Weerarradii u dambeeyay ee Iiraan ku qaadday Israa'iil waxay muujinayaan dareenka awoodda sii kordhaysa ee Tehran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii Iiran ay ku ridday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn Israa'iil Axaddii iyo Isniintii, si ay uga jawaabto weerarrada Israa'iil ku qaaday Xisbullah ee Lubnaan, saameynta milatari ee degdegga ah waxay u muuqatay mid xaddidan.
Si kastaba ha ahaatee, muhiimadda siyaasadeed ayaa noqon karta mid aad uga weyn.
Sanado badan, Iran waxay ku sababeeynaysay weerarro toos ah oo ay ku qaaday Israa'iil inay yihiin aargoosi ka dhan ah falalka ka dhanka ah dhulkeeda, saraakiisheeda, ama danaha ay leedahay.
Markan arrintu waa ay ka duwanayd. Tehran waxay tallaabo qaaday kadib markii weerar lagu qaaday mid ka mid ah xulafadeeda, kaddib markii Israa'iil ay duqeysay dhisme lala xiriirinayo Xisbullah oo ku yaalla koonfurta Beirut.
Isniintii, ciidamada Iran waxay ku dhawaaqeen inay joojinayaan weerarrada ka dhanka ah Israa'iil, balse go'aanka laftiisa ee weerarka ayaa keenaya su'aal muhiim ah: maxay hoggaamiyeyaasha Iran u arkeen waqtigan inuu yahay mid ku habboon tallaabadan, iyaga oo og inay halis ugu jiraan inay kiciyaan falcelin milatari oo dheeraad ah oo Israa'iil ah isla markaana khatar geliyaan wadaxaajoodyada nabadeed ee jilicsan ee ay la leeyihiin Maraykanka?
Qayb ka mid ah jawaabta waxaa laga yaabaa inay ku jirto sida hoggaamiyeyaasha Iran u qiimeeyaan booska ay ku jiraan kadib bilo badan oo dagaal ah.

Xigashada Sawirka, EPA
Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay ka soo baxday dagaalka iyada oo dhinacyada qaar ku daciiftay, balse sidoo kale leh dareen xooggan oo adkaysi ah.
Inkasta oo ay jireen cadaadis milatari oo xooggan oo ka yimid Israa'iil iyo Maraykanka, cunaqabateyn dhaqaale, iyo xannibaad badeed oo Maraykan kusoo rogay, Jamhuuriyaddu weey adkaysatay.
Dowladda wali way jirtaa, hay'adaha amnigeeduna waa kuwo taagan, mana jirto kacdoon ballaaran oo dhacay, inkasta oo si joogto ah ay u saadaalinayeen mucaaradkeeda.
Khibraddaas ayaa laga yaabaa inay beddeshay xisaabinta Tehran. Halkii loo arki lahaa inay tahay dhinac nugul oo ka fogaada iska hor imaad kasta, Iran hadda waxaa loo arki karaa awood adkaysatay oo awood u leh inay dejiso xariiqyo cusub.
Istiraatiijiyadda cabsi gelinta?
Weerarka ka dhanka ah Israa'iil waxaa laga yaabaa inuu ahaa mid ka yar aargoosi balse ka badan cabsi gelin. Tehran waxay muujin kartaa in weerarrada lagu qaado xulafadeeda gobolka aan mar dambe loo arki doonin kuwo ka go'an weerarrada lagu qaado Iran lafteeda.
Fariintani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay Xisbullah, maleeshiyooyinka Ciraaq, iyo xubnaha kale ee shabakadda gobolka ee Iran, oo loo yaqaan ''bahwadaagta iska-caabinta''.
Saameynta Iran mar walba waxay ku tiirsanayd kalsoonida inay taageeri doonto xulafadeeda. Haddii aysan ka jawaabin kadib digniin cad oo ay siisay Israa'iil, kalsoonidaas ayaa dhaawacmi lahayd.
Marka laga eego aragtidan, weerarku ma aha oo kaliya mid ka dhan ah Israa'iil. Waxa kale oo uu fariin u diray xulafada Maraykanka iyo Israa'iil ee gobolka oo dhan, kuwaas oo si dhow u fiirinayay haddii Tehran ay fulin doonto hanjabaadeeda.

Xigashada Sawirka, Jalaa Marey / AFP
Wakhtiga weerarka
Wakhtiga weerarka ayaa sidoo kale xiiso leh. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan soo jeediyay in heshiis uu dhow yahay. Caqliga caadiga ah wuxuu dhihi lahaa Iran waa inay ka fogaato tallaabo kasta oo khatar gelin karta geeddi‑socodka diblomaasiyadda. Si kastaba ha ahaatee, Tehran waxay u malaysan kartaa si ka duwan.
Hoggaamiyeyaasha Iran waxay go'aansadeen muujinta xoog iyada oo loo marayo tallaabooyin milatari oo xaddidan si ay u xoojiso booska ay ku leedahay miiska wadaxaajoodka, halkii ay daciif ka ahaan lahayd.
Marka laga eego aragtida Tehran, muujinta diyaarinta adeegsiga xooggu waxay u adeegtaa inay xasuusiso Washington iyo Israa'iil in Iran weli ay leedahay ikhtiyaarro.
Tani micnaheedu maaha in Iran ay rabto wadaxaajoodyadu inay fashilmaan. Tehran waxay u muuqataa inay tallaabo qaaday si ay u dejiso tusaale iyo fariin siyaasadeed, balse aan gaarin heer ay ka dhigi lahayd kicitaan lama huraan ah.
Dareenka shacabka Iran
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Falcelinta shacabka Iran ee is‑weydaarsiga ugu dambeeyay waxay ka tarjumaysaa dood ballaaran. Qaar waxay u arkaan falalka Iran inay yihiin jawaab sax ah. Mid ka mid ah akhristayaasha BBC Persian ayaa yiri: "Iran ku biirista dagaalka si ay u difaacdo Lubnaan waa daacad iyo sax. Tan iyo heshiiska nukliyeerka, Iran ma aysan jebin sharciga caalamiga ah, weerarkanna waa jawaab ku aaddan dhinaca kale oo jebiyay xeerarka xabbad‑joojinta."
Qaar kale waxay su'aal geliyaan mudnaanta Tehran: "Ku dhowaad laba bilood waxaa dagaal ka socday koonfurta Iran, balse jawaab dhab ah lama bixin. Waxay u muuqataa in koonfurta Lubnaan loo arko mid ka muhiimsan koonfurta Iran."
Dad badan, dareenkooda ugu weyn waa walaac ku saabsan jihada uu is‑horimaadku qaadi karo. Mid ka mid ah muwaadiniinta Iran ayaa BBC Persian u sheegay: "Run ahaantii, qalbigaa i xanuunay markii dagaalku mar kale bilaabmay." Qaar kale waxay aaminsan yihiin in is‑weydaarsigu uusan isu beddeli doonin dagaal buuxa.
"Is‑horimaadkan ma aha mid aad u culus mana horseedi doono dagaal buuxa sida labadii hore. Iran waxay ogtahay in Maraykanku aanu rabin dagaal toos ah, sidaas darteed iyadaa hoggaanka u qabatay. Qayb ahaan waa dhacdo lasoo qorsheeyay iyo borobogaando, si taageerayaasheedu ay u dareemaan inay guuleysteen."
Suurtagal kale ayaa ah in weerarku ka tarjumayo niyad jab sii kordhaya oo ku saabsan jihada wadaxaajoodyada. Haddii Iran ay dareento in lagu cadaadinayo inay sameyso tanaasul iyada oo aan helin faa'iidooyin muuqda, tallaabadani waxay kordhin kartaa awooddeeda ka hor wejiga xiga ee wadaxaajoodyada.
Si kasta ha ahaatee, weerarku wuxuu muujinayaa hoggaamiye dareemaya ammaan ka badan intii ay filayeen indheergarad badan oo dibadda ku nool dhowr bilood ka hor.
Su'aasha muhiimka ahi ma aha in Iran ay diyaar u ahayd inay mar kale u adkaysato duqeynta Israa'iil, balse waa in ay hadda aaminsan tahay inay sidaas samayn karto iyadoo isla mar ahaantaas ku hawlan diblomaasiyad. Haddii ay sidaas tahay, Iran waxay isku dayi kartaa inay dejiso xaqiiqo cusub oo gobolka ah: mid ay wada xaajood iyada oo ka timaadda boos xoog leh isla markaana si firfircoon u ilaalinaysa xariiqyadeeda cas.a
Inkast oo habkan uu leeyahay khataro, haddana wuxuu ka dhigan yahay isbeddel weyn oo ku saabsan sida Jamhuuriyadda Islaamiga ah u fahamto amnigeeda iyo doorka ay ku leedahay Bariga Dhexe.













