Sidee qalabka elektaroonikada u saameeyaan jirkeena?

Xigashada Sawirka, BBC/ Serenity Strull/ Getty Images
Aaladaha elektaroonikada waxay jirkeena u saameeyaan siyaabo kala duwan adigoon ogeyn, hase yeeshee waxaad qaadi kartaa tallaabooyin lagu yareyn karo saameyntaas.
Marka laga hadlayo saameynta taleefoonada nagu leeyihiin waxaan diiradda saarnaa dhinaca maskaxda. Suxufiga lagu magacaabo Thomas Germain ayaa sheegay in dhawaan uu dareemay buro ka soo baxday fartiisa oo ah halkii uu ku qaban jiray teleefoonka. Aad ayuu ula yaabay isagoo is weydiiyay, sidee ayuu u saameeyay taleefoonka jirkeyga?
Wuxuu la xiriiray khubaro si uu u ogaado waxa dhacay. Jawaabta uu la kulmay ma aheyn mid dhiirogelin leh.
Daraasado dhawaan la sameeyay ayaa muujinaya in taleefankaaga iyo aaladaha kale ee elektaroonigga ahi ay beddeli karaan qaabka qoortaada, dhaawici karaan araggaaga, saameyn karaan habka aad u socoto, isla markaana daciifin karaan murqahaaga. Khubarada qaarkood waxay xitaa ka cabsi qabaan in ku tiirsanaanta tiknoolajiyadu ay soo dedejinayso gabowga.
Dhibaatooyinkan jireed qaarkood waxay sidoo kale horseedi karaan hoos u dhac ku yimaadda awoodda garashada ama dhibaatooyin caafimaad oo taas ka sii daran.
Hadii aadan doonayn in tiknoolajiyadu si xun u saameyso jirkaaga, waxaa jira tallaabooyin aad qaadi karto si aad uga hortagto arrimahaas.
Saameynta laf-dhabarka
Hadii aad akhrineyso warbixintan waxaa suuragal ah in aad madaxa hoos u raariciso si aad u eegto aalada aad haysato.
Xaaladan waxaa loo yaqaan "madax-raaricin", waxayna saareysaa dhowr kiilo oo culeys ah qortaada.
Haddii tani muddo dheer sii socoto, waxay dhaawici kartaa lafta-dhabarka, waxay culays saari kartaa kala-goysyada iyo murqaha, waxayna xitaa yareyn kartaa awoodda sambabbada. Mararka qaarkood waxaa loo yaqaan "tech neck" oo ah dhaawac qoorta soo gaaro oo tiknolojiyadu ay keento.
Waxay sidoo kale beddeli kartaa qaabka jirkaaga. Waxaa jira jimicsiyo gaar ah oo ay dhakhaatiirtu kugula taliyaan si loo yareeyo dhibaatadan. Si kastaba ha ahaatee, waxaad isla markiiba samayn kartaa waxyaabo fudud, sida in aad taleefanka kor u qaaddo. Khubarada qaar waxay ku taliyaan in laga nasto shaashada. Isku day in aad nus-saac kasta 20 daqiiqo aad joojiso isticmaalka shaashada.
Cuncun maqaarka iyo qoorta oo aad ku yeelato laalaab
Dhawaan waxaa soo baxay walaac cusub oo ku saabsan in isticmaalka joogtada ah ee aaladaha elektaroonigga ahi ay keenaan laalaab ku yimaadda qoorta.
Dr Justine Hextall oo ku takhasustay cudurrada maqaarka ayaa sheegtay in aragti ahaan ay macquul tahay.
Hextall waxay sheegtay in aan weli la helin daraasado lagu kalsoonaan karo oo caddeynaya xiriirkaas. Waxay sidoo kale ka digaysaa in aan la iibsan badeecooyinka internetka lagu xayeysiiyo ee sheegta in ay daaweeyaan "laalaabka qoorta ee ka dhasha isticmaalka aaladaha elektaroonigga."
Waxaa kaloo jira dhibaatooyin kale oo ku yimaada maqaarka oo la xaqiijiyay, gaar ahaan dadka muddo dheer xirta saacadaha casriga ah.
Dr Justine Hextall waxay sheegtay in gacanta meesha lagu xiro saacada ay fududeyso in fangas uu koro taas oo keeni karta cuncun iyo dhaawac gaara difaaca dabiiciga ee maqaarka.
Aragga oo daciifa
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Aragga oo yaraada ayaa si weyn u korortay tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Marka la eego isbeddellada dhacay, way fududahay in tiknoolajiyadda lagu eedeeyo.
Sida uu sheegay Prof. Donald Mutti, oo ku takhasusay indhaha, tani qayb ahaan run ayey noqon kartaa, laakiin ma aha sida dad badani u maleynayaan.
Mutti wuxuu sheegay in daraasad socotay in ka badan 20 sano lagu baaray horumarka indhaha carruurta iyo waxyaabaha sababa aragga oo daciifa. Mid ka mid ah su'aalaha ugu waaweyn waxay ahayd in la ogaado xiriirka ka dhexeeya aragtida gaaban iyo shaqada dhow, sida akhriska ama isticmaalka taleefanka.
Natiijada ayaa noqotay in aan la helin xiriir cad oo ka dhexeeya indhaha oo daciifa iyo isticmaalka aaladaha elektaroonikada.
Mutti wuxuu sheegay in tiknoolajiyadu ay si dadban u saameyn karto indhaha sababtoo ah waxay dadka ku dhiirrigelisaa in ay waqti badan gudaha ku qaataan.
Waxaa la rumeysan yahay in iftiinka qorraxda uu kiciyo soo daynta maaddada loo yaqaan dopamine ee qaybta dambe ee isha, taas oo ka qayb qaadata horumarka caafimaadka ee isha.
Gacmaha oo daciifa
Awoodda ay gacmaha wax ku qabtaan waxaa loo arkaa calaamad muhiim u ah caafimaadka guud. Dalal badan waxaa hoos u sii dhacaya awoodda gacmaha dhallinyarada.
Sida uu sheegay Prof. Johannes Beller, oo ku xeeldheer cilmiga caafimaadka bulshada, hoos u dhaca awoodda jireed ee jiilalka cusub wuxuu noqon karaa digniin muujinaysa caafimaadka mustaqbalka.
Wuxuu sheegay in shaqooyinka xafiisyada iyo fadhiga badan ay door ku leeyihiin hoos u dhaca awoodda jireed, taas oo sidoo kale saameyn karta xoogga gacanta.
Waxaa lagula taliyaa dadka in ay si xoog leh u cadaadiyaan kubbad yar sida tan tenniska muddo u dhexeysa 15 ilaa 30 ilbiriqsi.
Shaqada indhaha iyo gacmaha
Tiknoolajiyadu waxay sidoo kale u muuqataa in ay saameyso dhaqdhaqaaqa gacmaha kuwaas oo isku xira maskaxda iyo jirka.
Prof Sebastian Suggate, oo ku takhasusay cilmi-nafsiga iyo waxbarashada ayaa sheegay in marka la eego horumarka dhaqdhaaqa gacmaha in ay leedahay saameyn aan fiicneyn
Suggate wuxuu ku talinayaa in aan laga baqin ama la mamnuucin aaladaha elektaroonikada ah, balse si dheellitiran loo isticmaalo si aysan u faragelin nolol maalmeedka.
Shaqooyinka gacanta lagu qabto sida diyaarinta cuntada, farshaxanka, farsamada gacanta, alwaax-samaynta, barashada qalabka muusig ama xitaa qoristu waxay caawin karaan gacmaha.












