Sidee ayuu Turkigu uga mid noqday gaashaanbuurta NATO?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Turkigu wuxuu martigelinayaa shir madaxeedka NATO ayaa markii ugu horreysey tan iyo sannadkii 2004 waxaa lagu qabanayaa caasimadda Turkiga ee Ankara, xilli xiriirka dalalka xubnaha ka ah uu mugdi badan hareeyey.
Xiriirka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Turkiga iyo NATO, oo soo billowday markii Turkigu ku biiray isbahaysiga sannadkii 1952, wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo ay hareeyeen khilaafaad iyo loollan juqraafiyeed oo soo tixnaa tan iyo xilligii dagaalkii Qaboobaa.
Inkasta oo marar badan ay jireen is-afgaranwaa ka dhex dhacay xubnaha NATO, haddana Turkigu wuxuu sii watay kaalintiisa muhiimka ah ee qaab-dhismeedka amniga ee isbahaysiga, wuxuuna noqday laf-dhabar muhiim u ah maaraynta khilaafaadka gobolka iyo iskaashiga difaaca.
Shir madaxeedka NATO wuxuu muujinayaa dadaalka Turkiga ee ku aaddan in uu yeesho door weyn oo ku saabsan nidaamka cusub ee amniga Yurub, iyo rabitaankiisa ah in uu si buuxda uga faa'iidaysto baahida difaaca ee gudaha nidaamka NATO, maadaama uu leeyahay awood dhanka warshadaha agabka gaashaandhigga soo saara.
Laakiin sidee ayuu Turkigu ugu biiray NATO? Sidee ayuu xiriirka labada dhinac u kobcay? Muxuuse Turkigu doonayaa in uu ka noqdo NATO mustaqbalka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
NATO waxaa la aasaasay 1949; Turkiguna wuxuu ku biiray saddex sano kaddib
Ka dib dhammaadkii dagaalkii Labaad ee Adduunka, Turkigu oo dagaalka dhex-dhexaad ka ahaa ayaa si degdeg ah ugu jihaystay nidaamka amniga ee reer Galbeedka. Sababta ugu weyn ee isbeddelkan keentayna waxay ahayd dalabkii Midowgii Soofiyeeti ee ahaa in loo oggolaado inuu saldhig ciidan uu ka sameysto marin-biyoodka Turkiga.
Ururka Heshiiska Waqooyiga Atlantikada (NATO) waxaa lagu aasaasay heshiis lagu saxiixay magaalada Washington 4-tii Abriil 1949. Markii la aasaasay, NATO waxay lahayd 12 dal oo xubno aasaaseyaal ah.
Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiska NATO waa Qodobka 5-aad, kaas oo dhigaya mabda'a "difaac wadajir ah." Sida uu qodobkaasi sheegayna, weerar lagu qaado hal waddan oo xubin ka ah NATO waxaa loo tixgeliyaa in uu yahay weerar lagu qaaday dhammaan xubnaha isbahaysiga.
Intii uu socday dagaalkii Kuuriya oo billowday 1950, Turkigu wuxuu halkaas u diray afar cutub oo ciidan ah si ay uga qayb qaataan dagaalka. Arrintaasna waxaa loo arkay farriin siyaasadeed oo cad oo muujinaysa sida Turkigu ay uga go'an tahay in uu xubin ka noqdo NATO.
18-kii Febraayo 1952, NATO waxay samaysay ballaarinteedii ugu horreysay, waxaana ku biiray dalalka Turkiga iyo Giriigga.
Sidaasna, Turkigu wuxuu markii ugu horreysay si rasmi ah uga mid noqday nidaamka amniga reer Galbeedka xilligii Dagaalkii Qaboobaa.
Sannadkii 1955 wuxuu ahaa sannad muhiim u ahaa Dagaalkii Qaboobaa. Jarmalkii Galbeed ayaa ku biiray NATO, halka Midowgii Soofiyeetina uu jawaab uga bixiyay isagoo dhisay Heshiiskii Warsaw.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muhiimadda Saldhigga Militari Incirlik
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Turkigu wuxuu heshiis amni la saxiixday Maraykanka sannadkii 1951, hal sano ka hor intii uusan ku biirin NATO.
Isla sannadkaas waxaa la billaabay dhismaha Saldhigga Cirka ee Incirlik, kaas oo bishii Diseembar loo furay si ay si wadajir ah u isticmaalaan Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga iyo Ciidanka Cirka ee Maraykanka.
Ka dib markii Turkigu ku biiray NATO sannadkii 1952, saldhigga waxaa lagu daray qorshayaasha iyo istaraatiijiyadda difaaca ee isbahaysiga.
Markii Dagaalkii Qaboobaa sii xoogaystay sannadkii 1955, saldhigga wuxuu billaabay hawlgalladiisa isagoo wata magaca "Saldhigga Cirka ee Adana." Sannadkii 1958 ayaa magaciisa loo beddelay Incirlik.
Saldhigga Incirlik wuxuu ahaa xarun aad muhiim ugu ah isbahaysiga reer Galbeedka. Intii uu socday Dagaalkii Qaboobaa, wuxuu ahaa xarun istaraatiiji ah oo NATO ay uga hortagayso saameynta Midowgii Soofiyeeti ee Bariga Dhexe.
Diyaaraddii sirdoonka Maraykanka ee U-2, oo Midowgii Soofiyeeti soo riday 1-dii May 1960, waxay ka duushay saldhiggan.
NATO iyo Maraykanku waligood si rasmi ah uma shaacin goobaha lagu kaydiyo hubka nukliyeerka ee saldhigga sababo la xiriira amniga.
Si kastaba ha ahaatee, muddo dheer waxaa jiray warar sheegaya in hub nukliyeer lagu kaydiyo saldhigga Cirka ee Incirlik.
Tusaale ahaan, xilligii Xiisaddii Gantaallada Cuba, oo dunida qarka u saaray dagaal nukliyeer ah, Midowgii Soofiyeeti wuxuu dalbaday in Turkiga laga saaro gantaalladii nukliyeerka ee Jupiter, iyadoo beddelkeedana uu ka saari doono gantaalladiisii Cuba.
Ugu dambayntii, xiisaddaasi waxay ku dhammaatay in gantaalladaas la qaado.
Ilaa maanta, weli waxaa jira warar sheegaya in tiro badan oo bambooyin nukliyeer ah oo nooca B61 lagu kaydiyo saldhigga Incirlik, hase yeeshee sheegashooyinkaas si rasmi ah looma xaqiijin mana la beenin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khilaafkii jasiiradda Qubrus
Hawlgalka uu Turkigu ugu magac daray "Hawlgalka Nabadda ee Qubrus" sanadkii 1974—kaas oo hay'ado kala duwan oo ka tirsan Qaramada Midoobay ay markii dambe ku tilmaameen "qabsasho"—ayaa sababay khilaafkii ugu weynaa uguna dheeraa ee dhex mara Turkiga iyo NATO intii uu socday Dagaalkii Qaboobaa.
Sannadkii 1975, Kongareeska Maraykanku wuxuu Turkiga ku soo rogay cunaqabatayn ballaaran oo dhinaca milatariga ah, isagoo ku eedeeyay in uu hubkii Maraykanka u adeegsaday xiisadda jasiiradda Qubrus.
Wax yar ka dib afgambigii milatari ee Giriigga, kooxo ka tirsan qowmiyadda Giriigga Qubrus ayaa mudaharaad ka hor dhigay Qunsuliyadda Giriigga ee magaalada Sydney 16-kii Luulyo 1974, iyagoo dalbanaya in Turkiga laga joojiyo taageerada Mareykanka maadaama uu hubkii la siiyey u adeegsaday colaadda Qubrus.
20-kii Luulyo 1974, Turkigu wuxuu ciidamo u diray Qubrus. Markii la gaaray 15-kii Agoosto 1974, xaalad cusub ayaa ka dhalatay jasiiradda, taas oo saamaynteedu weli taagan tahay ilaa maanta.
Isla sannadkaas, Golaha Wasiirrada Turkigu wuxuu ansixiyay go'aan lagu joojinayo hawlihii dhammaan saldhigyada iyo xarumaha milatari ee Maraykanka ku lahaa dhulka Turkiga, marka laga reebo saldhigga Incirlik. Gacan-ku-haynta xarumahaas waxaa si buuxda loogu wareejiyay Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga.
Xayiraaddaasi waxay keentay nusqaan weyn oo ku timid awooddii sirdoonka iyo difaaca ee NATO ee ka dhanka ahayd Midowgii Soofiyeeti. Cunaqabatayntaas waxaa la qaaday sannadkii 1978.
Dhanka kale, Giriigga wuxuu 1974 ka baxay garabka milatari ee NATO, isagoo ku dooday in isbahaysigu uusan ka hortagin faragelintii Turkiga ee Qubrus.
Hase yeeshee, sannadkii 1980, ka dib afgambigii militariga ee 12-kii Sebtembar ka dhacay dalkaas, dowladda militarigu waxay go'aansatay in dalku dib ugu laabto garabka milatari ee NATO.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Turkiga ka dib dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa
Dhamaadkii Dagaalkii Qaboobaa wuxuu wax weyn ka beddelay xiriirka Turkiga iyo NATO.
Burburkii Midowgii Soofiyeeti kadib, dad badan ayaa aaminsanaa in muhiimaddii juqraafiyeed ee Turkigu ay hoos u dhici doonto.
Si kastaba ha ahaatee, amni-darradii iyo xasillooni la'aantii ka sii jirtay Balkans, gobolka Caucasus-ka iyo Bariga Dhexe ayaa sababtay in Turkigu ka gudbo doorkii uu hore ugu lahaa NATO, islamarkaana uu noqdo waddan door dhexe ka ciyaara arrimaha isbahaysiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weerarradii 11-kii Sebtembar iyo NATO
Weerarradii argagixiso ee 11-kii Sebtembar 2001 Maraykanka lagu qaaday ayaa beddelay doorkii NATO.
Isbahaysigii markii hore ahaa heshiis difaac goboleed ayaa isu beddelay urur leh aragti caalami ah oo diiradda saaraya la-dagaallanka argagixisada iyo maareynta dhibaatooyinka amni.
Markii ugu horraysay uguna dambaysay taariikhda NATO, Qodobka 5-aad ee Heshiiska Waqooyiga Atlantik ayaa la dhaqan geliyay si loo taageero Maraykanka kadib weerarradii 11-ka Sebtembar.
Kadib markii xukunkii Taliban la afgembiyay dabayaaqadii 2001, Afghanistan waxaa laga hirgeliyay nidaam siyaasadeed oo cusub oo ay taageerayeen Maraykanka iyo ciidamada isbahaysiga caalamiga ah. Hawlgalka NATO ee Afghanistan wuxuu socday muddo 20 sano ah.
Hikmet Çetin oo hore u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa noqday Wakiilkii Sare ee ugu horreeyay ee Rayidka ee NATO u qaabilsanaa Afghanistan intii u dhexeysay 2003 iyo 2006.
Turkiga oo leh ciidamada labaad ee ugu waaweyn NATO marka laga reebo Maraykanka, wuxuu sidoo kale qabtay doorar muhiim ah oo dhinaca hoggaanka iyo maamulka isbahaysiga ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khilaafka ka dhashay nidaamka difaaca cirka ee S-400
Khilaafkii ugu weynaa ee sannadihii u dambeeyay soo kala dhex galay Turkiga iyo NATO wuxuu billowday sannadkii 2017.
Sababta ugu weyn waxay ahayd go'aankii Turkigu ku iibsaday nidaamka difaaca gantaallada ee S-400 oo uu ka soo iibsaday Ruushka.
Dalalka xubnaha ka ah NATO, gaar ahaan Maraykanka, ayaa si adag uga hor yimid tallaabadaas, iyagoo sheegay in nidaamka S-400 aanu la jaanqaadi karin shabakadaha difaaca ee NATO islamarkaana uu khatar gelinayo amniga isbahaysiga.
Khilaafkaas ka dib, Turkiga waxaa laga saaray barnaamijkii diyaaradda dagaalka ee F-35.
Maraykanku wuxuu sidoo kale Turkiga ku soo rogay cunaqabatayn uu ku fuliyay Sharciga La-dagaallanka Cadowga Maraykanka iyada oo loo marayo Cunaqabatayn (CAATSA), oo Washington u adeegsato waddamada loo arko inay khatar ku yihiin amniga qaranka Maraykanka.
Nidaamyada S-400 ilaa maanta looma adeegsan dagaal, iyadoo laga cabsi qabo inay sii xumeeyaan xiisadda kala dhaxaysa Maraykanka iyo weliba walaaca amni ee ay qabaan xulafada NATO.
Waxaa kale oo dhaawacay xiriirka Ankara iyo NATO taageeradii Maraykanka iyo qaar ka mid ah waddamada xubnaha ka ah NATO ay siiyeen xoogagga Kurdiyiinta ee Suuriya, iyo sidoo kale xayiraadaha hubka ee marar kala duwan lagu soo rogay Turkiga.
Si kastaba ha ahaatee, kala duwanaanshahaas ayaa markii dambe yaraaday. Wadahadallo dheer oo dhex maray dhinacyada ka dib, Turkigu wuxuu ansixiyay xubinnimada Finland ee NATO sannadkii 2023, halka uu oggolaaday ku biirista Iswidhan sannadkii 2024.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Doorka Turkiga ee NATO-da cusub
Shir madaxeedka NATO oo Turkigu martigelinayo mar kale kadib 22 sano ayaa ku soo beegmaya xilli ay dagaallo ka socdaan Yurub iyo Bariga Dhexe, arrintaas oo mar kale iftiimisay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Ankara u leedahay isbahaysiga.
Turkigu wuxuu door muhiim ah ku leeyahay kaabayaasha hawlgallada NATO, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Saldhigyada cirka ee Incirlik, Konya iyo Erhaç.
Xarumaha raadaarka ee Kürecik iyo Kısacık.
Taliska Ciidamada Dhulka ee NATO ee magaalada İzmir.
Xarumo wadajir ah oo laga hago hawlgallada cirka oo ku yaalla magaalooyin kala duwan.
Xarunta ciidamada badda ee Aksaz, iyo dekedaha Taşucu iyo İskenderun, kuwaas oo loo adeegsan karo hawlgallo militari haddii loo baahdo.
Intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Maraykanka, Israa'iil iyo Iiraan sannadkan, gantaallo laga soo riday Iiraan oo ku wajahnaa dhanka Turkiga ayaa la sheegay in lagu qabtay nidaamyada difaaca ee NATO. Arrintan waxay muujisay muhiimadda dhabta ah ee kaabayaashaasi u leeyihiin amniga isbahaysiga iyo kaalinta Turkiga.
Kulankii la qorsheeyay in uu Ankara ku dhex maro Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump 7-dii Luulyo ayaa sidoo kale loo arkayay mid ka mid ah kulamadii diblomaasiyadeed ee ugu muhiimsanaa ee lagu go'aamin lahaa jihada mustaqbalka ee xiriirka Turkiga iyo Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda sida xiriirka Maraykanka iyo NATO u saameyn doono muddada ka hartay xilka madaxweyne Donald Trump.
Waxaase muuqata in NATO ay gashay marxalad cusub kadib Dagaalkii Qaboobaa iyo xilligii ka dambeeyay.
Ujeeddada qaabka cusub ayaa ah in la yareeyo culayska milatari iyo kan dhaqaale ee Maraykanku ku qaado NATO, isla markaana hoggaanka iyo masuuliyadda ugu weyn ee difaaca loo wareejiyo waddamada Yurub.
Haddii mustaqbalka NATO lagu saleeyo qaabkan cusub, Turkigu wuxuu yeelan karaa door aad u weyn oo dhinacyada istaraatiijiyadda iyo hawlgalka ah, maadaama uu leeyahay mid ka mid ah ciidamada ugu awoodda badan ee isbahaysiga, isla markaana uu si weyn u horumariyay warshadaha difaaca ee dalka.















