Turkiga oo soo saaray waaran lagu xirayo Netanyahu sababo la xiriira Gaza

Netanyahu

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Turkiga ayaa maanta sheegay inuu codsan doono ogeysiis cas oo Interpol ah si loo soo xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, taas oo qayb ka ah kiis dambiyeed gudaha Turkiga ah oo la xiriira weerar lagu qaaday dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo doonayay inay gargaar bani'aadamnimo gaarsiiyaan Gaza.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u dhaleeceeya duqeymaha iyo howlgallada Israa'iil ee Gaza, waxaana horey uu waaranno gudaha ah uga soo saaray Netanyahu sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda. Ankara ayaa marar badan ku baaqday in tallaabooyin caalami ah laga qaado Israa'iil, iyadoo ku eedeysay inay ku xadgudubtay xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah. Israa'iil ayaa beenisay eedeymahaas.

Bishii May, ciidamada Israa'iil ayaa rasaas ku furay ugu yaraan laba dooni oo ka tirsanaa Global Sumud Flotilla, kuwaas oo ku sii jeeday Gaza, xilli ay mar kale isku dayayeen inay gargaar gaarsiiyaan dhulkaas, kadib markii Israa'iil ay horey u dhexgashay oo u joojisay howlgallo kale oo ka dhacay biyaha caalamiga ah.

Qoraal uu barta X soo dhigay Wasiirka Caddaaladda Turkiga Akin Gurlek ayaa sheegay in waaranno lagu soo xirayo Netanyahu iyo qof kale oo looga shakisan yahay dambiyo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo jirdil, kuwaas oo qayb ka ah kiis ka dhan ah 35 qof oo la xiriira faragelintii Israa'iil ku samaysay doonyaha ku jiray biyaha caalamiga ah.

"Iyadoo la raacayo waarannada lagu soo xirayo Benjamin Netanyahu iyo kuwa kale, wasaaradda caddaaladdu waxay ka codsatay wasaaradda arrimaha gudaha inay soo saarto ogeysiisyo cas oo Interpol ah, si caalamka looga raadiyo," ayuu yiri Gurlek.

Wuxuu intaas ku daray in Turkigu adeegsan doono dhammaan hababka sharci ee uu heli karo si loo hubiyo in Israa'iil lagula xisaabtamo dambiyada ay ka geysatay Gaza.

Ogeysiiska cas waa codsi loo diro ciidamada booliiska ee dalalka adduunka si ay u helaan qof, isla markaana si ku-meel-gaar ah u xiraan inta laga sugayo in laga go'aamiyo arrinta dhiibistiisa. Interpol ayaa dib u eegta codsiyada ay soo gudbiyaan dalalka xubnaha ka ah, ka hor inta aysan go'aansan inay soo saarto ogeysiis cas.

Israa'iil oo tallaabada ku tilmaantay "wax laga xumaado"

Netanyahu

Xigashada Sawirka, Reuters

Xafiiska Netanyahu ayaa, markii wax laga weydiiyay hadalka Gurlek, yiri: "Isku dayga naxariis darrada ah ee Erdogan uu ku doonayo inuu cabsi geliyo hoggaamiyeyaasha iyo askarta Israa'iil, oo ah dimuqraadiyadda kaliya ee dhabta ah ee Bariga Dhexe, meelna ma gaari doono."

Turkiga iyo Israa'iil ayaa sidoo kale toddobaadkan hadallo kulul isku weydaarsaday arrinta Suuriya, halkaas oo Israa'iil ay duqeymo cirka ah ka fulisay saldhig ciidan oo ay sheegtay in ciidamo Turki ah la geyn karo. Tallaabadaas ayay Ankara cambaareysay, waxaana sidoo kale dhaliilay Maraykanka. Suuriya ayaa sheegtay inaysan jirin qorshe ciidamo Turki ah lagu geynayo saldhiggaas.

Saameynta Turkiga ee Suuriya, oo uu Ankara taageero u yahay Madaxweynaha Suuriya Ahmed al-Sharaa, ayaa walaac ka dhex abuurtay Israa'iil tan iyo markii Sharaa uu xukunka ka tuuray hoggaamiyihii muddada dheer talinayay Bashar al-Assad sanadkii 2024.

Turkiga ayaa sheegay in hadallada Israa'iil ee ka dhanka ah Turkiga iyo tallaabooyinkeeda Suuriya ay qayb ahaan ka dhalanayaan doorashada baarlamaanka Israa'iil ee la filayo bisha Oktoobar.