Qorraxaysigu ma u wanaagsan yahay caafimaadkeenna

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka qaarkood waxay u baahan yihiin dhowr daqiiqo oo qorrax ah maalintii xilliga xagaaga, halka kuwa kalena ay u baahan yihiin waqti aad uga badan.
Sawirradii Coco Chanel oo maqaarkeedu madoobaaday kadib markii ay dalxiis ku tagtay xeebaha Mediterranean-ka sanadkii 1923-kii ayaa caan ka dhigay is-madoobaynta iyo ku raaxaysiga qorraxda. Midabkeeda madoobaa wuxuu noqday astaan muujinaysa maqaam sare oo bulsho, wuxuuna gebi ahaanba beddelay aragtida reer Galbeedka ee qorraxda.
Laga soo bilaabo horraantii ilaa bartamihii qarnigii 20-aad, daaweynta iftiinka qorraxda - oo loo yaqaan heliotherapy - ayaa si weyn loogu isticmaali jiray isbitaallada lagu daweeyo cudurka rickets-ka iyo qaaxada, waxaana si xooggan loo dhiirrigelin jiray "madoobaanshaha caafimaadka qaba".
Qarni ka dib, xiriirkeennu qorraxda la leeyahay wuxuu noqday mid aad u qasan. Shan iyo kontankii sano ee ugu dambeeyay, kororka cudurka kansarka maqaarka ayaa keenay in dib loo eego hababkii caafimaad ee hore, halka ololayaasha wacyigelinta caafimaadka dadweynuhuna ay xoogga saareen ka hortagga iyo ku dhiirrigelinta dadka inay si joogto ah u isticmaalaan kiriimka ka ilaaliya qorraxda. Xiriirka ka dhexeeya qorraxda oo si xad-dhaaf ah loo dhex joogo iyo halista kansarka maqaarka ayaa weli ah mid si cilmiyeysan loo xaqiijiyay.
Hase yeeshee, sanadihii ugu dambeeyay, qorrax-joogista dhexdhexaadka ah - taas oo ah in si kooban oo la qorsheeyey loo joogo qorraxda, gaar ahaan duhurkii - ayaa la ogaaday inay faa'iido weyn u leedahay caafimaadka maskaxda, kor u qaadista fitamiin D-ga iyo xoojinta habka difaaca jirka. Daraasado kale ayaa sidoo kale muujiyay inay yareyso halista noocyada kansarka qaarkood, waxay hagaajisaa caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga, waxayna kor u qaaddaa awoodda garashada iyo tayada hurdada.
Haddaba, sidee baan ugu raaxaysan karnaa faa'iidooyinka qorraxda iyadoo laga fogaanayo waxyeelladeeda? Iyo dhab ahaantii imisa qorrax ayaan u baahanahay?
Maxaan qorraxda ugu baahannahay?
Qorraxda oo si dhexdhexaad ah loo joogo waxay jirka ka caawisaa inuu soo saaro fitamiin D, kaas oo muhiim u ah caafimaadka lafaha iyo shaqada wanaagsan ee murqaha. Daraasado qaar ayaa muujiyay in heerka sare ee fitamiin D-gu uu la xiriiro hoos u dhac ku yimaada xanuunka kansarka iyo dhimashada ka dhalata, iyo sidoo kale halis yar oo uu qofku ugu dhici karo cudurka macaanka nooca 2-aad.
Qorraxdu waxay sidoo kale ka caawisaa dhimista dhiig-karka. Marka fallaarooyinka UVA - oo ah nooc ka mid ah fallaarooyinka qorraxda ee aan la arki karin oo maqaarka gudihiisa si qoto dheer u gala - ay maqaarkeena taabtaan, waxay jirka ku kiciyaan inuu sii daayo nitric oxide, taas oo sababta in xididdada dhiiggu ay furmaan oo ballaartaan. Tani waxay yareysaa halista wadne-qabadka iyo faalijka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Daraasad ballaaran oo lagu sameeyay 29,518 haween u dhashay Sweden oo muddo ka badan 20 sano la socday ayaa muujisay in dumarka iska ilaaliya qorraxda ay laba jibaar ugu dhow yihiin halista dhimashada sabab kasta, marka la barbar dhigo kuwa ugu badan ee qorraxda jooga. Taas beddelkeeda, isticmaalka sariiraha lagu madoobaado ayaa lala xiriiriyay kororka dhimashada guud ahaan iyo dhimashada kansarka la xiriirta. Daraasad kale oo isla Sweden laga sameeyay sanadkii 2011-kii ayaa ogaatay in haweenka isticmaala sariiraha madoobaynta bishiiba hal mar ama ka badan muddo toban sano ah ay 90% kor ugu kacday halista dhimashada sabab kasta.
Rebecca Mason, oo ah borofisar ku takhasustay cilmiga physiology-ga kana tirsan Jaamacadda Sydney ee Australia, ayaa sheegtay in helitaanka xaddi ku filan oo fitamiin D ah uu ka caawiyo "xakameynta bararka jirka, la dagaallanka jeermiska soo duula iyo nidaaminta habka difaaca jirka si uusan u weerarin unugyadiisa".
Waxaa la xaqiijiyay in iftiinka qorraxdu uu hagaajiyo hurdada islamarkaana uu kiciyo awoodda maskaxda. Iftiinka subaxnimo wuxuu xambaarsan yahay mowjado buluug ah oo maskaxda u sheega in ay maalin tahay, taas oo kor u qaadda hormoonka cortisol-ka isla markaana hoos u dhigta melatonin-ka, oo ah hormoonka hurdada keena. Natiijada, waxaad dareemeysaa feejignaan iyo firfircooni dheeraad ah. In badan oo la joogo iftiinka maalintii waxay horumarin kartaa garaadka, dheereynta falcelinta iyo xoojinta xusuusta. Daraasad lagu sameeyay in ka badan 360,000 oo qof ayaa muujisay xiriir ka dhexeeya joogista iftiinka qorraxda maalintii qiyaastii saacad iyo bar iyo hoos u dhaca halista waallida.
Joogista iftiinka qorraxdu waxay sidoo kale kor u qaaddaa heerka serotonin-ka maskaxda, oo ah kiimikada naga caawisa inaan niyad fiican yeelano, degno oo aan diiradda saarno. Waxaa la arkay in bukaannada niyad-jabka daran qaba ee lagu daweeyo qolal qorrax badan ay si dhakhso ah u soo kabtaan. Taas beddelkeeda, la'aanta iftiin maalintii oo ku filan waxay kordhin kartaa halista niyad-jabka, niyadda oo hoos u dhacda iyo hurdo xumo.
Intee in le'eg oo ifitiinka qorraxda ah ayaan u baahannahay?
In kasta oo talooyinku ku kala duwan yihiin da'da, meesha aad dunida ka joogto iyo midabka maqaarka, khubaradu waxay isku raaceen in habka ugu fiican uu yahay in qorraxda si gaaban-gaaban oo joogto ah loo joogo.
Sida ay sheegtay Mason, si jirku u soo saaro fitamiin D, waqtiga ugu fiican ee qorraxda la joogo waa duhurkii, muddo gaaban laakiin si joogto ah, xilliga ay fallaarooyinka UVB ay ugu xooggan yihiin.
Dadka maqaarka cad, Mason waxay ku talinaysaa in toddobaadka intooda badan ay si joogto ah u joogaan qorraxda muddo kooban, iyagoo bannaanka u soo dhigaya gacmaha ama lugaha dhowr daqiiqo. Meelaha ay shucaaca UV uu aad u xooggan yahay, waxaa habboon in qorrax-joogista laga dhigo subaxnimada dhexe ama galabtii.
Dadka maqaarka madow waxay u baahan karaan inay qorraxda muddo dheer joogaan, maxaa yeelay melanin-ka badan ee maqaarkooda ku jira ayaa keenaya in soo-saarista fitamiin D ay waqti dheer qaadato. Hal daraasad ayaa muujisay in gudaha UK, xilliyada gu'ga iyo xagaaga, dadka maqaarka bunni madow leh ay u baahan yihiin qiyaastii 25 daqiiqo oo qorrax-joogis duhurnimo ah si ay u helaan fitamiin D ku filan.
Dadka maqaarkoodu aad u cad yahay, kuwa leh taariikh qoys ama taariikh shaqsiyeed oo ah kansarka melanoma, ama leh burooyin badan oo jirka ku yaalla, waxay halis sare ugu jiraan kansarka maqaarka waana inay taxaddar dheeri ah muujiyaan, sida ay sheegtay Mason. Tani waxay sidoo kale khuseysaa dadka qaata dawooyinka difaaca jirka daciifiya.
Dadka maqaarka cad, daraasado qaar ayaa soo jeedinaya in xitaa qorrax-joogista yar ee lagama maarmaanka u ah helista fitamiin D ay kordhin karto halista kansarka. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaris dheeri ah ayaa weli loo baahan yahay, si gaar ah si loo ogaado in khatartan oo kale ay sidoo kale ka jirto dadka maqaarka madow.
"Weli waxay heli karaan dhowr daqiiqo oo qorrax ah, laakiin waxaa u fiican in maqaar badan la qaawiyo muddo gaaban oo soo noqnoqota, halkii hal mar muddo dheer la joogi lahaa," ayay tiri Mason. Habkan ayaa si gaar ah waxtar u leh duhurkii, marka heerka UVB marka loo eego UVA uu ka sarreeyo xilliyada kale ee maalinta.
Inkastoo UVB ay tahay sababta ugu weyn ee kansarka maqaarka, haddana waa lagama maarmaan u ah soo saarista fitamiin D. Subaxnimada hore iyo galabnimada dambe, fallaarooyinka UVB waa yar yihiin, halka UVA oo waxyeello badan ay aad u badan tahay. Nooca dambe ee UVA wuxuu la xiriiraa gabowga maqaarka wuxuuna sidoo kale door ku leeyahay horumarka kansarka maqaarka.
Si kastaba ha ahaatee, wixii intaas ka dambeeya, Mason waxay ku adkaysanaysaa in "ay qasab tahay in si fiican loo daboolo jirka".
Xaalado dhif ah, sida dadka qaba cudurka albinism-ka, waxaa gebi ahaanba lagula taliyaa inaysan weligood qorraxda u bixin iyagoon is ilaalin.
Xilliga jiilaalka, si fitamiin D ku filan loo helo waxaa lagama maarmaan ah in waqti dheer dibadda lagu qaato, taasoo ku xiran inta maqaarkaaga ka bannaan tahay iyo halka aad ku nooshahay. Mason wuxuu sharxayaa in meelaha qaar ee adduunka, sida Melbourne iyo Hobart, shucaaca UVB ee jiilaalka uusan ku filneyn in jirku uu soo saaro fitamiin D la taaban karo.
"Qadar yar ilaa mid dhexdhexaad ah ayaa caafimaad ahaan ku filan," ayay tiri JoAnn Manson, oo ah borofisar caafimaadka ka dhigta dugsiga caafimaadka Harvard iyo Isbitaalka Brigham and Women's ee Boston. Waxay si adag ugu talineysaa in laga fogaado joogista qorraxda muddo dheer iyadoo aan la is ilaalin, gaar ahaan inta u dhaxaysa 10-ka subaxnimo ilaa 4-ta galabnimo, iyadoo sheegtay in qorrax-joogista mar-mar ah - sida marka la jimicsanayo ama suuqa dibadda loogu baxayo - ay faa'iido leedahay.
"Saamiga u dhexeeya faa'iidada iyo khatarta ka imanaysa qorrax-joogista wuu ku kala duwan yahay nooca iyo midabka maqaarka," ayuu yiri Lesley Rhodes, oo ah borofisar ku takhasusay cilmiga maqaarka iyo iftiinka noolaha ee Jaamacadda Manchester ee UK.
Daraasado ayaa muujinaya in maqaarka madow uu si fiican uga difaaco dhaawaca DNA-da ee ay keento fallaarta UV, halka maqaarka cad uu u nugul yahay xitaa heerarka ugu hooseeya ee UV, taasoo muujinaysa baahida loo qabo talooyin u gaar ah nooc kasta oo maqaar ah. Dadka maqaarka madow waxay leeyihiin xaddi badan oo melanin ah, kaas oo u shaqeeya sida gaashaan dabiici ah oo ka celiya fallaarooyinka waxyeellada leh ee qorraxda.
Inkasta oo heerka ilaalinta loo baahan yahay uu ku kala duwan yahay nooca maqaarka iyo xoogga fallaarta UV, Mason wuxuu sheegayaa in qof kasta - oo ay ku jiraan dadka maqaarka madow - ay tahay inay isticmaalaan muraayadaha qorraxda marka ay qorraxda joogaan.
Sanadkii 2024, Australia iyo New Zealand ayaa hormuud u noqday qaadashada hab shaqsiyeed oo dheeraad ah, markii ay cusboonaysiiyeen talooyinkooda ku saabsan joogista qorraxda. Dadkooda waxaa loo qaybiyay saddex kooxood, iyadoo lagu saleeyay nooca maqaarka iyo halista kansarka maqaarka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa maxay khataraha ka dhasha qorraxda oo si xad dhaaf ah loo joogo?
In si xad dhaaf ah loo joogo qorraxda ma kordhiso fitamiin D-ga, balse waxay kordhisaa halista gubashada, dhibco madow oo maqaarka ka soo baxa iyo gabowga degdegga ah, waana sababta ugu weyn ee keenta kansarka maqaarka.
Dalka UK, tirada kiisaska cusub ee melanoma - oo ah nooca ugu halista badan kansarka maqaarka - ee sannad kasta la ogaado ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid, iyadoo markii ugu horreysay dhaaftay 20,000. Hay'adda aan faa'iido doonka ahayn ee Cancer Research waxay sheegaysaa in joogista xad-dhaafka ah ee fallaarta UV ama isticmaalka sariiraha lagu madoobaado ay gacan ka geysteen kororkan, iyo in sagaal kiis tobankii laga hortagi karo. Kansarka maqaarku waa sidoo kale nooca kansarka ugu badan ee ka jira Maraykanka, halkaasoo sanadkan la filayo in laga helo 112,000 oo kiis oo cusub oo ah melanoma-ga faafa.
Waa lama huraan in la xaddido joogista qorraxda xilliga carruurnimada iyo qaan-gaarnimada, waayo cilmi-baaristu waxay muujineysaa in xaddiga qorraxda qofku la kulmo 20-ka sano ee ugu horreeya noloshiisa ay si weyn u go'aamiso halista uu mustaqbalka ugu dhici karo kansarka maqaarka.
Joogista xad-dhaafka ah ee qorraxda waxay kaloo keeni kartaa cataract, oo ah caddo ku samaysma muraayadda isha. Cudurkan guud ahaan si fudud ayaa qalliin loogu daaweeyaa, balse haddii aan la daaweyn, ugu dambeyn wuxuu sababi karaa indho-la'aan. Dhakhaatiirtu waxay ku talinayaan in la xirto muraayadaha qorraxda ee leh difaaca UV 400, si indhaha looga ilaaliyo fallaarooyinka waxyeellada leh.
Maxaa dhacaya haddii aadan helin qorrax waafi ah?
Haddii aad ku nooshahay deegaan qorraxdu ku yar tahay, waxaad halis ugu jirtaa inuu kugu yaraado fitamiin D, gaar ahaan jiilaalka, sida uu sheegay Rhodes. Dadka maqaarka madow, kuwa aan si fudud dibadda u bixi karin, kuwa iftiinka ka xasaasiyadda qaba ama jirkooda si joogto ah u daboola, ayaa halistan si gaar ah ugu nugul.
Marka yaraanta fitamiin D ay muddo dheer sii jirto, waxay keeni kartaa cillado lafaha ah sida rickets iyo osteomalacia. Rickets-ku wuxuu markii ugu horreysay u soo ifbaxay sidii cudur magaalooyinka ku faafa gudaha Britain qarnigii 17-aad, xilligii isticmaalka baahsan ee dhuxusha uu qiiq iyo ceeryaamo ku xidhay magaalooyinka sida London, taasoo xannibtay fallaarooyinka UV ee qorraxda.
Hase yeeshee, yaraanta fitamiin D si fudud ayaa loogu toosin karaa kaab fitamiin ah. Doodda ku saabsan in dhammaan dadka waaweyn ay tahay inay qaataan kaabista fitamiin D-ga ayaa weli ah mid aad loo isku khilaafsan yahay. Talooyinka la xiriira kaabista way ku kala duwan yihiin da'da qofka iyo habraacyada caafimaad ee waddan kasta.
Waddamada qaar oo jiilaalku qorrax yar yahay, sida Maraykanka iyo Canada, waa wax caadi ah in fitamiin D lagu daro cuntooyinka sida likaha, badarka iyo caanaha.
Khubaradu waxay ka digayaan in aan la qaadan fitamiin D xad-dhaaf ah. Qaadashada maalin kasta in ka badan 4,000 IU (100 micrograms) guud ahaan waxaa loo arkaa mid waxyeello leh, waayo waxay keeni kartaa hypercalcemia, xaalad daciifisa lafaha, dhaawacdana u geysata kelyaha iyo wadnaha.
Qarni ka dib markii Coco Chanel ay caan ka dhigtay maqaarka oo madoobaada, fahamkeena ku aaddan khataraha iyo faa'iidooyinka joogista qorraxda muddada dheer ayaa horumaray, taasoo ay weheliso talooyinka caafimaadka iyo ololayaasha wacyigelinta ka hortagga.
Sida uu Mason sheegayo, waxaa wanaagsan in qorraxda loo joogo wax yar-yar oo soo noqnoqota. Haddii aan xoogga saarno joogista qorraxda muddo gaaban oo duhurnimada ah oo soo noqnoqota, isla markaana aan qaadno tallaabooyin ilaalin ah oo aan iska ilaalino joogista dheer - gaar ahaan xilliga kulaylka ugu daran - waxaan ku naaloon karnaa faa'iidooyinka qorraxda, annagoo yareyneyna halista gubashada iyo kansarka maqaarka.



























