Muxuu Maraykanku qarni kaddib dib ugu laabanayaa fulinta dilka toogashada ah ee fagaaraha ka dhacaya?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kumannaan qof ayaa meelo fogfog uga soo kala safray si ay u daawadaan dil dadku daawanayeen oo ka dhacayay gobolka Kentucky ee Maraykanka. Rag, haween iyo carruur ayaa buux dhaafiyay hareeraha webi, iyaga oo daawanayay dilka nin madow ah oo lagu helay dambiga kufsiga iyo dilka haweeney caddaan ah oo waayeel ahayd.
Waxay ahayd 14-kii Agoosto 1936, maalin Jimce ah oo aad u kulul, magaalada Owensboro ee gobolka Kentucky, xilli uu gobolka ka jiray mid ka mid ah hirarkii kulaylka ee taariikhiga ahaa.
Dadka qaarkood waxay habeenkii ku hoydeen meel u dhow goobta lagu fulinayay xukunka dilka, si aysan boosaskooda u lumin. Kuwo kalena waxay habeenkii ka horreeyay ka qaybgaleen xaflado loogu magac daray "tie parties" eray jeesjees ah oo loo adeegsan jiray isu-imaatinnada la qabto ka hor inta qof la daldalin.
Subaxdii ayay dadku yimaadeen goobta dilka, iyaga oo qaarkood weli ay saameyn ku lahayd khamrigii ay cabbeen. Dhallinyaro ayaa daawadayaasha ka iibinayay salool iyo cabitaanno fudud.
Markii ay saacaddu ahayd 5-tii aroornimo, xilligii xukunka dilka la fulinayay, tirada dadkii goobta isugu yimid waxay gaartay qiyaastii 20,000 oo qof.
Isla waqtigaas, Renee Bethea, oo ahayd agoon da'da soddomeeyada ku jirtay, ayaa loo waday goobta lagu daldalayay. Waxaa lagu xukumay dil kadib markii la sheegay inay qiratay inay, kufsatay, isla markaana dishay Licia Edwards oo ahayd haweeney 70 jir ah.
Galabtii ka horreysay dilka, Bethea waxay cuntay cuntadeedii ugu dambaysay oo ka koobnayd digaag la shiilay, hilib doofaar, baradho la shiiday, khudaar la dhanaaneeyay, rooti galley laga sameeyay, keeg iyo jalaato.
Dad badan oo halkaas isugu tagay, oo ay ku jireen wariyeyaal ka kala yimid meelo fogfog sida Chicago iyo New York, ayaa u yimid inay indhahooda ku arkaan qofkii aadka loo hadal hayay ee lagu fulinayay xukunka dilka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si kastaba ha ahaatee, waxay diidday inay iyadu gacanteeda ku jiiddo xarriga daldalaada e godku ka hooseeyo. Kaddibna dad ayaa loo xilsaaday xukunka dilka ah ee Bethea.
Dhacdadaasi waxay calaamad u noqotay dilkii ugu dambeeyay ee si fagaaraha loo fuliyo oo dadweynuhu si weyn u daawadeen, kaasoo ka dhacay Maraykanka.
Jawigii masraxeed ee hareeyay dilka Bethea ayaa ceeb ku noqday dad badan oo ku nool gobolka Kentucky, waxaana guddoomiyaha gobolka uu mamnuucay in xukunnada dilka lagu fuliyo fagaarayaasha dadweynaha 18 bilood kadib.
Waqtigaas, inta badan gobollada Maraykanka ayaa hore uga tanaasulay dilalka dadweynaha, iyadoo aragtida bulshada ay u wareegtay habab loo arkayay kuwo ka naxariis badan, isla markaana si qarsoodi ah loo fuliyo.
Sannadkii 1937-kii, dhowr boqol oo qof oo ku nool gobolka Missouri ayaa goob joog u ahaa daldalaad kale, balse dhacdadaasi ma helin sumcad iyo hadal-hayn la mid ah tii hore. Waxayse noqotay dilkii ugu dambeeyay ee dadweynuhu daawadaan ee ka dhaca Maraykanka, ugu yaraan ilaa wasaaradda difaaca Maraykanka ay ku dhawaaqday go'aankeeda cusub.
In ka badan 90 sano kadib markii Bethea la dilay, Xoghayaha difaaca Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa ku dhawaaqay in milatarigu si fagaare ah u fulin doono xukunka dilka ee Nidal Hasan, oo ahaa ninkii sannadkii 2009-kii ku dilay 13 askari oo aan hubaysnayn oo ay isku ciidan ahaayeen saldhigga Fort Hood ee gobolka Texas.
Pentagon-ka ayaa markaas shaaciyay in fulinta xukunka dilka ee toogashada loo adeegsanayo in si toos ah loogu baahin doono internetka.
"Dadku waxay u baahan yihiin inay fahmaan in falalka noocan ahi ay leeyihiin cawaaqib culus," ayuu yiri Hegseth.
Michael Radlett, oo ah borofisar hawlgab ka ah Jaamacadda Colorado, isla markaana muddo dheer cilmi-baadhis ku samaynayay xukunka dilka, ayaa sheegay inuu aad uga naxay go'aankaas.
"Marna ma aanan malaynayn inaan mar kale arki doonno dil fagaare," ayuu BBC-da u sheegay.
Wuxuu xusay in taageerada guud ee shacabka Maraykanku u hayaan xukunka dilka ay si joogto ah hoos ugu sii dhacaysay. Tusaale ahaan, sannadkii 1994-kii, taageerada xukunka dilka waxay ahayd boqolkiiba 80, balse hadda waxay hoos ugu dhacday boqolkiiba 52.
"Taageeradaasi si weyn ayay hoos ugu dhacday, gaar ahaan marka la tixgeliyo beddelka ah in qofka lagu xukumo xabsi daa'in isaga oo aan fursad u lahayn in xabsiga laga sii daayo," ayuu yiri.
Weli waa xilli hore in la ogaado sida shacabka Maraykanku uga falcelin doonaan dil si toos ah looga baahiyo internetka, balse waxaa ku dhowaad la hubo in hal milyan ama ka badan oo qof ay daawan doonaan.
Radlett ayaa sheegay in ku dhawaaqista go'aanka Hegseth ay ka dhigan tahay in "difaacidda xukunka dilka loo beddelayo madadaalo… soo qaata saloolkiinna oo saaxiibbadiinna casuuma."

Xigashada Sawirka, FPG/Staff/Getty
Ilaa heerkee ayaa xukunka dilka laga fuliyaa Maraykanka?
Sonia Lea, oo sannadkii hore daabacday buug ka hadlaya dilkii Bettia, ayaa sheegtay inay dareentay "cabsi aad u weyn oo ku saabsan mustaqbalka jiilasha soo socda" markii ay maqashay warka sheegaya in dilka toogashada loo adeegsanayo si toos ah loo baahin doono.
"Sannadkii 1936-kii, waxaa dhacdadaas loogu yeeray 'Bandhigga Arxan-darrada'," ayay tiri. "Hadda waxaan haysannaa tiknoolajiyad ballaarin karta tirada daawadayaasha, kana badan 20,000-kii qof ee isugu soo baxay inay daawadaan dilka ka dhacay Owensboro, Kentucky… taasina waxay arrinta ka dhigaysaa mid ka sii cabsi badan."
Cilmi-baaris ay Lea samaysay sannado badan kadib ayaa muujisay in dad badan oo reer Kentucky ah ay muddo dheer "saameyn ku yeesheen, isla markaana ay xusuusta dilkaasi ku reebtay raad aan ka harin."
"Waxaan qalbigayga ka aaminsanaa inaan arrintan ka soo gudubnay," ayay tiri. "Waa heer naxdin leh oo ay weli ku dhaqmaan dalal kooban oo dunida ka mid ah, sida Iiraan, Kuuriyada Waqooyi iyo Afgaanistaan. Hadda, annaga oo ah Maraykanka, ma waxaan isu aragnaa qayb ka mid ah dowladaha noocaas ah? Runtii waa arrin aad u argagax badan."
Hase yeeshee, Kurt Gray, oo ah borofisar ku takhasusay cilmi-nafsiga bulshada kana tirsan Jaamacadda Gobolka Ohio, ayaa sheegay in kala qaybsanaanta bulshada Maraykanka iyo jawiga siyaasadeed ee dalka ay suuragal tahay inay abuureen xaalad u gogol xaartay ku dhawaaqista noocan ah.
"Waxaa laga yaabaa in qaar ka mid ah dadka Maraykanku ay dhiig-daadin jecel yihiin, balse waxaan aaminsanahay in dad badan aysan sidaas ahayn. Haddii ay wax jiraan, qaar kale oo badanna waxay u badan tahay inay yara la qabsadeen rabshadaha," ayuu yiri.
"Ma aha in dadku dhiirrigelinayaan dilalka dadweynaha; falcelintoodu waxay u badan tahay inay tahay, 'Hagaag, waxay u muuqataa inaan heerkan soo gaarnay.'"
Ma si toos ah ayaa loo baahin karaa dilka ninkii weerarka ka geystay Fort Hood?
Cilmi-baarisyo kale ayaa tilmaamaya in Hegseth iyo maamulka Maraykanku laga yaabo inay si khaldan u fahmeen aragtida shacabka dalka.
Garen Wintemute, oo ah agaasimaha Barnaamijka Cilmi-baarista Ka-hortagga Rabshadaha ee Jaamacadda California, Berkeley, ayaa sheegay in xogta sahannadu muujinayso hoos u dhac ku yimid u-janjeeridda rabshadaha ee gudaha Maraykanka.
"Madaxa Shirka Hoggaamiyeyaasha Kiniisadaha Katooliga ee Maraykanka ayaa ku tilmaamay arrintan [ku dhawaaqista baahinta tooska ah ee dilka] mid bahalnimo ah. Waxaan aaminsanahay inuu ku hadlayo magaca dad badan," ayuu yiri.
"Waxaan u malaynayaa in qodobku yahay kan: dilalka dadweynuhu ma aha waxa aan nahay. Mana aha waxa aan dal ahaan higsanayno inaan noqono," ayuu raaciyay.
Doodda ka dhalatay ku dhawaaqistii lama filaanka ahayd ee Hegseth ayaa u muuqatay mid xitaa ka dhex socotay Aqalka Cad.
Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, J.D. Vance, oo haysta diinta Katooliga, ayaa sheegay inuusan daawan doonin dilka.
Saacado kadib, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu "si buuxda" u taageersan yahay qorshaha ah in dilka si toos ah internetka looga baahiyo. Hase yeeshee, wuxuu intaas ku daray in Pentagon-ku uu weli "dib u eegis ku samaynayo, go'aanna ka gaarayo" arrintaas.
Trump kama jawaabin su'aal ahayd inuu isagu daawan doono dilka Hassan iyo in kale.
"Waxba igama gelin sida loo dilayo; waxa i khuseeya waa in la dilo. Waxaanan aaminsanahay in xukunka dilku uu gebi ahaanba ku habboon yahay," ayuu yiri Trump.



























