You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Go'aanka Trump kadib dahabka oo hoos u dhacay iyo shidaalka oo dib u qaaliyoobay
Qiimaha Shidaalka ayaa mar kale kor u kacay, halka dahabkuna hoos u dhacay ka dib markii Sabtidii ay Maraykanka iyo Iran ku wadahadleen dalka Pakistan wax natiijo ahna laga gaari waayay wadahadalka, waxaana xigay go'aanka Maraykanku uu ku go'doominayo dekedaha Iran.
Halbeegga caalamiga ah ee saliidda cayriin ee Brent ayaa ka billowday in ka badan $102 foostadii, in ka badan 7% kor u kac ah. Saliida Maraykanka ayaa kor u kacay 8% oo gaartay ilaa $104 foosto.
Dahabka ayaa hoos u dhacay heerkiisii ugu hooseeyay tan iyo Abriil todobadeedii markii suuqyadu furmeen, oo uu hoos u dhacay 0.6%. Dahabka ayaa lumiyay in ka badan 11% qiimihiisii tan iyo 28-kii February, markaasoo Mareykanka iyo Israa'iil ay bilaabeen weerarradooda Iran.
Suuqyada saamiyada Aasiya ayaa sidoo kale waxay ku furmeen hoos u dhac gaaraya qiyaastii 1%.
Qiimaha saliidda ayaa la kulmay hoos u dhac weyn 7-dii Abriil ka dib markii Mareykanka uu ogolaaday inuu joojiyo weerarrada Iran muddo laba toddobaad ah.
Saliida ceyriin ee Brent ayaa markii hore hoos u dhacday 15% waxayna hoos ugu dhacday $92 foostadii maalinka Arbacada, 8-dii Abriil, ka dib hadal uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, laakiin qiimuhu wuxuu kor u kacay wax yar ka dib maalintaas.
Si kastaba ha ahaatee, weeraradii Israa'iil ee Lubnaan ayaa xabbad joojinta ka dhigay mid jilicsan, taasoo keentay in qiimaha saliidda uu sare u kaco.
Qiimaha saliidda ayaa lagu kala iibsanayay ku dhawaad $70 ka hor inta uusan dagaalku bilaaban 28-kii Febraayo.
Qiimayaasha xabad joojinta kadib
Kharashaadka tamarta ayaa mar hore kor u kacay ka dib markii Iran ay ku hanjabtay inay weerari doonto maraakiibta isticmaala marin biyoodka Hormuz si ay uga aargoosato duqeymaha cirka ee Mareykanka iyo Israel, taasoo si weyn u carqaladeysay saadka saliidda iyo gaaska ee Bariga Dhexe.
Suuqyada saamiyada waaweyn ee gobolka Aasiya-Baasifigga ayaa sare u kacay subaxnimadii Arbacada, Abriil 8.
Japan, Nikkei 225 waxay heshay 5 boqolkiiba, halka Kuuriyada Koonfureed, Kospi ay kor u kacday qiyaastii 6 boqolkiiba.
Hong Kong, Hang Seng wuxuu kacay 2.8%, halka Australia, ASX 200 uu kordhay 2.7%.
Mustaqbalka saamiyada Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaamay in Wall Street uu ku furmi doono meel sare.
Qiimaha dahabka, oo lumiyay qiyaastii 10% tan iyo bilawgii dagaalka, ayaa sidoo kale kor u kacay ka dib warka xabbad joojinta. Bullion ayaa kor u kacay iyada oo uu noqday $4,850, 28 kii garaam.
Sare u kaca qiimaha saliidda ayaa si gaar ah u sababay wadamada Aasiya inay qaadaan tallaabooyin adag.
Dalka Thailand, dawladdu waxay ku dhiirigelisay dadka inay xirtaan shaararka gacmo-gaabka ah halkii ay ka qaadan lahaayeen suud si ay u yareeyaan ku tiirsanaanta qaboojiyaha, halka Myanmar, baabuurta gaarka loo leeyahay hadda loo ogol yahay oo kaliya waddooyinka maalmaha la tookaysanayo iyada oo lagu saleynayo lambarada laysinka.
Bangladesh waxa ay dalka oo dhan ka hirgelisay koronto la'aan la qorsheeyay si loo ilaaliyo tamarta.
Filibiin, qaar ka mid ah wakaaladaha dowladda ayaa amar ku bixiyay in shaqaaluhu ay ka shaqeeyaan guriga ugu yaraan hal maalin usbuucii, iyadoo laga mamnuucayo safarka aan muhiimka ahayn.
Sri Lanka ayaa ku dhawaaqday Arbacadii in ay fasax u yihiin hay'adaha dowladda si ay u badbaadiyaan shidaalka.
Fiyatnaam, dadka waxaa lagu booriyay inay "Baaskiilada kaxeeyaan, isticmaalaan gaadiidka dadweynaha, oo ay xaddidaan isticmaalka baabuurta gaarka ah marka aan loo baahnayn."
Sidoo kale, Australia waxay sidoo kale dhiirigelisay isticmaalka gaadiidka dadweynaha.