War cusub: Netanyahu oo sawirka Erdogan u isticmaalay ololihiisa doorashada

Xigashada Sawirka, Benjamin Netanyahu/ X
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo isu diyaarinaya doorashada guud ee la qabanayo 27-ka Oktoobar, ayaa ololihiisa doorashada ku isticmaalay boor ay ku jiraan sawirka iyo hadalladii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo isaga ku saabsan.
Xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa Isniintii, shalay, qabanayay doorasho hordhac ah oo ay ka qaybgalayaan xubnaha xisbiga, si loo go'aamiyo liiska musharraxiinta xisbiga ee doorashada baarlamaanka Israa'iil ee Knesset.
Marka laga reebo Erdoğan, boorka doorashada Likud, oo la rumaysan yahay in lagu dhejiyay Tel Aviv, waxaa sidoo kale ku jira sawirrada Hoggaamiyaha Sare ee Iran Mojtaba Khamenei, Duqa Magaalada New York Zohran Mamdani, iyo hoggaamiyaha Xisbullah Naim Qassem.
Qoraalka ku qoran afka Cibraaniga ayaa oranaya:
"Waxay rabaan in Netanyahu laga adkaado; ha u oggolaan inay guuleystaan."
Axaddii, 16-ka Agoosto, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa sidoo kale akoonkiisa X ku baahiyay muuqaal uu ku jiro jiro isla sawirkaan, isagoo ku qoray farriinta: "Ha u oggolaan inay guuleystaan."
Muuqaalka, Erdoğan ayaa lagu weydiinayaa: "Waxa Netanyahu sameynayo ma wax Hitler ka dambeeya ayaa ku jira? Netanyahu, taas ogow. Waad baxaysaa, waad baxaysaa."
Kadib, Mamdani ayaa hadalka soo dhexgalaya isagoo leh: "Netanyahu waa dambiile dagaal."
Iyadoo Netanyahu uu isku dayayay inuu hadallada xun ee isaga laga sheegay u beddelo faa'iido siyaasadeed, siyaasiyiin iyo xisbiyo badan oo Israa'iiliyiin ah ayaa farriimo ay ku jeesjeesayaan xayeysiiska la wadaagay.
Sida uu qoray Jerusalem Post, xisbiga Yashar ee uu hoggaamiyo taliyihii hore ee Ciidanka Difaaca Israa'iil, Gadi Eisenkot, ayaa xayeysiiska uga jawaabay hadalkan:
"Waxay rabaan in IDF-ta ciidanka Israa'iil ay burburto; ha u oggolaan Netanyahu inuu guuleysto."
Qoraal kale, xildhibaan Israa'iili ah oo la yiraahdo Naama Lazimi ayaa dib u habeysay boorkan xayeysiiska ah, iyadoo ku dartay astaanta xisbiga Netanyahu ee Likud.
Boorkaas waxaa lagu soo bandhigay sawirrada Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar, Maxamed bin Abdulrahman Al Thani, lataliyihii hore ee istaraatiijiyadda Netanyahu Yonatan Urich, afhayeenkii hore ee amniga Eli Feldstein, iyo lataliyihii hore ee siyaasadda Srulik Einhorn.

Xigashada Sawirka, Naama Lazimi/ X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadkan ayaa la sheegay inay xiriir la leeyihiin fadeexadda "Qatargate", oo ah baaritaan lagu sameynayo xiriirrada iyo eedeymaha la xiriira qaar ka mid ah la-taliyayaasha Netanyahu iyo Qadar.
Baaritaanka ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa ay lacag ka heleen dalka Qadar xilli ay ku lug lahaayeen dadaallada lagu gorgortamayay sii-deynta la haystayaasha ay Xamaas haysatay.
Netanyahu ayaa ka falceliyay baaritaanka lagu sameynayo xiriirka suurtagalka ah ee la-taliyayaashiisa iyo Qadar, isaga oo ku tilmaamay "ugaarsato sixirrooleyaal ah"
Xildhibaan Naama Lazimi ayaa si kaftan iyo jeesjees siyaasadeed ah dib u habeysay boorkii ololaha Netanyahu, iyadoo farriintii ku beddeshay:
"Waxay rabaan in Netanyahu uu guuleysto; ha u oggolaan inay guuldarreystaan."
Qoraal ay ku daabacday baraheeda bulshada, Lazimi waxay ku tiri:
"Netanyahu, waxaan tan kuugu habeeyay nooca Qatargate."
Waxayna intaas ku dartay:
"Biilka waxaa la soo bandhigi doonaa 27-ka Oktoobar."














