Nin wata magaca 'Soomaali' oo dal dhan ka caraysiiyay ayaa hadda xabsi la dhigay

Johnny Somali

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Johnny Somali sparked outrage after kissing a statue symbolising sex slaves during World War Two
    • Author, Kelly Ng
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Johnny Somali oo u dhashay dalka Maraykanka oo caro ka abuuray dalka Koonfurta Kuuriya kadib markii uu dhunkaday taallo ka tarjumaysa adoonsiga Galmada ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah.

Maamulka Seoul ayaa ku soo oogay dacwad dadweyne bishii november ee 2024-kii ka dib markii uu daabacay muuqaal isaga oo dhunkanaya oo ku dheelaya qoob ka ciyaar taalada xilli uu booqasho ku joogay Kuuriyada Koonfureed. Waxaa laga mamnuucay inuu dalka ka dhoofo tan iyo markaas.

25-jirkaan magaciisa saxda ah yahay Ismael Ramsey Khalid, ayaa caan ku ah waxyaabaha kiciya bulshooyinka taas oo sababtay in laga mamnuuco dhowr goobood oo kamid ah baraha bulshada.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu dadka dhibaateeyay xilli uu u safrayay dalalka Japan iyo Israel.

Arbacadii maxkamad ku taal Kuuriyada Koonfureed ayaa Khalid ku xukuntay eedaymo badan, oo ay ku jiraan inuu ahaa qof dhib ku ah dadweynaha iyo inuu faafiyay been abuur.

"Eedaysanuhu wuxuu si isdaba joog ah u galay dambiyo ka dhan ah xubnaha aan la cayimin ee dadweynaha si uu faa'iido uga helo YouTube wuxuuna u faafiyay xogaha isagoo aan tixgalinayn sharciga Kuuriya," ayay tiri maxkamaddu, sida ay sheegtay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed.

Dacwad oogayaasha ayaa doonayey in lagu xukumo saddex sano oo xarig ah, laakiin garsoorayaasha ayaa ku riday xukun hoose iyaga oo tilmaamaya "in aysan meesha oolin dhibaato daran oo gaartay dhibanayaasha", The Korea Herald ayaa werisay.

Khaalid ayaa sidoo kale laga hor istaagay in uu la shaqeeyo hay'adaha u adeega dadka aan qaan-gaarin iyo dadka naafada ah marka ugu dambeyn la sii daayo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, qiyaastii 200,000 oo haween ah oo Aasiya ku nool ayaa lagu qasbay inay addoommo galmo u noqdaan askarta Japan. Qaar badan oo ka mid ah waxay ahaayeen Kuuriyaan, halka qaar kalena ay ka yimaadeen Shiinaha, Filibiin, Indonesia iyo Taiwan.

Waxaa jira dhowr taallo oo ku yaal Koonfurta Kuuriya oo dhan, oo inta badan muujinaya gabadh da'yar oo kursi ku fadhida, kuwaas oo ay dhiseen dadka u dhaqdhaqaaqa si ay u xusuustaan ​​"haweenkii galmada loo adoonsaday". Taalooyinkan ayaa marar hore dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo Kuuriyada Koonfureed ay muddo dheer ka codsatay Japan inay magdhow siiso haweenkan.

Khaalid, oo 5,000 oo taageere ku leh YouTube-ka, ayaa raaligelin bixiyay november 2024 isagoo sheegay "in uusan fahmin muhiimada taalada". Laakiin dad badan ayaa shaki ka muujiyay daacadnimadiisa.

Intii ay baaritaanadu ka socdeen Kuuriyada Koonfureed, Khalid waxa uu dadka deegaanka ku xujeeyay in ay la dagaalamaan. Muuqaalo dhowr ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya isaga oo la feeray laguna eryanayo hareeraha waddooyinka.

Hadda ka hor waxa lagu eedeeyay in uu rabsho ka dhex sameeyay gadiid dadweyne , in uu burburiyay dukaan, iyo in uu muuqaalo fisqi ah ku faafiyay fagaareyaal.

Horaantii sanadkii 2024-kii, Khalid waxaa lagu xiray mudaaharaad ka dhacay magaalada Tel Aviv ee dalka Israa'iil, kadib markii uu hadalo aan munaasib ahayn ku yiri haweeney boolis ah, balse markii dambe ayaa la sii daayay.

Isagoo ku sugan Japan 2023, ayuu dadka deegaanka ku jeesjeesay, sidoo kale, wuxuu ka hadalay qaraxyadii Hiroshima iyo Nagasaki ee maalmihii u dambeeysay ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Xilligaa waxaa lagu ganaaxay 200,000 yen ($1,400) ka dib markii uu carqaladeeyay ganacsigii maqaayadda isagoo ku daaray muusig cod dheer.