Yaa ka mid ah madaxda kala matalaysa Iran iyo Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wada-hadallo heer sare ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa la filayaa inay ka dhacaan Islamabad, Pakistan (9:00 fiidnimo waqtiga Bariga Afrika) berrito, iyadoo lagu dadaalayo in nabad laga gaaro kaddib xabbad-joojin laba toddobaad ah oo ka jirtay Bariga Dhexe.
Wada-hadalladan, oo Pakistan dhexdhexaadinayso, ayaa imanaya xilli ay jirto hubanti la'aan weyn, iyadoo dagaallo iyo xiisado ay weli socdaan, mustaqbalka xabbad-joojintuna uu yahay mid jilicsan.
Aqalka Cad ayaa sheegay in wada-hadalladu ay sii socon doonaan isla markaana aan weli la gaarin heshiis kama dambeys ah.
Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa sheegtay in Maraykanku uusan wadahadallo u furi doonin warbaahinta, balse Madaxweyne Donald Trump uu aaminsan yahay in qorshaha hadda jira uu noqon karo saldhig loogu dhisi karo nabad waarta oo Bariga Dhexe ah ka hirgasha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirkan ay ka qeyb galayaan shaqsiyaad saameyn ku leh iyo madaxda sare, si loo fududeeyo go'aamo deg deg ah iyo heshiisyo.
Dhinaca Maraykanka waxaa la sheegay in ay matali doonaan koox uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, oo ay ku jiraan la-taliyaha sare Jared Kushner iyo ergayga gaarka ah Steve Witkoff. Tani waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Madaxweyne ku-xigeenka si toos ah uga qayb galo wada-hadallo noocan ah oo ku saabsan Iiraan iyo Bariga Dhexe.
Dhinaca Iiraan, waxaa la filayaa in ay matalaan hoggaamiyeyaal sare oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Mohammad Bagher Qalibaf iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi.
Pakistan, iyada oo uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif, ayaa door dhexdhexaadin ah ka ciyaaraysay, iyadoo labada dhinac ku casuuntay inay ku kulmaan Islamabad si loo gaaro heshiis muddo dheer ah. Sharif ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato hoggaaminta kulanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo dhammaan dhinacyadu muujiyaan xiisaha ay u qabaan wada-hadallada, haddana rajada laga qabo natiijo degdeg ah ma aha mid sare, maadaama ay weli jiraan kala duwanaansho siyaasadeed oo weyn, gaar ahaan arrimaha cunaqabateynta, tayaynta uranium-ka, iyo amniga gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Donald Trump ayaa muujiyey rajo ah in la gaaro heshiis, isagoo sheegay in ay jirto suurtagalnimada "heshiis nabadeed" haddii dhammaan dhinacyadu si daacad ah u wada-hadlaan.
Sida uu sheegay telefishink Iran, Iiraan ayaa soo saartay 10 shuruudood oo ku saabsan kulanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin.
- Xabbad-joojin laga sameeyo Ciraaq, Lubnaan iyo Yemen.
- In dagaalka ka dhanka ah Iiraan si buuxda loo joojiyo, iyada oo aan la samayn xannibaado ku-meel-gaar ah.
- In gebi ahaanba la joojiyo dhammaan colaadaha ka socda gobolka.
- Amniga iyo xorriyadda Marinka Hormuz la xaqiijiyo.
- In la furo Marinka Hormuz.
- In Iiraan magdhow la siiyo si ay dib ugu dhisto kaabeyaasha burburay.
- In laga qaado cunaqabateynta dhaqaale.
- In la sii daayo lacagaha iyo hantida Iiraan ee uu Mareykanku xayiray.
- In Iiraan aysan yeelan hub nukliyeer ah.
Inkasta oo dhinaca Maraykanku ay muujiyeen calaamado ah in ay aqbalaan shuruudaha qaarkood, haddana ma fududa in dhammaantood la aqbalo. Haddii dhammaantood la aqbalo, heshiis xabbad-joojin joogto ah ayaa si fudud loo gaari karaa.
Eedeynta ah in Iiraan ay dardargelineyso horumarinta hubka Nukliyeerka ayaa mar walba lagu tilmaamaa inay tahay sababta ugu weyn ee Washington ay u galayso dagaalka, inkastoo ay Tehran marar badan beenisay.
Ugu yaraan si cad, saraakiisha Maraykanku waxay u muuqdaan inay aaminsan yihiin in khasaarihii ka dhashay dagaalkii 12-kii maalmood ee la soo dhaafay iyo duqeymaha hadda socda ee Maraykanka iyo Israa'iil ay ku filan yihiin in ay Iiraan waqti dheer ku qaadato dib u dhiska barnaamijka nukliyeerka ee khatarta leh.










