Dhawr calaamadood oo aad fiirin karto si ogaato in ilmahaagu kansar qabo iyo inkale

Amelia Carroll
Qoraalka sawirka, Amelia Carroll
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Inkasta oo ay dhif tahay, haddana kansarku waa sababta ugu weyn ee dhimashada cudurrada ku dhaca carruurta da'doodu ka yar tahay 15 sano ee dalka UK – balse wax ka yar saddex-meelood-meel waalidka ayaa sheegaya inay si buuxda u garan karaan calaamadaha lagu garto.

Sida ay sheegtay hay'adda Cancer Research UK, qiyaastii 1,900 oo carruur ah oo da'doodu u dhaxayso 0 ilaa 14 sano ayaa sannad kasta laga helaa cudurka kansarka.

Amelia Carroll, oo 13 jir ah – isla markaana hadda xaaladdeeda caafimaad ay soo hagaagayso – ayaa sannadkii hore laga helay nooc ka mid ah kansarka dhiigga oo loo yaqaan acute myeloid leukaemia.

Hooyadeed, Gemma, ayaa xasuusata in calaamadihii ugu horreeyay ay ahaayeen kuwo si fudud la iskaga indho-tiri karo.

Waxay xustay inay jireen daal iyo neef-qabatin ka dhasha jimicsi fudud, balse dhammaan xaaladahan waxaa loo aaneynayay jir ahaan oo aan qofku firfircoonayn iyo daal guud oo ka dhasha iskuulka.

Markii ay Amelia bilowday inay jirkeeda ka muuqdaan nabarro iyo calaamado buluug ah, ayay Gemma dareentay in wax qaldan yihiin – muddo 10 maalmood gudahood ahna, waxaa la xaqiijiyay inay Amelia qabto kansarka dhiigga.

Waa maxay calaamadaha ay tahay in la tixgeliyo?

Professor Bob Phillips, oo ku takhasusay kansarka carruurta, ayaa sheegaya inay muhiim tahay in waalidku ay u fiirsadaan koox calaamado ah oo laga yaabo inay sii jiraan, ka sii daraan ama noqdaan kuwo aad u daran.

Ka fiirso inaad dhakhtar kala xiriirto arrimaha soo socda:

  • Daal aad u daran
  • Midabka maqaarka oo aad u caddaanaya
  • Nabarro iyo calaamado buluug ah oo aan la garanayn sababtooda
  • Barar iyo burooyin sii kordhaya, aan baaba'ayn, ama waqti ka dib sii weynaanaya

Kansarka carruurta ayaa si dhakhso ah uga baxa marka loo eego dadka waaweyn - taasoo ay ugu wacan tahay koritaankooda.

Khubarada sida Phillips oo ka tirsan CCLG, Ururka Kansarka Carruurta iyo Dhallinyarada, ayaa dadka ku dhiirigelinaya inay raacaan olole qaran oo loogu talagalay kor u qaadista wacyiga iyo hagaajinta waqtiyada ogaanshaha.

Waxaa ku jira xeer saddexleey ah oo loogu talagalay xirfadlayaasha: Haddii ilmo leeyahay saddex calaamadood oo joogto ah, ama uu saddex jeer booqday dhakhtarkiisa, ama uu lahaa calaamado aan la garanayn muddo saddex toddobaad ah, tixgeli inaad ku laabato dhakhtarka.

Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in la ogaado in heerarka badbaadada ay si weyn u kordheen tan iyo 1970-yadii, iyadoo siddeed ka mid ah 10 carruur ah ay ka badbaadeen shan ilaa 10 sano ama ka badan ka dib markii la ogaaday cudurka.

lugo
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gemma waxay sheegtay in safarka Amelia ee la-dagaallanka kansarka uu ku billowday hal nabar oo casaan ah oo si lama filaan ah u soo baxay.

Saddex maalmood ka dib, waxay lahayd nabarro ku yaalla qaybta hore ee labadeeda lugood, kuwaas oo ahaa kuwo xanuun badan oo bararsan.

"Waxaan u tagnay dhakhtarka si aan u sameyno baaritaan caadi ah, waxayna ogaadeen inay jireen xididdada dhiigga oo dillaacay, inkastoo aysan hubin waxa sababay," ayay raacisay.

Muddo 10 maalmood gudahood ah, dhakhaatiirtu waxay xaqiijiyeen nooca kansarka dhiigga (leukemia) ee ay qabtay Amelia, waxaana la dhigay isbitaalka si loo bilaabo daaweynta.

"Maalintii la xaqiijiyay xaaladdeeda, ayaan fariisiyay, waxayna i weydiisay, 'Ma kansar baa i haya?' Aniguna waxaan ugu jawaabay, 'Haa.' Waxayna i weydiisay inay dhimanayso."

"Waxaan u sheegay inaysan sidaas ahayn; waxay samaynayaan wax kasta oo ay awoodaan, waxayna diyaarsadeen qorshe, daaweyntuna waxay sameyn doontaa wax kasta oo suurtagal ah si looga adkaado kansarka."

Xaaladda Amelia ayaa hadda deggan (kansarku ma muujinayo wax calaamado ah oo ku saabsan inuu sii faafayo), waxayna si joogto ah saddexdii biloodba mar u gashaa baaritaanno lagu eegayo dhuuxa lafta iyo dhiigga, iyadoo sidoo kale dib ugu laabatay dugsiga.

Phillips ayaa sheegaya in Boqortooyada Ingiriiska, heerka badbaadada carruurta uu ku dhaco kansarku uu ka badan yahay 80 boqolkiiba, balse ogaanshaha cudurka goor hore ayaa suurtagelin kara adeegsiga hababka daaweynta ee aadka u adag ama xooggan.

Wacyi-gelintu waa dhaxalka uu ka tagay

Jake

Wuxuu sheegayaa in guud ahaan Boqortooyada Ingiriiska, qiyaastii kala-bar carruurta laga helo cudurka kansarka ay helaan natiijada baaritaanka muddo laba toddobaad gudahood ah.

"Waa waqti gaaban marka la eego, balse waxaan rabnaa in kala-barka kale aysan sugin 16, 18, 20, ama 25 toddobaad — laga bilaabo markii ay soo baxaan calaamadaha ugu horreeya — si ay u helaan natiijada baaritaanka."

Xogta laga helay hay'adda Cancer Research UK ayaa muujinaysa in sannad walba Boqortooyada Ingiriiska laga diiwaangeliyo in ka badan 400,000 oo kiis oo cusub oo kansar ah, iyadoo sida uu sheegay joornaalka caafimaadka ee British Medical Journal, kaliya 54 boqolkiiba ay helaan jawaabta baaritaanka muddo 28 maalmood ah oo ah waqtiga loo qoondeeyay nidaamka caafimaadka dadweynaha ee NHS-ta.

Intaas waxaa dheer, 2,300 oo dhalinyaro ah (oo da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 24 sano) ayaa iyaguna sannad walba laga helaa cudurkaas.

Lynsey Swinscoe waa hooyada dhashay Jake, kaas oo u geeriyooday kansarka unugyada jilicsan isagoo 13 jir ah. Bishii July 2023, ayaa Jake laga helay cudurka alveolar rhabdomyosarcoma oo heerkiisu yahay saddex.

Ka hor inta aan cudurka la ogaan, calaamadihii ugu horreeyay ee Jake—sida sanka oo xirma iyo indhaha oo biyo ka yimaadaan—waxaa loo malaynayay inay sabab u tahay xasaasiyadda sanboorka; sidoo kale, caadadiisa ahayd inuu seexdo isla marka uu dugsiga ka yimaado ayaa loo arkayay daal caadi ah oo la xiriira dhammaadka xilliga waxbarashada.

"Waxaan bilownay inaan ka fikirno inaan dhakhtarka u kaxeyno markii uu barar ka soo baxay qaybta sare ee sankiisa," ayay tiri Lynsey.

"Laakiin xilligaas, run ahaantii kuma aanaan fikirin in daalka iyo calaamadaha xasaasiyadda ay isku xiriirsanaayeen."

Buro ayaa laga helay gudaha sanka iyo marinnada sanka ee Jake, waxaana la ogaaday inuu qabo kansarka unugyada jilicsan. Wuxuu dhammaystay sagaal wareeg oo daaweynta kiimikada iyo daaweynta shucaaca.

Ka dib markii uu la kulmay suuxdin iyo xanuun daran oo ka dhashay daaweynta kiimikada, Jake wuxuu go'aansaday inuusan sii wadin daaweynta.

Jake

Wuxuu si nabad ah ugu geeriyooday gurigiisa taariikhdu markay ahayd 26-kii Abriil, 2024-kii, laba toddobaad uun ka hor maalinta uu gaari lahaa da'da 14-ka sano.

"Waxaan u malaynayaa in waxa ugu muhiimsan ee ku saabsanaa Jake ay ahayd inuusan ka cabsanayn geerida. Waxaan si badan uga wada hadalnay geerida iyo sida ay noqon doonto, waxa kaliya ee xoogaa cabsi gelin jirayna waxay ahayd: 'Dadku ma i xasuusan doonaan?'"

"Dadku ma si fudud ayay u illoobi doonaan qofka aan ahay?"

"Taasi waa sababta aan tan u samaynayo; si aan u hubiyo inay dadku ogaadaan qofkii uu ahaa Jake, ayna ogaadaan inuu ahaa qof gaar ah oo aan la mid ahayn dadka kale. Haddaba, tallaabadan waxaa looga golleeyahay in lagu wacyigeliyo dadka, taas oo aan aaminsanahay inay tahay dhaxalkii uu ka tagay."