubkii Aabihii 23-kii Abriil, waxaana loo sheegay in loo baahan yahay in la fuliyo dalabaadka burcad-badeedda.
Sida laga soo xigtay wiilka, nambarka aabihiis ayaa go'ay tan iyo 23-kii Abriil.
Tobanka badmaax ee Pakistaniyiinta ah ee markabka la socday waxaa shaqaaleysiiyay Helmsman Manning Services ee Karachi. Shirkadda ayaa ku micneysay in doorkoodu uu ku kooban yahay qorista shaqaalaha, halka arrimaha shaqada ee markabka iyo xaalad kasta oo degdeg ah ay u taallo oo keliya mulkiilayaasha iyo maamulayaasha markabka.
Dhinaca kale, Hay'adda Ansar Burney Trust ayaa sheegtay inay la soo xiriireen Burcad-baddeeda, iyadoo Burcad-baddeeda ay sheegeen inay u qoreen E-mail faahfaahsan Dowladda Pakistan, balse aysan weli wax jawaab ah ka helin.
Ansar Burney oo ka shaqaysa xuquuqul insaanka ayaa ku andacoonaysa in "xiriir aan la sameynay burcad badeeda, dalabkooda ilaa hadda uu yahay in dowladda Pakistan ay nala soo xiriirto".
Waxa uu sheegay in tani ay tahay xaalad la yaab leh oo soo koreysa. Xilligan, markabku wuxuu ku dhow yahay inuu ka dhammaado shidaal, ka dibna dhibaato qaboojin oo halis ah ayaa ka iman doonta.
Waxa ay sheegeen in markii horeba ay jirtay gabaabsi dhanka cunnada iyo cabitaanka ah, islamarkaana hadda ay sii kordhayaan dhibaatooyinka. Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa waxaa ka dhamaaday dawooyinkoodii maalinlaha ahaa, taasoo dhibaato weyn ku keentay.
Sida laga soo xigtay Ansar Burney, shirkadda maraakiibta ayaa door muhiim ah ka ciyaarta dhacdooyinka noocan oo kale ah. Balse ilaa hadda lama oga cidda dhabta ah ee iska leh markabka. Waxaa soo baxay oo keliya magaca shirkadda maamulaysa, marka laga reebo shirkaddii shaqaalaysay, iyadoo aan la soo bandhigin magaca shirkadda dhabta ah iyo cidda leh.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la dar dar geliyo dadaallada heerka dublamaasiyadeed ee arrintan ku aadan.
Warsaxaafadeedka ay shirkaddu soo saartay ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka iska leh markabkan ay u dhasheen dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale badeecooyinka saaran markabka loo waday deked ku taalla Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay shirkadda, tan iyo markii uu shilku dhacay waxa ay xiriir joogto ah la samaynaysay qoysaska shaqaalaha, sida xogta rasmiga ah ee la hayo muujinayso, sidoo kale waxa lala xiriirtay xafiisyada maraakiibta ee ay khusayso.










