Waa maxay go'doominta lagu samaynayo Iran sideese uga dhaqan galaysaa marinka Hormuz?

    • Author, George Wright
    • Author, Rachel Clun
    • Role, Business reporter
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan dhaqan gelinta go'doominta dhammaan gaadiidka badda ee soo gala iyo kuwa ka baxa dekedaha Iran Isniinta.

Waxay intaa ku dareen in maraakiibta ka imaanaya meelo kale loo ogolaan doono inay maraan marin biyoodka Hormuz, oo ah marin biyood muhiim ah oo Iran ay si hufan u xirtay iyadoo ka jawaabaysa weerarada Mareykanka iyo Israel.

Waxay timid ka dib markii wada xaajoodyadii labada dhinac ay ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka, kaasoo bilowday 28-kii Febraayo.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in wadahadalkii tooska ahaa ee Iran uu kula yeeshay Pakistan uu guul daraystay ,sababtoo ah Iran in "aanay diyaar u ahayn inay ka tanaasusho hamigeeda nukliyeerka".

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa ku eedeeyay Mareykanka "dalab xad dhaaf ah iyo codsiyada sharci darra ah".

Trump Muxuu ka yiri go'doominta?

Isaga oo ku daabacay barta Truth Social Axadii, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu bilaabayo joojint dhammaan maraakiibta isku dayaya inay galaan, ama ka baxaan, marin biyoodka Hormuz".

"Waxaan sidoo kale faray ciidamadeena badda in ay raadiyaan oo ay soo qabtaan markab kasta oo ku sugan biyaha caalamiga ah ee lacag siiya Iran, ma jiro qof bixin kara lacago sharci darro ah oo si badbaado leh u mari doona badda sare" ayuu yiri Trump.

Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku uu sidoo kale bilaabi doono burburinta miinooyinka uu sheegay in Iran ay dhigtay gudaha badda.

"Qof kasta oo Iiraani ah oo rasaas nagu soo rida, ama markab nabad ku socda xabad ku rida, wuxuu wajihi doonaa cadaabta!" Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Trump ayaa sheegay in "mar uun" heshiis ku saabsan xor u maridda gacanka la gaari doono, balse "Iran aysan oggolaan in taasi dhacdo waxay sheegaysaa oo kaliya, 'Waxaa laga yaabaa in meel hebla ay miino ku aasan tahay,' oo aan cidna la ogeyn iyaga mooyee".

Waxa uu intaa ku daray qoraal kale oo uu yiri "Iran waxay ballan qaaday inay furto marin biyoodka Hormuz, way ku fashilmeen inay furaan."

"Sidii ay ballan qaadeen, waxay si wanaagsan u billaabi doonaan hannaanka marin-biyoodkan caalami ah oo furan oo degdeg ah!" ayuu yiri.

Sidee loo sameynayaa go'doominta?

Buug-gacmeedka Taliska Ciidanka Badda Mareykanka ee sharciga hawlgallada badda laga soo bilaabo 2022 waxa uu xannibaadda ku qeexayaa "hawlgal dagaal oo lagaga hortagayo maraakiibta iyo/ama diyaaradaha dhammaan dawladaha, cadowga iyo dhexdhexaadka, in ay galaan ama ka baxaan dekedo cayiman, garoomo diyaaradeed, ama deegaano xeebaha ah oo ay leeyihiin, ay qabsatay, ama ay maamusho dawlad cadow ah".

Trump ayaa markii hore sheegay in ciidamada badda ee Mareykanka ay bilaabi doonaan hannaanka ay ku xannibayaan marinka badda, "si degdeg ahna u dhaqan galayso".

Kadib Axadii, wuxuu u sheegay TV-ga Mareykanka ee Fox News xannibaadda "waxay qaadan doontaa wax yar, laakiin waxay noqon doontaa mid waxtar leh dhawaan", wuxuuna ku tilmaamay siyaasad ay wax walba yihiin "in sida ay tahay loo wada fuliyo ama faraha lagala baxo".

Qoraal uu soo dhigay X, Taliska Dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay in ciidamadooda ay bilaabi doonaan dhaqangelinta go'doominta 5:00 PM xilliga geeska Afrik maanta oo Isniin ah.

"Go'doominta waxaa lagu fulin doonaa si dhexdhexaadnimo ah maraakiibta dhammaan dalalka soo galaya ama ka baxaya dekedaha Iran iyo xeebaha, oo ay ku jiraan dhammaan dekedaha Iran ee Gacanka Carabta iyo Gacanka Cumaan," ayaa lagu yiri.

Centcom waxa ay intaa ku dartay in ciidamada Maraykanku aanay caqabad ku noqon doonin xoriyada maraakiibta u kala gooshta iyo kuwa ka soo dega dekedaha aan Iran kuweeda ahayn, waxana xog dheeraad ah la siin doonaa badmaaxiinta ganacsiga iyada oo loo marayo ogaysiis rasmi ah ka hor inta aanay bilaabmin go'doominta.

Trump ayaa sheegay in dalal kale ay ka qeyb qaadan doonaan go'doominta, balse ma uusan sheegin dalalka kale. BBC-da ayaa fahamsan in UK aysan ku lug yeelan doonin xannibaadda.

Trump ayaa sidoo kale u sheegay Fox News in Nato ay u yaboohday in ay gacan ka geysato "nadiifinta" marinka.

Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu keeni doono kooxaha miino baarista, iyo in UK - oo xubin ka ah Nato - ay sidoo kale keeni doonto.

"Waan fahamsanahay in UK iyo dhowr waddan oo kale ay soo dirayaan miino-saarayaal," ayuu yiri.

Ra'iisul wasaare Keir Starmer ayaa horay u sheegay in nidaamyada miino-baarista ee militariga Britain ay horay u joogeen gobolka.

Afhayeen u hadlay dowladda UK ayaa yiri: "Waxaan sii wadeynaa taageerada xorriyadda socdaalka iyo furitaanka marin biyoodka Hormuz, kaas oo si degdeg ah loogu baahan yahay si loo taageero dhaqaalaha adduunka iyo qiimaha nolosha ee waddanka."

Afhayeenku wuxuu sheegay in marin-biyoodka Hormuz "aanu noqonin meel la isku ciqaabo".

"Waxaan si degdeg ah ula shaqeyneynaa Faransiiska iyo la-hawlgalayaasha kale si aan u mideyno isbahaysi ballaaran si loo ilaaliyo xorriyadda socodka."

Saddex khabiir oo dhanka sharciga ah oo ku sugan Maraykanka ayaa BBC u sheegay in xannibaadda ay ku xad-gudbi karto sharciga badda. Mid ayaa sidoo kale su'aal ka keenay in go'doominta, oo lagu dhaqangeliyo qaab militari, ay jabin doonto heshiiska xabbad joojinta ee hadda jira.

Maxay saamayntu noqon doontaa?

Muddada dhow, hanjabaadda Trump ee ah in uu xannibo marin-biyoodka waxa ay saamaynaysaa oo keliya dhawr maraakiib ah oo weli maraya marin biyoodka, sida uu BBC-da u sheegay khabiirka arrimaha maraakiibta Lars Jensen.

"Haddii tani dhab ahaantii ay sameeyaan Maraykanku, waxay joojin doontaa qulqulka maraakiibta yar ee wali isticmaalaya marin biyoodka. Aarrimaha waawayn ee wali jira, dhab ahaantii waxba kama beddelayso," ayuu yiri.

Jensen, oo ah madaxa fulinta ee Vespucci Maritime, ayaa sheegay in hanjabaada Trump ee ah in in laga hortagayo in si badbaado leh ay maraakiibta lacagaha canshuuraha siiya Iran ay marinka u isticmaalaan ay sidoo kale yeelan doonto saameyn yar, maadaama shirkad kasta oo sidaas sameysa ay marka horeba la kulmi doonto cunaqabateyn maadaama ay lacagasiiso Iran.

"Ugu horeyn, waxaa jira maraakiib aad u yar oo mara meesha. Laakiin in yar oo kuwaas ka mid ah ayaa lacag bixiya, kuwa bixiyana waxay mar walba la kulmi doonaan cunaqabateyn Mareykanka," ayuu yiri.

Inta badan shirkadaha maraakiibtu waxay sii wadi doonaan inay sugaan haddii uu jiro ififaale heshiis nabadeed oo bilow ah ku dhici karo iyo hadii heshiiskaas uu sii jirayo, ayuu yiri Jensen, haddii ay taasi dhacdo, kor u kaca qulqulka maraakiibta ayaa laga yaabaa inay dib u bilaabato.